Dowladda Puntland oo ka hadashay markabkii ku gubtay dekedda Bosaaso

August 24, 2012   //   Warar Somaali

Wasaaradda dekedaha iyo gaadiidka badda Puntland ayaa maanta shir saxaafadeed ay ku qabatay xarunteeda magaalada Bossaso waxaa ay tafaasiil dheeraad ah ay kaga bixisay markab dab uu ku qabsaday gudaha dekedda Bosaso.

Wasiirka wasaaradda dekadaha iyo gaadiidka badda Puntland Eng. Saciid Maxamed Raagge oo ugu horayntii shirsaxaafadeedka ka hadlay ayaa waxaa uu sheegay, markabka gubtay inuu ahaa nooca loogu tallagalay kalluumaysiga oo ka samaysan aalladda Febric Classica.

Waxaa uu sheegay markabka inuu kusoo xirtay dekedda Bosaso 10-kii bishan islamarkaana uu ka baxay ilaa 13-ka ,kadib markii shidaalkii saarnaa laga rogay.

Dabka markabka ka kacay ayaa waxaa uu sheegay inuu ka yimid cillad dhanka matoorka ah, maadaama markabka uu icillad farsamo uu u yaallay gudaha dekedda Boosaaso.

Wasiirka dekedaha Eng. Saciid Maxamed Raagge ayaa ku dhaliilay ganacstadu inaysan fulin codsiyo ay horay ugu jeediyeen oo ahayd inay dab damis keenaan dekedda si looga hortago khasaaraha ka dhalan kara masiibooyinka dabka ee xiliyada qaar qabsata maraakiibta dekedda ku xiran.

Dhinaciisa waxaa uu balan qaaday dowlad ahaan inay keeni doonaan maalmaha soo socda dab damis u gaar ah dekedda Bosaso.

Bashiir Ibraahim Faarax oo ka mid ah ganacstada shirkadda Netco oo iska leh Benderqaasim2 oo ah markabka gubtay ayaa isaguna xusay arintan inay ahayd masiibo, islamarkaana aysan jirin cid ay ku eedeeynayaan inay ka dambeysay, waxaana uu ku amaanay shaqaalaha wasaaradda dekedaha iyo gaadiidka badda oo waxyeelada dabka ka badbaadiyay maraakiibta kalle ee ku xiran dekedda Bosaso.

Dekedda magaalada Bosaso ayaa sidaan oo kalle marar sii horaysay waxaa uga kacay dab qasaarre gaystay oo qabsaday doonyo u kiraysnaa ganacsatada reer Puntland ah.

Puntland-News24

COMMENTS

RSSComments (4)

Leave a Reply | Trackback URL

  1. daljire says:

    dawladu cashuurbay qaadaa waa inay dabdamisyo keentaa,

  2. Gacaliye says:

    Xalimo wa*mana waa rabtaa s**lna ma leh!
    Waxay lamid tahay sidaad wax u wadaan maryooleyey.

    Magalaad dhistaan oo dab damis maleh,

    Deked baad dhistaan oo dab damis maleh,

    Hospital baad dhistaan oo dab damis maleh,

    Infrastructure baad isku daydaan inaad dhistaan, iskuma daydaan 100m oo dariskaagu kuu juro inaad laami ka dhidtaan,

    balse geel jire’heenii, lo jire’heenii, ari’jireheenii baad cell phone ka wada gadeen si ay qurbe’joogta u dawr’sadaan.

    We are more effective than the US in sending $50 to an old mother, starving
    relatives any where in the world within minutes.

    But remember it is the US, not the “long shirted” primitives who made it possible.

  3. jabshe says:

    maamulka garowe dheh dowlad meesha kama jirtee midka so qoray qorlaakaan sarqaan miyaa ma cabsanyahay maxa ka qaldan kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

  4. faarax says:

    soomaali layab qabyaalada daaaya nin waliba meshuu ka cabi karo haka cabbo, ama wadaanta haka darsado , maxamud saleebaan wadanka ma iyagaa leh ,

Leave a Reply