Madaxweynaha Puntland Dr.Faroole Ma Siyaad-baa?

November 25, 2012   //   Opinion, Warar Somaali

Faroole Ma Siyaad baa

 Puntland ma Soomaaliyaa

 Garoowe ma Muqdishaa

 2012 ma 1991 baa

Aasaaskii Puntland ee 1998-kii, ilaa maanta waxay Puntland ahayd meel u dhex ah dadka ku heshiiyey nidaamkaas ee dhiig iyo dhaqanba wadaaga, ahna sokeeye aan sinaba u kala maarmi karin. Haddaba, markii uu maamulka Puntland uu Madaxweyne ka noqday Dr. Faroole waxaad moodaa in ay dhuntay isu-dheelitirnaantii dadkii ehelka ahaa ee ku midoobay Dhismaha Maamulka Puntland.

Heshiiskii lagu dhisay Puntland.

1. Madaxweynaha in qolo qaadato

2. Madaxweyne ku-xigeenkana qolo qaadato

3. Guddoomiyaha Baarlamaankana qolo qaadato

4. Caasimadana qolo qaadato

Maxaa dhibka keenay

Dr. Faroole, oo ah beesha qayb ahaan loo qorsheeyey Caasimadda Garoowe ayaa si lama filaan ah ugu guuleystay Madaxweynenimada Puntland sanadkii 2009, muddo 4 sano ah in uu xilkaas hayo, dalkana u horseedo nidaamka Xisbiyada badan, taasoo in isleeyahay in sababta u weyni ay tahay Geeriddii Islaan Maxamed Islaan Muuse, oo aan aaminsanahay haduu nool yahay in uusan xilkaas isu soo sharaxeen Faroole.

Nidaamka Xisbiyada badan ayuu Dr. Faroole wuxuu balanqaaday in uu dalka oo dhan ku gaarsiinayo muddo 18 bilood ah, isla markaasna uu afti u qaadayo Dastuurka Puntland isla muddadaas gudaheeda.

Maxaa isbaddelay

La taliyayaasha Faroole, waxay kula taliyeen in uu dib u dhigo nidaamka Xisbiyada badan, sanadka u danbeeya xilligiisana uu ku dhawaaqo, si muddo kororsi ay u helaan, dabadeedna ay sanad kale codsadaan Guddiga Rasmiga ah ee la magacaabi doono marka Guddiga Ku meelgaarka ahi waqtigiisa dhammaysto, dadka reer Puntland-se durba waa fahmeen ifafaalaha muuqda waana ka dhiidhiyeen arrintaas muddo kordhinta ah.

Isku hallaynta Faroole

Dr. Faroole, wuxuu is-tusay mar hadduu Madaxweyne yahay, Caasimaduna Garoowe tahay, in xaalkiisu yahay ‘Fuulaa kama dego’ ma garawsana in xilka loo dhiibay uusan AF-GAMBI ku qabsan ee si xor ah lagu doortay, loogana baahnaa in sidiiyoo kale uu tartan u qabto.

Faroole, wuxuu dhaqaalihii dalka galiyey ciidamo uu ugu talogalay in uu ku caburiyo ciddii ka hortimaada muddo kororsigiisa.

Faroole, wuxuu baylihiyey isku xirnaantii iyo dhammaysnimadii Puntland, waxaa gacanta Puntland ka baxay Gobolladii Sool, Sanaag iyo Cayn, waxaana 28/11/2012 dhammaan Gobolladaas ka dhacaya Doorashooyinka Golayaasha Deegaanka ee Somaliland, waxaa ceeb ah in Qardho lala fadhiyo 40 Tikniko ah, oo lagu xasuuqayo carruurta muwaadiniinta ah, halka 30 Tikniko ah oo ay leedahay Somaliland-na ay ku sugan yihiin Degmada Dhahar oo Qardho u jirta 30km oo kaliya, si aan Doorashada wax khal-khal ah loo galin.

Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa ‘Mukulaal minankeedi joogtaa miciyo Libaax bay leedahay’ yaa dawlada u ah Dhahar, yaase Madaxweyne u ah.

Dad badan ayaa uga tagey Puntland hadalo ay ka mid yihiin.

