Fadeexada 2013 Gudoomiyaha Gobolka Bari Oo Codsanaya Laaluush Dhan 20 Kun Oo Doolar [COD]

January 2, 2013   //   Warar Somaali

Qoraalkan waxaa diyaariyey Maxamed Siciid Cumar (Kashawiito) oo ahaan jiray agasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, balse wixii ka danbeeyey wakhtigii uu shaqada maamulka ka tegay wuxuu ku mashquulsanaa arrimaha Bini-aadanimada, wuxuuna la shaqeynayey urur wadani ah oo lagu magacaabo (CASO) kaasoo raashin gaarsiin jiray degmooyinka Caluula iyo Qandala, haseyeeshee, ay hawshaasi istaagtay kadib markii khilaaf uu soo dhex galay xubno Board-ka   ka mid ah, arrintuna ay gacanta u gashay Guddoomiyaha Gobolka Bari oo laga sugayey in uu xaliyo, balse taas uu ku bedelay in caqabadaas uu sii cusleeyo, codsadayna lacag laaluush ah.

Qoraalka oo iftiiminaya wax badan ayaa waxaa ku lifaaqan codka Guddoomiyaha Gobolka Bari C/samad Maxamed Gallan oo codsanaya lacag gaareysa 20 Kun oo doolar.

Waxaa lama huraan ah kolkii  ay xaaladi ku adkaato bulshada oo la furdaamin waayo in ay ula gudbaan xafiisyada dowliga ah si loo furdaamiyo arrimaha murugsan ee shicibku u taag waayaan xalintooda, waxaase murugo noqonaysa kolkii masuulka fadhiya xafiiska baahida weyn loogu tegay uu muwaadinka cabanaya maqashiiyo wax dhegihiisu mashiiqsadaan.

Xafiiska Maamulka Gobolka Bari ee magaalada Boosaaso wuxuu ka mid yahay xarumaha ugu muhiimsan ee dowlidda Puntland muraayada u ah, waxay aheyd markii ugu horeysay noloshayda ee ay arrini  ila gudo gasho, waxaanse ka soo baxay anigoo dhekafaarsan.

Waxaa ayaan darro ah in Xarunta Gobolka Bari oo aan horay loogu aqoon ay noqtay golaha Laaluushka, musuqmaasuqa iyo eexda sida uu hadaladiisa uu ku qirayo C/samad Maxamed Gallan oo ah Guddoomiyaha Gobolka Bari, 20 Kun oo Doolar waa lacag aad u fara badan, waana wax ka weyn in laaluush loo kala qaato kolka Afrika la joogo, weliba Soomaaliya oo xaalad qalafsani ay ka jirto maanta.

Markaan arrimahaas ogaaday ayaan door biday in aan Mobile-kayga ku  duubo inta uu ka qaban karo hadalada aad ka nixi doontaan ee ka sunsumaya afka Gudoomiyaha gobolka Bari C/samad Maxamed Gallan.

 Barasaab ahaan, ma aha C/samad ahaan, waa Taytalka waxa la iigu dhiibaayo masuuliyada. 20-kun ayaan aniga Accounka kula harayaa…….”

Erayadan ka soo baxay afka Guddoomiyaha ayaa ah kuwo laga naxo, waayo lacagta uu sheegay in uu kula harayo Acounkiisa waa lacag ay leeyihiin dad masaakiin ah oo shaqaale ka ah degmooyinka Caluula iyo Qandala, kuwaasoo ka shaqeynayey hawlo samafal ah oo raashin lagu gaarsiinayey degmooyinka Caluula iyo Qandala,  oo aan ka ahaa hawl fuliyeeen. Markii aan ka diiday dalabkan naxdinta leh ayuu ii soo jeediyey in lacagta aan Saddex meelood u qaybsano sida aad hadaladiisa ku maqli doontaan, waxayna igu aheyd arrin la yaab leh, maadaama uu ka libiqsan waayey Wasiir ka tirsan dowladda Puntland oo fadhiyey goobtii uu Guddoomiyuhu laaluushka nagu weydiisanaayey.

Sidaas awgeed, waxaan door biday in aan bulshada iyo maamulka sare ee dowladda Puntland u soo bandhigo masuulka Gobolka Bari loo dhiibay oo afkiisa ku caddeynaya in uu ku shaqeeyo cadaalad daro lala og yahay,  ayna laaluushka wax ka sugayaan masuuliyiinta gobolka kala shaqeysa, kuwaasoo uu magacyadooda xusayo.

