Faallo: Madaxweynaha Faroole iyo Isimadda Puntland yaa u garniqi doona?? Qaybtii – Labaad
July 23, 2012 // Faallooyin, Warar SomaaliHordhac.
Qabtii hore : ee Faaladda Madaxweynaha Faroole iyo Isimadda Puntland yaa u garniqi doona? Oo horay loo daabacay Waxaan kaga hadlnay Doorka Isimaddu ku lahaan jireen Puntland, Xiriirkii wada shaqayneed ee labada dhinaca (Isimada & Dowladda) ka hor khilaafka, kala qaybsanaanta Isimada & waxa khilaafka salka u ah.
Qaybta Labaad : oo ah qaybta u danbaysa waxaan kaga hadleenaa cida xaqa u leh inay soo xulaan Ergadda ansixinta Dastuurka iyo Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya, dhaawaca khilaafkani u geysan karo doorkii Puntland ka ciyaari lahayd wakhtiga kala guurka DFKS, Kaalinta R/W Gaas, Saamaynta uu ku yeelan doono ismaan dhaafku labada dhinac iyo Saadaasha meesha uu sal dhigan doono ugu danbaynta? .
Raali Gelin : Sidii ku xusnayd faaladan qaybteedii hore waxaa ku jiray Isimadda wax ka saxiixay baaqii 32 Isim ka soo saareen Magaaladda Boosaaso taariikhdu markay ahayd 10 May, 2010 Garaad: Maxamed Aadan Finiin sida aan ku sheegnay isla qaybtaas Garaadku wuxuu ka mid ahaa Isimo culays uga yimi Xukuumada dartiis wadanka uga baxay, hase ahaatee xiriir ay nala soo sameeyeen qaar ka mid ah qoyska Garaadku waxay noo xaqiijiyeen in uu u tegay wadana UK Arrimo Caafimaad .
Warbixinta Isimadda soo saaray baaqii 10th May, 2010 waxaan ka soo xiganay Suldaan: Maxamed Yuusuf Cabdi oo wakhtigaas ahaa Afhayeenka Isimida Puntland hadana ku nool wadanka Austraia, Sidaa darteed waxaan ka bixinaynaa raali gelin buuxda arrinta Garaad: Maxamed A. Finiin maadama xogta ku xusnayd warbixinta wax ka soo noqdeen Anagoo rajaynayna in ay naga aqbali doonaan raali gelintaas dadka ay khusayso.
Tixraac Sharci : Tan iyo markii la soo daabacay Faaladdan qaybteedi Koowaad waxaa naga soo wejehay Saraakiil ka tirsan Xukuumadda iyo kuwo ka ag dhow dhow handidaad & Cago juglayn mana ahan wax la yaab leh sida looga bartay Xukuumada, waxaanse u cadaynaynaa inaysan noqon doonin isku daygoodaasi mid wax ka bedelaya dib u dhacna u horseedaya Arragtidayada anigoo xasuusinaya in Dastuurka Puntland u ogolyahay qof walba inuu si xora ah u cabiro arragtidiisa sida ku cad Qodobka 13-aad farqadihiisa 1-aad & 2-aad oo u dhigan sidan.
XORRIYADDA FIKIRKA
- 1. Qof kasta xor buu u yahay fikraddiisa waana soo bandhigi karaa. Faafreeb horudhac ahi waa reebban yahay.
- 2. Qofku waxa uu fikraddiisa ku cabbiri karaa qaab hadal, saxaafadeed, qoraal, muuqaal, suugaan iyo habab kale oo sharciga iyo anshaxa waafaqsan.
Faaladda. Qaybtii – Labaad .
Yaa xaqa u leh soo xulida Ergadda ansixinta Dastuurka iyo Baarlamaanka Soomaliaya.
Sidii aan horay ugu xusnay qaybtii hore khilaafku wuxuu ku saleeyahay cida xaqa u leh inay soo xusho Ergadii Puntland u meteli lahay Shirweynaha lagu ansixinayo Dastuurka qabyada ah iyo soo xulida saamiga Puntland ka heshay Baarlamaanka cusub, Isimada badankoodu waxay joogaan Muqdisho waxayna ku doodayanaa inay iyagu yihiin kuwo xaqa u leh inay soo xulaan Ergadda & Xubnaha cusub ee Baarlamaanka halka Xukuumadu ka qabto aragti taas ka duwan.
