Dr. Faroole Ma Madaxweyne Puntland-baa Mise Hal Gobol ? [Cawale Axmed]
November 4, 2012 // Opinion, Warar SomaaliMa aha wax lala yaabo in xukunka Soomaalida ay dhaqan u noqoto in uu fadhiid noqdo, waxaana sabab looga dhigaa dadka majaraha u haya, kuwaas oo xoogga saara dantooda gaar ahaaneed, halkii ay diirada saari lahaayeen danta guud, waxaa kaloo wax lala yaabo aan ahayn in ay hambaabiraan marka waqtigu gabaabsi yahay, dadkana ay ku beer-dulucsadaan hadda ayaan usoo jeensanay in aan wax idiin qabano, marka waxaan idinka rabnaa in aad nagu taageertaan siyaasadayada cusub, waqtina aad na siisaan.
Waxaa marag ma doonto ah in waqtigan aan gacanta lagu hayn guud ahaan Maamulkii la magac baxay Puntland State of Somalia, oo ay maqan yihiin Gobolkii Sool iyo Gobolkii Cayn, sidoo kalana waxaa jira Kacdoon Siyaasadeed oo ka dhashay muddo kororsiga Xukuumadda Faroole, iyadoo xataa ay ku kala qaybsan yihiin Baarlamaanka iyo Xukuunaddu muddo kororsigaas.
Waxaa jirta in Siyaasiin badan ay ka hadlayaan muddo kororsigaas ayna diidan yihiin, xagga Dawladda Faroole ayaa laga dareemayaa cabsi ay ka qabto Siyaasiyiinta ku soo qulqulaya Deegaanada Puntland, kuwaas oo ay ka mid yihiinC/weli Maxamed Cali Gaas, Maxamed C/qaadir Dheel oo hadda labaduba ku sugan yihiin Gaalkacyo, lana hadal hayo in ay u taagan yihiin xilka madaxweynaha ee Puntland iyo siyaasiyiin kale halka C/weli Gaas oo dhawaananahnba kormeer ku marayey Deegaanada Puntland taas oo loo qaatay olole siyaasadeed, xukuumadduna ay ka muujisay dareen cabsiyeed, kadib markii uu Boosaaso gaaray, ayna soo dhaweeyeen dad sida hirkii isu daba jooga, taas oo sababtay in Xukuumaddu isku daydo in ay dadka ka hor istaagto, kadib markii lagu wareejiyey gawaarida gaashaaman ee Teknikada loo yaqaan, waxaase wax lala sii yaabo ahayd in maalintii dambana looga yeeray xarunta gobolka Bari, laguna war geliyey in uu ka baxo Boosaaso.
Arrintaa dambe ayaa buuq siyaasadeed ka abuurtay baarlamaanka Puntland, kadib markii uu mooshin soo dhigay xildhibaan C/.qaadir Faarax Bootaan, oo laga soo doorto Gobolka Mudug, mooshinkaas oo ahaa ‘in waxa lagu sameeyey Abdiwali Gaas oo ah xildhibaan federaal ah, haddii aynaan ka hadlin, go’aana ka qaadan in berina inaga la inaku samayn doono’.
Hadalkaas waxaa ka jawaabay xildhibaan Siciid Diiriye Maxamed oo Nugaal laga soo doorto, ayaa ugu jawaabay Xildhibaan Bootaan ‘lagama hadli karo arrinta Gaas iyo Puntland dhexmartay waayo waa nin iska wareegaya oo wuxuu doonayo aan lagaranyn mana shirin karo dadka’
Labada xildhibaan ee ka soo kala jeeda beelaha C/weli Gaas iyo Madaxweyne Faroole.
