Duqeyda Dhaqanka Muqdisho Oo Ka Hadlay Dilalka Kusoo Badanaya Caasimada

March 15, 2013   //   Warar Somaali

Odayaasha dhaqanka muqdisho ayaa  ka Hadlay Dilalka Foosha Xun ee Magaalada Muqdisho kuu soo Badaanayo ayagoo Dhamaan Eheladi ayka Geeriyoodeen Dadkii Sida Waxuushnimada ah loogu Dilay Muqdisho ugu Tacsiyadeeyey.

Sidoo Kale Odayaasha dhaqanka muqdisho ayaa  dowlada federaalka ugu baaqay in ay cadeyso sababta ka dambeysa dilal dad maalmihii dambe loogu geystay magaalada Muqdisho.

Nabadoon Axmed Diiriye oo ah afhayeenka odayaasha dhaqanka Muqdisho ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay dad u sheegay in ciidamada dowlada ay xireen markii dambi lagu waayey oo lasii daayeyna meydadkooda laga helo qaar ka mid ah xaafadaha Gobolka Banaadir, isagoona xusay in arintaasi ay ceeb ku tahay dowlada federaalka ee Soomaaliya.

Nabadoon Axmed Diiriye ayaa sidoo kale sheegay in dowlada looga baahan yahay in ay baaritaano ku sameyso qaabkii ay dilalakaasi ku dheceen, waxa uuna tilmaamay in hadii dowlada aysan wax ka qaban arintaasi ay keeni karto hoos u dhac dhinaca amaanka ah, isagoona hoosta ka xariiqay inaan la aqbali Karin dilal micno darro ah oo mar kale ka dhaca magaalada Muqdisho.

Maalmihii u dambeeyey magaalada Muqdisho waxa kusoo kordhay dilal qorsheysan oo xiliyada habeenkii loo geysto shacabka meydadakoodana lasoo dhigo xaafadaha, ayadoona dowlada federaalka ay sheegtay in gudi ay u saartay fadhi aan caadi aheynna arintaasi ka yeelan doonaan.

COMMENTS

RSSComments (2)

Leave a Reply | Trackback URL

  1. puntlander says:

    axmed diiriye sowtaa oranjirtay
    dawladii alla ha unaxariistee
    wayna xansuuqday hadana sas ayaad
    hadlaysaa adeer waad fashilantay
    duli fooqal duli

  2. Candho wadaag says:

    KU:Oday xadoow timaha ayaa igu baxay meel kalena kama jarto oo waad og-tahay,maxaa shaqadaada u dayacaysaa,wadanka dawlad ayaa ka dhalatay nin walba shaqadisii ayaa taqan. Adeeroow kaalay timaha iga jar yaanan kaa wareegine USC ilmo kuu korin maysee maad dantaada garato? Axmed diirshana waxaan leeyahay Indhahaaga fur Hawiye wax garadkodii intaa afka u soo duubatay ayaa leedahay Aray anaa madax u ah.Hawiyaha xamar Cali geedi shadoor iyo Jentelmaan ayaa wax laga waydiin jiray ayaga Allaa oof-saday Meel libaax fadhiyi jiray Dowo hafadhido cid kaa yeelaysa majirto Tuug yohow tafaha xun.

Leave a Reply