- Garoowe anaa leh, cid kalana waxba ugama ogi

 - Nin aniga iga weyn xukun dambe ka qaban mayo Puntland

  -Siyaasiyiintii hore waa fashilmeen

 - Xisbigayga Horseed khasab ha lagu galo

Faroole, ma garawsana in Garoowe ay caasimad u tahay intii ku midowday dhismihii Puntland, ee aysan ahayn Xamar anaa leh, isaguna uusan ahayn nin xoog wax ku qabsaday sidii Siyaad Barre, waqtiga la marayaana uusan ahayn waqtigii 1991kii dadka loo cagajuglayn jirey ee la marayo 2012, oo dunida oo dhani ay tahay tuulo oo kale.

Haddii Tikniko wax tarayso, waxay xukunka ku hayn lahayd

- Xusni Mubaaraggii Masar

- Sadaam Xuseenkii Ciraaq

- Sayid Caabidiinkii Tuunisiya

- Mingiste X. Maryamkii Ethiopia

Cawaale Axmed Oday

 Galkaio, Puntland Somalia

COMMENTS

RSSComments (21)

Leave a Reply | Trackback URL

  1. Aaran Jaan says:

    Beesha Isaaq,Su’aashii xoosh soowtaay la suuxeen mise dirtakale ayaa nala hadlaaysa KKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKk

  2. Farahomar says:

    Waxan la hadlaya webkan ama ninka qoray maqalkan wax fakar ahna kama dhibanayo wayo waxa maqalkan ciwanka loga dhigay ayaba wax qaldan ah waxana qoray qofan wax qori jirin ama caqli xun aqontana an lahayn maadi iyo diiniba sabab wuxu simay nin iyo go, sido kale waxa usimay marxuum dhintay wa hore ALLAHA UNAXARISTEE MARXUUM MAXAMED SIYAAD BARE iyo nin nin wali xuman dhiig sokeye iyo dhagar iyo damac foolxumo wax aqlaaqda ey ku yartahay weeye wayo nin marxuum dhintay wax ka shegay o caayey maadiyan iyo diniyan iyo adaninimo wan garaneyna qofka shaqsiyadisa webkana wan u firsaneyna hada ka dib waa mell ehelu quburta iyo dadka magaca adunka kuleh lagu caayo in la simo ALLAHA UNAXARISTE MAXMED SIYAD BARE OO MARXUUM AH MAGAC SUMCAD IYO TAARIIQ ADUNKA IYO SOMALIBA KAGA TAGAY INLA SIMO HOGAMIYE BELEED WAX LA SIMI KARO waa wax wax caqliga salimka ah iyo wada dhalashada ka damiirka ka fog oo miidhihiyo lagu so qoro oo lalaso shirtago waxan leyahay webkaan sumcadisa iyo bulshada dhaxdeda hadii uu wax jawaab ah ama raliglin laga qanco uu ka bixinwaayo in xumaanta laisla walaaqanyo ogoow

  3. wiil Mudug says:

    adeer ninkii C/laahi Yuusuf oo labada cod kaga guulaystay maanu ahayn Maxamed Abshir Muuse oo reer Nugaaleed ahaa, Wax ma yaqaan baad tahay

  4. Somaliland Hero says:

    Horta dhamaantiin waad salaamantihiin….haddii aan ka gudbo
    Haddii aanu nahay shacabka reer Somaliland wax dhibaata ah oo naga dhaxaysa walaalahayo reer Puntland haba yaraatee ma jirto ….horuu markiinana waanu ku farax sanahay, Ilaahayna waxaanu idiinka baryaynaa nabad gelyo iyo bashbash….
    Hadaba waxaa jira niman aanu is hayno ooh la yidhaahdo reer khaatumo seeg …..nimankaasi waxay la wareegayaan qori dab leh ..waxay wada sitaan oo sheeganayaan magacyo aanay lahayn …..sida wiil isaaq iyo wax la mid ah…ee la socda …
    Khayr iyo wanaag baanu idiin rajaynaynaa ..

  5. Gacaliye says:

    Mohameed @,
    warhedhe adigu ma Saif al Islamka Puntland (Mohamed Faroole) baad tahay, KKKKKKKK??

  6. Maax says:

    salaan sxbyaal waxan oranaay puntland in laga hortago xaladaaa da
    \

  7. Balibusle says:

    Waa idin salaamay marka hore, salaan ka dib maqalkan waa mid sii wanaagsan oo ka hadlaya tariikhda dhabta ah ee puntland waxaan aad uga xumaday kuwa aflagado qayaxan uqoraya qoraaga, hadu shaqsi puntlander ahi ka hadlo sidey wax ujiran iyo tariikhda puntland kan caya waa midan meeli bugto.