Intaas kadibna Xildhibaanada Gobolka Mudug ee ay isku haybta yihiin C/weli Gaas ayaa gebi ahaanba isaga soo baxay fadhiga baarlamaanka iyagoo hadda ku sugan magaalada Gaalkacyo, waxayna kala yihiin:-
1. Xildhibaan C/qaadir Faarax Bootaan …..751472
2. Xildhibaan Siciido Geelle Diiriye 794201
Madaxweyne Faroole ayaa maalmihii u danbeeyey wuxuu booqashooyin ku kala bixinayaa inta u dhexeysa Degmooyinka Eyl ilaa Tuulada Kalabayr, oo ay aad u degan yihiin dadka ay isku beesha yihiin madaxweynaha, halkaas oo uu kula kulmay Isimada Gobolka Nugaal, Islaan Ciise iyo Suldaan Garaase isagooo u sheegay in uu wado mashaariic badan oo Gobolka Nugaal ah, uuna u baahan yahay in Isimadu la difaacaan kororsiga sanadkaan la isku haysto si uu u dhammaystiro mashaariicda kala ah:-
1. Garoonka Diyaaradaha ee Caasumadda Garoowe
2. Xarunta Madaxtooyada ee Caasumadda Garoowe
3. Wadada Eyl aada oo laami laga dhigayo
4. Telefishinka Garoowe oo dhammaystir ku dhaw
5. Dekedda Degmada Eyl oo la bilaabayo
Lama oga jawaabta ay Isimadu siiyeen, balse waxaa durba la dhagax dhigay Terminalka Garoonka Diyaaraha ee Garoowe, iyadoo ay mudnaanta lahaayeen garoomada Boosaso iyo Gaalkacyo oo horay u dhisnaa una baahan israacin oo kaliya. Hadaba waxaa isweydiin leh Faroole Ma Madaxweynaha Dawladda Puntland, mise waa Madaxweynaha Dawladda Puntland ee Nugaal?
Cawaale Axmed Oday
Galkacyo, Puntland Soomaaliya
cawaaleoday@yahoo.com



SCK waxaan aad ula yabanay ninkaan waxaas soo qorey tolow ma naceyb uu puntuland u qabo baa jirta mise reer iyo reer iska horgee baa walaal dhulku waa isku mid meel gaar loo leeyahay ma jirto mana laha qadkii cagaarnaa ee xamar waxaad soo qortay waa rayigaga oo kelya kana fog waaqica horumarka puntulan waa mid dadkoo dhan ka dhexeeya somali nocwalba waa ku ceyshaan ..kala soc iyadoon lahayn ee qofkii ku fasaxay inaad waxaan soo qorto waa qaldan yahay ..
dacayatirka garoonka bosaso iyo dekeda ,,
patrolka dharoor iyo ladagalan burcad badeedka intuba waxay dhaqqele u yihiin puntuland mana ku yalaan meel kale ee haddi aad tilmamo bixinayso sheeg kuwo si qurxoon loo qoray cawale ahmed oday malaha qoraalka ayadan aqoon u lahayn waa waxa wariyayasha loo dilayo adigoo kale baa ka mid ah ..MID NIMADA PUNTULAND ADIGOO KELE WAX UMA DHIMO..
waxaas waa war ciyaal, waan ka xumahay inuu sheegto reer galacayo qofka waxaan qoray, waana ka raali galinayna reer Puntland, waxanuna u sheegaynaa inuusan u dhalan galkacay
farooooole noooolow waa halyey waana teegersanahay.
