Faah Faahin Mudaharaadkii Qardho [Warbixin Muhiim ah]
September 21, 2012 // Warar SomaaliMudaaharaad si weyn ay u soo abaabuleen dadweynaha ku nool magaalada
Qardho laguna diidanaa in dowladda Puntland ay halsano ku darsato ayaa
maanta waxa uu is qabsaday wadooyinka waaweyn ee magaalada,iyo goobaha
inta badan ay shacabka isugu yimaadaan,waxaana wadooyinka magaalada
lagu gubay shaagaga gawarida,halka derbiyada lagu qoray erayo ka dhan
ah xukuumada waqtigeeda dhamaadka yahay ee damacsan in ay halsano ku
darsato.
Dadweynaha ayaa sitay boorar ay ku qoranyihiin halkudhigyo ka dhan ah
dowladda Puntland,waxana ku qornaa Puntland waxa ay u baahantahay
Badbaado uma baahno kursi jeceel iyo kaligiistalis,waxa ay ku
dhawaaqayeen in ay ka soo horjeedaan xisbiyada danaha gaarka laga
leeyahay oo ay ku sheegeen in dowladda ay dooneyso in ay sanad ku
darsato dadkana ku mashquuliso xisbiyo aan diyaar hadda shacabka reer
puntland u aheyn.
Mudaaharaadkaan oo ahaa kii ugu weynaa ee ka dhaca magaalada Qardho
ayaa shacabka waxa ay si cad u sheegeen in dowladda ay diyaar u noqoto
in ay dhacaan doorashooyin xalaal ah,waxa ayna siyaasiyinta reer
Puntland ugu baaqeen in ay la socdaan shirqoolada ay malegeyso
dowladda Waqtigeeda sii dhamaanayo oo damac ugu jiro in ay halsano ku
darsato.
Magaalada Qardho ayaa waxaa soo gaaray  gudoomiyaha gudiga
doorashooyinka Puntland Maxamed Xasaan Barre waxaana magaalada Halmar
isla kacay intabadan shacabka ku nool waxa ayna ugu baaqeen in uu si
deg deg ah isaga baxo magaalada hadii kale ay dhici doonaan wax yaabo
aan horey loo arag,waxa ayna shacabka wacad ku mareen in waqtiga
doorashda aysan ka dibdhici karin xiliga loogu talagalay 08/01/2013



WAA DHAB IN PUNTLAND HAADAAN KA LULATO WAA DHAB INAY U BAAHANTAHAY BADBAADO WAA DHAB REER QARDHO WIXII LA BIDAYAY OO AHAYD GARASHO IYO GO AAN GOBEED INAY KASOO BIDHAANTAY WAA DHAB INAY DHAHEEN FAROOLOW ONE DAY KURSIGA KUMASII FADHIYAYSID HADII LA GAARO 08/01/13 OO AYSAN DHICIN DOORASHO WAXAA HUBAAL AH IN PUNTLAND AY NOQONAYSO XAMARTII HORE,SIDAA DARAADEED WAXAA LA YIRI NIMAAN WAXA SOO SOCDA GARAN WAXA JOOGANA MA GARTO REER QARDHOOD HADAY U QUMEEN BADBAADINTA PUNTLAND WAA YADADIILO FIICAN IYO RAJO SOO MUUQATAY WAANA DADKA KALIYA WAXNA DHISI KARA WAXNA DUMINKARA WAAYO WAYNU OGNAHAY BARI LACAGTA UUN BAA LAGA QAATAA WAXNA LAMA WAYDIIYO MUDUG TIRADABA LAGA SAAR OO WAXAY GROUP KA FAROOLE UGU YEERAAN GALMUDUG!NUGAALNA WAA MEESHA FAROOLE KASOO JEEDO OO UU ISKU NAMO SOOL IYO SANAAG TAGE MARKAA REER QARDHOOD WAA KAALINTOODA AY LAHAAYEEN INAY ISU KEENAAN UMADA REER PUNTLAND DHURWAAGA IYO DHIDARADANA KA QABTAAN WAA MID LA SUGAAYAY WAANA KU AMAANAN YIHIIN WAANA KU TAAGEERAYNAA WAANA SOO DHOWAYNAYNAA GUUUUUUUL PUNTLAND GUUUUUUL HILAAC BAA INOO HILAACAY GOOR ABAAR XUMI INA RAGAADISAY WABILAAHI TOWFIIQ.
acww,akhayaarta waan salaamyaa dhamaan bacdi salaan umada reer punland dulqaadkii waaka dhamaaday dadku limit ayay leeyihiin limit kiina waa la dhaafay,wixii ka dhaca puntland waxaa masuuliyadeeda qaadaya faroole iyo group kiisa reer qardho xaq bay u leeyihiin inay diidaan dulmiga iyi dictatoriyada faroole waxaynu ognahay reer qardhood mucaarad kumay ahayn faroole 4 tii sano ee uu madaxwaynaha ahaa maanta waxa kiciyay waa dow iyo inay u muuqatay masiibada kusoo fool leh puntlan,puntland haday bur burto waxaa eedeeda leh faroole iyo reer growe waxaa agoomoowaayana waa ayaga cid uga sad roona maleh reer qardhood hadaba waxba kuma qabaan puntland markaa waxaan qabaa faroole inuu iska tago oo si asluubaysan isaga wareejiyo xukunka intaan gorowe loogu iman,
Beesha Boqortooyada Daarood “Osman Mohamoud” 4 Sano ayey u dulqaateen Xukunkii qalafsanaa, qabiilaysnaa ee Hogaamiye Fitnoole , Uma Dulqaadan karaan wax kabadan Afar Sano._____
_____Maamulkii Puntland la odhan jiray waxaa uu iskugu soo ururay Garoowe waxaadna Moodaa In Beelaha Ali Saleebaan, Leelkase, Biciidyahan Iyo Omar Mohamoud ay qabatimeen Heeryada iyo Xukunka Qabiilaysan Ee Horjooge Faroole Oo aysan wali hurdada ka kicin_______
___Horjooge Fidnoole waxaa ka go’aan ah inuu Puntland burburiyo hadii aan loogu darin halka Sano ee uu Doonayo_____
hadii ay puntland burburto waxaa ka dameeyey faroole iyo xukuumadiisa yaan waxba la oran isdejiya in isku dir ka sameeyo gobolada puntland oo usaga oo laga dhigay madaxwayne puntland uu ulaabto madaxwaynaha garoowe oo uu waliba ku dhaqmo waxyaabo iska muuqda maalin looma ogola axsaabtana waa la furayaa degmakastana oo kamid ahayd degmooyinkii somalia way ka qayb galaysaa
a
Come on people… Cadawgu yusan naga faa,iidaysan maxa meesha yaal yan la buunbuunin miiska wax walba halagu dhameyo maamulka dad la xisabtama halo diro hagaajiya wixi dhaliilo ah, o la tabanayo dawlad kasta aduunka perfect ah ma jirto is dajiya xaaladana dajiya walaalayaal!!
Dabshidida haladaayo wadahadal ayaa wanaagsan iyo xal ee dabka daaya.
Is dejiya oo rabshadaha joojiya wada hadalna xaalka ku dhameeya.