Ergadii ka timid Puntland ee ansixinta dastuurka oo qaarkood lagu casumay kor-joogto ahaan

July 31, 2012   //   Warar Somaali

Ergadii dhawaan ka timid magaalada Garoowe ayaa la sheegayaa inaysan qayb ka ahayn ergada rasmiga ah ee u fadhida ka doodista iyo ansixinta howlaha dastuurka Somalia.

Afartameeyo qof o0 Garoowe diyaarad kasoo qaaday ayaa shirka uga qaybgalaya oo kaliya kor-joogto ahaan, lamana siinin waraaqihii aqoonsiga ama Badges ee loogu talo galay ergeda rasmiga ah ansixinta dastuurka.

Qaar kamida Ergada rasmiga ah ee shirka ka qayb qaadanaya ayaa waxaa soo xulay issimada soo jireenka ah ee reer Puntland kuwaas oo Muqdisho muddooyinkan u joogay howlaha dastuurka iyo soo xulida xildhibaanada cusub.

Sidoo kale qaar kale oo kamida ergada shirka uga qayb galaya gobollada Puntland waa dad ku yimid rabitaanka Dr. Gaas waxaana qaarkood laga soo daad-gureeyey magaalooyin aan Somalia ahayn oo ay ku noolaayeen.

Dowlada Puntland oo xiriir cabasho ah arrintan ugu gudbisay Qaramada Midoobay xafiiskeeda qaabilsan Somalia ayeysan jirin jawaab rasmiya oo ay arrintan ka bixiyeen.

Guud ahaan xiriirka u dhaxeeya R/wasaaraha Somalia iyo madaxweynaha Puntland ayaa waxaa hareeyey mad-madow aan wixii haatan ka dambeeya la daweyn karin, mana jirto wada shaqayn macne leh oo laba xafiis ka dhexeeysa, kadib markii labada masuul mid walba goostay inuu ciyaaro kaarkiisa siyaasadeed ee ugu dambeeya.

Puntland waxay ku doodeysaa in Dowlada Federaalka faragelin ku heyso arrimaha ay gaarka u leedahay iyada, halka xukuumadana ay ku adkeysanayo inay wax walba uga dambeeyaan odayaasha dhaqanka ee Muqdisho ku sugan.

Sidoo kale waxaa sii xumaaday xiriir aan markii horeba cago ku taagneyn oo u dhaxeeyey maamulka Puntland iyo duqeyda dhaqanka ee Muqdisho fadhida, kadib markii issimadana gaarkooda u soo magacawdeen xubno ay la jeclaadeen xubinimada Baarlamaanka iyo ergada, halka Puntland iyana ay waraqado shaabadeysan ay Garoowe kasoo siisay shakhsiyaad kale oo Muqdisho soo buux dhaafiyey maalmahan oo leh damac siyaasadeed.

Isku soo duuboo waxaa la filan karaa in xiligan muhiimka ah ee Somali ay ka baxayso Kumeel-gaarnimada in dadka kasoo jeeda Puntland aysan wax natiijo  oo weyn kasoo hoyn karin, doorashooyinka soo socda, maadaama kala qayb-sanaan siyaasadeed, xiliftan iyo damac shakhsiyadeed uu ka dhex aloosmay Dr. Gaas iyo Dr. Faroole. Kala dhantaalmida awooda Puntland oo wiiqmata waxay fursad u tahay damaca iyo loolanka siyaasadeed ee beelaha kale ugu jiraan sidii ay u buuxin lahaayeen booska ay xaqa u leedahay Puntland ee ah madaxweynaha ama Raisulwasaaraha.

Maxamed Axmed Yasin [Koranto] 

Puntland News-24

 

 

COMMENTS

RSSComments (12)

Leave a Reply | Trackback URL

  1. Qaasim says:

    Runta markaan ka hadalno faroole waa dabeecad xunyahay dad ladhaqankane waa looga fiicanyahay waqti xun tusaale dhulbahantoo ciyaal ah oo marba meel xiiseeyo oo somaliland in uu kasoo baxay puntland yimid buu cllaahi yuusuf nasiib uyeeshay taasne waa nasiib ee maaha karti cllaahi qaas ueheed mida kale puntland oo sanado joogto mushaar ubixiso oo manhaj waxbarasho sameeyso oo siyaasad dibad dhisto oo wasaarado dhisto shaqaale mushaar siiso c/raxmaan faroole aan inugu arkay cllaahi wuxuu qabtay iniga maba arkin