Kadib markii lagu guuldaratsay in Isimada lagu qanciyo wixii ka danbeeyey shirkii Turkiga inay dib ugu soo laabtaan Garoowe halkaasna ka bilaabaan soo xulista Ergooyinka iyo Baarlamaanka cusub Dowladdu waxay magcawday gudi ka kooban 4 xubnood gudigaas oo loo xilsaaray inay soo xulaan Ergooyinkii ka qayb geli lahaa ansixinta Datuurka, 16, July, 2012 shirjaraa’id oo xubnaahaasi ku qabteen Madaxtooyadda Garoowe waxay sheegeen in ay soo dhameeyeen soo xulida Ergooyinkii u meteli lahaa Puntland iyagoo ugu baaqay Gudiga farsamo ee heer Qaran iyo Xafiiska Qaramada midoobay u qaabilsan Soomaliya (UNPOS ) inay fududeeyaan sidii xubnahan loogu daad gurayn lahaa Muqdisho ayna u so diraan diyaaradihii qaadi lahaa.
Isimada reer Puntland ee ku sugan Muqdisho oo ka mid ah Odyaasha dhaqanka Soomaaliyeed ee shirweynuhu uga socdo halkaas dhankooda waxay ku mashquulsanayeen sidii ay u soo xuli lahaayeen Ergadii ansixin lahay Dastuurka, Sida ay cadaynayaan xogo rasmi ah labada dhinac (Xukuumada & Isimadda) mid kastaa wuxuu u gudbiyey Gudiga farsamo Liis ay ku sheegayaan inuu yahay xubnihii Puntland labadaas Liis oo is khilaafsan.
Dib u Eegid Heshiisyadii Garoowe .
Sida ku cad heshiisyadii Garoowe 1 & Garoowe 2 oo ay ku heshiiyeen Madaxda Soomaalidu Odayaasha dhaqanka Beelaha ayaa xaq u leh soo magcaabida Ergooyinka isugu imanaya Shirweynaha lagu ansixinayo Dastuurka iyo soo xulida Baarlamaanka cusub maamulada ka jira Soomaaliya & Saxiixayaasha Road map oo Puntland qayb ka tahayna kuma yeelan doonaan wax faragelin ah shaqada Odayaasha dhaqanka.
Dhaawaca khilaafkani u geysan karo doorkii Puntland ka ciyaari lahayd wakhtiga kala guurka DFKS.
Markasta oo khilaaf yimaado wuxuu wiiqaa isku duubnidii iyo isku aragtidii sidaa darteed sheki kuma jiro hadaan khilafkan laga gaarin xal rasmi ah dhinacyada (Isimadda & Xukuumada) uu ka dhexeeyaana la iman is afgarad iyo isu tanaasul inuu wiiqi doono kaalintii Puntland ka ciyaari lahayd wakhtiga kala guurka Soomaaliya .
Kaalinta R/Wasaare Gaas.
Raysal Wasaare Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) sida muuqata waa musharax ka rajo qaba inuu u tartamo doorashooyinka Madaxtooyadda Soomaaliya ugu yaraana wuxuu doonayaa inuu helo codadka reer Puntland waana masuulka ugu sareeya ee Puntland ugu jira wakhtigan Xukuumada dhexe sida laga soo xigtay ilo xogogaal ah waxaa u dhexeeya Raysal Wasaare Gaas iyo Madaxweyne Faroole herdan Siyaasadeed.
R/wasaare Gaas wuxuu la aragti yahay Isimadda jooga Muqdisho wuxuuna qabaa in iyaga faraha looga qaado hawsha ayna halkooda ku soo xulaan Ergooyinkii laga rabo isagoo isu arka in uu yahay Masuulka u sareeya ee DFKS u metela Puntland ayna tahay in looga danbeeyo wixii khuseeya Dowladda dhexe maadama uu isagu Wakiil uga yahay Puntland halka Madaxweyne Faroole isagu qabo in aan wax saamayn ah ku yeelan Madaxda Dowladda dhexe arrimaha Puntland ayna masuul ka tahay Xukuumada ka jirtaa Odayaasha dhaqankana looga baahan yahay inay dib ugu soo laabtaan Deegaanadoodi halkaasna ka bilaabaan hawsha soo xulida.
Waxaan sheki ku jirin Isimada reer Puntland ee jooga Muqdisho inay ku joogaan rabitaanka iyo Siyaasada Raysal Wasare Gaas.
Saamaynta uu ku yeelan doono ismaan dhaafku labada dhinac.
Khilaafkani wuxuu ku yeelan doonaa labada dhinac samayn weyn iyagoo horayba wada shaqayntoodu ahayd mid aad u hoosaysa hadana ugu yaraana wuxuu haadaan dheer ka tuuri doonaa is Aaminaadii u dhexeysay iyo wada shaqayn fiican oo dhex marta mustaqbalka dhow.
Saadaasha meesha uu sal dhigan doono Khilaafku ugu danbaynta.
Khilaafkani ma noqon doono mid sii socda oo mudo dheer sii jiitama arrimaha lagu muransanyahayna waxay ku egyihiin 22/8/2012 oo dhamaan ay soo gebo geboobi doonto hawlaha la isku haysto, Wixii ka danbeeya marka laga gudbo marxalada kala guurka Soomaaliya sida la saadaalinayo xiriirka Isimada & Xukuumadu wuxuu ku soo noqon doona mid iska caadi ah.
