Faallo:Ra’iisul Wasaaraha Cusub Maka Gudbi Doonaa Caqabadaha Horyaal?
October 8, 2012 // Faallooyin, Warar SomaaliMudadii Qaran jabka lagu guda jiray ayaa shirar is feer socday Soomaalida loogu qabtay dalalka Itopia,Kenya,Jabuuti iyo Masar,shirarkaasi hubanti ma noqon in ay kasoo baxaan heshiis hirgalin karay dib u hanshadda dowlad Soomaaliyeed.
22-sano ka dib,markii ugu horaysay waxaa umadda soomaaliyeed socod u hirgalay arrimo ay ugu uhiimsanaayeen;-
1-Ansixinta Dastuurkii qabyo qoraalka ahaa.
2-Soo xullida hay’adda sharci dajinta Soomaaliya.
3-Doorashadda Madaxweynaha dalka iyo guddoonka sare ee Baarlamaanka.
Ansixinta dastuurka wuxuu gogol xaar u noqday in laga gudbo nidaamka KMG ahaa oo ahaa nidaam dib u socod ah oo natiijadiisu ay noqotay ”Dhaan daba gaale”.
Madaxweynaha dalka waxaa loo doortay Xassan Sheekh Maxamuud oo ku guulaystay cod aqlabiyad leh,sababta keentay in cod aqlabiyd leh uu ku guulaysto madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxa sal dhig u ahaa in la helo isbadal Siyaasadeed oo dhab ah,kaas oo la jaan qaada waayaha cusub ee la filayo in ay u guuraan umadda Soomaaliyeed.
Muddo dhowr iyo labaatan maalmood ah oo dadweynaha Soomaaliyeed ay ka war sugayeen Madaxweynaha in uu magacaabo Wasiirka kowaad ee Xukuumadiisa,waxaa todobaadkan uu madaxweynuhu uu Ra’iisul wasaaraha dalka u magacaabay Cabdi Faarax Shirdoon”Saacid” oo ah ganacsade galaan-gal Siyaasadeed leh.
In kasta oo dadka qaarkiis uu ku cusub yahay Ra’iisul Wasaaraha cusub,hadana wuxuu ka mid ahaa Siyaasiyiintii u xusul duubayay in sanadkii 2010 loo magacaabo Ra’iisul Wasaaraha dalka,ka hor inta aan la magacaabin Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” 6/oct/2012 ayaa xilka raisul wasaaraha dalka Soomaliya loo magacaabay.
Aan u daadago dulucda Faaladda.
Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya oo hogaanka u qabanaya dowladii ugu horaysay oo Federaal ah oo ay yeelato umadda Soomaaliyeed,waxa laga sugayaa in uu wax ka qabto arrimaha Siyaasadeed iyo bulsho ee umadda Soomaaliyeed.
Amaanka Dalka.
Wasiirka kowaad ee Xukuumadda Soomaaliya wuxuu kusoo beegmay xilli dowladda Federaalka Soomaaliya ay la wareegtay gobolo fara badan oo ku yaala Koonfurta dalka,iayaga oo taageero ka helaya ciidamadda Amison.
Dowladdu waxay ku jirtaa dagaal ka dhan ah Ururka Al’shabaab oo wali gacanta ku haya qaybo ka mid ah goboladda Koomnfureed ee dalka,waxana dalka ku sugan ciidamo ka socda dowladdaha Itopia,Kenya,Jabuuti,Uganda iyo Burundi oo taageero siinaya dowladda iyo maleeshiyo beeleedyo Soomaaliyeed.
Marka laga shidaal qaato ciidamada faraha badan een ku sugan dalka oo aan la aqoon xilliga ay ka baxayaan gudaha Soomaaliya, waxaana aan la iska indho tiri Karin in dowlada Soomaaliyeed ay u baahan tahay ciidamo dhamaystiran.
Wax ka qabashadda amaanka iyo dhismaha ciidamo tayo leh oo ay yeesho dalku waxay ka mid yihiin arrimaha horyaala Ra’iisul Wasaaraha dalka,iayada oo taariikhdu ay ina barayso in ay dowladaha dariska ah aysan raalli ka ahayn in dalku uu helo ciidamo tayo leh,si aan boorka looga jafin Siyaasadda Soomaaliwayn.
Hirgalinta nidaamka Federaalka.
