Dr Faroole oo gaaray degmada Eyl
October 14, 2012 // Warar SomaaliMadaxwaynaha Puntland Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud Faroolle ayaa maanta socdaal ku tagay degmada Eyl ee gobolka Nugaal.
Madaxwaynaha ayaa waxaa safarkiisa qayb ka ahaa wasiirka caafimaadka Puntland Dr Cali C/laahi Warsame iyo wasiirka warfaafinta Axmed Caydiid Dirir.
Afhayeenka madaxtooyada oo la hadlay warbaahinta gudaha ah ee Puntland ayaa sheegay madaxwaynaha socdaalkiisa inuu salka ku hayo sidii loogu kuur gali lahaa arimaha caafimaadka iyo mashaariic degmada Eyl lagu hormainayo.
Waxaa afhayeenka uu sidoo kalle sheegay madaxwaynaha maanta tuulada Qarxis oo degmada Eyl ka mid ah uu kula hadlay shacabka degmadaasi.
Pn24
Garowe.


