Dr. Abdiwali Gaas oo soo dhoweeyey bogaadina u jeediyey R/wasaaraha cusub [Daawo Sawirada]
October 6, 2012 // Warar Somaali
Ra’iisul wasaarihii hore Somalia Dr. Abdiwali Maxamed Gaas oo ka hadlayey munaasabadii lagu magacaabayey R/wasaaraha cusub ayaa wuxuu si wanaagsan u amaanay wuxuuna ku tilmaamay inuu yahay shakhsi samta bixin kara dalka, wxuuna sheegay inay saxiib dhow yihiin waxuuna ka codsaday barlamaanka inay ansixiyaan lana shaqeeyaan.Munaasabadan oo ka dhacday xarunta madaxtooyada ayaa waxaa kasoo qayb galay madax ka tirsan xukuumadii hore ee Badbaado Qaran iyo xildhibaanada dowlada Somalia.

Ra’iisul wasaaraha cusub oo lagu magacaabo C/qaadir Faarax shirdoon [Saacid] ayaa isagana hadalka qaatay waxuuna sheegay inuu nabada ay tahay muhiimada koowaad ee uu wajahi doono sidoo kale uu la dagaalmi doono musuq maasuqa. R/wasaaraha cusub ayaa bogaadin iyo mahad naq u jeediyey raysal wasarihii hore sida uu dalka u gaarsiiyey meesha uu maanta marayo.
Ugu danbayntii madaxweynaha cusub ayaa u rajeeyey inuu noqon doono raysal wasaare ka soo baxa xilkiisa dalkana ka saara xaalada uu marayo, wuxuuna sheegay madaxweynuhu inuu latashi badan ka dib uu go’aan saday inuu magacaabo saacid isagoo aqoon fiican u leh ahna nin wadi kara dalkaan bur buray.Lama saadaalin karo Raisulwasaaraha cusub sida uu u wajahi doono xaalada dalka Somalia oo u baahan khibarad iyo juhdi faro badan in lagu bixiyo sidii loo heli lahaa qaran dhamaystiran oo taaba gala ka noqda jamhuuriyada Federaalka Somalia.
Risulwasaarihii hore Dr. Abdiwali Gaas ayaa dad badani ku xusuusnaan doonaan sidii ugu mira dhaliyey howlihii baaxada badnaa ee ku qabtay mudadii koobneyd ee uu ahaa wasiirka koowaad, Dr. Gaas ayaa Somalia ka shaqo bilaabay wakhti uu si weyn ugu baahnaa dalka.
Puntland News-24
Muqdsiho.



he is not fit for this job shame
waan soodhawaynay naa hadaanu nahay khaatumo waa inuu nasiiyaa wasiirka arimaha dibada dr galayr ama maaliyada guuuul khaatumo majeerteen bankiino hafadhiyaan afartaan sano mareexaan iyo khaatumo ayaa dheeleesa qofkii kahir yimaadana yugaan dhiisaa loosoodiraa iyo burudi iskorfuusho kkkkk
anigoo reer p/land ah waxaan jeclahay inaan u jawaabo dadka qaar sida xun wax u eega waxaad mudantihiin inaaad ka war dhawrtaan r/wasaaraha cusub oo aydaan ka hor dhicin ninku hadii awood qaybsi jirtay waa nin daarood ah anaguba waad ogtihiin inaan helnay dhawrmar madaxweyne iyo r/wsaare oo c/weli ugu danbeeyay cid darooda oo namucaaradayna majirin hadana waalaga baxay kumeelgaarkii saacid aan ku tijaabino xilka loo dhiibay haduu gudan waayana danbaa looga qadi haduu gutana soomaali oo dhan ayay dani ugu jirtaaye dhanka khayrka wax ka eega lakiin dadka comentiga qoray badankoodu hadalkooda maxuma ee inyarbaa si qanjirnimaa wax u qoray sidaa awgeed hadaynu nahay reer p/land waanu soo dhawaynaynaa saacid farax garaad waxaana ilaahay ooga baryaynaa inuu lagarab qabto xilka loo dhiibay karamadii soomali ayaa dhulka taala lama joogo waqti sihoose waxloo eego ee jarada wanaagsada
marka hore waad salaamantihiin waan soo dhaweynaynaa r/wasaaraha cusub ilaahay hala garab galo waana in lala shaqeeyaa hiil hooba dhamaan shacabka soomaaliyeed meel kastoo ay joogaan anigu qabiil kuma raacin aqoona uma lehi laakiin waa soomaali sidaa daraadeed ilaahey ha ku caawiyo
mahadsantihiin
Kuwa leh faroole aa iska Orkney koonfur iyo putland Waa Mooryaantii oo cimaamada bedeshay c/laahi iyo Cade yay iska horkenayn maxaa u mucaaridayseen siyasada soomaliya Waa fashil ee wax magaratada arinta u sheega.
