Xasan Xuseenow Falaadhi gilgilasho kaagama baxdo [Maqaal]
March 7, 2013 // Faallooyin, Warar Somaali
Alxamdu lillaahi wassalaatu wasalaamu calaa rasuulillaah…. wa bacdu
intaas kadib waxan rabaa inaan qormadaan ku muujiyo sida ciwaankaba ka muuqata is-herdiga hadalada iyo afcaasha Xasaan xuseen tasoo ay inbadan kahadashay culimadu lakiin waxaa wax layaable ah mararkii hore is-herdiga ama iska hor imaanshaha hadaladiisa waxaa garan jiray culimada oo kaliya laakiin hada waxad modaa inay dareemeen dulaabul-cilmigu iyo dadka caamada ahba meshuu wax u wado iyo siduu wax u wado ninkaasu.
Sidaa wada ogsoontihiin walaalyaal wayahaan danbe waxaa kadhacay wadankeena musibooyin isdaba joog ah oo runtii aan horay loogabaran dhulkeena tasoo ah in la laayo culimada iyo ducada biri magaydada u ahaa umada somaliyeed ayna dugsanaysay umaddu cilmigooda iyo khibradooda , tasoo timi mudo yar kadib markii ninka lagu magacaabo sh. xasaan xuseen uu gaalaysiiyay oo ku tilmaamay murtadiin intabadan culimada somaliyeed kuwaas oo badankood ay kumidaysan yihiin ururka dacawiga ah ee lagu magacaabo ( Al-ictsaam bil-kitaab wal-sunnah) kadib markuu fatwadaas inxiraafiga ah jeediyayna waxaa bilo kadib lafuliyay dilkii shiikh Dr. Axmed xaaji c/rixmaan
( raximahullah) isagoo kasoo baxay masjid salaadii fajarka soomanna maalintii barkaysnayd ee ( Caashuuraa), isla halsano kadib iyadoo ay hanjbaado badan sogaareen kadib waxaa la dilay shiikh al-callaamah C/qadir nuur faarx( raximahullaah) oo ahaa halgamaa wayn oo kusoo jiray dacwada iyo fidinta diinta islaamka mudo kabadan nus qarni kuna ciraystay cilmi wanaagsan iyo cibaado suuban nasiib wanag isaga waxaaba ladilay isagoo kujira salaadii casar maalin jimce ah tasoo muujinaysa inay kudhinteen culimadaasu khaatumo wanagsan oo aan urajaynayno inay yihiin shuhadaa ayna mareen dariiqii lagu dilay ( Cumar iyo Cusmaan iyo Cali) kuligood ILAAHAY haka raali noqdee .
Hadaba intaas kadib waxaa soo baxday maalmo kahor waraysi uu xasaan siiyay Tvga somalisat , kadib markaan dhagaystay waraysigaas oo runtii su‘aalo badan lagu waydiiyay waa arinta igu kaliftay inaan qoro maqalkaan oo siiba aan u bixiyo magacaas kor ku xusan waxan ciwankaan kakeenay kadib markaan arkay isagoo in kiraaya oo iskana fogaynaya inuu dilay culimada oo uu yahay mujrim wuxuuna u hadlayaa si xeel gaaban runtii lakiin ay kujirto aftahan nimo iyo dhiiranan waana waxayabaha xasaan lagu yaqaan una tariikhda kugali dono runtii su‘ aalaha qaybtood waxuu uga jawabayo maha hadal la‘oran karo xataa qof diinta islaamka maqalay baa orankara iskadaa qof sheganaaya inuu bartaye waana wax yabaha layaabka leh oo aan ku arkay xasaan hadalkiisa , waxadna marar badan arkaysaa hadalo iska hor imanyaa oo uu ku hadlayo.
sikasatba ha‘ahaatee. su‘aashii ugu horaysay oo lawaydiayay ayaa waxay ahayd sidatan:
shiikh xasaan sidaa lasocoto somaaliya waxaa ka dhacay dilal isdaba joog ah oo ay ugu danbeyeen Dr . axmed xaaji c/raxmaan iyo shiikh c/qadir nuur faarax dadka somalida qaar kamid ah ayaa kugu edeeyay ama inaad hawshaas qayb kulahayd waxana lagyabaa ianad dhagaysatay ama daawaty maxaa kaledahay hawshaas?
