Ergooyinka Gedo ee shirka Jubbaland oo gaaray Kismaayo

March 20, 2013   //   Warar Somaali

Waxaa magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose kusii qulqulaya ergooyinkii Gedo ee u matalli lahaa shirka dhismaha Jubbaland ee in muddo ah la waday qorshihiisa.

Sheekh Macalin Xasan Aadan oo ka mid ah waxgardka gobolka Gedo iyo ergooyin uu hogaaminayo ayaa gaaray magaalada Kismaayo.

Waxaa uu sheekhu sheegay shirkan inay ka rajaynayaan inay kasoo baxaan wax badan oo dan u ah bulshada dagta gobolada Jubooyinka iyo Gedo.

Sidoo kale waxaa uu sheegay shalay iyo doraad magaalada inay kusoo qulqulayeen xubnaha Gedo ee shirkaan ka qaybgalaya, isagoo rajo ka muujiyay qodobo muhiim ah inay shirka kasoo baxaan.

Mar la waydiiyay kaalinta dowladda Kenya ee shirka ayaa waxaa uu sheegay dowlada Kenya inay tahay dowlad raris ah sidaasi awgeed ma jirto wax faragalin ah oo ay shirka ku hayso.

Dhinaca kale waxaa uu sheegay maamul ay dhisayaan inuu ka mid noqonayo dowladda faderaalka Soomaaliya, ayna had iyo goor ka codsanayaan shirka inay kasoo qaybgashom manihin dad mucaarad ku ah dowladda waana dowladeyna ayuu Sheekha.

Dowladda Faderaalka Soomaaliya ee fadhigeedu yahay magaalada Muqdisho ayaa horay u sheegtay inaysan aqoon doonin waxa kasoo baxa shirka Kismaayo ee haatan la wado, iyadoona diiday ka qaybgalka shirkaasi oo lagu casuumay inay furto.

Puntland-News24.

COMMENTS

RSSComments (3)

Leave a Reply | Trackback URL

  1. Muhannad says:

    @jubba xoog aad dad isKaaga dhicisid ma qabtid . Utaango kugu Celinaa ado minority ah wax aad didi kartid ma jirto. We are stronger then you that’s a fact.

  2. ceerigaabo iyo badhan says:

    jubba afkaaga caana geel lagu qabay
    sas waaye adeer dhulkeena inagaaleh
    gudhuu aan la aqoon mayl ayka soo jeedaan
    ujoojin mayno xamarna waxba nagama gelin

  3. Jubba says:

    Dowlad goboleedka JUBBALAND wuu dhaqan galayaa, ama ilkayar ha timaado ama ha habaarto shirka lakin cid loojojinayo ma jirto. Qolyahan MUQDISHO ka cabaadaya siday DOWLADII cabdulahi u diideen ayaanu anaguna u diidnay dowlada HIRAAB..

Leave a Reply