SOMALIA HADII XIQDI IYO XAASIDNIMO JIRTO WAA REER PUNTLAND SOMALI OO DHANA WAA AY FAHMEEN
HAWIYE IYO DAAROOD INTIISA KALABA.
DAAROOD WAXA UU GAARAY MAALIN DANBE IN AAN SAAXADA HOGAAMINTA DALKA IN AAN LAGU ARAG MAJEERTEEN WAAYO WAXA NAGU FILAN WAXA AY KU SAMEEYEEN DHULBAHANTE IYO SIDA AY ISAAQ ULA SOO JIRSADEEN,MARKA NINKA WALAALKIIS OO HARTI AH DHAAFSADAY IIDOOR MA DAAROOD BUU WAXTARAYAA JAWAABTO WAA MAYA,QARAARKAASNA WAXAA WADA GAARAY DAAROOD INTIISA KALE,HAWIYENA ISKABA DAA.
DAAROOD TASHAY EE BAL MAJEERTEENOW TASHTA OO SIDII IIDOORKA GOBOLKA ISKU SOO XIDHAY IDINA WAXAAD TIDHAAHDAAN WAANU GO’AYNAA.
MAJEERTEEN WAXAY ISKA QABAN WAAYEEN FAROOLE DADKA KALANA WAY KA QABAN WAAYEEN, DEE HADA DAWLAD AAD LEEDIHIIN AAN CID KALE KU JIRIN SAMEYSTA.
aniga waxay ila muuqataa dalka waxaa loo magaabey raysal wasaare caasha xaaji cilmi maxaa yeelay si fiican ayaan uqaan saacid garaad sida uu galabta ka dhahey voa da ninkii kahadleyey oo dhahey naagtiisa ayuu aad ugedameeyaa oo wax ka maqlaa waxay tiraahdo ayuu qaataa asagu wax goaan ah maleh marka waa jugjug meeshaada joog oo hadaaba prime misterkii laga dhigey caasha xaaji ilmi
sheekadu waa daarood siduu bari ahaa loo dadqalatow kafadaha daloola iyo midaa daabka lahayaa isku waasha reer somalia acuudu minak oo minak
Waan soo doweyneynaa R/wasaaraha cusub waxaanuna ilaah uga baryeenaa in xilka uu qaaday u fududayo, tusana xaqa iyo caddaalada,
laakiin nin baa laga shhegay welle afkaan arko ilka ka soosocdaan.
