Dr Faroolle: Sheekh C/qaadir Nuur waxaa dilay Al-Shabaab

February 16, 2013   //   Warar Somaali

Madaxwaynaha Puntland Dr C/raxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud Faroolle ayaa ka tacsiyadeeyey geeridii Sheekh C/qaadir Nuur Faarax.

Madaxwaynaha oo warbaahinta kula hadlay magalaada Garowe ayaa sheegay dilka sheekha inuu ka dambeeyey hogaanka ururka Al-Shabaab Axmed Godane, lana hayo qofkii dilay sheekha.

Dilka sheeq C/qaadir ayuu ku tilmaamay inuu xiriir la lahaa dilkii horay loogu gaystay magaalada Bosaso Dr Axmed Xaaji Cabdiraxmaan.

Dr Faroole ayaa dilka sheekh C/qaadir Gacmey kutilmaamay inayan ahayn aano qabiil, shacabkana uu kula talinayo inay ka fogaadaan dilka in lala xiriiriyo arimo qabiil.

Madaxwaynaha ayaa sheegay dowladda dagaal wayn inay kula jirto ururka Al-Shabaab iyadoo beesha caalamka gacan ku siinayn dagaalka sida koonfurta Soomaaliya oo kale halkaasi oo ciidamada dowladda iyo AMISOM si wadajir ah dagaallo ay kula jiraan Al-Shabaab.

Waxaa uu madaxwaynaha ugu baaqay shacabka gaar ahaan dhalinyarada inay ka qaybqaataan dagaalka kadhan ah ee Al-Shabaab ayna muujiyaan midnimo.

Sheekh C/qaadir Nuur Faarax ayaa ahaa caalim wayn oo diinta islaamka oo ay  ka aflaxeen tafsiirka quraanka kariimka oo uu aqrin jiray mashaa’iq waawayn oo Soomaaliyeed.

Puntland-News24

 

COMMENTS

RSSComments (5)

Leave a Reply | Trackback URL

  1. puntland says:

    waxaan mugdi ku jrin,dadka Puntland lagu laayo intooda badan waxaa laaya faroole iyo wiilkiisa hal qof maw soo qabtan intuu joogay maamnulka sida khaldan ugu gacan galay yaaase ka dhegaysanaaya Al-shabaab ayaa shiikh cabdulqaadir ku dishay garow,waxaa hubaala faroole qofku danihiisa ka arki waayo inuu khaarijiyo door wayna ku leeyahay dadka reer puntland ee sida naxariis darada ah looga ridayo indhaha.faroole waa beenloow aan alle aqoon kuna talagalay inuu khaarijiyo qofkii xumaantiisa sheega.xataa qaraxyada ka dhacaya galkacayo asaga ayaa ka danbeeya,maxaa horay loogu arki waayey,suldaan onkod yaa dilay ,oo u adeeg saday galaan waa faroole war jiraaba cakaaruu imaan.

  2. Kamaal says:

    Acw Inaa lilaahi wa inaa ilayhum rajucuun Ilahay ha naxariisto sh abdulkadir, inaas waa ii dheer 2 diinaan nin ee hada wax soo qoray Al shabaab inaa tihiin ayaa ii muuqato oo wiliba Ahmed Godane iyo dawlada Taageerta arga gixisada ee Somalilaland qurun ayaad tihiin wax jirana ma tihidin merlna ma gaaraysiin ogaada idinka iyo al shabaaba meel ayaa la idinka soo harayaa

  3. Osman says:

    Waxaan Lee Yahay Allaha Samir Hainagga Siiyo Sheikh Cabdulqadir Aamiin. Puntland Waxaa Laga Laayey Dad Qiimo Iyo Qaayo Ku Fadhiya Intii Xukuumada Faroole Timid, Illaa Iyo Haddeer Ruux Loosoo Qabtey Ma Jidho (That’s not Possible And There’s Something Wrong Here). The Only Solution To Catch Those Who Are Killing Our Innocents People Is To Be United And We Must Provide All The Information That The Our Puntland Service Security So in That Case We Will Win.

    Waxaa Kaloo Loo Baahan Yahay Guryaha La Ijaaraya In La Ogaado Ruuxa Ijaaranayo Iyo Meesha Ee Ka Yimaadeen. hacabka Puntland Waa Shacabka Ugu Wanaagsan Soomaliya Waana Shacab Samir Badan. Alle Hala Isku Xiro iinsha Allah Waa Guuleysanaynaa.

  4. Baashane says:

    Faroolow 200 oo qof oo jamahirti reer puntland ah ayaa gacantaada ku maqan ,cid kaala xisaab tan tayna aysan jirin,markii shacabkii aad ka lay say waxgaradkiiiyo intii kaleetana aad ku riday ar-gagax iyo cabsi gelin,adigoo caloshood u shaqaystayaal ku adeeganaaya.”Carabi intay ku nabtay nebiga kaaga hor martaa”Adeer dadka laynta iyo midiyaha aad isugu dhiibayso adiga iyo gaal waxaad wadaan waad helaysaan miraheeda goor dhoow insha allaahu?

  5. Kulmis1 says:

    Farooloow,horta waa in adiga lagaa bilaabo?waayo burcad badeer iyo Al-shabaab labadaba xiriir dhoow ayaad leedihiin,3oo oo qof ayaa puntland lagu dilay intaa joogtay maamulka sida khaldan kuugu gacan galay,waxaadna tahay baarto ka mida kuwa wax laaya marka waa in adiga lagaa bilaabo beesha caalamka iyo soomaaliduba waay kaa dheregsan yihiin inaad burcad badeeda madax u tahay iyo gabaad lacagta dooraasha ku gashayna aay ayagu kuugu deeqeen bacdamaa aad qaayb ka tahay ka bacdina adigaaba la wareegay xilkooda waana la hayaa marakiibta aad lacagta ka qaaday ,godane adaa nooga daran waa in adiga dagaalka lagaa bilaabo?????

Leave a Reply