Doorasho ka dhacday Muqdisho iyo 14 Musharax oo doortay Al-Xaaji Maxamed Yassin [Sawiro]
September 3, 2012 // Warar SomaaliKulan maanta ay ku yeesheen magaalada Muqdisho 14 musharax oo u taagnaa qabashada xilka madaxtinimada Soomaaliya ee sanadkaan ayaa waxaa loogu doortay in Al-Xaaji Maxamed Yaasin noqdo Musharax Madaxweynaha Somalia, kadib markii ay u tanaasulaan musharaxa 14-naad oo ahaa Xaaji Maxamed Yaasiin Ismaaciil.
Tanaasulka ayaa yimid kadib markii musharixiinta oo ku bohoobay kudlada the national partnership for change ay isla ogolaadeen in ay iyagu isu codeeyaan Ninkii ugu cod batana ay u ogolaadaan in uu u tartamo jagada madaxtinimada dalka Soomaaliya iyada oo ugu danbeyntii uu codkii ugu badnaa helay Xaaji Maxamed Yaasiin Ismaaciil oo ah siyaasi si weyn guud ahaan dalka looga yaqaano.
Boqorka beelaha daarood Boqor Burhan Boqor Muuse iyo Issimo kale oo caan ah ayaa goobta fadhiyey, iyagoo si weyn u taageeray Xaajiga inuu noqdo musharaxa tartanka u geli doona kooxdan Musharaxiinta ah.
Musharixiinta tanaasulay oo dhamaantood ah rag Caan ah ayaa waxa ay kala yihiin:
Gen. Maxamed Nuur Galaal
Maxamad Maxamuud Guuleed.
Ismaaciil Maxamed Hurreh Buubaa.
Abdulqaadir Xaashi Cali (fish)
Eng. Abdi raxmaan Moallim (sharaf)
Hussein Khaliif Jaamac
Yaasiin Ibraahim Ciise
Prof Ahmed Muumin Warfaa
Yaasiin Maahi Malim
Mohamed Amiin Abdullahi
Aasha Ahmed Abdalla.
Mohamed Abdi rahmaan Nadiif.
Iyo Abdi Rahmaan Xaaji Cabdulle.
Musharixiintii maanta tanaasulay ayaa waxa ay dhamaan madasha ka sheegeen in ay bilaabeen waddo aan horay loogu arag Soomaaliya gudeheeda in ay ka dhacdo oo ah in rag iyagu musharixiin ahaa intey kulmaan ay isku raaceen in ay isu tanaasulaan.
Xaaji Maxamed Yaasiin Ismaaciil ayaa markii lagu dhawaaqay in isagu doorashada madaxtinimoda dalka Soomaaliya uu uga qeyb gelayo the national partnership for change ayaa waxa uu sheegay in uu wax badan kabedelayo hadii uu ku guuleysto kurisiga uu u tartamayo ee ay saaxiibadii maanta uga tanaasuleen.
Musharax Alxaaji Maxamed Yaasiin ayaa haatan safka hore kaga jira musharxiinta ugu cad-cad tartanka toban september Muqdisho ka dhicin doona, iyadoo la saadaalinayo in musharaxu helo siyaasiyiin kale oo iyagan ugu tanaasula inay codkooda isaga siiyaan, si uu u noqdo musharax kaliya oo ay ku midaysan yihiin dhowr iyo toban musharax.




1. magaca xisbiga National Partners for Change of Leadership, ma noqon karo magac xisbi.Waxaad moodda magac koox ku meelgaar ahaan u samaysatay si ay xukun ku helaan oo lagu beerlaxawsanayo dadwaynaha iyo xildhibannada.Kuwa kale hadday dhaaftay Dr.Ismaciil Buubaa siday u dhaaftay, mise weli Soomaali fara kama qodna oo wexeennu waa iska qarda jeex.
Waxaa mahad iyo bogaadin aan u jeedinayaa dhamaan odayaasha ku bahoobay National partner change for leadership oo kakooban qabaa’ilo somaliyeed oo isu tegey kuna bahoobay inay Somaali dhibaatada ku habsatay u guntadaan siddii dhalintii SYL dalka ku hogaamiyaan midnimo iyo cadaalad.