Markii ugu horaysay ayaa umadda Soomaaliyeed ay qaateen nidaamka Federaalka,waxaana nidaamkaasi buuxiyay maamulka Puntland oo ah maamul dhisnaa muddo dhan 14-sano.
Waxa dalka ka jira maamul Goboleedyo kale oo aan buuxin shuruudaha maamul Goboleed ay ku noqon karaan,xilli Dastuurka dalku uu qeexatyo in ay maamul Goboleed ay dhisan karaan karaan laba gobol iyo in ka badan.
Waxaa kale oo jira beelo ku hawlan in ay dhistaan maamul Goboleed dhigiisa ah Puntland oo loo baahan yahay in la waafajiyo Shuruucda dalka iyo rabitaanka dadweynaha ku nool goboladda laga samaynayo maamul goboleedyadda.
Hirgalinta nidaamkan oo ay ka hor iman karaan caqabado fara badan ayaa ah mid hirgalintiisu ay u baahan tahay aqoon iyo karti.
Siyaasadda Dibadda iyo dhismaha Xukuumadda.
Siyaasadda arrimaha dibadu waa mid ka mid ah hawl bowlayaasha ugu muhiimsan dowladda,waayo in adduunyadda laga iibiyo rabitaanka dadweynaha Soomaaliyeed ayaa mid aad muhiim u ah,xilli dowladaha Khaliijka,wadamadda Afrika,Maraykanka iyo reer galbeedku hannaanka ay kula macaamilaan Soomaaliya uusan ahayn mid hal wadiiqo abaara.
Arrimha kale ee horyaala Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxa ugu muhiimsan;-
1-Dhismaha Xukuumad tayo leh.
2-Dib u soo noolaynta midnimadda umadda Soomaaliyeed.
3-Xoojinta xiriirka maamuladda taageersan Federaalka.
4-Iyo dib u dhiska dalka.
Hadaba iyada oo Ra’iisul Wasaaraha cusub ay horyaalaan arrimo fara badan oo u baahan in wax laga qabto ayaa su’aasha war celinta u baahan ay tahay Ra’iisl Wasaaraha Soomaaliya ma yahay mid ka gudbi kara caqabadaha horyaal,mise Filimkii aan daawanay 22-sano ee lasoo dhaafay ayaan dib u daawan doonaa?.
Cabdi Qani Cabdullaahi Cabdi.
Bosaso,Soomaaliya.



Raiisuwasaarinimada waxay ahayd in MG (MuGuirtinia) la siiyo, haddiise Hawiye arrintaas diideyn, waxaa ogeysiinaynaa in annago nahay Modified Gene (MG) aan u daaheynin inaan dawladdaan burburinno, haddii aan burburinay tii ka xoog badneyd ee Maxamed Siyaad.
Cabdullaahi Yuusuf booskiisa waxaa noo joogaa Faroole.
Waxan qaba Raisal Wasaraha in u ka gudbi karo intasi Oo caqabadaha Ee Horyala Balse Anan la mucaradin insha alaha Sida an ku aqano Sacid Wa nin karti u leh inu ka gudbayo Wax Walba Oo is hortaga Garabkisa ayan lenahay Waxan ad u jeclahay Somalia inay hana qaado Sida ay tahayna ay ka gudubto Dunidana ay la janqado Way ,,
To the new PM of United States of Somalia(USS) or your(FS):
Karti, Kalsooni, aqoon, xoog (wada jir), qabiil la’aan,(soomaalinimo),cadawga gudaha iyo kan dibadaa oo ka baxa dhulka aysan lahayn,iyo guryaha aysan lahayn, intaas kartideed ma leedahay.
But before you can try and support enemy:
Where is somalia and where is our people, and why cover up of the crimes comitted from our country in every aspect and at all levels. Is this Mogadishu?, is this Kismayo?
Where is our People, where somalia will come from?
W.Kh.
A/C. waxaan aad ugu hambalyeynayaa cabdiqani faaladiisa quruxda badan ee taabanaysa dhamaan umada soomaaliyeed.
ma mudna in qofna afkaartiisa lagu aflagaadeeyo. lakin madaxwaynaha cusub iyo PM-kiisa waxaan qabaa inay kolhore tahay in laga faaloodo. maxaa wacay sidaa cabdiqani sheegey waxay u baahan yihiin inay helaan xukuumad farsamo badan oo dalka badbaadiya.
