Dowlada Federaalka oo mamnuucday dhoofinta dhuxusha ee dekeda Kismaayo

October 27, 2012   //   Warar Somaali

Dowladda Soomaaliya ayaa mar kale ku celinaysa in la mamnuucay dhoofinta dhuxusha, iyadoo u hoggaansameysa qaraar ka soo baxay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo lagu boorriyay dowladda inay ka hor tagto tallaabo kasta oo lagu doonayo in lagu dhoofiyo dhuxusha, maadaama dhoofinta dhuxusha ay halis ku tahay deegaanka.

Sidaa daraadeed, waxay dowladdu walaac qoto-dheer ka muujinaysaa cid kasta oo ku xadgudubta qaraarka Golaha Ammaanka ee mamnuucaya dhoofinta dhuxusha, waxayna qaadi doontaa tallaabooyin ay ku xoojinayso sidii looga hortegi lahaa ku xadgudubka sharciga mamnuucaya dhoofinta dhuxusha.

Dowladda federaalku waxay mahad ballaaran u jeedinaysaa guushii ay ciidamada Midowga Afrika ka gaareen gacan ku dhigista magaalada Kismaayo, waxayna sidoo kale hoggaamiyeyaasha ka soo jeeda magaalada Kismaayo ku boorrineysaa inay muranka siyaasadeed ee u dhaxeeya iyo danahooda gaarka ah ay ka hor mariyaan midda guud si loo hubiyo adkeynta ammaanka iyo soo celinta kalsoonida shacabka.

Dowladda Soomaaliya waxay meel cad ka taagan tahay in dekedda Kismaayo iyo garoonka diyaaradaha ay yihiin kuwo u furan, dadka Kismaayo, isla markaana fududeynaya sidii shacabka loo gaarsiin lahaa gargaarka bini’aadannimo, iyadoo dowladda ay ku boorrinayso ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda inay sii wadaan howsha ay ku sugayaan ammaanka ilaa iyo inta laga dhisayo maamul kumeel gaar ah.

Waa mid iska cad in dadka deegaanka ay khaatiyaan ka taagan yihiin jahawareerka siyaasadeed, hoggaamiye kooxeedyada iyo kuwa mayalka adag, balse ay u baahan yihiin ammaan, xasilooni, helista waxyaabaha daruuriga ah iyo mustaqbal wanaagsan, sidaas daraadeed dhuxusha hadda ku xareysan dekedda Kismaayo waxay ku jiri doonaan meesheeda inta ay dowladdu go’aan ka soo saareyso.

Dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an inay u hoggaansanto qaraarka Golaha Ammaanka ee tiriskiisu uu yahay 2036 waxayna soo jeedinaysaa in la adkeeyo mamnuucista dhoofinta dhuxusha, waxayna diyaar u tahay inay gurmad u fidiso dadka magaalada Kismaayo iyadoo qaadeysa tallaabooyin ay isugu dubba-rideyso sidii gargaar halkaas loo gaarsiin lahaa, isla markaana ay hadda waddo qorshe markab gargaar sida loogu diri lahaa shacabka Kismaayo.

COMMENTS

RSSComments (5)

Leave a Reply | Trackback URL

  1. (khorikujoog) says:

    walahi yaab waaye% kismayo waxaa iigudanbeyse 2sano kahor hantidaas waxaa iskaleh harti kasokow nimankaas reer bari siiba calisalebaan iyo bakhaaraha xitaa !!! walahi xataa xassan baraf inaa loojojineynin danta kismayo, harti nimaan aqoon baa hadalka qaarkis yirahdo waa niman hadee rabaan washington harcad qabsankaro H * H * H * heebta harti iyo heebadeyda viva kismayo fanoole=calanley=farjane lugabaxsi aargada ilaa fuuma burgaabo kudhaa kooyaame madawi jula jabaa raskonboni kinyaansuu%%% wixii dhiiglahow kaca jubaland danaheeda cidna kalatashanmeyso allow nabada noosiyadi amiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiNNNN%%%

  2. Warsame Khalaf says:

    Qabta dadka criminal ka ah oo geedaha gubaya.

    W.Kh.

  3. Kuudhaa says:

    War hawiye warkiis waa dhamaaday,Ee Madaxwaaynaha Jubbaland ,Haddaan ku dhaqaawno,Buul shinbireed Ayuu Hawiye Gealayaa,Makulaal Madoodwna waa laga Xorayn Shabeelada Hoose

  4. garyaqaan muqdisho says:

    khaatumo seeg ayaad u aragtaa nacas baad tahay ficil lagusoo barbaarshay wax waliba waxaad u fasirtaa xuman hadad dad tahay gumaysiga aad gacmahaaga ku doonatay orod oo iska saar ama muqdisho imaad ii jilbaha na qabsada anagaa idiinka saarayne ileen dad iskama dhicin kartiin way istaqanaa somali war waxaad laha shiin waydeen pultland oo aad isku rer tihiin hargaysa ayaad u carartay orodoo ka xaaxabi somali ayaa horay ugu maahmahday fuli daandansi badan iyo nacas ficil badan toona lalama dago marka adeer kismaayo dowlada ayaa ka mamnuucday warxumo ayaad la waregaysa duli kaalay muqdisho rer gargaysa anagaa saacad kaaga sareyne gumaysiga ad ku dhagoolowday khaatumana waligeed aqoonsan mayno kismaana waa lawada leeyahay tasna ogow hadad riyo moodo ada arki kaabo waligeed waa loo talin jiray hadana goobaale ayaan uso magacawnay duli viva somaliawyn

  5. ta muqdisho taalana dhoofiya ta kismaanyana xayira taa waxaan u arkaa caqligii mukulaal madaw kkkkkk

Leave a Reply