Dr. Saleebaan Xagle Toosiye oo ka hadlay kulamo uu la yeeshay madaxda Puntland iyo Somaliland {Dhagayso}

July 23, 2012   //   Warar Somaali

Hogaamiyihii hore ee ururka SSC Dr Saleebaan Axmed Ciise Xaglatooiye ayaa ka hadlay kulamo uu dalka iyo dibaddaba kula yeeshay madaxda Puntland iyo Somaliland.

Dr Xaglatoosiye oo dhowaan soo gaaray magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Buuhoodle ee xarunta gobolka Cayn, halkaasi oo ay siweyn ugu soo dhoweeyeen shacab badan.

Isagoo saxaafadda kula hadlay magaalada Buuhoodle soo dhoweyn kadib ayaa waxaa uu ka xog waramay socdaallo uu ku tagay dalka Imaaraatka Carabta iyo kulankii uu la yeeshay madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo.

Dhagayso Codka Dr Saleebaan

Play

Waxaa uu sheegay kulanka Imaaraadka uu kula yeeshay madaxada Somaliland inuu kala hadlay danaha deegaanka, ka bixitaanka ciidamada Somaliland ee deegaanada ay haystaan iyadoo loo marayo qaab wada hadal.

Dr Xaglotoosiye ayaa ku dooday inuu yahay oday deegaanka ah, islmarkaana uu xaq u leeyahay nabadda deegaanka inuu ka shaqeeyo.

Mar wax laga weydiiyay Khaatumo oo iyadu sheegta inay ka taliso gobolada Sool iyo Cayn waxa ku kalifay kaligiisa inuu qaato go’aanka wadahadalada ayaa waxaa uu ku jawaabay.

“Hadii ay Khaatumo ay jirto ama wax qabanayso anigu cidna lama kulmeen cidna ma raadiyeen anigu oday deegaanka baan ahay wixii dadka deegaanka ee aan ka dhashay  dan u ah waan ka shaqaynayaa anigoon cidna ku xumaynayn,”ayuu sheegay Dr Saleebaan xaglatoosiye.

Dhinaca kalle waxaa uu ka hadlay kulamo uu la qaatay madaxda Puntland, isagoo sheegay inuu la kulmay madaxwaynaha Puntland, waxyaabaha uu kala hadlay masuuliyiinta Puntland ayuu sheegay inay ka mid ahaayeen isku soo dhoweynta dadka walaalaha ah,wixii qilaaf ee jira in la turxaanbixiyo dibna loo soo celiya xiriirka iyo iska warqabka dadka walaalaha ee deegaanka.

Saleebaan Axmed Ciise Xaglatoosiye ayaa ah aqoonyahan kusoo biiray siyaasadda Soomaliya sanadkii 2009-kii, doorashadii madaxtinimada Puntland ayuu isku soo taagay markii ugu horaysay ee uu siyaasadda kusoo biiray,markii uu ku guul daraystay doorashada madaxtinimada Puntland ayaa loo magacaabay wasiirka kalluumaysiga iyo khayraadka badda Puntland ,waxaa uu diiday xilkaasi isagoo markaasi kadibna aasaasay ururka SSC oo markii dambe dadkii ay fikirka ka wada ahaayeen ay dhisteen maamulka Khaatumo.

Puntland-News24

 

COMMENTS

RSSComments (12)

Leave a Reply | Trackback URL

  1. Dhulbahantoow wa inlatalina rer dhabayaco wax inmahayaan ee somaliland raca iyaka visku degantihiiin majerteen asaga wax isuqabanlahaaa ooo darood kakale ayu wax uqabanlaha dhulbahante rer mahbariin asxaan imahayane walalhiin isaaq soracaa anigu waxa in shega isaaq. Aya in dhamo dhabayacada. Puntland labaxday anigu ma aqan wax layirahdee so rer mahbar aderayal adinka wax isuqabtaa oo istagera. Fck off dhabayaco majerteen mahbariiin rero mafmadobe rero. Gagaban

  2. baaruud says:

    to: king koshing

    horta nin aadan biograghkisa aadan hayn muxuu sooo bartay lama dhaho soo baar kadibna dadkaku qabso lkn wax aadan ogayn ayaad kahadlaysaa.

    sual aan ku waydiiyee dr crahmaan faroole maxaa loo dhahaa wayahayee hadaad dr nimada u diiday xagle toosiye.

  3. Nooloow saleebaan xaglatoosiye

  4. puntland power says:

    waxaa cadatay faroole in uu maamulka somaliland la shaqeeyo, issaq majeerteer iyo dhulbante ma kala jecla. arintoodu waa kala qaybiya oo isku dira.