    Runti waa wanaagsan tahay iin shacabka dib looxasusiyo tariikhda puntland gaar ahaan qodobada lagu heshiye gorti ladhisay.

  8. Mohameed says:

    Run ahaantii ninka maqaalkaan soo qoray —- waa nin aan lahayn aqoon ama khibrad si loo diyaariyo maqaalada…
    fikirkiisa meel uu ku socda ma lahan haddu xumaan iyo wanaagba wado meesha kama muuqato marka waxaan ku leeyahay marka aad wax soo qoraysdi walal waxaa lasoo bandhigaa qoraal anaagsan oo dadka ay wax ka faaiidi karaan xanbaarsanna xaqiiqda aad haysid—

    puntland sida la ogsoonyahay waxaa ku midaysan gobolo iyo dad walaala ah—
    midnimada iyo danta guud ayaana wax walba ka wayn maahan in magaalada qardho waxa ka soconaaya la qiimeeyo ama magaalada gaalkacayo ama sidoo kale in la aamino in madaxwaynahay puntland uu waddanka leeyahay .

    wax walba waxaa ka wayn midnimada iyo nabadda waxaynu nahay mandaqad yar oo ammaan iyo xasilooni ku naaloonaysa waligeedna taariikhda inta la ogyahay puntland waxay ahayd meesha kaliya ee dadkeedu ay nabadda u bisilyihiin–
    aynu ka tagno danta gaar ahaaned aynuna xoojinno midda inaka wada dhaxaysa.

    aynu ilaashanno nabadda waddankeena ka jira yaynuna kala goyn horumar walba oo aynu ku soconno–

    wabilaahi toqfiiq– hala iga raalli ahaado haddaan cid ay wax iga tirsanayso walaahi meesha inaan uso galin inaa cid dhibaateyo,,

    Mahadsanidin website-ka Puntlandnews24

  9. wil dhubahante says:

    horta manta putlan waxay maryasa wa mel xun majerten wa csisaman iyo cumar in kasto xurguf dhexmartay lkn hada tas dhamatay wxaan leyahay war mesha halaga kaco dal iyo dadka iyo sharafta halabad badiyo hadal adan han mabuxsho maxa yelay 30 ba lojira qardho maxa ino dhiman horay ba loqabsaday sol magala madaxdisi hadan waxan ogahay in ay taleex usocdaan oo aan layabanahay waxa arinta ufududaynaya in uu yahay faroole iyo kuxigenkisa oo udhashay taleex sabab waxa weye sababtu mesha wxaa kajira mamul ay beshu dhisatay haday besho mamul dhisatay ma in lasicayriya mise in to tolnimo latuso runti shhacabka ssc runti putlan ma didana in sharaftedi laso celiyan ma didan lkn putlan wa lugu cayaray ila xad lascanod wxa lahaysata 5 sano maxu mamaluka silicaya ee farole kaqabatay ma iskudayay in laxareyo maya sida ba kentay in ay besho mamul samaysato lkn hadi tolnimo latuso oolagarabgalo oo xoraynta lagaqayb qato marka wa sonoqonaysa shakina kuma jiro lkn hada wxa muqata yocada in ay imanyan somali didku tasuna wa muqata maxa putlan mara u harsan galmudug iyana wa tas hada calamka gashay wxaana kadan beyeey farole casumadedo wa galkacao maxa marka putlan uharay wa burbur tan tagan manta oo ah sandba kudarsanaya maya kudarsanmeysid iyan wa burbur 2 marka war caqliga halafuro wa bilahi tofiiq

  10. samiira says:

    dadku hadii uu wareero dulmigana ku waynaado aadmigaa la yaabe”

    aqoon raadin aan jirin Iyo basaboor lasoo xaday yaa ku caan bay”

    ISla waynaan Ilini ka dambayso yaa ku caan baxay”

    Xiliga Dhoofitanka Garoowe Yaa USoo Carara Safaradna dhuum dhumalaysi ku gala”