Guul ayaan idiin rajaynayaa waana u qalantaan inaad na hogaamisaan.
Nawaal xilka xigta iyo xidid maahan Baaye ee waa darajo iyo xil yaa muddan. Hadii Gaas uu shaqo qabtay Sharmarkeba shaly isagaa shaqo qabtay oo KMG dalka in laga saaaro waa ninkii blaabay aakhirkiina eersaday inuu kursigiisa ku waayo cadownimo loo qabo darteed. Sharmarke waa ninkii hawiye dhaheen war daaroodow ninkan kaalay naga wata waa na qabsadee!! Calaa kuli xaal Xiligan hada ah waxaa loo baahan yahay siyaasi cusub oo aan ragii hore ahayn sida Xaajiga iyo Baadiyow oo kale. Laakiin Gaas ha iska jilicsanaadee wuxuu ku darsaday qabyaalad hoose oo jifo ah. waxaana tusaale kuugu filan inta reerkiisa hoose ah oo xil ka haya xafiiskiisa isagoo reer Puntland aan haba yaraatee wax jago ah ka siinin marka ninkaas wuxuu iila egyahay nin daadku qaaday waana dhab Baskii uu soo sawiray amin amir ee ahaa war baskan waxaan CUMAR MAXMUUD ahayn ma raaacaan miyaa, laakiin waxaa lasoo ogaaday cumar xataa waxba kuma heystaa ee isbahaysi kale oo la jifo ah ayaa meesha isku buuratay laakiin maalmo kooban ayaa ninkan u haray..
maxamed yasiin ileey lacagta lee ay ka dhameysanayeen ma ahee wax ay uga tanaasuleen maleh ,hadiise ayba run tahay waxan ku leeyahay maxamed yasiin adna u tanaasul DR Abdiwali saa isagaa horey ugu jirey dowlada wax weyna ka qabtey xamar oo guulo wax ku ool ah soo hoyiyeye ee plz ugu shub PROF GAAS ! thank you ! I WISH ALL THE BEST FOR PRESIDENT DR ABDIWALI GAAS AND INSHALAH HE WILL BE ELECTED AGAIN AND FINISH THE GOOD WORK HE STARTED ! GUUL BAAN KUU RAJEEYEY INSHALAH !AMIIIIIN
waa wax aad ufiican in maanta musharaxiinta dhexdeedu isu tanaasulaan, waxaan rajaynayaa hadda kadib in saa laysugu tanaasuloo. al xaajina waa nin soomalinimodu aad ugu dheertahay, dhibka soomalihaystana hadii illahay lagarabgalo kasaarikara,
Waxaan Ilaahay uga baryaynaa Somalia Madaxweyne, khayrqaba oo Somalinimada iyo Daacadnimada aaminsan, Diinta Islaamkuna u Dheertahay, in uu siiyo, kana saara Maanta meesha ay Caalamka ka marayso, Waxaan aad ugu kalsoonahay, Al-Xaaji Max’ed Yaasiin, oo aan Aqoon dheer u leeyahay, iyo Kuwa la midana in ay ka saari karaan, dhibaatada ka taagan maanta Somaliya.
Waxaan mar labaad Allaha awooda leh waydiisanaynaa in uu naga dul qaado dhibka faraha badan ee na soo daashaday, nooguna badalo Dowlad Caadil ah, oo Soomalia dhibka ka saarta, Aamiin,Aamiin,Aamiin.
Allow Xaqa nagu dil!.
C/Caziiz ” Qulbushaanle “.
asc aad baan idinku mahad celinaya bahda puntlandnews24 masha alaah waa wax lagu farxo oo guul ah al xaaji mohamed manta somali oo dhan bu helay waana guul iyo chanis fican dhamaan raga u tanaasulay oo walaalahen ah ad ban ugu mahad celinaya somali ha noolato somali waa hal waa ilma abti ila habreed isu seedi dadku meel makala jiro