jawaabtii xassaan oo koban waa tan isagaa uu iskahor imaanyo hadlkiisu:
(Run ahaanti anuu garan mayo edayntaasu meeshay kasocoto iyo meelay u socoto iyo qaabay ii qabanaysaba waxaana la‘ ogayahay inaanan anuu jogin somaliya oo aan kenya ku noolahay nairobi oo ad galabta igusoo boqatay eedu way i qaban lahayd hadii aydilka fuleen dad anuu aan diray ama an lug kuleyahay………. markaan warka kobo arintanu waa war kutiri kuteen ah oo aan sal iyo raad lahayn in laqabtona aysan suuragal ahayn.)
jawaabtaas uu bixiyay ayaa igu dhalisay inaan qormada ubixiya magcaan( xasaan xuseen falaadhi gilgilasho kaagama baxdo)
sida ay qirayso shareecadeen islaamku qofku haduu ridoobo ama kabaxo diinta islamka waxaa banaan dhiigiisa iyo maalkiisa , hadba haduu gaalaysiiyay shalay oo uu u diray waxmagaradka ayaanka daran ee lagu magacaabo AL-shabaab oo ay dilen culimadii oo ay curyamiyeen umadii markuu arkay in xaalku uusan sahlanayn inuu dhaho maanta fatwadayda laguma dilin lugna kuma lihi waa arin aan cidna qaadan karin oo aan caqliga gali karin waxaana layaab leh wuu cadaynayaa hadalkaas aan xusay kadib inuu gaalaysiyay oo ku tilmaamay murtadiin hadana wuuxuna leeyahay lug kuma lihi.
waxaa sii layaab badan isagoo sii wata jawaabta su‘aashaas inuu yiri :
( Ictisaam waxay gumadeen oo layeen oo gaalaysiyeen shacabka somali galbeed oo ay xataa culimo iyo macalimiin layeen intii kadhaxaysay sandadii 1992- 2009 culimda ictisaam oo wagaa joogtay oo hada qarkod nairobi kula jogaan ayaa wagaa banayneeyey dadkaa dhigooda oo faatwooday layntooda , culimadii sidaa loo laayay haday maanta ictisaam ogolodaan inay iyagu layeen oo ay qataan anna wan qaadanayaa xukun ka ah sh.c/qaadir adaa dilay.)
waa arin layaab leh!!!!!!!!!!!!!!! taariikhda lama sheegin inay ictisaam gaalaysiyeen dad muslimiin ah oo somali ah , waxana xaqiiqo ah inan xasaan loga horayn galaaysiinta dadka muslimiinta ah ee somaliyeed marka lagareebo firqada layiraahdo (Al- takfiiri wal-hijrah) taasoo wadanka soo gaartay dhamadkii qarnigii tagay , lama hayo cidkale oo xasaan iyo Al-shabaab ka ahayn oo cid somali ah gaalaysiisy.
waxaa kale oo layaab leh!!!! xataa diiniyan hadaan u fiirino , qof haduu danbi galo inaan anna dhaho qofkaasuba waa galay anna wan galayaa waa arin xataa qofka caamada ah ee muslimka ah uusan orankarin oo uusan isku difaaci karin, marka xasaan ma waxkale oo uu isku difaacuu waayay waayaabe !?
mida kale shacabka soomali galbeed ee uu leeyahay waa la gumaaday waana lagaalaysiiyay waa isga cidda rasmi ah loohubo inuu gaalaysiiyay umadda ku dhaqan gobolka somali-galbeed ee ( Ogaadeeniya) oo xitaa lahayo cajiladuhuu ka duubay maqal iyo muuqaalba marka xasaan nookeen meesha ay ictsaaam iyo culimada somaliyeed ku galaysiyeen shacabka sharfta leh ee somali-galbeed iyo somalida kaleba ..waa su‘aal mug wayn mana u heli karo jawaab .
su‘aal kale oo lawydiyay wuxuu yiri oo kaga jawaabay ila fiiri :
suaashii wariyaha:
shiikh waxaa jirta in shiikh c/qadir nuur faraax wuu kamid ahaa culimda somaliyeed kolay intaan ogsoonahay qabtay in wadanku federaal qaato adigana waxaa la shegaa inaa tiraahdo wixii fedaraal maalin laga maqlo qoorta haloo dhereeyo, mala orankaraa shiikh c/qaadir haduu ictisaam ka fakado waxaa lagudilay fatwdadatan?