In kastoo dad badan oo soomaaliya ay aamin san yihiin inay yihiin 3 qof oo hurda waa gudoomiya baarlamaanka madaxwaynaha iyo ra’iisul wasaaraha.
Waxaan leeyahay ilaah ha na badbaadiyo.
Caqlileey caqli xun huno hadanunahay besha sade daroos wax an isunahay iyo wax naga dhaxeya habayarate majiraan besha sade darood wayka baxday mana rabnooo mj iyo cakdheer toool iyo daris iyo garab hawiya ino ah kismayo marexaan sade iyo hawiye. Katalinjiray kana talin isha allaah cidi ka hor timada gacan bir aha lagu qabanayaaa sidu dr mahiga shegay kablalax ama harti wad is urursateen lkn waxa ogataaan gesiga darood iyo xiniyihi darood inu marexan yahay marexaan iyo hawiye wa 1 faar oo isku dubaan hiil iyo hoo isla garabtagan mantana wakasa abalka ay nasiyeen raisuwasare laga dhigay nin sade ah marka kablalax all so werara kismayo 2 wiil oo sade ah inkufilaaan wa la is yaqanaaaa huno viva jubaland and galgaduud land
R/W cusub ma naqaan lakin waxan aamineynaa Khudbadii Jimcadii 5/10/2012 oo uu noo fasiray ammaanada iyo waxa uu ka rabo madaxda qaranka.
Yeynaan ka hor tegein R/w in kastoo nin qaad cuna lagu sheegayey.
jubaland maxaa idiinka yaaaalo garowe iyo nugaaaal ku ekaaado ogadeeeen shaqo kuma lahan abaartiii caga dheer la soo dajiyay dadka deeegaanka waa la garanayaaaaa
Ilaa dastuurka Barlamaanku ansixiyo,afti dadweyne loo qaado ma jiro wax nidaam ah oo lagu heshiiyey. Inta taas ka horaysa qabill kastaa degaankiisa ha ku sugo deriskana nabad ha siiyo. Dalkuna hal madaxweyne iyo hal dawlad buu leeyahay,qabiil kastana waxaa dawladda dhexe uga wakiil ah xildhibaanada golaha shacabka ay u soo xusheen.
REYSALWASAARAHAN WAX UU KALA OGYAHAY MALAH AMIIN CAAMIR SHEEGAY WUXUU DHAHAY WAA NGO WAANA FIRQO CUSUB OO LA DHAHO DAMUL JAADIID OO MICNAHEEDU YAHAY DHIIGA CUSUB DAWLADA SOO SOCOTO WAA DHIIGA CUSUB KUWII HORE AALA SHEEG MEESHA WAXEY ISKA NOQOTEY FIRQO MARBEY XUKUNKA QABSANEYSO REYSALWASAARAHAN WAA NIN KA SOO HORJEEDO FEDERAL WUXUU AAMIN SAN YAHAY SIDII KACAANKA MAR DHOW WAA LA IS KA HOR IMAANAYAA
galgaduud ma waxad ka xuntahay jubalnd dadka degan iyo kuwa degan puntuland inay is ku dad yihiin haddii aad ka xun tahay is dawee !!! tan kale waxaa la sugaya waxuu sameeyo RW iyo dawlada NGO ee hadda jirta war jiraa la helee,,
Xaji yusuf adeer dhulkada kaliya kahadal jubaland afaraheda kumatale 300 kilomitir aye kujirtayee juba dadka leh bay arinteda utalayee 2 gobol oo qalalan kaliya kahadal garowe iyo bugaal
Haba ka yaabina in uu wax soo kordhiyo. Ku xumayn Puntland iyo Jubba land ayaa loo magacaabay, waana raggii barre hiiraale markii uu kismaayo dadka ku laynayey talefanka aan dhigi jirin ee dhegta uun ku hayn jirey, walaalaha galgaduudna dhaqaalaha ku taageeri jirey!!!
wa ka gudbi karaaa ninkaaan waa nin siyaasi ah isbadalka cusub waa la jaan qaadi karaa allaha la garab galo xilka adag prf.saacid
waa faallo qurux badan,haa ma qabo walaal cabdi qani cabdullaahi in ninka la magacaabay ee ganacsadaha ah uu wax ka qaban karo waxaad ka hadashay
NIN KAAN QANYARE WUXUU YIRI QAADKA IYO XASHIISHADA HAYSKA DAAYO