“Jabuuti waxa ay naga caawinaysaa la dagaalanka burcadbadeeda iyo argagaxisada” Wasiirka amniga
January 21, 2013 // Warar SomaaliMadaxwaynaha Puntland Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole iyo wafdi uu hogaaminayo oo ay ka mid yihiin wasiirka dekedaha, gaadiidka badda iyo ladagaalanka burcadbadeeda Eng. Saciid Maxamed Raage iyo wasiirka amniga Khaliif Ciise Mudan ayaa kula kulmay dalka Jabuuti madaxwaynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.
Wasiirka amniga Puntland Khaliif Ciise Mudan oo la hadlay warbaahinta gudaha ah ee Puntland ayaa sheegay kulanka in looga hadlay sidii dowladda Jabuuti ay Puntland uga caawin lahayd dagaalka ay kula jirto kooxaha burcadbadeeda iyo aragagaxisada.
Waxaa uu sheegay dalka Jabuuti inay kulamo kale kula qaateen wasiirka maaliyadda Itoobiya iyo diblomaasiyiin Mareykanka kasocda.
Madaxwaynaha Jabuuti oo hoygiisa ku qaabilay wafdiga madaxwayne Faroole ayaa waxaa kulanka lagu soo qaaday taageeridda Jabuuti nabada iyo midnimada Soomaaliya, taageeridda Puntland dhinaca la dagaalanka burcadbadeeda iyo argagaxisada sida wasiirka uu sheegay.
Madaxwaynaha Puntland ayaa todobaadkii hore dalka Jabuuti uga qaybgalay aaska gudoomiyihii bankiga dhexe ee Jabuuti Jaamac Maxamuud Xayd oo ay walaalo yihiin marwada koowaad ee Jabuuti Qadro Maxamuud Xayd.
Puntland-News24



Khaliif,waxaad tahay nin hanti badan ku tab caday,xiliyada ka guurka,waxaad tahay laba wajiile,ma dherge,ma quuste,ma qance,maanlawe.intaas ayaad ku sifoowday waxaa kuu wanaagsan inaadan naftaada haligin,waxaad qof jar uga boodaba adaay kula boodin aakhirka,waxaad ummad shirqooshaba adaa aakhirka lagu shirqoolin waa iga talo,waxaan kuu sheegayo Aduunyadu waa macaan qof walbana kama dhergo,Ee armaad khamrigaaga tar-tiib u cabtaa,Faroole asxaan umaad samaayn,oo caruurtii ayaad khamri ka bartay,wuuna ka shalaayin barashuu ku bartay?
faroole & ina ciisa mudan Runtii ayagaaba burcad badeed ah.marka waxaay kawadaan hanala ku sii taageero sidii aan u sii ahaan lahayn burcadbaded. balse u malayinaiyo in aay u suur toobayso taasu sababato ah maalkasta waa laga ogyahayhada gamka aay cayaara yaan.
asc walaahi waa wax laga naxo djabuti oo teeda u liidata una nool isku dirka somaliya djabuti dadka ku nool oo dhan maca rag iyo dumar iyo ciyaal waa 700 oo qof faroole waxa usu dhibay ismail cumar geele maxa yeelay ismail cumar geele waxa ku faista hogaamiye kooxeedyada sida faroole muuse suudi yalaxow faroole hada madaxweyne maaha waa qabqable dagaal waxu diil kula galay ismail cumar geele inu dekada bosaaso lacagta kaso baxda saami ku yeesho lacagta inu dhigto afwaliinjo jabuti in lacagta burcad badeeda ay kala qabsadaan in daroodka hada laysu keenayo la kala fogeeyo waxan aad uso dhawaynaya golaha badbadinta puntland oo lamagacabay
Dullinimo hadalkaan baa ugu Filan maamulka p/land Djabouti ayaa nakaalmeeyneeysa….maba xumee maxeey heysataa oo idinku kaalmeeysaa!.
ninka la baxay PARLAMANKA DULMAN saxib iska dulmanow ilayn waxaad u hadlaysaa sidii nin cugdad heyso oo ciil ayaa kaa buuxa cuqdado dawo maleh waa cudur xun xitaa akhriadada uma fiicna
mida kale sxb habaarku ma fiicnaa mana lagu aqon puntlander in ay habaaramaan ee maxaa kaa si ah , xagaase ka keentey xanuunka kolba GEN kuma sheegine oo ma anan ku aqoon inuuhabartamo
Puntland ha guuleysato
cadoodow geedu ha dhaco
Waaba xannuunsan yahay ayaa la leeyahay tan ayaana markhaati u ah hadu caafimaad qabo sawirkiisa ayaan arki lahayn, khaliifna wuxuu noqday Maxamed Qanyare Afrax oo kale, oo markii Caydiid oo dhintay la weydiiyey, yiri, Illaahayaa ogow xafiiskiisii ayuu fadhay, waana shaqaynayey, adeer ummadda ka hor wareega, Golaha CPC ha guulayso, Gen. Samatar ha guuleysto