Falanqayn+Coddad -Madaxwayne Faroole hab haddal hoggaamiye ma leh!
December 2, 2012 // Announcement, Warar SomaaliMadaxwaynaha Puntland Cabdiraxmaan Faroole waxa uu la soo muuqday tan marki uu xilka madaxwayne-nimmo ee Puntland uu qabtay mid aad u caro badan cabashooyinka dadka reer puntland iyo cid kasta oo dhaliisha hoggaamintiisa waxa uu soo jeedintoodda kaga jawaabay hadallo gaf ah oo uu qofnimmadda dadkaas diiddan sidda siyaasaddiisu tahay u gaysanaayo , Madaxwayne Cabdiraxmaan Faroole waxa uu siddo kale ku gafay diinta Islaamka isagga oo si aan ka gabasho lahayn u sheegay in Aargti kasta oo dadku curiyaan aysan diintu diiddi karin .
Haddaba Qormadayda oo noqonaysa Falanqayn hab hadalka Madaxwayne Faroole waxay imaan iyadda oo xilligiisa sharciyaddeed ay ka harsan tahay muddo bil iyo dhow maalmood ah balse uu isaggu leeyahay muddo sanad ah ayaan ku darsaday ciddi ka hadasha waa dil iyo aflagaadayn ayaa Akhristayaasha ugu soo gudbin qormadaydaan hadaladda Madaxwayne Faroole ee gafafka ah iyo in uu mudan yahay in Muddo kale Madaxwayne la sii dhaho .
1:Haddeerba ogaadda wax nadaam ah oo diintu diiddi kartaa ma jirto” Waxaan ku bilaabayaa gafka uu Madaxwyane Faroole kula kacay Diinta ee ah in uu warbaahinta ka sheegay ” Haddeerba ogaadda wax nadaam ah oo diintu diiddi kartaa ma jirto ” hadalkaan ayaa noqonaaya mid diinta Islaamka Gaf ku ah sababta oo ah Nadaam kasta oo bini aadamku qaataan oo garashadda Aaddamuhu curiso ma ahan mid diintu wadda ogoshahay , Diinta ayaa saxnaanta iyo dhunsanaanta kala sheegta ee garashaddu qofku makala saari karto wanaagsanaanta iyo xumaanta waxayna noqonaysaa in la dhaho diinta waxaa ka hormaraaya Caqliga oo sidda aan annigu rabbo ayaan u dhigayaa siddaas oo ah mid aysan diintu iga hor istaagi karin waa sidda Madaxwayne Faroole Yiriye
Hoos ka dhagayso Diintu naddaam ma diidi karto
2:Mucarad ku xun oo waliba doqon ah ayaad tahay Xildhibaan Saleebaan Yusuf Indhabuur waxa uu ka soo jeediyay kulan ay isaggu yimaaddeen Baarlamaanka Puntland dhaliilaha Xukuumadda Madaxwayne Faroole isagga oo u dhigaaya hadalkiisa qaabka ugu wanaagsan ee loo soo jeediyo dhaliilaha loogana gol leeyahay soo jeedintaas iyo dhibaatooyinka jirra la xaliyo , Madaxwyane Faroole oo si fudud u caroodda isla markaana caraddiisu gayaysiiso in uu caytamo waxa uu xildhibaan indha buur ku tilmaamay mid mucaarad doqonna ah oo uunna yaqaan shakhsiyaddiisa “Mucarad ku xun oo waliba doqon ah ayaad tahay ” Indha buur waa xildhibaan aflagaadaynta madaxwayne Faroole uu aflagaadeeyey Xildhibaankaas waxay cadaynaysaa in uu Madaxwayne Faroole yahay shakhsi aad u caro badan , haddi uu qof xildhibaan ah siddaas ulla dhaqmayona mid shacab ah oo hadlay si ka daran uu ulla hadlaayo .
Hoos ka dhagayso aflagaadaynta Indha buur ee Faroole .
3: Masaajidda lama dhisi karo Madaxwyane Faroole waxa uu magaaladda Boosaaso ka sheegay in masaajidda ay dhistaan kooxda Al shabaab isla markaana ay xukuumaddiisu mamnuucayso in la dhiso masaajid aysan ogayn , waxa uu sidoo kale sheegay in deeggaanadda yar yar aysan mudnayn in Masaajid laga dhiso waxa uuna yiri isagga oo arintaas sheegaaya “Magaallo yar oo Carta la dhaho waxaa ka dhisan masaajid wayn ” dabcan taas macnaheedu waa in aysan magaaladdaas yari mudnayn in masaajid laga dhiso qorshaha masaajidda ee madaxwayne Faroolena yahay in magaalooyinka waawayn kaliyi masaajido yeeshaan .
Hoos ka dhagayso magaaloyinka yaryar masaajid ma yeelan karaan
4:Afguduud waa Aalkoliiste ,Maxamed waa reer kismaayood madaxaana looga jirraa . Madaxwayne Faroole waxa uu ka xanaaqay dood ay Voa-da qaybteeda afka Soomaaligu ay ka samaysay xaaladda Puntland ee xilligaan, Waxaa doodda ka qayb galay Maxamed Cali Xaaji oo ah guddomiyaha Jaaliyadda Puntland ee Nairobi Iyo Colonel Cabdirisaaq Afguduud oo isaggu taliye ciidan oo darajooyin kala duwan ah ka soo Noqday Puntland , Madaxwyane Faroole oo dooddaas ka carooday siddi caaddada u ahayd waxa uu aflagaadeeyey labbadi qof ee ka qayb galay dooddaas waxa uuna ku kala tilmaamay nin Aalkoliiste ah iyo nin waalan in ay kala yihiin aysana mudnayn in ay hadlaan dad noocaas oo kale ah oo nolosha ka dhacay .
