Dr Faroole oo kadigay isbadal lagu sameeyo dastuurka Soomaliya

January 31, 2013   //   Warar Somaali

Madaxwaynaha dowladda Puntland C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole ayaa ka digay wax ka badal ay dowladda faderaalka Soomaaliya ay ku sameeyso dastuurka Soomaaliya ee Muqdisho lagu ansixiyay bishii Agaust ee sanadkii tagay 2012.HOR-1

Isagoo khudbad ka jeedinayay shirwayne u furmay urur siyaasadeedka Horseed ee uu hogaamiyo ayuu sheegay Dr Faroolle inuusan ku qanacsanayn qaabka haatan ay wax usocdaan.

“Somalia marna lagama Qaadin Aqoonsigeedii tan iyo Burburkii dawladii dhexe ee Somalia Caalmku waa aqoon sanaa mana ahan in dadkooban ay dhahan waanala aqoonsaday tuula kasta iyo magaalo anaagaa wax ka badalayna yaan been laysu sheegin hadii Dastuurka ay soomali ku heshiisay wax laga badalo Puntladn waa ay taqaana waxa ay ka yeeli lahayd raali kama nihin Beesha Caalamkuna ma aqbali doonto” ayuu yiri Dr Faroole.

“Marna raali kama noqonayno dastuurka in lagu tunto” ayuu sidoo kale yiri madaxwaynaha.

Madaxwaynaha ayaa dhinaca kale sheegay xiligaan inaysan muuqan door fiican oo arimaha Soomaliya ay ku leeyihiin saxiixayaashii horseeday dalka inuu ka baxo dastuurka oo uu ka xusay Ahlu-sunah iyo Galmudug.

Madaxwaynaha dowladda faderaalka Soomaaliya ayaa horay uga sheegay magaalada Muqdisho in baarlamaanka ay dib u eegi doonaan dastuurka Soomaliya.

Puntland-News24.

COMMENTS

RSSComments (9)

Leave a Reply | Trackback URL

  1. WADANI says:

    Dadka deegaanka XAMAR sheegta dagaaladii sokeeye qabiil degaano kale kasooduulay ayaa idin adeegsan jiray oo hubka iyo saanada idinku raran jiray dadkii CALI MAHDI inuu madaxweyne noqdo si aad heeryada qabqab layaasha uga baxdaan maantana aad u noqotaan madaxweyne federal sababteeda lahaa haka abaal dhicina .murtida hadalkaygu waa dastuurkii GAROOWE ACORD 1 iyo GAROOWE ACORD 2 qodobadii lagu heshiiyay yaan labedelin . Dadkii heshiiskaas kaqaybqaatay oo marti geliyay ergadii shirkaas somaali abaal ayay kuleeyihiin taariikhda ayaana xusidonta.

  2. Kulmis says:

    KU:Villa Somalia waxaad ka hadashay wax jira,laakiin soomaalidu waxaay dhahdaa nin meeli u cadahay meeli ka madoow,waa runtaa soomaali waa is dagaashay waana heshiisay,somalidu waxaay dhahda doqon meeshii lagu dagaaluu ogaa,masae ogaayn meesha lagu heshiisay,villa somaliya waxaad tahay nin xog ogaal ah runtuna waa saaad u sheegtay waana kugu raacsanahay,qodobadaad ka hadashay dhamaantood,Wax beena kamaad hadlin Cidna maad Caayin Taariikh ayaad ka hadashay ,kana digtay in laays Faaqido,Hadla iyo Dhamaantiis Somali adigoo kale ayaa ka qaayb qaadankara Dibuheshiis soomaaliya dhex marta ,waayo haddan runta laysu sheegin sidee lagu heshiin?