  5. asc xaglotosiye waa nin dhalin yaro ah aqoona leh marka waana ka ficanyahay kuwo badan oo aan cadowgoda iyo sokeyohoda kala aqoon marka kolow ani shaqsi ahaan ma jecli in s/and gobalka wadahadal iyo shekoyinka lagala galo lakin waxa fiican intilaabo laga qaado mila tari marka taas hada ima muuqato faroolana islaantu qabo ee baaba u talisa marka waxan oran lahaa walalaha sicid harti pl faroole yaan loga caroon next faroole kan badali doona baa umada isku keenaya odayga iyo familkisana hargeisa ha is ka dagen ilaa taas buu danbidaye inkasto khaladka usan kaligi lahayn ee besha dhulos qeyb weyn ku leeyihin

  6. sanag says:

    waxaan aad iyo aad ula yaa banahay dadkan halyayga kusheegaaya ninkan danaystahat oo hadi uu dantiisa waayo aan tan beeshiisa ka fakarayn mideeda kale dhubahantoow hadaad kaas oo kale u taqaaniin halyey wali ma aydaan ilbixin waxaad kusugan tihin xaaladii sayidkii waxan u malaynaayey in aad ilbaxdeen waligiina gun baad ahaanaysaan hadba dhinac loo wado. kkkkkkk war xitaa warsangaliga walaalihina xogaana ma ka baran waydo iyagaa ilbax ah ee.

  7. sc Aniga waxay ila tahay sxbyaal waxad mooda in mamulka puntland u la shaqaynayo somaliland wana wax iska cad waayo waxan ka dodeyney oo lahay xalki Tukaraq waa been .lakin waxaa cad manta Xaglatosiye oo soamaliland ah in galkacayo lagu soo dhaweyey hadana hadalka u ka yidhi buuhodle waxaa ka cad in uu yahay nintagersan mamulka silanyo ,marka miyeyna cadeynan in dhibka lagu hayo dadkaan ehelka nahay in aynan wax ficil ah ka geysan oo an ku firsaneyno in lagu qasbayo in ay ka mid noqdan mamulka silanyo. waayo waxaa colaad la kal dhex dhigayaa belaha harti dabaded waxaa lagu qasbaya in ay gashan bureysi ka dhigatan isaaq iyo ciddi kale ee cadow ku ah puntland waayo waxa loo tusey in ay puntland ka soo horjeedo jiritanka dhulbahante oo ay nin kasta oo cadow ku ah dhulbahante tageyrayso.maxaa laga bahanyahay shacabka puntland wa in ay sameyan mudaharad ay ku mujinayan in ay ka xun yihiin dhibaka lagu hayo dadkooda waa hadey wax kale awoodin.wabilahi tawfiiq

  8. liii gaaas somalilander says:

    markahore salaan marka xigta xaglatoosiye waasiyaasi haduu faroole siin waayo raysalwasaare somaaliland baamadax wayne kuxigeen siinaysa sidaa ogaada reer binti laanow kkkkkkkk

  9. rashid says:

    Ninkaan waa gesi umaddisa ka hormariyay dantisa garka ah,haddi uu la shiray labada Maamul ey dhulbahante wax ka dhexeyaan, waad ka xuntihiin. Haddi uu Sharifka oo waxba ka dhexeynin la shirilahaa waad ku farxeysaan.DHULBAHANTE HARTI uu u tagay 1998 waa ka qustay , mantana Cali Qaliif wuxuu kenay Hawiye oo labataneyo sano isdilayay oo iyaga waxba ku heshinkarin oo Puntland malinkasta ku hanjabeyso waa lakalatagaa, uu ku fikiray in uu wax la qebsado.Caqli baa la donayaa, C/Qaliif Dhulbahante uma wado SOMALIWEEN ee wuxuu u wadaa DADQALATO.Xagla tosiye waa ku saxanyahay UMMADA aad isxigtaan aa wax lala qabsadaa.

  10. King K ooshin says:

    Zalaaan Bahda Punt Land news: Waxan idiin haystay Wariyeyaal Professional ah, ninkaan aad ku sheegteen dr ? Muxuu soo bartay ? Jaamacadee ka soo baxay ? Khibrad shaqo muxuu soo qabtay ? Punt Land-ta ma mid cid kasta kursi lagu baryaa ? Waar Buuhoodle waxaa ka weyn Qardho ama Qandala, ama Caluula, ma kuwaas Kuraas lagu maslaxo, hadii cid la maslaxayo, nin marna la shiraaya Siilaanyo, Marna adiga kula shiraaya , sidee loo aaminaa ? Yab badanaa, Ninkaanse muxuu ku soo kodhin State of Punt Land ?

  11. xaydar says:

    waxaan layaab ah wixii siilanyo la shira maxay faroole ugu yimaadaan inteese leeg yahay xiriirka ka dhexeeya siilaanyo iyo faroole puntland ta hada jirta waxay umuuqataa mid hargeeysa laga maamulo waayo faroole hageeysa iyo seediyadii aad buu uga dameeyaa siyaasadii puntland waxay noqotay mid fashil ah

  12. ubah says:

    ninkan anigu waxan u arkaa warkiisa isku dhexyaac baahsan mana aha nin matali kara beesha dhulbahante,hadii ay ka mid noqonayan dhulbahante puntland diyaar hana keen sadan nin u qalmah jegada raysalwasaare ee puntland,puntland yeysan ku fududan in lasiiyo jagada raysalwasare ninkan fudeydku ka muuqdo,waxaa ban anigu qabah inay ku haboon tahay marwo saado cali warsame Allah ha caafiyo.

Leave a Reply