  2. qadhood says:

    Anigu waxaan qabaa labada masuul ee reer puntland biyo hoostood ayay iska haraatiyeen oo waxbadan oo dhexyaal baa jirah waana iska damac siyaasadeed uu midwalbaa rabo inuu u isticmaalo puntland masraxa siyaasada,balse waxaan eeda saarayaa hogaamiyaha puntland waayo hogaamiyaheenu puntland asagaa kala irdheeyay gaarsiiyayna heer aysan waligeed gaarin madaxwayne faroole waxba yuusan cid eersan horta aynu iswaydiino aaway puntland away qabaa ilkii walaalaha ahaa oo wax isku darsaday away midnimadii iyo cadaaladii away sharaftii isimada puntland away amaankii away dhaqaalihii away wanaagii iyo qiimihii maamul ee haybada ku dhisnaa away siyaasadii iyi sabaaxadii aynu masraxa siyaasada ku lahayn away alayasigeenii ina taageeri jiray, runtu waxa weye madaxwayne faroole mar marsiinyo marnaba mahelyo wixii qaldamay waa xagiisa dhibaato ugawayn oo soo martana puntland ma jirin asaga ka hor,

    salaaaaaaaaaam

  3. waa qosol marna waa naxdin maadaama aan odayga faroole ah ku taageersanaa afka hadalka besa lakin siyaasada looga fiicanyahay oo lgu nacay wax walba anaa iri wxa walba anaa saa iri wxa walba hadaan garoowe la keenin anaa diiday war ninku si marka loo eego ma xishoodo lakin anaga intaan c/weli iyo rag siyaasad si fican u yaqaan meesha ku ognahay faroole noo daaya garoowe haka daldalmee ilay wxa kale laga waaye anaga hadeerba hadii la gaaro wakhtiga doorashada oo waxyari ka dhimantahy yaan laysku ceeboobin ma naqaan faroole jaanis fiican ayaan siinay 4 sano ayuu hadal iyo nacnac ku dhamaystay hartina waa kala cayriyay anogoo maamulku dhaaqi mayno lakin runtaa laysku sheegayaa odaygu baashaal ustaraliya hayskaga laabto marka dalka anagaa msauuliyadiisa hyn jirnay oo nalaku ogaa si maskax ahna waxbaan u wadi jirnay time over wxii intaa laga bilaabo daawasho maleh talo fara ka haaday

  4. dahir says:

    Puntlandnews24 adinkuna kuwiinan leh laba reer baa is haysatee aan ka dhex faa’iidaysno ayaa iila caqli xun meeshaad kan qaldan qaban lahaydeen, teeda kale Faroole un baad moodeen wax ka sheegiisa in xukun lagu dhacsan karo adinka oo ka caraysan doqonkii fashilmay ee Cadde Muse ahaa baa laga caqli iyo aqoon batay oo xasad iyo xiqdi daraadii un baad Faroole u xasdaysaan ee nin agende siyaasadeed leh ee wax maamuli kara oo aqoon iyo karti leh keena haddii kale xasadka iyo xumaanta reer ka daaya qurunyahaw.

  5. qeybdiid says:

    waxan u jawabaya dadka caqliga ka xanuunsaday ee cabdiwali wax ka sheegaya,anagaa reer puntland ah 2nina ilaah iyo somali midna uma sina waa kala hogaan iyo siyaasad hufanyhiin,cabdiwali waa hogaan aad iyo aad u qiima badan farahana kulama jiro waxyaaba aad ka sheekaynaysaan isimaduna waa kuwa muqdisho jooga,maaha isimo kuwan garowe laga kaxeeyey ee gacan kurimiska ah,arinka 2aad faroole yaa xaq usiiyey in uu khilaafo hishiisyadi garowe1 io garowe1 iyo kampala iyo galkacyo ,macnaha kuli waxay dhigayeen in ergada isimo beeleedyadu soo xulaan haduuse dood ka qabo muxuu u saxiixay? mida kale isimada muqdisho jooga dhamaan waa isimo ladan maaha isimom ku sheegan,mid ayaa comments ku qoray halkee kusoo noqonayaan isimadu kkkkkkkk waa wax lagu qoslo dee guryahooda ayey kusoo noqonayaan yaase wax ku samayn kara ma faroole

