Dr Faroolle oo dib ugu soo laabtay Garowe
October 18, 2012 // Warar SomaaliMadaxwaynaha dowladda Puntland C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroolle ayaa dib ugu laabtay caasimadda Puntland ee Garowe , kadib safar qaatay muddo afari cisho oo uu ku marayay degamada Eyl iyo tuulooyinka hoosyimaada ee gobolka Nugaal ka koobanyahay.
Safarka madaxwaynaha uu ugu ambaxay degmada Eyl ayaa salka ku haysay kulamo uu xeebta Eyl uu kula soo qaadanayay saraakiil katirsan ciidamada badda Mareykanka oo markab ay leeyihiin uu dhawaan soo gaaray xebta Eyl.
Madaxwaynaha ayaa sidoo kalle kulamo lasoo qaatay dadka ku dhaqan tuulooyinka Qarxisa ,Degmada Eyl ,Xasbahale Yoombeys iyo deegaano kale.
Lama oga safarka madxwaynaha uu ku marayay deegaanada gobolka Nugaal waxaa uga soo baxay, inkastoo wafdiga wasiirada ee caafimaadka iyo warfaafinta ay sheegayaan inay u kuur galayeen baahiyaha ay qabaan dadka ku nool deeganada miyiga ee gobolka Nugaal.
Pn24



Garoowe ayuu ka tagay Eyl ayuu la tashi u tagay odayga haloo sheego in Puntland ay waynahay.
WAA DABODHILIF GAALO WUXUU MEESHA U TEY SIDII UU SIRTA MUSLIMIINTA UGU GUDBIN LAHAA GAALADA SAARAN MARKABKA DAGAALKA EE YIMID EYL.
KUWA RAACSAN QABIIL BEY KU RAACEEN XAGEE GELI DOONTAAN MARKAAD ALLAAH HORTIISA TAAGAN TIHIIN.
waa arin soo dhawayn muudan reer Puntland cadowgiina meel uga soo wada jeesta iskana dhiciya dawladiinan yaan qolo sharwadayaal ah ida ka horkeenin ee lashaqeeya.
Waa hogaam daacad ah sharafna leh allow dhawr madaxwaynaha puntland. Idil afkaaga caano qabow lagu qabey
Waa madaxwayne dhalada dhiirane c/raxman nin dhulkiisa jecelaw waligaa hadheeliyin guul iyo horumar reer puntland