Dowladda Puntland oo ka digtay shaqsiyaad horay u fashilmay in mar kalle hogaanka dalka loo doorto

September 8, 2012   //   Warar Somaali

Dowladda Puntland ayaa maanta soo saartay warxsaafadeed ay ugu digayso xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya inay soo doortaan shaqsiyaad ay ku sheegtay hogaanka dalka inay horay ugu soo fashilmeen.

Warsaxaafadeedka dowladda Puntland kasoo baxay ayaan lagu cid si gaar ah loogu xusin, balse waxaa lagu sheegay inay ka digayso iyadoo laaluush la qaadanayo in lasoo celiyo shaqsiyaad horay ugu fashilmay siyaasadda dalka.

“Dowladda Puntland waxay siweyn uga digaysaa doorahsada siyaasiyiin horay loo tijaabiyay kuna fashilmay xilkii qaran ee loo igmaday iyagoo ka door biday danahooda gaarka ah isku dirka iyo soo noolaynta colaad bulshada dhexdeeda ah, taasoo soo celin karta burburkii Soomaaliya horay uga jiray hadii shaqsiyaadkaasi tilmaantaasi leh xukunka dalka ku yimaadaan si aan cadaalad ahayn dowladda Puntland waxa ay xaq uleedahay inay ka tashato aayaheeda, iyadoo raacaysa dastuurka Puntland” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay Puntland oo uu aqriyay afhayeenka Axmed Cumar Xirsi Libaaxjoorre.

“Puntland waxaa ay baarlamaanka ku boorinaysaa inay dalka ujiheeyaan waddo cusub “ ayuu sidoo kalle yiri afhayeenka.

Warsxaafadeedka kasoo dowladda Puntland waxaa uu imaanayaa iyadoo hal maalin oo kaliya ay ka harsantahay doorashada xilka madaxwaynaha Soomaliya oo lagu balansanyahay inay dhacdo 10-ka bishaan.

Puntland-News24
Garoowe.

COMMENTS

RSSComments (7)

Leave a Reply | Trackback URL

  1. faroole waa halyeey waana nin aan runta lagaban waayo puntland aq ayay uleedahay in ay aayaheeda katashato cid ay masiirkeea udabo fadhiisanaysaana majiraan waayo anagu waxaanu dooranay madaxweyne cabdiraxmaan faroole isagaana kuhadlaaya afka shacbka puntland

  2. warsame says:

    kkkkkkkkkkkkk Faroole ayaa cid fashil ku tilmaamaya isaga oo lacagtii umada puntland ku shubtay shirkada Towfiiq iyo Bangiga Dahabshiil ee Jabuti, lacagtii uu shirkadaha shidaalka ka qaatay oo uusan Paarlamaanka Puntland soo marin xagee geeyay, mala waydiiyay? Ninkaas ayaa shariif fashil ku sheegaya, Shariif inta Faroole musuqmaasuqay ayaa ka badan inta uu qaatay. Qofku waa inuu is ogyahay marka uu umad kale wax ka sheegayo.Mise waa boor isku qarin.

  3. war heedhe soomaali waayo huray kala tagtay haygu sheekaynina waxaan soconayn faroole waxuu ma suulkahay umada rer buntland waxuuna xaq uleeyahay inuu ka hadlo waxii aanucuntmayn viva faroole

  4. Faroole wu si washay eee yu umada somaliyeed o nabada rajenayo yu niyada kajabin faroole ma. Ahan shaqsi fiyow marka. Warkisa yaaan la sheg shegin. Mesha somaliweyn ba iskutimid oo ayahoda ka tashaday marka nin hadla haiska hadlo rer puntland xildhibano. Wa ugujiraaan barla$anka cusub marka wixi kale ooay qeb uhelaan we leyihiin cid xaqeda ladafirayo majiraaan somalia wa isracday wana dowlad buxda oo 4 sano aha dhalatay isha allaah ninki kusonaxa aya latageraya cido dono haka sojedo guuul guuul somalia

  5. jabshe says:

    micnaha waxaa idiin so baxday miyaa in sheik shariiif ku soo bixi rabo kkkk waan u maleynayay calaan calka farole waan goosanayaa waan ka go,nay somali kkkkk sheekada somaliland cml miyaaa soo wadaaaaaaaaaaaan

  6. Pland law firm says:

    Kkkkkkkk wat a statment,kkkkkkkkkk hadi waxa aan rabno layeeli waayo waa tashanaynaa,kkkkkkkk kkkkkkk waana taageersanahay mowqif walba oo maamulku go’aansado dal iyo dibedba.wabillaahi towfiiq

  7. hadii ad adigu tuurleedahay iyo tootir iyo

    qaalo midkaleeto in ad toosisaa waa tu aan dhicine waxa layiri maroodigu takarta saaran ma arkohe wuxu arkaa tan midkale saaran puntland waa hoyga fishilka iyo burburka sidaas darteed maamulka puntland xaq umalaha in uu cid fashilku eedayoh waa aabaha fashilka hadii uu mooday puntland in ay garoowe tahay puntland waa burbrtay oo maanatay meel ay jirtoh lamasheegi karo

    ma difaacayo in ayjiraa dadku fashil may dowladnimada soomaali ooloo yaqaan wadan faashil ah laakiin ninbaa lagasheegay goortaan arkoh waraabe waraabe kagardaran

    baan xanaaqaa hada tanu waa waraabihi waraabaha kagadaraa nin waxarihi kufilaan waayay ma aha in uu kahadlo rag geeldayacay

Leave a Reply