Faallo:Xaglatoosiye, Muxuu Ka Tagay, Muxuuse La Tagay?
October 20, 2012 // Faallooyin, Warar SomaaliDr. Saleebaan Ciise Axmed(Xagla-toosiye) oo ah aqoonyahan Soomaaliyeed wuxuu masraxa Siyaasadda si xawli ah usoo koray horaantii sanadkii 2008,waqtigaas oo doorashadii afraad ee Madaxtniadda Puntland ay ka dhacaysay magaaladda Garoowe ee caasimada Puntland.
Xagla-toosiye wuxuu qayb ka noqday shan musharax oo u taagnaa jagadda madaxnimadda Puntland,hasa yeeshee wareegii ugu dambeeyay waxa kaga guulaystay Madaxweyne Kuxigeenka Puntland Gen. Cabdisamad Cali Shire oo ay isku hayb yihiin Saleebaan Ciise Axmed.
Madaxweynaha Puntland Cabdi rixmaan Maxamed Maxamuud ayaa sanadkii 2008 Xukuumadii uu soo dhisay ku daray Xagla-toosiye,waxaana uu u magacaabay Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Kheyraadka Badda inkasta oo Saleebaan Ciise Axmed uu jagadaasi ka biyo diiday.
Laba Kacleyntii Xaglatoosiye
Shir ay isugu yimaadeen dadweynaha SSC sanadkii 2009-kii oo ka dhacay wadanka Kenya ayaa horseeday in dadweynaha ku dhaqan goboladaas ay samaystaan urrur ay ugu magac dareen ururka midnimadda iyo badbaadada goboladda Sool,Sanaag iyo Cayn(SSC),waxaa guddoomiye ururkaasi looga dhigay Dr Saleebaan Ciise Axmed,halka ku xigeena loo magacaabay COL.Cali Xassan Axmed (Sabarey).
Sababta jagadaasi loogu dhiibay Saleebaan Ciise Axmed ayaa ku jaan go’anayd,isaga oo aminsanaa qadiyadda SSC iyo wax qabadkii arrimaha bulshadda ee uu ka gaystay degmadda Buuhoodle ee gobolka Cayn.
Siyaasi Saleebaan wixii waqtigaas ka dambeeyay wuxuu bilaabay cambaarayn sal adag oo u soo jeedinayay maamulka Soomaaliland,wuxuuna u diray baaqyo is feer socday oo ku aadan in ay isaga baxaan goboladda Beel-weynta Dhulbahante,waxaana jiray dagaalo goos goos ah oo dhex maray urrurka uu hogaanka u hayay iyo maamulka Soomaaliland oo ay ku dhinteen dad shacab ah oo kasoo jeeda goboladda SSC.
Ama Buur Ahow Ama Buur Ku Tiirsanow.
Marka ay aynu dib u jaleecno diiwaanka taariikhda ee umadda Soomaaliyeed,urruraddii kasoo horjeeday dowladii uu hogaanka u hayay ALLa ha u naxariistee Jaalle Maxamed Siyaad Bare,waxay ku tiirsanaayeen dowlada Itoobiya iyo dowlado kale oo ay ka dhaadhiciyeen hadafka ay u dagaalamayeen.
Tusaale ahaan ururka SSDF oo ay samaysteen dad kasoo jeeda goboladii horay loo oran jiray Majeerteeniya iyo qaybo ka mid ah daweynaha Soomaaliyeed,waxay taageero ka heli jireen dowladda Itoobiya,Yamantii Koonfureed iyo Liibiya,haddii ururku uusan haysan taageero sida uu ku gaaro guulo way adag tahay.
Ururka uu Hoggaaminayey Siyaasi Xaglatoosiye ma keenin guulo balaaran,waxaana arrintaas loo aanayn karaa urrurka oo aan haysan taageeraddii ay heli jireen ururadii horay dalka uga jiray iyo hogaanka urrurka oo noqday fadhiid aan horu socod lahayn.
Kadib Shirkii Taleex
Horaanta sanadka 2012 waxaa magaalada taariikhiga ah ee Taleex isugu yimi dadweyne,Hoggaamiye dhaqameed,Siyaasiyiin,,haween,aqoon yahan iyo qaybaha kale ee bushadda Beel-weynta Dhulbahante,waxaa shirkaasi looga tashaday halka laga aadayo halka ay joogeen xilligaas,xilli Ururkii u hogaanka u hayay Saleebaan Axmed Ciise uusan keenin guulo la tabaan karo.
