Dowlada Uganda oo ka fiirsanaysa in ay hakiso howlaha ay ka hayso Soomaaliya

October 25, 2012   //   Warar Somaali

Dawladda Uganda ayaa sheegtay in ay dib u eegis ku samayneyso hawlaha nabad ilaalinta ee ciidmadeedu ka wadaan Midowga Africa dalalka ku dhexjira, kadib markii lagu eedeeyey Uganda in ay farogelin ku hayso dalka ay dersika yihiin ee Kongo isla markaana taageeto Jabhada m23.

 

Wasiirka arrimaha dibadda ee Uganda Asuman Kiyingi ayaa sheegay mar uu waraysi siinaayey BBC in ay dib u eegis ku samaynayaan hawlaha nabad ilaalinta ee ay Soomaaliya ka wadaan, waxaaana Soomaaliya ka jooga ciidanka ugu badan ee ka socda Midowga Afrika.

Eedaynta ayaa wasiirku sheegay in ay tahay mid sumcad xumo u soo jiideysa dalka Uganda, isla markaana ay keenyaso in aan ciidamadeena kala soo baxno Soomaaliya.

Dalka Uganda ayaa hadda isku xiraya eedaymaha loogu jeediyo in ay taageeraan jabhadda M23 iyo hawlagalada Qaramada Midoobey taageerto ee ka socda Soomaaliya, waxaana muujinayaan doorka weyn ee nabadda Soomaaliya ay ku leeyihiin.

COMMENTS

RSSComments (1)

Leave a Reply | Trackback URL

  1. cabdulaahi cali says:

    salaama calaykum

Leave a Reply