Gabagabo.

Fadeexadan oo la kowsatay sanadka cusub ee 2013 ayaa noqonaysa tii ugu foosha xumeyd ee soo wajahda Guddoomiye xil ka qabtay maamulka Gobolka Bari, waxaanse hubsan doonaa talaabada uu Madaxweynaha Puntland ka qaadi doono, iyo in damiirka Guddoomiyhuhu u ogolaan doono in uu kursiga isaga sii fadhiyo.

Dhegeyso oo Ha Mashiiqsan

(Dhegayso codka Gudoomiyaha oo laaluush codsanaaya}

Hadalkii oo qoraal ah: Guddoomiyuhu wuxuu yiri:-
1. Lacagtii dinka maqneyd, idinku waxaad raadineyseen oo barnaamijkaan aad u rabteen sow ma aheyn hantidii dadku idinku lahaayeena in aad bixisaan,

 2. diyaar ma u tihiin hantida dadku leeyihiin in aynu bixino in aynu saddex u qaybsano diyaar ma u tihiin.

3. Waxaan idinku iri waxa dadku leeyihiin waynu bixineynaa waxa soo harana Saddex baynu u qaybsaneynaa Aniga, Yuusuf, Maxamuud iyo raga gobolka ka shaqeeya iyo Khadar kuli wixii jooga oo dhan anigay igu faylayaan, barnaamijkaan sisitamka uu ku socdo iyo cadaalad daradda aan ku shaqeynayo waa laga wada war hayaa.

4. Nimanka WFP anigaa dhabarka u ridanaya ka Barasaab ahaan, ma aha C/samad ahaan waa Taytalka waxa la iigu dhiibaayo masuuliyada 20kaa Kun ayaan aniga Accounka kula harayaa.

5. Waxaa meesha taal nimanyahow waa la is tuhmi karaa, Maxamed Siciid waaguu maamulka ku jiri jiray wax wanaag ah aniga iima sameyn, hal maalin baan waxaan isugu nimid Karaama, waxaa laga hadlaayey wada Qandala ay leedahay, aniga iyo Afar nin oo aan ku jiray baan qorshaheeda keenay, xafiis baanu furnay Yuusuf Gallan iyo Sudeysi iyo aniga iyo waxaanu aheyn Gurungur, Afar baanu aheyn.

6. Kaashawiito nimankii wuxuu ahaa aniga I maagay, meesha fadhiyey ayuu ka mid ahaa, Agaasime Guud oo wuxuu ahaa Wasaaradda, dhib uma arkeyn oo raggii siyaasada ku jiray waagaas dhaqan bay u aheyd, in raga kale laga ilaaliyo in ay xeerada soo galaan, aniga wuxuu ii arkaayey nin raba mindhaa in uu meelahaas isku soo luxluxo raga intuu barto soo dhex galo, isaga anigu kuma colaadin dhibna uma arag

7. Dhedaa igula dagaalamay oo Dhedo iskuulkaygii intuu xiray oo aniga rag dhexdiis iyadoo halkaas la buuxo I maagayoo igu yiri waan ku xirayaa, wuxuu doonayna igula hadlay, xafiiska intaan ugu imid anigoo waraaq wata buu dhagax ii qaatay oo wiilashii qoryaha watay ku yiri hadduu halkaas soo dhaafo 5 xabadood ku dhifta.

 

Qore: Maxamed Siciid Kaashwiito

COMMENTS

RSSComments (22)

Leave a Reply | Trackback URL

  1. geelle says:

    kani awalba waa la xoraystay waa bidde xaaraan ku naax ah xilka hadii laga qaado wadanka ma joogi doono faddeexad darteed ,

  2. puntland says:

    Dowladii siyaad bare ee lala diriray waxa saldhig u ahaydin nin 100kun sh.so ah lagu ogaado in la dilo, hadase wixii ka danbeeyey ee maamulada sheeganaya waa wada noocaas, shacab masaakiin ah oo dhibaataysan ku korkortama kumanaan doolar hadii kale leeyhay hadaan laysiin laaluushkaa ma fasaxayo.

