Dr Faroolle”Kuwa leh ganacsi shidaal baa nalaga joojiyay ha ogaadaan in la doondoonayo oo la gaarsiiyay Golaha Amaanka QM”
February 25, 2013 // Warar SomaaliMadaxwaynaha Puntland C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole ayaa ka hadlay go’aankiisii uu ku joojiyay shidaalka Yemen laga keeni jiray ee lagu iibin jiray gudaha Puntland.
Isagoo kumanaan dibadbaxayaal ah kula hadlay shalay magaalada Garowe ayaa waxaa uu sheegay inay jireen ganacsato si dhow ula shaqeeya Al-shabaab, kuwaasi oo uu sheegay inay hub ay ka keeni jireen Al-qaacidda Yemen kusoo dhexqarinayayay doonyaha shidaalka ee laga keeni jiray Yemen.
“Waxaa jira ganacsato badeeco intay soo qaadaan argagaxiso caalami ah usoo dhiibto oo markaasi faa’iido intay ka qaataan inta kalle ku maalgaliyo” ayuu yiri Madaxwayne C/raxmaan Faroole.
“Waxaa jira dhawaantaan kuwo qoraxyada kasoo qaada Yemen kusoo daboolla ganacsi ay ka midyihiin doonyo yaryar xoogaa Yemen kasoo qaada Patrool oo kusoo gabada inay qaraxa soo qaadaan oo hadda kahor laba lagu qabtay magaalada Qandala iyo Calluulla” ayuu yiri Dr Faroole oo intaasi ku daray inay ka mid yihiin ganacsatadaas dadka la doondoonayo ee argagaxisada caalamiga la shaqaysay.
Madaxwaynaha ayaa sheegay dadkaas oo uu ku tilmaamay dhiiga dadka inay ka ganacsan jireen in lal mamnuucay, lana doonayo ilaa Golaha Amaanka ee QM.
“Kuwa meelahan war waregaya ee ku andacoonaya Patrool aan kaysan jirnay baa nalaka mamnuucay ha ogaadaan in dambi loo haysto, xaaladooda ay jirto ilaa Golaha Amaanka ee QM, oo argagaxisada Al-qaacidada ee Yemen joogta ay usoo dhiibaan qaraxyada , oo sida qorshaha uu yahay lagu qabsado magaalada Bosaso” ayuu sheegay Faroolle.
Dhagayso Dr Faroole.
Hadalka madaxwaynaha dowladda Puntland ayaa muujinaya sida uu uga soo horjeedocodsi golaha baarlamaanka ay u direenoo ay ku dalbanayaan in dib loo fasaxo ganacsiga shidaalka Yemen.
Halkaan aqri waraaq baarlamaankaudireen madaxwayne Faroole
Shidaalka Yemen laga keeni jiray ayaa dadka qaarkood ku doodayaan inay kasoo shaqeeyeen ganacsatada waawayn ee shirdakaha shidaalka , si’ ay suuqa uga saaraan shidaalka qiimaha jabnaa ee dadku ay iibsan jireen.
Tan iyo markii deegaanada Puntland laga mamnuucay keenidda shidaalka Yemen ayaa soo badanayay cabashooyin ka imaanaysay gaadiidka kale duwan iyo dadkii ka ganacsan jiray shidaalka Yemen ee la joojiyay.
Puntland-News24



War xaaji Faroole wuu wareeray markii hore wuxuu yiri waa shidaal tayadiisu xun tahay, hadana wuxuu yiri waa niman magacyadooda la doonayo, wax kasta oo soomaaliya la keeno waa tayo xun yihiin waxaana ugu daran Daawada, Burka iyo Buskudka, Faroole dadka wuxuu ku bajiyaa oo ninkasta oo maamulkiisa ka hor yimaada ku tilmaamaa waa Burcadbadeed ama waa argagixiso, dunidada ama caalamkuna waa la socdaa inuu isagu maamulo Illigitimate Govornment( dowlad aan sharci ku joogin) sidaa darteed qolada ganacsatada baryada iska daaya oo hawshiina wata hadaydaan yac iska oran karin xoolaha dad iska dhicin kara u dhiibta ninkaan waa qabqable degan Garoowe adiguna Boosaaso ayaad joogtaa xaarweynayaal.
war madaxwaynaha daaya dakhligaa ayaamahaan ciriiri ku jira rag badan oo jifadaana dhawaan baa baadiye laga soo xareeyay marka iyagaa shidaalka loo soo xirayaa
Faroole waa abaabaha Burcad badeeda,Faroole waa aabaha musuq maasuqa iyo qabyaaladda,Faroole waa jiri aan waxba ka xishoon,Faroole waa ninaan caqli ku filan lahayn oo qaata caruurtiisu waxay kula taliyaan,aana garan karin mas’uuliyadda qaran inta ay leeg tahay,Faroole waa denbiile isaga ayaana shiikh cabdulqaadir dilay soona abaabulay jiriga dilay fiirsha dadka uu soo xir xiray dhamaan waa ciise maxamuud ku is lahaa waa ku kashifayaan xogtaadana waay hayaan.waa wax cajiiba,Faroole waa doqonkii isago 27 sano jiray ratiga dhanka ah loo sii dhiibay oo ratigii ka daadiyey taqsiin tubaako ah ka bacdina ratigii gawracay caqli xumadiisa????