  3. To maxamed khalif ninka wataa der waa diga lehe wqa in wixi 1991 dhacay magdhow laga baxsha aader wixi 1980 ila 1990 uu afwayne ku hayay shacabki muqdisho oo qarna u layay qarna. Guryahodi ka dhacay taas meday muidakale wixi hargaysa uka sameyay afwayne meday tasna oo shacabki hargaysa u xasuqay ok 2006 ki wuxu mujrim cabdulahi yusuf ka sameyay xamar miya ilowday oo amxarada ku xasuqay shacabki ader. Tas uma jedid ee dadki xamar 1991 ki lagaso kiciyay ba ujeda ader dadkas xamar xoog aye ku jogeen ee degan umay ahen mantana hadadan xamar rabin kumay bahno mana kutaqano muqdisho layirahda ninki yaqan ba yaqan ader ee tuladada kunolow meshan boos kagama bananano magdhow manta waxa. Lasin belaha hawiye iyo isaaq oo afwayne kuso tuntay. Kadibna mujrim cabdulahi yusuf u cadow ku xasuqay marka. Hada uiyo dan wixi hore iska ilow muqdisho na iska ilow tuladada dhiso kunolwo marki xamar dankaso gasho imow kaliya dowladu wa federal muqdishona wa soda washitong wana casimad wana fedrel marka wil an waxba la socon batahay wax sobaro

  4. Waxaan aad & aad u taager sanahay madaxweyne Faroole hadalkisa ku aadan waa in aan ka marin habaabin dasturka dowlada Fadaralka e somalia e lagu baxshay waqtigii dheeraa & maskaxdii, qarashkii malayinta dollar ahaa waana wadada kaliya somalia xalka lagu gaari karo. Wixii dhacay 1991 waa in magdhow laga bixiyaa loona sameya malin Dead Day sida malinta xoriyada loo xusaa oo dadka loo mujiya kalsoni ay dib muqdisho u aaminan hadaan intaas la sameyn ma jirto wax damaanad ah in wixi 91 dhacay ay dib u dhici karaan. Hantida magurtada ah dib loso ceshaa shirar gudaha dalka oo dib u hishiisina loo qabtaa somalida oo dhan

  5. Warsame ader xamar cadow maheste dadkilahaa oo ilahay kuberay aya hesto oo dagan oo mamulkeda hayo sida adiga bosaso uhesato marka ader xamar waxba kamayalane dowladu wa federal ninwalba magaladisu mamulaya maxa xamar kayalo maxasa oga hadlaysa ader farole wa. Dhacay asdaba sharci daro kujoga hada cid warkisa qadanayso majirto hogamiye koxed dambe. Lama rabo axmed madobe iyo faroole wa 2 hogamiye koxed marnaba dowladu aqbali mayso ader meshan dowlad cadalad aha ka dhlatay 4 sano kadoibna dorasha dhacayso ninki ku gulesta qaban xilkas marka shekadi hore iyo nac nacdi wa dhamatay manta wa news somalia ader faroole wa u qafifay dadturka barlamanka ansixinayo sida u qabo axdiga dasturka ama cod shacab aya loqadaya qodobo badan aya kujiraan oo somali iyo dalkuba dani ugu jirin marka faroole cid warkisa maqlayso majirto xildhibana mesha ujogan oo beshisa matasho kuwasa taladu ka godaa oo matalayo deganadoda 276 xildhiban aya mesha jogan oo belkasta matasho marka waxa aay kayirahdan dasturkas aya soconayo ee oday nac nacleh warkisa wa hal bacad lagu lisay ee faroole waniya intan adunku qaban nibki qas bilaba. Wadunka uso jestay hada sheko wa dhamatay aderayaal warsame adna ciyal batahay puntland way is mamulaysa o wa run lakn mamulkas xamar ayu hodtagaya taas cindigada gasho

  6. faroole waa odey gabalkiisii dhacay waa uu iska hadley nacnacdiisa Dawlada Soomaaliya WAXBA KAMA QAADEYSO kooxdisii la oran jirey 6-da saxiixayaasha isaga kaliya ayaa ka harey oo meesha isku dhajinaya isagiina wakhtigiisii waa dhacay oo hada WAQOOYI BARI SOOMAALIYA sharci daro ayuu “madaxweyne” beenbeen ku sheeganhayaa, wixii ka danbeeyey 8/1/2013 faroole puntland ma matalo wuxuu u xuubsiibtey hogaamiye kooxeed maleeshiyo beeleed ay ilaaliyaan, marka Dawlada Soomaaliya iyo madaxda Soomaaliya faroolihii lagasoo tagey oo ay waayahan cusub u jawaabaan waxey lamid tahay iyagoo u jawaaba WARLORD magaalo Soomaaliya kamida kasoo CIYEY.