walalayaal anigu reer garowe bn ahy, ogaada dhamnata dad walalo ah oo isku isir ah inaan naahay, comentiyada ma aqriyo lakin manta kan ilaah ba ila maagey inan sii aqriyo kadib markaan arkey waxa hawada lasiku marinyo, dhamaan raga halakn commnetiyada ka baxshey wax yar mahee waa rag aad ucaqli yar, puntland wa dowladeenii , shaqsiga maadxweynaha ka h suu doono ha umaamulee isagey sharf utahay ama ceb utahay , qabiil ama gobol uu kasoo jeedana lagu maagi karo, waxa naga maqan waxa layiraahdo national patriotiosm, dhulkaan faroole maleh bari buuna tagyaa dadka uharyaa waa dadka shacabka ah, marka mar walba wa in aan shaqsiga meesha maamulaya iyo wadnka lakala saaraa, waxan idinkulatalinaya dhalinyarow qabyaalada hoose ee tafaariiqada ah ee an kujirno aan joojino oo ha lais dhaafsado wax macno leh, faroole dhaliil badn buu leeyahay , waxqabad badan wuu sameeyey, maxaaba meesha ceyda keeney oo madaxweeynaha si qayaxan loogu maagyaa, waxan aad udhaliilya ninka qoray qoraalkan oo munaafiqnimda kudhisan , sabatoo ah wax uu kahadley maba ahan waxqof caqli leh oo puntland yaqaan uu ku hadli jkaro sabatoo ah nugaal waa gobol kamid ah puntland , seebu marka waxas kukeeni karaa, waxan umahadcelinyaa ninkaas ( will mudug) oo iyiri garowe xaq bey uleedahy in laqurxiyo sabato ah wuxu ogayhay iney garowe tahay magaaldiisii, oo usoo doono ugu noolaan karo, waxan kaloo aad uga xumaahya dhaliyarada kale ee leh boosaaso baa xaqeedii laduudsiiyey ama gaalkacyo, oo dhaliyarada cuqdad kala galinyaa, waxaan idnkulatalinaya wax wangsan in alshego xumaantana laqariyo tolkeygow, wan jeclaahy dadkaan rer puntaldn ah, ee tafaruqa naga ilaaliya iyo qabyaalda tafaariiqda ha wallalayaal, midna ogaada in wiilasha halakn wax ku qorya aysan cidna matalin ee ay fikarkoda caqliga yar klu hadalayaan ee dad ka wadnka jooga saas uma fakaraan ,
ugu dameyan wxaan so jeedinyaa hadii layqaan ninka qorey maqqlkan in lataliyo , oo uusan garowena hafrin , faroolana maagin shaqsiyadisa ee layimaado siyaasad dhaliil leh, isagoon gobol ama dad gaar fiirsaneen waadna mahadsantihiin , taladedana halaqaato walalyall
ufayn anaga mar hore ayaan red card faroole siiinay gacantii ayaa dhiman iyo inaan growe qabsano aniga ufayn carmo guuuuuuuuuuul bari
wow carmo caadi ma ahan masha alaaaaaaaaaaah dlmiga waliga sidaas u diiid froole down bari guul reeer bari dantiina garta sanka madaxtinamadu waa dhankiina
loma dulqadan karo dulmiga farrrrrrole iyo qoyskiis aan barxada garoowe so dhafayn waxaa ka go an reer bari in ay cashir u dhigaan farrole ito caruurtiisa garrow cashuurta bosaaso ayaa lagu dhisay reer kar kaaaaar iyoi reer bari tashte
bari qabuuro ayuu kadhigay farrolr lakiin reer bari mar ayey kacaan wayna kaceeeeeeeeeeeeeen
Asc .@ cawaale : bro. Pl waa mid garoowe na waa caasumadi p/and faroole maba dhisin lakin waxaa larabay macaa inuu meel kaste birij iyo laami kadhigo magaalado dhana ka dhigo wada mutaleel waayo waa indhihi pl gaaz na waa laga saaraya pl hadusan sheegin ajandihisa meesha dowlad baa ka jidha maahan fuudo lakin faroole waxaad ku eedaysay oo aan kugu raacsanahay waa sool iyo ceyn inuu ilaaway
Faroole Aragtidayda Waxaa uu Noqday Qabyaaladiiste,Maadaama 4-tii sano ee uu xilka hayay Gobolka Nugaal oo kali ah uu wax ka qabtay
Aniga hada ilaa iminka iima muuqdo Cid Faroole dhaanta , tan kale madaxweynuhu wa kusaxan yahay inu Garoowe joogo waayo waa casuumadi Puntland,
Faroole ha la taageero wadanka wax badan bu ka qabtay horumar badan wa gaarsiiyey, mudada sanadka ah ee u dhimana intaa ka badan inu gaarsiiyaan rajaynayana.
