Dowladda Seycheles oo maxaabiis burcadbadeed ah ku wareejisay Puntland

August 14, 2012   //   Warar Somaali

Dowladda jaziiradda Seycheles ee qaaradda Afrika ayaa ku wareejisay dowladda Puntland laba maxbuus oo u xirnaa dambiyo burcadbadeednimo.

Maxabiisto oo tiradoodu gaaraysay laba qof ayaa lasoo gaarsiiyay magaalada Garowe ee caasimadda Puntland, waxaana arintan ay qayb ka tahay heshiis iskaashi oo dhanka burcadbadeeda ku salaysan kaasi oo horay u dhaxmaray Puntland iyo Seycheles.

Agaasimaha la dagaalanka burcadbadeeda C/risaaq Maxamed Dirir Ducaysane oo warbaahinta kula hadlay magaalada Garoowe ayaa sheegay maxaabiista Seycheles ay keeneen Garowe hay’adda la dagaalanka daroogada iyo dambiyada QM ee UNODC.

Waxaa uu sheegay maxaabiistan oo da’doodu tahay 11 iyo 12-sano inay cafisay dowladda Seycheles kadib markii la ogaaday inaysan gaarin da’ lagu soo taago maxkamad.

Dhinaca kalle maxkamadda Seycheles ayaa xukuno u dhaxeeya 12 ilaa 2-sano inta u dhaxaysa oo xarig ah waxaa ay ku riday 10-nin oo burcadbadeed ah oo lala soo qabtay dhalinyaradan da’doodu ka yartahay 15-ka sano.

Puntland-News24

COMMENTS

RSSComments (1)

Leave a Reply | Trackback URL

  1. Dahir Mohamed says:

    Ma aysan qaangaarin,waa laga yaaba,laakiin,ilama aha,in mid kooda jiro da’da la sheegayo,waayo u malaynmayo in ay siteen,shahadada,ah warqada dhalashada,xitaa da’daasi ma aysan,jirin,xiligii la qabtay.waa laga yaaba in laga aqbalay da’da ay sheegteen.hadaba wa in ay ka faaiidaystaan,waayo aragnimada ay ka heleen,
    qaladkii ay galeen,oo ahayd burcad badeeda argagixisada ah.iskana ilaaliyaan,fal danbiyeed kale oo ay ku kacaan.

Leave a Reply