Kuwiina leh Faroole iska horkeenay ummadda ogaada Faroole waxaa lagu neceb yahay keliya maxaad ugu dagaalantay xaqaaga, oo u ogolaanweyday waxa annagu aanu rabno. Cidii taas dembi u haysata iyada iyo aragtideeda. Laakiin, iyada oo aanan ku degdegayn ka hor-imaadka ninka cusub, hadana waxaan idin xasuusinayaa inaad ogaataan reerka Koonfurta degaa waxay ugu jecel yihiin keena doqonka ah oo diyaar u ah in la rarto, waxayna ugu neceb yihiin kii diida oo yiraahda i raran maysid ee xaqa aan leeyahay halkaas ii dhig. Cidii rabta in la rarto, Xamar ka tageen, jagada ay ugu sarrayso karaanina ahna ha ka doonteen.
walaahi dadka sey u hadlayaan ninkaan horta rajadiisa ma xuma laakiin lama saadaalin karo laakiin in laga warsugaa waa muhiim
aniga waxaan sugayaa dhaqaaqiisa hore hade haduu sidii yelsin taqantaqoodo cid qabato ma helaayo asagaa sida uu usii socdo afka shamiitada ku dhifsanaya sidii farmaajo kadibna ilkahaa kadaadandoona laakiin haduu dhaqaaq wanaagsan la yimaado we welcome atherwise 4fartiisa sano asagoo albaabkii inuu furo loobaahnaa asagoon furin buu waqtiga ka dhamaanayaa marka time is mony baan leeyahay waqtigaaga ka faaiidayso talofiicana qaado byeeeeeeeeeeeeeeeeeee
asc waan soo dhowaynyana raysal wasara cusub haaanunahay reer bari ama dadka bosaso degan ama dhaman shacbka sharfda leh ee reer puntlnad hadan ku hadlo waan soo dhowaynaynaa somlia ha noolato cidkasta oo wanga ka shaqaysa waan la shqaynya
ninka XAAJI WARAF la dhaho ader aduunka qabyalad laga baxyeo la jan qaad daka magcaa puntland mametli karto puntland dadka degan horo marka iyo wanga ayay jecel yihin ra isal wasare saacid hanoo lado SAACID hanoolado mahadsanid
WAA RUN WAA IN LAGA WARSUUGA HAADII MADXWYNHU MAQLAY BEESHIISA HADLKOODA U PUNTLAND KU TUFAY NINKA DAROOD BOO MATALAA EE HALAGA WARSUGO HADO PUNTLAND TAGO OO LA TASHADO WAA SIDII LARABAY HADO SEE SII FARMJO ISDHAAFSIIYO WAAA LA MUCRDAYA WAA IN LAKIN LAGA WARSUGAA
Asc walal noqo nin dalkisa iyo dadkisa anfoco
ASC. raysal wasaaraha cusub waqti hala siiyo, uusku muujiyiyo inuu nin soomaali udanqanaya yahay iyo inkale yaan aminkaba layska mucaaridin.
Waxaan qabaa rajo wacan in laga fisho Raisalwasaaraha cusub iyo mustaqbalka Soomaaliyaba,waxa kale oo muhiim ah in wanaag lagula shaqeeyo haddii la kari waayana dhibta iyo dibindaabyada laga daayo.
Yaan lagu fakirin dan shakhsi ama dan qabiil in laga helo Raisalwasaaraha ee halagu fikiro in dan wadan laga helo. Waxaan u rajaynayaa in isna Ilaahay waafijiyo tallada wanaagsan ee uu wadanku u baahan yahay hadda oo ka leexiyo in uu noqdo mid issagu xabaal ku sii tuura.
Wadani Soomaaliyeed Burco.
aad ayan usoo dhwaaynayna ninkaan cusub ee lamgcaabay waxana allah kabrayayna inuu kadhigo kii dalka samatabixinlahaa taas kadid dadka qabyaaladu dish oo kuahay anka hadan nal doran nam qusayso waxan dhilahaa cuqdada idin kujirta allha idin kasaro aad u qabtaan besha sade marexan
PUNTLAND IYO somali KONFURwaxaa iska horkenay Faroole waa ka dheragsantihiin
Waan soo dhaweyneyna raysal wasaraha u magacabay masaxweynaha umada somaliyed….waa wax wanagsan in la magacabo qof degan koonfurta somalia wayo wa qof og bahida shacabka ay u qawan in la helo xasiloni iyo kala danbeyn….. Wa guul in ay bananka kajogan farole iyo xulufadisa hogaminta dalkena ma.ahan wadaniyin waxeybo gadanayan qadiyada somalia… Farole hadu moday in rer buntlanf ay u qimo leyihin somalia oo taladana iyaga ka go.do tas caqli yaridisa aya uhorseday… Somalia guul….
