Dr Faroole, wuuba ahaa gudoomiyaha ururka Horseed
February 1, 2013 // Warar Somaali
Waxaa maanta lagu soo gabagabeeyey magaalada Garowe ee caasimada Puntland shirwayne socday muddo sadex cisho oo ay ka qaybgaleen inka badan 500- oo xubnood oo ay ku jiraan gudoomiyayaasha gobolada, degmooyinka wakiilo gobolada kasocday oo ka mid ah urur siyaasadeedka Horseed.
Shirkaan ayaa looga gollahaa ka doodista barnaamijyada ururka uu ku shaqaynayo iyo waliba doorashada gudoomiyaha ururka iyo golihiisa dhexe.
Madaxwaynaha dowladda Puntland oo horayba u ahaa gudoomiyaha iyo aasaasaha urur siyaasadeedka Horseed ayaa loo doortay gudoomiyaha rasmiga ee ururka, sida uu sheegay Salaad Xareed Cali gudoomiyaha guddiga doorashada ururka ahna gudoomiye kuxigeenka baarlamaanka Puntland.
Doorashada oo u dhacday hab gacantaag ma jirin cid madaxwaynaha kula tartantay qabashada gudoonka sare ee ururka Horseed, taasi oo ka dhigan inuu markii horayba ahaa gudoomiyaha Horseed.
Dhinaca kale waxaa isla doorashada gudoomiye kuxigeenka ururka la siiyay madaxwayne kuxigeenka Puntland Gen. C/samad Cali Shire, gudoomiyaha baarlamaanka C/rashiid Maxamed Xirsi ayaa noqday gudoomiye kuxigeenka labaad ee ururka Horseed, halka xoghayaha guud ee ururka uu noqday Gen. C/laahi Axmed Jaamac wasiirka arimaha gudaha iyo dowladaha hoose ee Puntland.
Madaxwaynaha Puntland oo intaasi kadib hadlay ayaa ergada kacodsaday in wax laga bedelo qodob ka mid ah xeerka oo dhigaya golaha dhexe ee ururka inay noqdaan 185-xubnood waxaana uu soo jeediyay in laga dhigo 250 , ergada shirka ayaa dhamaantood ogolaaday soo jeedintii madaxwaynaha iyagoona qodobka madaxwaynaha soo jeediyay islamarkiiba wax kabadalay.
Guddiga doorashada ayaa shalay soo bandhigay xeerka anshaxa iyo hab dhaqanka ururada siyaasadda Puntland, xeerkaasi ayaa waxaa ansixiyay lix ka mid ah ururarada siyaasadda, inakstoo markii hore ururka UDAD oo ka biyo diiday ansixintiisa, markii dambe uu saxiixay xeerkaasi.
Puntland-News24



Hambalyo Reer Farole Party Siday u Yaqaanan Nidaamka Asxaabta ok Hantiga dadwenha Waa Tan Xisbiga , Xubnuhuna waa Caruurta Odayga Codka Umadana Waa Ku Shubasho Hadii La Hello
Waa wax lala,yaabo in madaxii baarlamaanka iyo guddigii dhex dhexaadin lahaa. Dowladda iyo maamulka. Intaba eey wada xidhaan astaantii horseed group ….iyagu marka sidee lagu aaminayaa …cajiiiiij!
midda kale ..golihii wasiirada …baarlMaankii…maxkamadiihiii….golayaashii. Deeganada ….iyo dhammaan ciidamadii kuligooood waa wada horseed…..waa wada faroole oo hantidiii dow
Adda iyo daarihii dowladda wada isticmaalahaya…..war waxakani lama arag oo lama maqal …dadku ma xoolaa. …Mise anaa moodey …maxaa wada aamusiyey?!.
cajiiiiiib …masaanaa dimoqraadiyadda. Faroole goup ?!
m
Puntland maxaa ka soo socda? cajiib!
asc walaahi wax wax lala yaabo gudoomiya aan cidna la tartamin mida kale faroole waa faysal cali waraabaha puntland mah mah somaliya waxay dhahaysa xididkaga xoolahaga la siiya xininyahaga lama siiyo manta faroole waxu yiri somaliland ban ku biirayna marki aan laha faroole nin aragti dheer maaha dad ba qoraalkayga u malaynayay cay lkn waxan hal ku cadaynaya faroole inu yahay qof aan masuul qadin karin iskuna dhexyaaca hadaynu nahay reer puntland waxay u bahanahay hogaan wanaagsan oo maskaxdisu taam tahay sida kale hadaan ka hadlo gudoomiyaha doorashooyinka mohamed hasan bare sidad la wada socotaan xasuustisa waxay xumatay 20 ka hor aad ban ula yaabay marki lay yiri waa gudoomiyaha doorashooyinka
Waxaa dhabarjib ugufilan hadalka ka imanaya puntland ee ku aaadan midnimada kosashada somalia ee aad kuraacayso somalilend ceebtii dadka ku kuhadlayeen miyaa garashada faroole kusodhamaatay