    Wax magarato waaweyn oo maamul sheeganayo yaa ku caanbaxay”

    masuul qaawano Cidla taagano Misna faanayo Qurbo tuugsanaya yaa ku caanbaxay”

    qof dulaysano Dalkiisa ka faanayo Caqligu Ciyaal ka yahay yaa ku caan baxay”

    Dumarka duurka mara iyo Geel jiraha yaa laaya oo Qaranimana kufaano sameecad kaga raadsha”

    dulmi huriye Aan gaboobayn Damiir Talisana lahayn Yaa Ku caan baxay ”

    Aqoonsi inta cirku kuu jiro ayay ku jirta iyo inaad somalia Cageheeda timaade dalkaga iyo dadkaaga dhinaca ka raac

    Somaliland ayay arinkasi oo dhami ku cadahay

  11. samiira says:

    kkkk meeshaan riyaa kasocota waalhi somalliland kula haa adeer aqoonsiga tooshka aad ku raadinayaa

  12. Sucaad says:

    waan idin salamay marka hore kadib dhabtii meeshan riyaa kasocota kkk dadka sheeganayo S/nad Xage ka codaynayaan adeer dee riyada ka baxo Aqoonsiga Tooshka aad ku raadinaysaan iska doon doonta

  13. Sucaad says:

    kkk waxaa wax lagu qoslo ah in qof wayn oo afka somaliga ku hadlayo maanta Puntland wax ka sheego si gar ah hadii an uga hadlo hadalka uu qoray ninka isaaq la yiraaho waxaan oran lahaa Sool Sanaag iyo cayn waa dhul puntland awoodna Cidi wax kuma haysan karto lkn Nabad Jacaylka Dawlada puntland ayay ku maqan tahay waxaase igala sii daran dadka Riyadda aduun ku jira ee puntland dhoo dhoobka ku tilmaamay waallal puntland maanta waa Maamulka Kali ah ee Sumcadda aduunka kuleh marka aan ka hadlayno maamul gobaleed yadda dhabtii tasu ma ahaan mid indhaha laga qarsan karo “

  14. najka says:

    War heedhe marka aan akhriyo kuwaan iyo maqaaladooda waxaan xasuusta dhibatada saxaafada puntland. qoraalkasta oo aay soo qoraan waa mid aad ka yaabaaysid dadka wepkaan qoraa maahan kuwa caqli ku jiro hadan maahan kuwo wax uga bilaaban yihiin qaabka saxaafada dhanka siyaasada caadifad fool xun oo masaayr ah ayaa ka muuqda mar walba mana fiicna nac nac iyo been in lagu mashquulo inkastoo hadda aan la akhrisan puntlandnews24.com haddan inaay xishoodaan ayaan kula tallin lahaa.Haddii aay ka waan toobi waayaan qoraaladooda qolo nacaaybka iyo caadifada ah waxaay qoraan wax ka xun ayaa loogu jawaabi doonaa weliba caaydu ninka aaay ka muuqato ayeey qabsataa.

  15. LAYLAA says:

    Cawaale axmed taariikhda dib u raac eedo adigoo cidna caayin baa fakarkaaga lagu cabiraa dadka iyo dalka yaa dantu ugu jirtaa. Shaqsi wareerka waa laga fiican yahay sida aad wax uusoo tabisay waa khaldan tahay 100% fadlan eedo maqaalka wax run baa lagu qoraa adigoo cidna caynayn qabiilka kadhigayn. Madaxwaynaha waa la dhaliilkaraa laakinse wax tangible la imow runta taabanaya shaqsi waa xor laakinse beenta ma fiicna gobolada aad sheegaysid 2007-8 waa lahaystay wakhtigii Gen. Cadde. Mudane Madaxwayne Abdirahmaan si xalaal ah buu ku yimi islaan Maxamed wuu noolaa musasalkii dorashada waad ka dhacsan tahay dib u eg sidii wax u dhaceen Col. Yusuf wuu nool mindhin waad ilawday baan u qaatay mise wakhtigeeda maadan jirin eedo.Doorasho xaq ah buu ku yimi oo xalaal ah wakiiladii Puntland shacabka reer Puntland matalayey baa soo doortay markii agendihiisa uu soo gudbiyey bay kasoo xuleen xaq buu u leeyahay 5 sano in uu siihayo dastuurka Puntland baanna dhigaaya dib u raac ay ansaxiyeen 800 persons except 6 person oo aamusay ma ahee. Tareenka haka dhicin eedo hana dhibsan comments adigoo bilaabay in lagu saxo.