  3. adeer ninka hacaayina codadkala duwanbaa layku soo aruurshay oo adob addition lagu siiyay barina calisaleebaan baa lehe cidkale kama hadli karto eelaangaabo haysceebayn galan ninkii hadla afkuu kaga kaadshay hadii lagaqaadana calisaleebaan baa loo dhiibayaa ciilqabow cadaabta gal calisaleeban hanoolaado laangaab hoos

  4. will bahdir says:

    war heedhe faroole gudoomiyeyaasha puntland ma bakhaar bay ugu jireen oo uu kala soo baxay bal eega gudoomiyaha g/nugaal qarjab iyo sidii uu ula dhaqmay ulana hadlay wax garadkii puntland ka kalayimi oo doonayay inay shir ku qabsadaan Growe, bal eega galan iyo fadeexada aan abid horay loo arag, bal eega gud g/mudug iyo aqoondarada karti darada wax qabad la aanta ragaadisay,bal eega gud g/kar kaar c/quraan oo hada sadex sano gud ahaa oo aan lahayn xitaa xafiis uu ku shaqeeyo iyo gaari uu ku socdo asagoo had iyo jeer fadhiya xafiiska mayor ka deg qardho! war heedhe waxaani maxay yihiin walee waayaabanahay anigu.

  5. MAXMAED says:

    Qabiil la cayo waa ceeb laakiin arintan waa muhim in il gaara lagfu eego waxaa hubaal ah in webka puntlnadnews24 la sin doono bilad dahab ah iyo horseed waayo xaqiiqda ayay soo bandhigaan ilaahow gacmaha haydin ka goyn kkkkkkkk mahigana xilka iska dhig

  6. DACAR says:

    waa fadeexad aad u naxdin wayn waana sida ay ku shaqayso maamulka puntland

  7. Samatar says:

    CAAYDA WAA CEEB YAALA CAAYTAMIN REER PPUNTLAND.

  8. Abwaan: Cabdi Axmed Nuur says:

    Talo iyo Tusaalayn: Tix Faroole ku socota! 29/12/2012.

    Marna cabburin iyo caga-juglayn baan Cabdow, caana kuu badine
    Ninkii cirbataagsadoo yiri cirkaan gaarayaa, weeye camalkaaye
    Caqliga oon cisaynaa ka roon, cudud la feydaaye
    Cakuye carqalad hayna gelin, cudur xun looma caal helo e
    —————————————————————————–
    Mar haddii car iyo wir iyo hanjabaado culus, laysu celinaayo
    Oo aan caloolfiyoobaani jirin, waa col dabadeede
    Cilmi nimuu Ilaah siiyiyo cabqari, caaqibuu dayine
    Cimrigaad haatan joogtaa Cabdow, waa cibaadada e
    Yaan laguu cimaamadin arintaas cakiran, cirib danbeedkeeda
    ———————————————————————————–
    Carra Tuunus ka carar Caabidiin wuxuu, cood lahaan jiraye
    Xusnigii carab u weynaa waa kaa, jeel ka caacyiriye
    Qadaafina waatay caruuruhu heleen, oo kaga catawsheene
    Calaawina waakan ciirsanoo ragaas, buu cirbinayaaye
    Intaasuba cashar bey inoo tahay haddaan, la iscamaynayne
    ———————————————————————————–
    Intaan curaddo dhiigood la qubin, oo warmaha loo cillaan marinin
    Oo aan curdinkii habluhu carmal, naga caloolyoobin
    Oo ay cashiiradu wada cayshayso, oo la isku ceeboobin
    Oo aan Caasumaddu ceel nagaga dhicin, loo cid diriwaayo
    Caymaynu leenahay Cabdow, talada waa cabirayaaye

  9. Wiil nugaal says:

    Cid kasta oo musuqmaasuq ku dhaqanta xoolaha agoonta cuntaa ciribtoodu waa naar aduunkana waa u ceeb. Kiiskan hala baaro haddii ay run noqoto waa in sharciga la horkeenaa haddii laga aamusana waxaa cadaanaysa in dambigga Lagu WADA jiro oo lawada dhuuqayo. Maamul wuxuu waara marka uu cadaalad iyo daacad u noqdo dadka uu xukunka u hayo marka ilahay Hanoo sahlo masuul caadil ah

  10. heeladu waa heelo laasqoray says:

    dahir mohamed adiga maxaad ina galan u dufaacaaysaa waxaa lagu hayaa oo waliba la soo bandhigay cadaayyo cadcad markaa ma shaki baa kaaga jira inuu laaluush ku noolyahay hadii cadaay cad lagu hayo maxaad qabyaalad u taqaan waa yaabe!!!

