Dimoqraadiyeynta Iyo doorashooyinka Puntland Oo Looga Hadley Chatham House London [sawiro]

October 18, 2012   //   Warar Somaali

Xigasho: Horseed-Media 

Xarunta machadka daraasaadka iyo ururrinta xogaha, iyo doodaha caalamiga ah ee loo yaqaano Chatham House, home of the Royal Institute of International Affairs ayaa maanta [Arbaco] waxaa khudbad ka jeediyey Gudoomiyaha KMG ah ee Gudiga doorashooyinka iyo dimoqraadiyeynta Puntland Dr. Maxamed Xasan Barre.

Waxaa kulankan si weyn ula socday kana soo qayb galay xubno ka socday wasaarada arrimaha dibada dalka Britain, wakiilo daneeya arrimaha Soomaalida, shaksiyaad Soomaali ah oo lasoo casumay iyadoo uu shir-gudoominayey Dr Michael Walls, oo barre ka ah University College London.

Gudoomiyaha ayaa hadal ka jeediyey isagoo ku dheeraaday talaabooyinkii commishinka Puntland ay qaadeen mudadkii ay shaqaynayeen, isagoo xusay in shirweyne lagu ansixiyey dastuurka rasmiga ah [convention] iyo ka bixitaanka hanaanka beelaha loona gudbo nidaam dimoqraadi ah oo qof walba la dooran karo isna uu wax dooran karo. Iyadoo ergooyin lagala keenay gobolada Puntland ay ogolaadeen [ratify] in loo guuro nidaam dimocratic ah. ayuu sii raaciyey.

Dr. Barre ayaa sheegay in Puntland ay ka hirgeliyeen nidaam dadka loogu wacyigelinayo hanaanka dimoqraadiyada waxna lagu barayo dadka [civic education] si ay u fahmaan nidaamka dowladnimada loogana baxo habka qabaailka iyo beelaha ku salaysan.

Nidaamka dimoqraadiyeynta Puntland wuxuu fure u yahay dhalinyarada, haweenka iyo qof walba oo danaynaya siyaasada, waana nidaam dib dadweynaha loogu celinayo awoodda, sidaas daraadeed waxaa naga go,an inaan howshaas dhameeyno, ka hor inta aan la gaarin mandate-keena oo ku eg dabayaaqada sanadka dambe, sidaas waxaa yiri Dr. Maxamed Xasan Barre.

Dood iyo falanqayn ayaa la soo bandhigay iyadoo su,aalo muhiim ah iyo aragtiyo kala duwan ay soo bandhigeen dadkii kasoo qayb galay kulakan.

Gudoomiyaha KMG doorashooyinka Puntland oo wax laga waydiiyey in ay jirto in madaxweynaha Puntland uu doonayo inuu doorashada sanad dib u dhigo ay tahay xukun kororsi ay dadka qaarkiis hadal hayaan, taas oo uu weydiiyey nin ka socday waaxda arrimaha dibada ee dalka Britain ayaa gudoomiyaha oo ka jawaabaya wuxuu yiri intaasi aysan xaqiiqo ahayn, Puntland dadkeeda iyo madaxda Puntland waxaa ka go,an ina loo gudbo nidaam sax ah oo cadaalad ah, waxaana soo baxaya 3-da xisbi ee ugu codadka bata. Iyadoo wax walba lagu dhameeynayo mudada halka sanno ah ee soo socota si doorashooyinka dambe looga maarmo in reer Puntland ay dib dambe wax ku doortaan 66 mudane oo beelaha ka yimid.

Su,aal kale ayaa ahayd in guddiga doorashooyinka ay caqabad iyo iska-caabin kala kulmeen qaar kamida deegaamadii ay wacyigelinta ka wadeen ayaa waxaa taas mar kale iska fogeeyey Gudoomiye Dr.Barre isagoo yiri dadweynaha Puntland soo dhoweyn iyo bisayl ayey kala kulmeen intii ay ku guda jireen soo calaamadeynta goobaha cod-bixinta.

Su,aal kamid ah kuwii la weydiiyey Gudoomiyaha KMG ee doorashooyinka ayaa waxaa ka mid ahayd sida ay u xakamayn karaan in qabiilada ay qaarkood samaystaan xisbiyo, iyagoo ah hal Beel. Gudoomiyaha ayaa kaga jawaabay in dastuurka uu qorayo in xisbiyada aysan beelo ahaan karin, oo ay noqdaan umadd isku jirta [diversity] oo wakiilo iyo xafiisyo ku leh gobollada Puntland.

Horseed Media
London UK

 

COMMENTS

RSSComments (4)

Leave a Reply | Trackback URL

  1. ASC!Dstuurk Waa nooce, yaasa wada, yaase loo wadaa? Waa yaab dadku markey u baahan yihiin biyo ay cabaan ayagoo ooman ma cuni karaan raashin ama cunto, taasi micnaheeda waxaa weeye Umadi aan heysan nabad buuxdo oo ay tahay mida hada luntey oo raadinteedii lagu jiro ka dul qaada waraaqaha aad kula dul wareegeysaan oo aad rabtaan inaad ku jaah wareerisaan umada ilaah darajeeyey,tan kale dad reer miya ah maxay ka qaban karaan DASTUURKA ay micnihiisa fahmin oo u baahan in waqti badan qaadanayo fahamkiisa ayadoo aan laheyn hanaankii ay ku shaqeyn laheed .Umada hada uma cuntameyso waxaad la dhuudhuumaneysaan oo aad hadba la tageysaan degmooyin iyo gobola joogo dad u baahan iney ilaaliyaan isku duubnida iyo kala danbeyntii putlad.Hadaba meel walba waxaa jooga calooshood u shaqeystayaasha aan ka damqaneyn jiritan umadi lakiin ay tooda kaliya la ciirciira ayagoo umada kula weereegaayo waxay ku coloobaan oo ay u horseedaan dhibaato iyo bara kac.Waxaan leenahay PUTLAND ka daaya jaaahwareerka aad galineysaan umada.Umadaas waa kuwa JECEL NABADA ahna umad u daacad ah HOGAANKA. waayeyna MAAMUL WANAAGSAN. Welina la´a NIN DAACAD U AH MAAMULKOODA.Waxaan intaa raacinayaa jir PUTLAND, BALAAYO ILAAHOW KA HAAY. Nimankaann beenta la wareegaayana barbar ka mari balaayadooda.Wabilaahi Towfiiq.

  2. caqil says:

    asc masha alaah hormar puntland gartay mohamed xasan bare masha alaah wax qabad la taaban karo bu qabtay dr bare waxan ka codsanaya inu isu soo taago jagada madaxweynaha maxa yeelay waxa lo bahan yahay qof karti leh sida dr bare

  3. Puntland dadwaynaheedoow maxaa idiin baxay iridkii Chatham house hortiisa oo la istaagaa maxay soo kordhin kartaa war maxaa idiin baxay odaygu waa soo lu’go’ay meeshaas lagama Dhagaysto heesihii kacaanka iyo aqoon ku salaysan bawsi. War Reer puntland xaggee ka baxeen haddii arinttaan xisbiyada loo dhanyahay mase ishaa sacabka la wada saaray war dadkii u ololayn jiray meesha Kama muuqdaane siiba gabdhihii mindhaa boowe waa la quustay.waxaa soo ifbaxday inaragtidii lagu kala qaybsamay alloow ur u bixi

  4. MR LOOGAQAATEEN says:

    waa mahadsanyahay sharkaake yare oo noo soo gudbiyey war bixintaan wanaagsan.liibaan aakhiro iyo aduunba,aamiin aamiin.

Leave a Reply