Dowladda Puntland oo mamnuucday shidaalka Yemen looga Keeno Puntland
February 7, 2013 // Warar SomaaliDowladda Puntland ayaa mamnuucday shidaalka ganacsi ee doonyaha yaryar ay ka keenaaan dalka Yemen.
Shidaalka Yemen laga keeno ayaa ah kuwa shushub ah oo lagu iibiyo dekedda wayn ee magaalada Bosaso, iyadoona qarash ahaan ka jaban shidaalka kale ee laga keeno dalka Imaaraatka Carabta.
Wareegto kasoo baxday xafiiska wasaaradaha maaliyadda iyo dekedaha ee Puntland islamarkaana tixraacaysa wareegto horaantii bishii hore kasoo baxday xafiiska madaxwaynaha Puntland ayaa lagu amray joojinta shidaalka ka yimaada dalka Yemen.
Mid ka mid ah ganacsatada ka macaasha shidaalka ka yimaada Yemen ayaa ku waramay shidaalkaasi inay markii hore dalka ay keeni jireen doonyo yaryar.
“Waxaa jiray wakiilo Soomaliya u fadhiyay ganacsatada Yemen oo shidaalka uga iibin jiray dalka, kadibna dhaqaalaha udiri jiray ganacsatada shidaalka soo dhoofsaday” ayuu sheegay ganacsade kusugan Bosaso oo la hadlay Pn24
Dadwaynaha ayaa inbadan oo ka mid ah iibsan jiran shidaalka qarashka yar ee laga keeno dalka Yemen, waxaana taasi ay keentay inuu yaraado macaamiishii shidaalka ka iibsan jiray shirkadaha waawayn ee shidaalka ka dhanacsada fadhigooduna yahay Puntland.
Arintaan ayaa u muuqata mid dowladdu ay garab ku siinayso shirkadaha ganacsi ee waawayn inay yeeshaan suuqyada shidaal ee Puntland.
Halka hoos ka aqri wareegto joojinta shidaalka Yemen oo dowladu soo saartay
Yaasiin Koronto
Puntland-News24




Tani waxaay dan ugu jirtaa faroole iyo faarax cali shire,waana wax lagu qoslo,ayagoo taagan naf ka bax inaay wareegta beena ,oo aan sharci ahay soo saraan,waxaa horta iswaydiin leh iayagu sharci mayihiin KKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKk
faroole iyo inta la shaqaysta ayaa dan ugu jirtaa joojinta shidaalka yaban,waana waxaan cidna ka qarsoonaay,waa in layska rogaa reeryada faroole iyo canasirtiisa,xaraanta ku naaxday dadkana dulaystay,wax walbana raba inay iyagu isku koobaan kana faa’iidaystaan.Hal booliya nirig xalaala ma dhasho,faroole asagoo wasiisa ayuu weeraray barlamaanka puntland kuna haligay naftooda caruurtu soo abaabulay,waa dhurwaa hilib ku aamin,waa nin ku caan baxay musuq maasuq iyo cunsuriyad,kuna bahaloobay xaraan tabcasho.
dowladu waxay u adeegaysaa tugada xalaalaystay in ay wax waliba iyga kaligood ay cunaan waana daalinimo in uu afwaliinjo ku ayido arinkaa foosha xun,laakiin waxaa khatar galaya oo laga yaabaa in ay dhacdo in ay dadkii ku noolaa iyo ganacsatadi la caburiyay oo loo diiday in ka cayshaan suqxorta ah ee degaankooda ay iyana hor istaagaan tuugada shidaalka keenta hor umarkooda ayagoo meelwaliba oo ay shidaal ku keedsadaanba dab qabadsiiya.
sidaa ayay cadaalado ku noqonaysaa bar bar dhac ilaa iyo inta ay dowlad ku sheegu la imanayso go aan iyo xal qofwaliba qanciya.
abdalla.
waa qalad runtii in lajoojiyo maxaa yeelay meesha waxaa ka baxaaya ganacsato yar yar oo soo kobcayay oo la arkaa in ay ku tiirsanaayeen dad badan oo deegaanka ah oo kunoolaa ama noloshoodu ku tiirsanaa marka waxaan qabaa in jeeb weynayaasha shiidaalka keena iimaankooda Alle usugo oo ay dadka jeeb yarta ah ay ka horjoogsadaan wax xaqa maahan waa in maamulku cadaalada ilaaliyaa oo uu joojiyaa tacadiga.