asc ma ahan in hada walwal la muujiyo waa in la eego sanad waayo waa la daremi karaa sidi xukumad gaas ee sanadka wax walba ku qabaty
Asc Wr Wb. I believe to my prespectice as we are Puntland People, we need to be United. Puntland haddeynu nahay nama quseysa waxaa uu yahay ninkaan waxaa loo doortey iyo wax kale. Balse haddan ifiya sababaha ninkaan loo doortey:
1. Waa in la burburiya Puntland.
2.Waa in laga qaado Beesha kablalax Gobolka Jubada Hoose qasatan Kismaaya.
3. In la dhex dhiga beesha darood fidno.
4. Waxaa kaloo larabaa in la burburiya (roda mapka)
5. Iyo in la hor istaago Federalism si Puntland looga xukuma Muqdishu. Waa in intaa oo sheey laga digtoonaada. Dr Faroole waa inuu kaashadaa shacabka Puntland iyo cuqaasha si uu uhelo best opinion to defend Puntland.
intaa baa loosoo doortey laakiinse yaan la degdegin haloo daayo dawlada Puntland sida ula xisaabtammi laheyd. Waxaa kaloo ku waanin lahaa dawlada Puntland inay danaha shacabka Puntland ushaqeysa kana ilaaliso cadoowga maata isbaheysatay, halagu dadaalana midnimada Puntland waa inaan danaheena ka shaqeynaa iyo houmarinta dhulka Puntland iyo waa in ila gaar eegnaa qaska kasoo socda uqdishu. Dawladaan meel ma gaarayso waxay noqoneysaa tii Dr. Cabdiqaasim. asc wr wb Guul Puntland.
asc raysal wasaaraha wan so dhaweynayna hadi uu shaqadiisa u guto sifican ilahayna ha nooga dhigo mid umada u shaqeeya qofka laskama mucaarado qofka waa la fiirsha hadanu nahay reer karkaar waxan leenahay so dhawoow mudane raysalwasaare somali wax walba way iska mucaaradan uma somaliyeed waxay u bahan tahay nabad iyo nolol uma baahna aarku kacsi ilhama somaliyeed oo dhibataysan iyo hooyada somaliyeed oo dhibataysan waxa lo bahan yahay in la gargaaro khaasatan konfur
U shaqee reerkii ku magacowday, annagu reer Puntland ayaa nala yiraahdaa namana matalaysid WAAYO?
Waxa laguu magacaabay waa xiqdi iyo xaasidnimo loo qabo Puntland ee xal raadis lama noqon. Waxaan qabaa in aan marnaba siyaasadda foolxumadu ka muuqato aan marnaba la soo dhaweynin!!!
asalama calaykum dhamaan
anigu hadeer masaadaalin karo ninkaan cusub iyo xataa madax weynaha wata laakiin bal waqti hala siiyaan lee yaahay ..
dowladu saan la socono waa dowlad cusub oo labaatan iyo samtisano jiranayd marka bal waxaan arkaynaa say u caafimaado haday jiradii kusii jirto hade kuwii horaaba dhaamaaya hadii ey kasooreyn fiican samaysana hadee waa sidii larabay oo shacabkaan soomaliyeed ee rajobeelka taagan wajicusub ee nololeed ufurto waa mid dadkii soomaliyeed uyuururaan bal aan sugno yaanaan ka hordhicin xaaladaan cusub wabilaahi towfiiq m s c ladani