  6. Maamulka puntland oo madax dhuladhaca ahi

    MARGUU PUNTLAND BURBURIYAY hadanah waxay shartiisi gaartay somaali oo dhan waa maamul an wax xigmad ah ku shaqaynaynin oo tala xumo shaydaan wehel uga dhigay maamulka faroole reer puntland mametelikaro haduu siijoogah wuxuu reer puntland dhaxal siindoonaa in ay noqdaa qayta ugu nasiib daran oo ugu daciifsan somaaliya

    puntland habaar baa kudhacay ilaahay hogaan
    keeda wuxuu ugacan geliyay inti ugu garasho iyo caqli xumayd

    cidwalib geedkay beeratoh bay mira kagurataa

  7. maxamed says:

    waxaa imuqanaysa folxumo ween oo sowajahdey dadkena waxanse lenahay ilahay,lo’lanka 2 nin ee reer puntland ee is mucaraday khatarteda ayey ledahay waxana dhici donta in puntland burburto.

  8. abu sumaya says:

    acww dhamaan waa salaaman tihiin bahda pun24

  9. caqlileey says:

    waxaan jawaab u celinayaa dhamaan dadka leh faroole waa qaldan yahay …..waxay aniga ila tahay kaarka siyaasadeed waxaa ciyarayo waa abdiweli oo 4.5 meesha ku jooga haddi uu ka shaqeeynayo burburinta puntuland waa mid isaga u taalo oo aan wax waji ah ku yeelan doonin dhulkiisa ka dib August ,,,in mudo ah waxuu jeclaa inuu isticmaalo awooda puntuland ..waa yaabe ma isagaa utaliaya puntuland abdiweli waa DKG ee halkaa haku ekaado ,,tolow mar labaad idoorta waa wax la gartay balse casuumda iyo laluushka uu isamada ku waregayo ma wanaagsana ,,mideeda labaad isamadu xagee ku soo noqondoonan??????????? waa dhulkii waana ka jawaabi doonaan ..

  10. xaydar says:

    waa arinoo fiican in faroole daaqada laga saaro waayo waa ka badbadiyay siyaasadii puntland iyo koofurtana waa ku galgashay waqooyi galbeed ayuu iska amaanayaa faroole hargeysa ujawaabi maayo hadii dagaal kaga yimaado iyo afla gaadado kaga timaaado marka gaas siyaasad fiican ayuu ciyaaray isamada puntland oo dhan isagay taageersan yihiin waana nin cadkiisa goosan kara oo aan iska cabaadeen sida faroole

  11. ubah says:

    waxan qabah in faroole qalden yahay sababto ah,ama saas u leeyahay xogaa waxan arkaa inuu sugi la,yahay odayaasha,marka waxan kula talin lahaa inuu odayaasha uu soo dhaweyo,uusan yasin,wabilahi towfiiq.

  12. caaqil says:

    asc punlandnews24 aad ban idun mahad celinaya sida qiimaha badan ad wax nogu so gudbisan cabdiwali maaha nin cadkisa gosan kara wax walba dhushiisa lagu mamusha tarzan ba ka awood beeshu uu kaso jeedadana way washay mar walba talo xun bay siiyan taasuna waxay fursad u tahay sh shariif mida kale faroole dadka la taliya maaha kuwa macquul ah isimda inu la heshiiyo bay aheed reer karkaar waxan kula talinaya inan fursada ka faaiisano maxa yelay waxaynu nahay dad magac so jireen ah leh uma samaliyedna wax la qabsan kara dr fish hala tageero faroole cabdiwali isaga kenay oday faroole ha tageero musharaxa sharafta iyo karaamada badan dr fish dadka yaa wax wax tari kara qaran dadaheen kara samcad yaa dunida ku leh dr fish waa nin rag iska dhicin kara mida kale sh mahamed yaasin waa nin dalka diinta islaamka ku xukumi kara eng mohamed axmed saalax hala taageero waa nin dhalin yaro ah isku soo wada xoori dr fish waa ninka kaliya aan qabyalada aqoon waa ninka somali ugu cilmiga badan waana nin puntland cadkeeda uso dhicin kara reer puntland hadan nahay balanteenu waa dr fish iyo taageero

Leave a Reply