  16. Mohamoud says:

    saxiib hadalkaaga wax badan ayaa ka qaldan qaybta saa mooday maahan haduu abdulaahi yusuf uumadaxwaynihii ugu horeeyay noqday maahan in ay ciise maxamuud qaban karin madax wayne xasuuso ninkii la tartamayay waxuu ahaa maxamed abshir , tan labaad dhib iyo caadifad dooni mayno , waxaan doonaynaa iin si wanaagsan wax lagu xaliyo faroolena lagu qanciyo inuusan ku darsan , ama haduu ku dakaystana 300 maalmood , iyo dhib iyo fool xumo in loo daaayo ,sadexdii qof oo ku dhaawacmay qardho ayaa ka qaalisan khilaaf ilaahay caafimaad ha siiyo , dhib kale in aan wadan ku jiidno ma fiicna
    acww

  17. cali says:

    madaxweyne faroole haduu rabo in xukunka loogu daro halsano waa inuu idoorka karbaasho markaas waa loogu darayaa hal sano laakiin haduu diido taas puntland waxaan dooraneynaa madaxweyne jeneraal ah oo isaaqa karbaasho si waagii hore isaaqa wey naga cabsan jireen waa fulay isaaqa laakiin maanta puntland madaxweyne wax mataro ah ayaa xukumo marka faroole ha iskaga tago puntland maanta puntland xuduudaheeda ayaa lagu soo dhawaanaya wuu iska jiifaa waxaan kabaqyaa garoowe in loogu yimaado isagoo jiifo waxaan leenahay faroole hurdada kakac isaaq iska ilaali guul puntland

  18. Ku Socoto Wax garadka Qardho. says:

    Faroole ma aha sidaad moodeysaan ee waa halyeey maxamuud saleebaan ee dacaayadda iyo edebdarrada aad waddaan joojiya oo ka amar qaata wuxuu isiin sheegona dhegeysta oo sharciga u hoggaansama.

    Dadka fowdadaka ka wada Qardho ee caruuraha iyo dumarrada adeegsanaya waxaan u sheegayaa inay dhaqso u joojiyaan haddii kale waa la is yaqaane sharciga ayaad hor imaandoontaan.

  19. GOBAYSANE says:

    waxaan leeyahay qolyihiina isaaq unacamlaynaya oo soo qoraya dhulbay ka codaynayaan sool,sanaag iyo cayn iidoor sanaaduuq waa soo qaadan jireen waana ku hungoobi jireen dhulkaas aad sheegaysaan,faroole waxaad doontaan ka sheega laakiin faroole idinkoo isleh wax ka sheega dalka iyo dadka degan ha ku gefina dadkaasi dhulkooda iyagaa ka ceshan jirey sanaaduuqda iidoor xukuumadihii puntland na waa jiri jireen mana difaaci jirine dadka lehbaa iska celin jirey,hadeerna diyaar bay uyihiin in ay iska celiyaan,doorashona kama dhici doontee haddii ay idin yiraahdeen noo ololeya doorashada oo lacag idinku siiyeen komishan koodu hanagu gefina;
    isaaqa nacnacda halkan kusoo qorayna waxaan leeyahay sanaaduuqdiina soo qaada wixii ku dhici jirey baa ku dhici doona,cida ka codaysana waa la arki doonaa waad garanaysaan inta jeer ee aad sanaaduuq soo xambaarateen oo mid walba afka xabad laga geliyey dadkii celin jirey waa joogaan waana udiyaar.

  20. mohaa says:

    wll dhamantin wa idin salmay sln kadib waxan idin sheegaya qaranka somaliland iney meel walba joogan wili gardho iyo garoweba ay ka codayn karaan marka wax walba oo jira waad arki doontan faroole waxba ka isku mashqulina dowladdihika horeeyey weyka darnaayen
    sidaan hadi aad wax isku haysaan imaada oo dadka wax tusa

  21. suaashu waxay tahay sool iyo sanaag yaa dega mise sool na laascaanood baad u taqaanaan sanaag na tuulada badhan teeda kele majeerteenoow malaa riyaad ku jirtaane calanka soomaliweyn bid u eega meel buu leeyahay woqooyi laakiin puntland waa wax la dhoodhoobay

Leave a Reply