Wlaaalkay cawaale fadhi ku dirirki waxi uu lagu hayey bu no so qorey , Puntland cidna ogolaaanmayso inay burburto inkasto inan gumeedku sidiisaba si xun u fekero , xaasidnimo badana u qabo, lakin ilaahay ba dhagartooda ka magangalnay.
xaqiiqda dhabta ayuu ka turjumayaa qoraal kani waayo faroole waa kasoo horjeedaa horumarka bosaaso laakiin waa jecel yahay inuu cashuurtata qaato hadaba maxaa la gudboon shacabka boosaaso nin aamusan hooyadiisaa qadisa shacabku waa inay hurdada ka kacaan oo qoryahooda qaatan oo iska qabtaan cadowga kusoo duulay iska qabtaan
war kan oo kale waxa uu qorey lama akhriyo ee alle ka baqa oo iska daaya waxaas waxaan waa wax dhintey oo xataa aan malaha waligii school tagin iyo madarasad Qur’aan qofkii wax yar u bilaaban yihiin waxaas oo kale wuu ka xishoodaa waaba ceeb waxaan oo kale commenti lagama bixin karo oo walaahi qof xishoon in uusan waxaan ka hadlin
horta anigu lama sheekaysto ciyaalka lagu soo afbaray tuulooyinka bugaal ama baargaal sheego tuuloyinka naaanaysta labaxay .ee fahan mowduuca aan kahadlayo tacsina looma baahna adiga iyo kan sooqaray maqaalkaan waxad tihiin isku mid.garowe waxay jirtay puntland oo jirin oo ay airport lahayd iyo nololna kajirtay hadii ay naga burburtana anagu udhutinmayno waxwalba wan qabsankarnaa anagu puntland waxbaa kusoo kordhinay madashii lagu dhisay anagaa fidinay oo bixinayna kharashkii iyo cuntadii ay cunayeen wufuudii joogtay adiga puntland maxaad kusoo kordhisay meel aan jimcada laga tukan baad joogta marka hala kuu sahlo .dadka ugu badan ee wax kala soodaga boosaaso waa reer nugaleed iyo reer mudug marka hadii fowdo labilaabo meelo kale ayaa la aaday berbera baa la aaday oo noo jirta 300km .halka ay boosaaso noo jirto 480km waxaan kaloo usheegay dadka nagu hadal qabsada oo dhaha reer nugaled baa wax looqabtay ha ogaadeen in aysan puntland guryo noodhisin ee anagu hormarka aanu gaarnay
Ani waxaa ku fakar ahay nugal spokesman hadii leeys rabin hala kalo tago barine yaa lacalaacalin anaga cllaahi yusuf waa la shaqeeynay hadane hadii cumar maxamuud diido inuu nala shaqeeyo mar danbe yuu garowe isku soo haleeyn qurunka gaalkacyo beey nabad ka dhigi waayeen oo danahooda baseey fiirsadaan leelkase xitaa wax ma u ogola gaalkacyo oo kalabar leelkase ladagan yihiin ayaga kaligoodaa is laheeysiiyay qurunka hada waxaan maqlay damjadiid in eey ku biireen wasiir maaliyadeed beey ka heleen si waxaan mudo ku hoowlaneeyn u burburiyaan hadaa madaxweyne gaalkacyo iyo bosaso kanoqoneeysaan unoqda garowene ha isku soo marine ee bosaso diyaarad uraaca quranyahoow daneeystayaashaa
i nugaal xitaa madax weyne nugal ma aha waayo waxu isku til maa mayaa madax weyn gobol su u dhaqanayo eg duli dhe ader madax weynnaha puntland waa D.r Gass Gass guul insha Allah
dhulka maqan ee aad sheegayso soo kaad bixisay adigu maahan bal yaad ku dhaliilin miyadan Caadi ahayn.