  11. heeladu waa heelo laasqoray says:

    waa inuu cabdisamad galan is casilaa please

  12. cali says:

    alaha ceebeeyo mahiiga puntlnd wuu ceebeeyay waa in xilka lga qaadaa tii aakhirana way kuu laaban thay mahiiga caawa waxa uu ka dhigan yahay gabar yar oo garcatay ama sun cab ama iska dhoof kkkkkkkk

  13. farhan says:

    boolimoog
    oo adigu xagee aaadeysaa qardhaa
    waa Sidii dadkoo dhami wax ucuni jirey ee wuxuu garanwaayey yaan lagaa duubin
    hadii cid la kibriyey waad garaneysaa c-saleban in uu kugu sii durko maahane mid aad durkin karto maaha waadna ogtahay hadii aadan ugeyn aabahaa weydii

  14. Ceeb ceeb ileen ceeb looma dhinto, illahay ayaa soo bandhigay ceebta, waxan waa wax uu caan ku yahay maamulka Faroole oo isaga iyo wiilashiisa ayaaba ugu horeeya, xoolaha umadana waxay ku shubtaan bankiyada Jabuti iyo kan dahabshiil, Illahay ayaa u maqan dadkan iyo dalkan waraabayaashu u heshiiyeen.

  15. gafuur xume af doorshaan sifiican baa la yeelay alaylahe balaayo kula sanbuuqa waynaatay xaaraan ku naaxe

  16. mowlid says:

    waxaana hada gudoomiye noo ah walalyaalow bal ka warama kan madaxweynaah ah marka weli ma la weydiyey hal shilin meshu maray iska daa jawaabe wuu qarxaya waayo waxa umaleeya inu isagu mesha leeyaahy

  17. caqil says:

    asc ceebta waa la astura lkn waxan waa wax aad looga shixoodo waa dhaqan xun faroole dowladisa waata

  18. kkk says:

    Waa ka xumahay waxaan kula taliyo ma aqaan barasaabka g/bari
    Gaalku hadii ay fadeexadaan oo kale ay ku dhacdo waa is dili jiray
    Hadii kalena xilka ayuu iska casili jiray
    Ama wuu fakan jiray
    Marka maadaama uu qof musilin yahay is dil ma lahin ee waxaan leenayay ha iscasilinee. Fako pls
    Adigoo kale in la daldalo ayuu xaq u leeyahay

  19. Boolimoog says:

    Ookaalay Cali Saleebaan,waayaga isugu jawaabaya Reer Hebel laga qaado oo reer hebel haloodhiibo,Aaway ummaddii Kaleeto Walle Boosaaso Inaay Boosaaso Ahaanaay Haddii Ninkaleeto ,oo Cali Saleebaana loo Soo Magacaabo,Buurahaad ka Timaadeen ayaad Orod ku koraaysaan Sida Daayeerka,Kadare ayaa idin kibriyey,Looba joogee?

  20. heeladu waa heelo laasqoray says:

    ceebeey tacaal makanaa macalin ii ahaa waxaan moodi jiray nin fiican oo diinleh waaguu macalinka ii ahaa imamu nawawi boosaaso nacas calool weyn waxaan madaxweyne faroole ka codsanaaynaa inuu ninkaan sida ugu dhakhsaha badan xilka uga qaado saca sacu ahaaday cabdixaafid cali yuusuf wuxuu ahaa maamulihii dugsiga imamu nawawi waa nin wadaada ninkaa maamulka gobolka halagu soo celiyo sacan meesha halaga kaxaayyo

  21. seeraar bari says:

    gobolka bari waa in laga qabtaa moriyaanta cowlyahan iyo cumar cali hadii kale weligii gobolka bari hormar gaari maayo waa in loo dhibaa biciidyahan cali iyo ismaaciil cali kkkkkkkk

  22. war kani awalba bide bide dhalay ayuu ahaa xaraan ku naax ah wax yabahaas iyo wxa ka daranba waa ka istahilaan

Leave a Reply