Shirka waxa lagu guddoonsaday in lagu sameeyo maamul goboleed lagu magacaabay Khaatumo State,kaas oo yeeshay saddex Madxweyne.
Siyaasi Xaglatoosiye kama dhex muuqan Siyaasiyiinta hogaanka u qabtay maamulka cusub,waxaana wixii xilligaas ka dambeeyay uu bilaabay cambaarayn uu u jeedinayay maamulkaasi ugubka ahaa,isaga oo aan marna garowsanayn halka uu ku furay SSC.
Wajiga cusub ee uu la soo baxay xagla-toosiye wuxuu dhaxal siiyay in todobaadkii lasoo dhaafay uu ka mid noqdo golaha Xukuumadda Somaliland ,waxaana loo magaacay Wasiirka Dib-udejinta Somaliland,arrintaas oo la yaab ku noqotay dadweynaha Soomaaliyeed.
Saleebaan Ciise Axmed,wuxuu maray wadadii ay horay u mareen Maxamed Cabdi Xaabsade oo muddo sagaal sano ah wasiir ka ahaa Puntland,Kayse Cabdi Yuusuf oo ka tirsanaan jiray SSC oo isna ku biiray Soomaaliland iyo kuwa dhigooda ah oo dhiiga dadweynahooda ku raadiya xil ku siman maalmo kooban,wuxuu Siyaasi Saleebaan uu lumiyay taageeradii koobnayd ee ay u hayeen dadweynihiisu,mana jiraan wax la timaami karo oo uu kusoo kordhin karo Soomaaliland,marka laga tago in uu yahay Siyaasi ka soo jeeda beelweynta Dhulbahante.
Dadweynaha kasoo jeeda goboladda SSC waxay udub dhexaad u yihiin midnimadda iyo wada jirka umadda Soomaaliyeed,waana hubaal in masiirkooda aysan cayn wareejin karin Siyaasiyiin kooban oo u dalxiis tagay Somaliland.
Hadaba Saleebaan Ciise Axmed xabadda uu u tuurayay dhinaca Somaliland,ma wuxuu dib ugu soo tuuri doonaa dadweynaha SSC?
Cabdi Qani Cabdullaahi Cabdi
qalabadyare@gmail.com.
Qoraaga ayaa maqaalkan ugaaryahay, kamana tarjumayso aragtida Puntlnd-news24.



riyada lagu jiro waa mid waalan mgrty kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk somaliya waa dad caadi ah wali lama arag somali tiri waan ka baxay somalida riyo xun ayaad ku riyooteen
marka hore dhaamaan umada somaliyeed waan salamay marka xigta somalidu waa mid majirto labo saomaliya somaliland somalida kama baxaysaa hawaalanina waligiina haku fakarinina in aad goosanaatan
wan idin salamay dhamaantiin akhayaarey
salaan kadib hadaan wax yar hadaan ka,irado arintaan
horta xaglotoosiye khalad magalin say aniga ilatahay maxa yeelay xaglotoosiye wuxu racay wado ay ufaleen kuwii kahoreeye asaga
markalayaab malahan ahduu helay cid lacag kushubatay awlba reerahaan waxay ahaayeen lacag kushubo
Wu saxanyahay 1000jeer wayo wuxu arkay naceebka iyo xasadnimada iyo xinka mamulka puglang inohayo. Ina walalahayaga somalilander kulaabano wa xaq wana. Muqadas pugland ama dhabayaco qof wax kudarsado oo libano majiro pugland iyo faroole wa xadas iyo danesteyaal marka walahaha warsangali iyo dhulbahante waxa ugu baqayaa inee. Isracaan oo dantoda ka hadlaan mamulka pulgland kuwii dhulka ladaga ayuu xaqodi dafiray sida awrtable dhishishle suwaaqroon carabsalaax iyo lellekase dhamaan xaqodi aye ku tunteen rer dhabayaco marka anaku wanu ka madax bananahay dhabayaco wax harti layirahdo majiraa oo wax lola danlaha hawiye ee harti majiro wa feck marka ogada xagla toosiye wau saxanyahay wana ku tagersanahay danta uu no horseday manta viva. Ssc iyo somalilander.