  7. !!! Waxan maqli jiray danyeer dabadi ma arko lkn mide kale ayu arkaa
    Hogamiye kooxed Faroole adiga ku tuntay Dasturki ree PL ayad ka hadle midan ku quseen!!! Oday sxb Qabilkasta o somaliya Xildhiban aya u jogaha barlamanka ayagana xaq u leh in aya ka hadalaan dastuur iyo wixi lamid ah
    Teeda kale walalaha MJ waxad ogatan odaygan waxa u donaya in u indhihina DF ku jeediyo mana rabo dowlad nimo
    Tusale mar u hadlayay aya wuxu yiri 1991 lama hilmami karo war hadan shalay kaliya eego bari side wax ku qabsan karnaa teeda kale waxa su’al ah horta yala xasuuqay? 1988 xasuuq aya kadhacay hargeysa 1991 qabilkasata aya muqdisha isku dagalay qufki ugu horeyay o xabad ridana wuxu aha C/llahi yusuf teeda kale yanla hilmamin wixin xeebaha boosaaso kadhacay o dadki ree koofur masaakinta aha xeebaha lagu guray xasuuqi ugu darna 2007-2009 muqdishu yanla hilmaamin sida darteed somali wey is wada dishay cid gacmaha cilaan usaarna majirto ee wan wax wada qabsano teeda kale dad ba waxay afka kala bixi wayeen hantideena aya xamar lagu haysta talow wa su’ale Hantida ma adiga xamer layimid xoog ayad ku qadatay dabadeedna walaga qaatay o 2dinaba xaq uma ledihin Faroole waxa u yiri guri aya xamar igu yalay wana iska ibiyay ok mu garowa disa iska jogo muxu xamar uga ahadlaya?

  8. Warsame Khalaf says:

    Puntland waa in ay is maamusho, oo arimeheeda ilaalashato.

    Dawlwd isku sheegta Federalka iyo Puntland waa in uu u dhexeeyo xeer aan la dhaafi karin.

    Waxaa quman Puntland in ay tahay Xubin ka mid ah Somali states, Puntland waa in ay gacanta ku haysaa arimaha Puntland iyo Kismayo.

    Cadawgii Xamar galay oo bur buriyey, oo gacanta ku dhigay si rasmi ah ama aan rasmi ahayn iskama dhiibin oo gacanta kalama bixin Xamar iyo magaalooyinkii ay galeen.

    Ilaa taasu ay timaado, Xamar waa magaalo cadaw haysto oo dhawlad beena laga aasaasay.

    Waa arin muhiima in ay si rasmi ah u banaandhigaan is ay gacanta kala bexeen oo iska dhiibeen magaalooyinkii ay xooga hunka ciidankii hore ee Somalia ku qabsadeen kadibna ay dagaalada ka wadeen.
    Federalka aad sheegaysaan wali kama hadlin in Xamar cadawgii horay u haystay laga xoreeyey ama iska dhiibeen si rasmi ah.

    W.Kh.

  9. Dastuurkii Puntland ayaad ku tumatay waxaadan wax ka ogeyn ayaad ka cabaadaysaa, Afwilinjo cusbitaal degdeg ah ayaad u baahan tahay ee wiilkaaga xafiiska uga tag inta lagusoo dabiibayo, Puntland god baad ku rideen adiga iyo caruurtaadi iyo aaranjaan.

    Afwilinjo+ ilma Afwilinjo + Aaranjaan = xukuumada Puntland

Leave a Reply