Faah Faahin socdaalka Madaxweyne Faroole ee Itoobiya

September 1, 2012   //   Warar Somaali

Socdaalka uu ku jooga weli Magaaladda Adis Ababa Madaxweynaha Dowlada Puntland Cabdiraxman Faroole iyo wafdiga uu hogaaminayo ayaa waxa ka soo baxa warar dheeraad oo la xiriira kulamadda uu la yeeshay Madax ka tirsan hay’adaha caalamiga ah, iyo weliba kuwa shidaal baarista ka wada degeenadda Puntland.

Sarkiil ka tirsan Madaxtooyadda Puntland ayaa u sheegay Warbaahinta PN24 in Madaxweyne  Faroole uu kulamadiisa inta badan la xiriiraan arimaha shidaal baarista Puntland,sida sarkiisha ay noo xaqiijiyeen.

Sidoo kale Madaxweyne Faroole ayaa kulan la qaatay Keith Hill Sarkaalka ugu sareeya Shirkadda Shidaal Baarista Puntland ka wada ee  Africa Oil, taas oo howsheeda ay u xil saaran tahay shirkadda Horn Petroleum Corporation (“Horn”).

Dhanka kalena Madaxweyne Faroole ayaa waxa uu shacabka Itoobiya uga tacsiyey dhimashadii Ra’isul wasaarahii Itoobiya Meles Zenawi 21, bishii August isaga oo kala hadlay Tva dalkaas.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in Madaxweynaha kulamo gooni gooni ah la yeeshay qurba joogta reer Puntland ee ku sugan Magaaladda Adis Ababa ee dalka Itoobiya, isaga oo kala hadlay sida ay ula shaqeyn lahaayeen dowladiisa.

Kulamadaasi ayaa waxaa Madaxweynaha lagala hadlay in uu ka shaqeeyo horumarka Puntland, isla markaana uu mar walba ku dadaalo sidii uu Puntland uga hirgelin lahaa Nidaam dowladeed.

Qaar ka mid ah qurba joogtii kulanka la qaatay Madaxweynaha oo u warmay PN24 ayaa muujiyey sida ay ugu faraxsan yihiin in ay la kulmaan Madaxweynaha isla markaana ay u gudbiyaan aragtidooda ku aadan sidii mar walba looga shaqeyn lahaa horumarka dalka.

27, Bishii August ayeey aheyd markii uu ka dhoofay Caasimadda Puntland ee Garowe Madaxweynaha oo ay wehliyaan qaar ka mid ah masuulyiinta dowladda Puntland.

Yuusuf Hajji

Puntlandnews24

COMMENTS

RSSComments (3)

Leave a Reply | Trackback URL

  1. Jirde says:

    Mudane madax weyne noolow jir o joog waxa tahay geesi halyeey ah cadowgiisana cagta hoos galiyey hawshada wado madaxweyne

  2. ahmedpunt-------------- says:

    halkaan waxaan kasaalamayaa warbaahinta puntlandnws24 saxafiyiinteeda waana kumahadsanyihiin sida akhbaarta aad noogu soogudbisaan ..
    midda kale madaxweyne faroole waa halyeey siyaasi ruugcadaaya oo siyaasadda geeska afrika siiba iyo itooboya oo dal darisa oo aanaan is’hureenin oo afrikaan walaalaheena iyo soomaaliya siiba siidardar galinta arimaha siyaasadda puntland iyo xiriir soojiidashada leh ee caalamka iyo wadamada geeska afrika oo aay uugu horeeyso itoobiya, sidii larabay buu gool wanaagsan kaciyaaray madaxweunaha puntland ee dr faroole allaha karaameeyo oo xafida’allaahu ilaahay baa kula jira,cadawgaagana cagta hoose buu galayaa inshaa allaahu oo aay uugu horeeyso dayniile.com ,waxaana leeyahay waa muslim sheegato ilaahay hasoohanuuniyo dhibkooda marabnee waayo soomaali waa dad yar oo aan kalago’i karin ,waxaana kaloo leeyahay dadka shacabkaa ee reer puntland inay lashaqeeyaan nidaamka dawligaa ee puntland oo runtii kawada wanaagsan dhammaan nidaamyadii kahoreeyay ..scww

  3. Cabdiraxmaan Garoowe says:

    MADAXWEYNE Cabdiramxaan Faroole, taariikh reeb oo ha ka harin shidaalka iyo soo saaristiisa ninyahow

    Hadaa taariikh ayaa meel kuu taalaa, mar hadii xisbiyo badan la ogolaaday, oo doorasho ay dhaceyso. Sida ay Cadde Muse iyo kooxdiis u bilaabeen adna u dhameystir shaqda shidaalka

Leave a Reply