DHamaan dalka iyo dadka somaliland waa la midaynayaa ka naxoow nafta waa wax harti la yidhaa oo laisku beer laxawsadaa ma jirto warsangali iyo dhulbahante way tashadeen taladooduna waa somaliland dadkayaga somaliland dalkayaga dadka daga tuulada garoowe waxan leeyahay bye bye.
Walaalayaal meesha wax dhibaato ah oo ninkan lagu eedeeyaa ma yaaliin ,waayo Somaliland iyo SSC waxa lagu sheego hadda ka hor way is dagaaleen wayna heshiiyeen ,ogaada in heshiisku yahay Eray jira oo Afsomaliga ka mid ah ,hadii la heshiiyona wixii hore ee xumaan iyo fadqalalo ahaa waa ka kac bayj cusub ayaa u furmay umadda reer Somaliland ee walaalaha ah.guul iyo gobonimo ,nin Alle BUULA BERDE.
Bilo ka hor, markuu mar na Garowe joogey marna Dubai, xogheynta Khaatumo waxey ku magacaabeyn “Xagle Qaloociye” Iminkase isagaa isu qubeey, BYE BYE.
Asc : xaglotosiye.. Runti waa nin yar marka khalad badan ma galin lakin somalidu waxay ku maah maahda owrba awrka ka horeya buu saaqadkisa leeyahay marka dabcan rag ba uga horeeyey baan filaya lakin waxaan aad uga xumaday oo walahay qaadan waayey wax loogu yeeray wasiirka ama wasaarada oo loo magacaabay waxan kula talinaya shacabka ssc. Iyo dhaman wax garadka ssc. Ama khaatumo state inay horgale kaste oo hargeisa ka yimada laga ilaaliyo gobalada hada gacanta khaatumo ku jira
Reerka Allaha u sahlo, xaalkoodu ma fiicna. Waxay rabaana la garan maayo. Harti ma rabaan, Isaaq ma rabaan, iyagu isma rabaan, sharaftooda ma rabaan, magacooda ma rabaan. Weli ma ay garan in aan Xamar NSS laga hellayn, kelinimana aan sharafi ugu jirin Hawiyana aaminayn waxna u dirsanayn. Illaahow reerka soo hanuuni oo wadada khayr ku hagaaji oo sharaftooda kor u qaad oo hogaamiye wanaagsan u soo saar. Nabaday.nabaday.nabaday….
Kkkkkkkkkkkkkkkkkkk sow sax ma aha
Isma lihi ninkaasi wax taariikh ah
saleebaan nacayb oo u qabo cali qaliif baa meel xun ka tuurey markaa yaan laga daba qaylin wagii hore wax xoogaa baa beesha ku soo tuuri jirtey wixii way dhamaadeen hungurina meesha waa geeyey
Walaal Saleebaan wax aan naftiisa oo karaamo seegtay ahay ulamuu tegin Somali-diidka. Markii uu SSC xukumayay ee uu S/Diidka la dagaalamayay wuxuu haystay 3 milian oo qof tageeradooda maanta hal shiqsi ma haysto KKKKKKKKKKKKK Dee inadeer ninka jago looma dhiibinee hadhuub madhan baa lagu af rogay intaas ayaana bahdilaad ugu filan ee wakhti yaan la iskaga luminin wax kale muu kordhsanee xabaashiisii uun buu fogeeyayee. iminka jar iska xoor baa loobixyay KKKKKKKKKKKKKKK No more Saleban or haglo-tosiye.
wax laqariibsado maahoo hortii rag baa kaga horeeyay oo halkaa ubiyo shubtay marka runtii waxaa la oran karaa waa ayaan daro iyo niyad jab uu ku soo biiriyay dadkiisa iyo kalsoonidii ay uhayn lahaayeen siyaasi yiintooda in ay hada kadib yaraan doonto maxaa yeelay ninkaan heerkii uu dadkiisa qadiyadii dhalisay in dhiig farabadan dartii udaateen maanta wuxuu abaal kaga dhigay in uu karaaco qoladii uu shalay lahaa waa cadawga ssc.waa ayaan daro.
walaal cabdi qani waxaad ka hadashay markaan arkay waan la ilmeeyay siday dadkaygu yihiin,ilaahow na badbaadi.