Dowladda Puntland oo cambaaraysay dilkii Col. Maxamed Xasan Farey iyo walaalkiisa Gaalkacyo loogu gaystay
July 31, 2012 // Warar SomaaliDowladda Puntland ayaa cambaaraysay falkii xalay magaalada Gaalkacyo lagu dilay Col. Maxamed Xasan Farey iyo Maxamed Cismaan Farey.
Wasiirka diinta iyo cadaaladda Puntland C/qaliif Xaaji Xasan Ajaayo oo wariyeyaasha kula hadlay magaalada Garoowe ayaa sheegay inuu siweyn uu u cambaaraynayo ciddii ka dambaysay falkii dilka ahaa ee xalay ka dhacay magaalada Gaalkacyo.
Waxaa uu sheegay Col. Maxamed xasan Farey inay saaxiibo wada ahaayeen sidoo kallena ay iska soo dhigeen ilaa heer dugsi dhexe.
Wasiirka ayaa ku nuuxnuuxsaday dilalkan inay kuwo lagu beegsanayo dadka aqoonyahanka ee Puntland si shacabka aysan waxba u qabsan.
Shacabka Puntland ayaa siweyn uga xumaaday una cambaareeyay dilkii xalay kadhacay magaalada Gaalkacyo oo lagu tilmaamay inuu ahaa fal ka baxsan banii’aadantinimda, maadaamada labada marxuum la dilay iyagoo bil Ramadaan lagu jiro, ayna kasoo baxeen masjidka kuna sii jeedeen inay hoygooda kasoo aafuraan.
Puntlandnews24.



anigu waxaan qabaa in dhamaan umada reer puntland iyo somali weyn oo dhan ay hada kadib isku haleynin maamuladooda ee ay iyagu naftooda ay hub qaataan oo ay hadii lasoo hajuumo ay isaga difaacaan … yaan la isku haleyn.
Waxba ma badalaysid Benlaw