kkkkk NUGALSPOKSMAN caqligaagu waa kii faroole dhagta idiinku sheegay isma dhaanto iyo dhasheed reer miyi ah baad tihiin,waxaan kuu sheegayaa faroole deked idiinma dhisi karo dekedna qabiil ma dhiso ee yaan badu ku qaadin contarolka isbaarada growe ma dabooli karto bulsho ku tanaaday boob iyo sad bursi iyo burcad badeednimo hadaad caqli leedihiin oo aad wax garad leedihiin waxaan si ehelnimo leh idiin kula talin lahaa iskaqabta faroole iyo caruurtiisa oo yaysan caanaha idiinka ciidayn ogaado faroole iyo caruurtiisu austaralia ayay u duulayaan isku dana matihidin ee iska qabta war hooy haku danseeginina war hooy faroole boobkii iyo bililiqaysigiisii soconmaayo war hooy taariikh madow yuu idiin horseedin war hooy shaqsi wuu qaldamaaa ee hanoqonina bulsho wada aan wax isqabta lahayn warhooy ka dheerada caqli xumida iyo riyada faroole warhooy walhi baysan jirin cid idinkaga liidata bur burka puntland ee ka fiirsada war hooy isla yaaba oo iska qabta fidnada faroole warhooy waa lays yaqaanayaae yaan laysku khaldamin waa iga talo iyo tusaalayn.
wabilaahi towfiiq
cawaleh wax dhintaD TAHAY PUNTLAND WAA MID WAANA ISKU DUUBAN YIHIIN UBAXA SHABAABKA U SHAQEEYA EE ISKU DIRAAD TAHAY DADKA AKHS CALEEK MAXISHOODE TAHAY AEROPORKA GAROE KA BOSASO IYO KA GAALKACAYO HADBA KA LA DHISAA WAA ISKU MID JAAHILYOHOW.
waxa fiicnaan lahayd in qolokasta ay gobolkeeda labaxdo oo ay maamul usameestaan ciise maxamuudna deegaankiisa uu gooni ulabaxo bal hala arko cida ay dhib kutahay burburka puntland iyo cida ay faaiido utahay dekada bosaaso bal inay shaqayso aan aragnee waxay bosaaso kudhismatay hantida puntland hadii garowe gooni isu taago eylna dekad laga furo boosaaso way is xiraysaa gaalkacyana waa laga guurayaa marka garowe puntland nafac gooni ah kuma qabto.puntland waxay naga qaadataa canshuur hadii puntland burburtana dekadayada eyl baan dhisanaynaa .kontoroolka garowe canshuur dhabal ah ayaan kuqaadaynaa si ay dadka boosaaso isaga daayaan oo ay eyl uga adeegtaan .reer galkacyana way kuqasbanaanayaan in ay yimadaan maxa yeelay eyl baa udhow una canshuur yaraanaysa
cawaale mahadsanid marka hore cawaalow Dr faroole waa barasaabka g/nugaal waa siduu asagu isuhaysto balse sidaynu inagu u dooranay waxay ahayd m/puntlnad! waa dhab arinta aad ka dhawaajisay waa dhab xishood darada iyo bililiqaysiga hantida u dhexaysa dadka iyo deeganada puntland waa dhab faroole inuusan caqli badan lahayn waa dhab faroole iyo raaskiisu inaysan ka fakerin mustaqbalka puntland iyo mustaqbalkooda midnaba waa dhab faroole inuu kala diray puntland inta hartayna hadaan lagasoo gaarin uu meel xun kuwado,cawaale dadka puntland way tashadeen ismada ciise maxamuudna faroole waxba uma kordhin karaan waxna lagawaydiin maayo hadayba garanwaayeen inay faroole dadka ka qabtaan mr cawaale khayr badan baa jira rajaduna waa boqol boqol wixii qaldamayna waa lasaxayaa insha alahu,
thanks warbixintaada.