jawaabtii xasaan xuseen:
(waa su‘aal laftirkeedu meesha kujirta run ahaantiina midii hare ayay daba tagan tahay oo meshay martay ayay tana marysaa ruuxu wuxu yirina inuu inkiro waa fool xumo, fikirkaasi 10kii sanee ugu danbaysaba waan qabay in la‘ adkeeyo midnimida umadda muslimiinta ah taa hadii lawaayona qoyskii yaraa ee somaaliyeed midnimdiisa in lagu dadalana waa ra‘ayi aanqabo oo aan gaarsiiyo mararka qarkood qofka umda somaaliyeed qaybinaya hadii xal kale lawaayo inuu dil muto marar badan baan ka hadlay mana aha mid lagu xiriinkaro dilka shiikha c/qaadir waa arin hore oo soo horaysay mana dayndoono)
sidii xasaan caadadiisu ahayd waa kan isagoo hadaldiisu isridiyayaan oo iska soo horjeedaan runtii qof walba oo afka somaliga fahmayana uu garan karaa jawabtaa uu bixiyay inay iska hor imaanayso oo ay isburinayso , marka anuu yaabaye idinna ma‘ilayaabteen walalyaal. waxaa daliil kuu ah wuxuu leeyahay fikirkaa wan qabaa oo 10 sanaan qabay shikh c/qadirna dilkiisa sabab uma‘aha, hadana wuxuu leyahay marar badan ban iri fikirkaas oo ku celceshay wuxuuna leeyahay maha wax cusub oo hada jira, ok sidee wax kayhiin xasaan waayaabe!!!!!! masaasaa umaduu shiikh ugu taqaanay koley hadaa ogaataye?
anuu waxanba umadda somaliyeed ku eedaynayaa jahli inuu hayo sababtoo ah hadayba xasaan iyo wixi la mid ah ay oranjireen waa shiikh iyo diin buu wax ka yaqaan.
marka akhristaha sharafta lehoow saw xaq uma lihi inaan iraahdo( xasaan falaadhi gilgilasho kaagama baxdo)
hadlkiisa ma soo koobi karno waayo waa hadal dheer oo runtii ay ka buxaan hadalada maalaa yacniga ah oo aan sal iyo raad lahayn .
hadaba see u suura galaysaa xasaan inuu dhoho shiikh Dr. axmed & shiikh c/qaadir iyo kuwa kaleba anuu ma layn lugna kuma lihi isagoo qiraya inuu fatwooday inay yhiin gaalo diintana ka bexeaan .
waxaa la oran karaa xasaan waxad hadalkas tiri (goor xeero iyo fandhaal kala dheceen) ama faasku madaxa ku dhacay , carbtu waxay tiraahdaa ( ??? ????? ??? ?????) goorma gorteed baa leedahay anuu ma dilin lugna kuma lahayn gooray dhamaadeen haldoorkii umadda gooraad layseen indhihii umadda marka falaadhu gigilasho kaaga bixi mayso adiga iyo cidii kula mid ahba , waxaad gaysatayna ALLE wuu kaa abaal marinayaa gooray ahaataba hadaysan aduun noqonna waxaa jirta maalinta cadaalada ee la taaganyahay banka aakhiro oo ay kugu markhaati kici doonaan xubnahaaga iyo dhulka meshaa ka joogtay waxaan ku leyahay u toobad keen ILAAHAY waayo EEBBE wuu aqbalaa tawbadda qofka u tawbad keena waadna taqaan xadiithkii ninkii boqolka dilay iyo tawbadisii.
ugu danbayntii waxaan leeyahay ILAAHAY xaqqa xaqnimdiisa hana tuso hana nagu irsaaqo raacidiisa baadilkana hana tuso baadil nimadiisa hana nagu irsaaqo ka dheeraanshihiisa waxaan leeyahay ilahay ha u naxariisto culimada somaaliyeed ee xaqdaradda lagu dilay iyo dhamaan umadda somaliyeed wixi ladilay , kuwa muslimiinta ah ee lun sanna ilahay ha soo hanuunsho oo dariiqa saxda ah ha tuso danbigoodana ha dhaafo , anigana culimda naga dhimatay kuwa khayr qaba ilaahay hanoogu badalo oo booskoodii iyo ka fiicanba noo buuxiya.