Xukuumada wakhtigii loo doortay Xafiiska waxaa ka harsan 5 bilood oo keliya iyoo rajo ka qabta inuu u meel maro 1 sano oo loogu daray & Dastuurka cusub ee lagu ansixiyey Garoowe Dalkana ay u horseedo nidaamka asxaabta badan taasina waxay u baahan tahay Kalsoonida Isimada oo iyagu ku leh arrimahaas door weyn goob joogna ka ahaa shirkii lagu ansixinayey Dastuurka cusub ee Puntland oo u ogolaanaya Hay’adaha Dowladda (Madaxtooyadda, Baarlamaanka & Golaha Garsoorka) 1 sano oo dheeraad ah inay sii joogaan Xafiiska sida ku cad Qodobadiisa 59aad, 79aad, iyo 90aad .
Sidaa darteed Xukuumada waa ku adkaan doontaa inay sii wado dagaalka siyaasadeed ay kula jirto Isimada ku sugan Muqdisho taas bedelkeedana waxay xooga saari doontaa sidii ay u kasban lahayd kalsoonidooda si aan Siyaasiyiinta diidan mudo kordhintu uga helin taageero Isimada.
DHAMAAD.
Shiine Culay
Dubai, United Arab Emirats
E: shiine.culay@gmail.com Facebook: Price Shiine Culay
Follow on Twitter: @shiineculay




Wa sualle majaertenka maxa kuli ilkohoda wada dhereshay qofkasto dhabayaco ah wa ilko dheryahay. Misna madoow badna odayasha dhabayaco misa foolxuma wa yabe maxay u fantamaan iyako sidaan uwada ek hada waxan ujeda 50 oday kudhawaad 1 qof oo qurxoon ama cad kumajiro de wa yabee maxad la fantantaan adinko south sudan dadkedi uek bismilaaah walle qof dhabayaco ahi ima fantamoo 1 ruux oo nuraya kumajira madaxdoda faroole ooo bahal uek ayaba ugu qurxoon balaleyahay wa rer bay rerka uu faroole ugu qurxonyahay madaxdoda de. South sudan ba kasojedanee xaga iyo jubba uguraa somali saan umaekee. Dhabayacoo wajixumayaaaal nin iyo nag toda isma dhamaan all bahalo sorry
A/c waa qoraal aad ufiican oo siwacan loo diyaariyey asagoo cidna aan eex ku ahee lakin sida wax ujiraan uu ugawar bixiyey cidii diyaarisayna waad kumahadsantihin, waxaanse leenahay cidii war bixintaa kaxanaaqday allah cadaalad hawaa faqiyo
@maxamed waa iiga hormartay intaad sheegtay baa sheegi rabay waa mahadsantahay fikirkaaga saliimkaa
Siyaasiyiinta Soomaalida markii ay ku fashilmeen in ay aduunweynaha iyo bahda caalamka la xisaabtamaan iyaga oo u daneynaayo dadkooda iyo dalkooda, waxay howl ka dhigteen in ay xagxagtaan oo u xoog sheegtaan dadka ay madaxda u yihiin. Waxba yaanan leydaalin, soomaaliya taladeedii soomaali gacan ma ugu jirto. Haddii aanu taas isla qirno waxaa soo harey garoon yariis ah oo u bannaan siyaasiyiinta iyo shacabka aa jira. Yaan leysku ciriirin garoonkaas ee si edeb iyo is xushmeyn leh baloonta ha loogu ciyaaro.
waxaa wanagsan in la adkeyo midnimadda puntland,waxa wanansan in laga heshiyo waxii dhibato ukenaya ummadda reer puntland,waxa haboon in sharciga ladhawro qof kastNA ILALIYO DANTA IYO MASLAXADA UMMADDA REER PUNTLAND.
asc.waxaan sitoosa ulahadleyaa intta xumaanta neceb sida isemada puntlan waa in aan ladheyel san maqaalkaan hufen ee walaalkeen uu noo soo bandhigey waana in wada jirka lagawadasheqeeyaa dhamaanteen shaceb iyo maamulkaba waxaeyna ilaa muqataa khilaaf aad ubalaren in udhexeeyo m/puntlan iyo isemada puntland arintaas yaa la dhayelsen waa wax nugu cusub midnimada somaali waa muqadis
maasha allaah waa qoral wanaagsan wax shaqsi cay iyio xadgudub aan lahayn waiye shiine culay waa ku mahadsan tahay sida wanaagsan aad shacabka xaqiiqda ka jirta wadankii uga warantay guul iyo horumar puntland iyo soomaaliyoo dhanba illahay ha gaarsiiyo