Faahfaahin dheeraad ah oo kasoo baxaysa duqayntii diyaaradeed ee degmada Ballidhidin
June 7, 2012 // Warar Somaali
Wararkii ugu dambeeyay ee laga helaayo degmada Balidhidin ee gobolka Bari ayaa lagu soo waramayaa duqayntii diyaaradeed ee shalay ka dhacday degmadaasi inay sababtay dhimashada iyo dhaawaca laba qof oo dadka deegaankaasi ah.
Ismaaciil Maxamuud Sugule oo ah kuxigeenka duqa degmada Balidhidin ayaa u sheegay warbaahinta gudaha ah ee Puntland duqaynta inay sababtay dad badan oo ku noolaa degmadaasi inay barakacaan .
Waxaa uu sheegay dadku inay xalay u baxeen dhinaca buuraha iyagoo ka baqaya in duqaynta ay dhacdo xilli dadku ay hurdaan.
Gudoomiyaha ayaa xusay in la waayay carruur iyo haween badan oo argagax ka qaaday duqayntii galinkii dambe ee shalay ka dhacday degmadaasi.
Ismaaciil Maxamuud Sugulle oo ah ku xigeenka duqa degmada Ballidhidin ayaa dhinaca kale sheegay inaysan ilaa iyo iminka aysan cadayn duqayntan cida fulisay, shacabka degmada Balidhidin ayuu sheegay inay kasoo horjeedaan burcadbadeeda balse nasiib darro ay tahay in shacabka masaakiin ah la duqeeyo.
Shalay ayay ahayd markii laba diyaaradood ay duqaymo socotay 5-saacadood ay ka fuliyeen degmada Ballidhidin ee gobolka Bari,dowladda Puntland ayaan weli ka hadlin duqaymahan.
Puntland-News24



Waxaa ladhihi karaa duqeynta in shirkado shisheye argagax gashaan si ay usoo dagaan degaanka oo aan loo hor istaagin
balidhidhin waa magalo ay wada degaan beelaha cawlyahan cali iyo cumar cali magaalo xeeb ah mahan maxaa keenay burcad badeed ani fikirkay waa siyasad baan umalanyaa uu faroole wado
waa arin naxdin leh walaahi in 5 sacdood laduqayo magaalada balidhidhin masuliyada falkaas waxaa qaadaya mamulka faroole beesha cali saleebana iya is dhigtay meeshaass balidhidhin xeb mahan maxaa burcad badeed iyo duqayn