waraysigaasu maaha midaan iska kenay anuu waxaa kala socon kartaa website-kasomalimemo.net oo aan ka soo xigtay waxaana ka helaysaa waraysigaasi oo cod ah wax siyado ahna kuma anaan darin ama kama jarin .
wixii aan khalday naftayda iyo shaydaan bay ka ahataay wixii an saxayna ILAAHAY bay ka ahaatay (subxanahuu wata caalaa)
W/Q: xassan muuse nuux



xirsi hadalkiisa waxa ka muuqda inuu yahay nin meel u caddahay, war xirsiyow dadka dib ha ugu celin wax laga jaahilnimo baxay, waxaad dooneysaa in qubuuraha la barakaysto oo makhluuq la baryo, diinta dhan layska dhigo, waxaas waxa la yiraahdaa shirki iyo diin-la’aan, ee ka waantow inta goori-goor tahay.
sh. maxamed c/wahaab raximuhullaah taariikhdiisa oo dhan way qoran tahay, lagamana been sheegi karo, khayr iyo wanaag ayaana lagu bartay iyo inuu marwalba towxiidka u hiiliyo, waxan aad hada sheegaysid ee ah dad buu laayayna waxay ahaayeen mushrikiin qubuuraha caabuda, waana taariikh qoran, oo aan la dafiri karayn, marka nin yahaw kutubta dib ugu laabo cilmi baa lagu hadlaaa ee hadal aan meelna haysan layskama tuuree.
hersi ma waxaa rabtaa dadka qabuura ku wareegi jirey ilaa waxaann ognahay dadka somaliyeed ictisaam ka hore iyo sheikh C/qaadir iyo raga la midka ahaa ka hor in aan diinta lagu dhaqmi jirin gabdhahayaguna ay iska qaawanayen oo naasahoodu dhinaca ka muuqan jireen maantana all over the world ay xijaab ku marayan oo xataa musliminta kale aan ka can noqoney sida gabdhahayagu ay xijaabka uGu dhiiran yihiin wadamada gaalada taas waxa fahmi kara qofkii aqoon diini ah leh ama xataa mid maadi leh laakiin qof iska jaahil ah waxba kama fahmi karo waxii markii hore jirey iyo waxii ka danbeeyey waa isugu mid waayo ma kala garan karo
Si dhibka looga baxo waa in la,ogaadaa dadkana labaraa in carriga waxa fasaadiyey yihiin wahaabiyada lunsan ee bulashada lumisa, shabaab iyo ictisaam iyo itixaadkii shalay iyo salafiyadamkuwa sheegtaba yihiin muqatibiin cariga fasaadiyey….waayo manhajkooda wahaabiya ah baa ku dhisan isgaaleeysiinta.
Tusaale ahaan Ina Cabdi wahaab isagoo qoray risaali kiisa beytka labaad waxaa uu ku yiri :- Mashaa,ikhdeeyda ee iga horeeysey majiro CID fahantey towxiidka(islaamka) Amiga horteey,Anna haddaaan uun fahmay oo awal waxba ma ogeyn….
Hlkaana waxaa uu ku gaaleeysiiyey islaamka oo dhan isaga inta ka horeeysey, waxaana uu laayey qof kastaa oo isaga ka hor yimaada kudhawaad lixkun oo Muslim ah buuga qoorta ka jaray,qabuurihiina waa uu bur buriyey xattaa saxaabadii iyo xaasaskii nabiga ummuhaat al muslimiin.
Kaasi waa taariikh madoow ee uu ku faanay xumaantaas….mujaahidna eey u yaqaanaan Kuwa hadda fikirkaas quluwiga ah wata ,dadka a u qarinhaya.
Maantana nasiib darro ,iyagii baa Isku eedeeyn hayo,adaa bilaabay iyo adaa iiga horeeyey…iskumana hayaan in mnhajkaasi qalad kolkiisii horeba ahaa ,Hadana wali qalad uu yahay….laakiin nasiib xumo ma jirto qirasho iyo ictiraaf….kadibna lasaxo wixii qalad ah.
mashaalaaah waad mahadsantey qoraaga,lakin ninkaan ma ilaaway video gii laga duubey oo ku jire netka waa isaga saan ku jawaabaya.
maba is oga afka iyo carabka ,fidmadaa riday baa culumada loo dili
masha alh dr xasan muse maqaal aad no qanciyay oo xaqiiqda ku qotomaha ayaa so diyaarisay ilahay ha ka ajarsiiyo