good
mustafa ninkasheegtoow qoraalkaaga dadku waa ka xiiseen sababtu waa waxaad qortay ruux waqti u hayo majiro waxaad ueg tahay nin guriga caruurta ku ilaaliyo ooqoro labaatan bog xaajiyadana cuntada ka sugo marka waa inay bulshada reer puntland ay taageero kuu fidis ama fan raysin aniga qaybteyda waa diyaay mise reer adeerkaa iskuma naxaan dhibaatada ku hayso ma arkaan awal baa layiriwalaalkaa u dhaasho ilaahay baad lee dahay mar hadii aad caruurtii caano u la dahay waamurigo iyo ciil laan gaab aakhiro ciriiri baa ku sugi aduunkana caanomaleh waa cibaaro eecibaadayso xiligii qaatumadaa ku jiraa eedad ha isku dirin faroole iyo wiilkiisa an kaala hadanee calaacalka daa atoore baadiye kkkkkkkkkkkkkkkkkk ciil ku noolow abidkaa
faroole iyo wiilkiisa ayaa indhaha idiin furay ee ilaahay ku xamdi naqa ninkaan cay naasho isku sheegaya adidu waxaad u eg tahay nin cayr qaato eedowlad iyo dad wax kama ogid ee cayr taada iska dhuuq esl kaaga iska baro un iyo maxkamed toona mataqaanidee shidaalka aad uqayliney sid eedalka ma adeerkaabaaa argagixisadiiwaayay mee luu ku qar xiyo adeer waa lagu xiri adiga iyo adeerkaa goobe puntaland uma aha diyaar argagixiso ee la aad ceelashiini aad qarxin jirteen
Aabe Farole Markaa Wax kale ku riyooto Na soo wac Shidaalkana Caruurta u Xirta waa la ogyahay
kkkkkkkkk Waa wax lugu qoslo faroole Shidaaki uu Wiilkiisa u Xiray miyuu leeyahay hadaa keentaan Argagixso ayaa noqon doonta ,kkkkkkkkkk waa arin ku cusub Taariikhda Dictators Tolow Maxaa Xiga
Shidaalka dad gaar ah ayaa loo xiray oo dano siyaasadeed laga leeyahay, waana ceeb in Ganacsato reer Puntland ah inta laga xayiro ganacsigoodii haddana lagu sheego argagixiso iyada oo si qaldan loo adeegsanayo awood xuquuqdii sharcigu siinayeyna laga qaado, waxaanse arki doona waxa ka dhasha marka xisaabtan yimaado waqti aan sidaas u dheerayn haddii alle idmo.
Avv. Ahmed aw-Xassan
asc wr wb Marka Hore Alle ayaa mahad leh iyo marka xigga waxaa mahad leh webka Puntlandnews24 ooo aan ka aqrista xaalada ee Puntland ku sugan tahay.
Marka hore waxa loo baahan yahay in uusan faroole fara gelin ganacsatada Puntland ee noloshoodu ku jirto inay beciyaan shidaalka raqiiska ah ee ka keensanayaa Yemen. Suaasha waxaa weeye waa isaga leh Ganacsatada Puntland waa Argagixiso. War dadka aad lee dahay waa shufto waa dadkii ku doortay maanteyna waxaad uGu aabl gudey inaad caaydo. Waxaa loo baahan yahay in shacabka Puntland:
1. Waa in la midoobaa waad aragtaan Faroole inuu burburiyey Puntland wax kale iskadaayee wadaadadii baa lagu laaynayaa Garoowe. Taa waxay ku tuseysaa in Faroole kala jecleyn shacabka Puntland.
2. Waxaa kaloo arragnaa in haddeer ma arag ruux lo diley falka uu geystay taa wxaa ee cadeyneysaa in Faroole laftigiisa yahay nin wax ka og dilka ka socda Puntland.
3. ganacsatidii Puntland waxa uguureen dekeda berbera taa waxaad arkeysaa dhaqaalihii Puntland inuu burburey.
4. Ciidaankii PIS ee Puntland Faroole kala direy manta Putland ma qabto secret service manta ruuxii la rabaa la dilaa .
5. Xuduudihii Puntland manta waa open ruux kasta kaso talabo kuna dilaa foolxuma darted dad qimo kuleh Puntland sida Garoowe gaalacya iyo boosaso.
6. haloo midooba in la iska dhiciya faroole, faroole ma ahan nin xishooda waa nin qabiili ah.
7. Isimada Puntland baa halka dhigey inay manta Puntland burburto. Hadda wax yar idiin ifiyo ma xasuusataan in isimkii Gaalkacya ee garoowe lagu qabtey ka dibna lasoo daayey sheegayna waxaa yaalo Puntland. Inta sheey uu ka Hadley waxaa kamid ah:
(a). In Jailka garoowe uu yahay Jail gaboobey aan dhisney uuna dhisey marxuumkii dhintey maxamed Siyaad barre.
(a) In Maxamed faroole ku yimi isimkaa walaaloow rabshada naga daa waxaa ka digeynaa wasiir , caruurtaadana dibada kuugu direynaa ee hana ceebeyn. Waxaa uu uGu jawaabay hadda ilaaluushta yaa Qiyaamad Alle iga celin.
Dal sidaa ah baan rabnaa in Rajo ka sugna. Dalkeeni waa Corrupted, halagu dadaalo inaynu helno hogaamiye wacan uhiiliya xaqqa badbaadiyana Puntland.
Iinsha allah faroole meel xunbaa udambeysa ilay Alle waa arkaa xumanata balse qabiilkiisa haka badbaadiaan dhimasho iyo xisaab Alle. Kuwa Faroole ku taageera xumaanta ogaada walee wala dhiman Faroole wax idiin tarimaaya ma laga jooga xumaanta iyo qabiilka laisku taageeraya waxaa ka cabsanayaa inaad meel xum ku dambeysaan haddallkaa iga qora today.
Xisab Alle, iyo ciqaab Alle waa dambeysa. Haloo hiiliya xaqqa yaan lagu taagerin faroole lacagta uu xadaayo iyo dalka ee burburinayaa isaga iyo wiilashiisa.
Waxaa u rajeyna shacabka Puntland Khayr, Alle ha idinka dul qaado tuugadaan dalkii fiiqatey.
to aw xassan sxb cidlooxirey majirto qof walba shidaal dubai waa kakeensankaraa cida aad farta ku qaloocinayso shidaalka yaman lagakeenaba cid ugabadan majirto marka sidaa ulasoco
Odagan waa waashay dadka ma waxa uu u maleeyey ciyaal, wixii la doono loogu sheekeeyo, shiidaalkan loo xiray Ganacsato isku beel ah oo u arko in ay taageesanyihiin ayuu maanta noogu sheekeeynayaa argagixisaan u joojinay, maa doonyaha yamen badeecadaha ka keena lawada joojiyo hadduu waxa uu sheegayo ay runtahay reer baa shidaalka Iran laga soo gesho tuuganimada Dubai keeni jiray Bossaso kuwii ayaa Suuqa laga saaray markaas ayeey u dacweedeen marka yaan ummadda la wareerin baarit arrintaas ku saabsan ayaana socota ee dadka reer Puntland sidaas hawla socdeen
Marka waxaan ku oranlahaa faroole tallaabada aad qaadday waa khaa’imul waddan haddii sharci uu jirilahaa waxa aad samaynayso maba jireen, Dadka reer Puntland waxaan oron lahaa dullinimadaas ilaah ayaa idin baday ee garbaha dhigta hallaynu ku xammaashee.
Avv. Ahmed aw-Xassan
sxb ceel af weyne nin rag baa tiigsada ee adiga yaan laguugu celin cal badoobe raga kulahadlayaa waad garaneysaa
wad madaxweyna shaqo wanaagsan baad wadan laakin yaan ganacsatada wanaagsan lagu darin kuwa waxaas ka shaqeya oo qof walba oo meel xabaha jooga oo xogogal u yahay gar ahaan xeebta bariga xigta oo aan anigu hada ka imi.marka yaan la qabiilaeyna
mahadsanidin
Qarow walaahay Faroole waa waashay wax qabta iyo ehel midna maleh , markii hore wuxuu yiri waa shidaal tayadiisu xuntahay, hadeerna waaba ka daray oo yiri waa argagixiso oo ganacsatada Yemen wax ka keenaa ma wada argagaxiso baa?
tan labaad hadii ay hub soo qaadaan mee ciidanka Puntland may baaraan oo shaqadooda ka soo baxaan kolba mushahar iyo daryeel midna kuma qabaane dowlada Faroole,Ilaahow Puntland Faroole sharkiisa ka qabo.
looooooooooooooooooooooooooooool
wa sax madaxweyne macqul maha in ganacsatada waweyn lo xayiro jeeb yare yasha alqacida da dabada ku wata madaxweyne horey usoco cid wax ka qadi karta ma jirte 5 years agein mudane faroo
ama faroole rac ama Ceel-Afweyn ada
waa ogaan fcn wana soo dhawenya al qacida si waliba ha loola dagaalo naclad baa ku taale gala galdu dhashay
Faroole iyo wiilkiisu ha ogadaan in U.N uusan raadinayn balse maxkamaddoodu diyaar tahay hadduu ganacsatadu rabo inuu wiilkiisa u boobo,marka faroole isaga ayaa ku eedaysan Burcaad badeen,waana ku cad yahay kiis kaas.marka maaha inuu u hanjabo dadkuu hantidooda boobay,waxaana muuqata in celentisii cirka ka soo dhacday .