Hoos ka dhagayso Aflagaadaynta
Hadal qaabeedka Madaxwayne Faroole ayaa u muuqda mid ay ku dhaqmaan madaxda macangaga ah isla markaana aan lahayn aragti siyaasaddeed shakhsiyadeed oo kala garanaysa in hadalku yahay mid lagu hago bulshada loogana fakaro in lagu kasbado shacabka iyadda oo la iska ilaalinaayo oraah kasta oo kuu keeni karta in laguu arko mid aan mudnayn hoggaamin oo ka dulqaad hooseeya shacabka isla markaana aragtidda ka soo horjeedda dadka ay ka soo yeerto aflagaado u gaysanaaya .
In diinta lagu sheego mid aan aragtidda bini aadamka nooca kasta oo ay tahay aan diiddi karin waxay muujinaysaa in qofka ay ka soo yeertaa uu yahay mid hadalka Alle hoosayn galinaaya oo leh caqliga ayaa waxyiga ka sareeya oo diintu waa in ay u hoggaansanto garashadda .
Hoggaan Maamul oo aan lahayn dulqaad waxa uu ku kacaa in uu aragtidiisa ku meel mariyo hab muqunin ah isla markaana uu ku kaco xabsiyayn xad gudub ah iyo dilal in uu gaysto maddaama heerka caradda hoggaankaasu ay gaarsiisan tahay in uu aflagaaddeeyo dadka .
Madaxwayne Cabdiraxmaan xilligaan waxa uu leeyahay waa in muddo dherersigayga aan lagga hadlin ciddi ka haddashana waa kaas aflagaadaynta ulla taagan waxa uuna sheeganayaa in uu doorasho daddeed ka hirgalinaayo deegaanadda Puntland hadda jirta , Haddaba Akhriste iswaydiintu waxay noqonaysaa Madaxwaynuhu haddii uusan u dulqaadan karin aragtidda dadka diiddan oo uu ka caroonaayo ayna gaarsiinayso caradiisu in uu shakhsiyadda dadkaas ku gafo siddee ayuu dadka ugu cancin karaa muddo sanad ah oo soo socota sharci daddeedka Puntland aan waafaqsanayn Madaxwayne isii dhaha? Akhriste miyaad waligaa maqashay Sheekh Muslim ah oo leh diintu naddaam ay diiddi kartaa ma jiro haddi aaddan maqlin madaxwayne Faroole fadwaddiisu saw caqlaawiyad xakun jeclaysigu keentay oo gaf diinta ku ah saw ma ahan ? Haddii madaxwayne Faroole uu Gollihiisi Baarlamaanka aflagaadaynaayo Shacabka maxaa ka cilin karra ? Magaallo yari masaajid ma mudna waa arin aan wanaagsanayn oo masaajiddu waa goobaha Alle lagu caabuddo in ay bataana waa wax wanaagsan ee Madaxwayne Faroole ma Al shabaab ayaa Soomaaliya joogta in lagu tirtiri karo masaajidda oo aan la dhisin miyaa aragtiddiisu ?
Waxaan ku soo idlay Madaxwayne Cabdiraxmaan Siyaasaddiisu waa mid fashilantay oo waxa dhashay inti uu xilka hayay in deegaannaddi Puntland ay kala tageen oo Maamulo kale ka samaysmeen deegaanno Puntland dastuuri u ah , Madaxwayne Faroole waxa la taagan yahay in uu ku gafo diinta islaamka iyo in uu aflagaadeeyo shacabka iyo madaxda Puntlandta uu madaxwaynaha u yahay kolkaas qofka intaanu deeqi wayday oo Madaxwayne Faroole ayaa mudan lihi isaggu miyuusan aqoon in aflagaado ka soo yeerta qof hoggaamiye ahi ay tahay mid aad u fool xun qof jecel in aragtiddiisa uu aflagaadayn ku mutaystaana uusan jirin guud ahaan bini aadamka .
Bulshadda Puntland xilligaan waxaa ay ku jirtaa xaaladda aad u qatar baddan taas oo uu sababteedda leeyahay Madaxwayne Faroole oo issagu ah qofka aynu hadalkiisa halkaan ku hayno ee la soo taagan hebel waa doqon iyo diinta islaamku aragtidda kama hor imaan karto , Xaaladdaas adag xal waa leedahay balse waa kolka ay dhamaan dadku wadda dareemaan in Cabdiraxmaan Faroole uu yahay mid Fashilmay mudnaantiisuna tahay in uu meesha dhaafo ee aysan dadka qaybtood ku taageerin si hoose u fakar iyo danna hoose oo aan mudnayn in masiirka ummadda Puntland lagga hor mariyo .
W/Q Idiris Suldaan Axmed Dooxa-Joog
E-Mail: Dooxajog5@hotmail.com
Facebook: Halkaan Riix




Xildhibaan Saleebaan Yusuf Indhabuur wax fiican buu ka hadal Runtee hadalka faroole igu jawaabey hadal u qalma ma aheyn Madaxwyen farole/ somalia waxay tiraadaa ‘hadal intuu afkaga ku jro ayuu amaan leeyahay’madaxweyne kaa codsaneynaa in Xildhibaan Saleebaan Yusuf Indhabuur meel fagaarah oo dadka maqalyaaan ku raali galeyso kaa codsaneynaa sababtoo ah meel fagaarah ayaad ku af lagaadeysay jaale madaxweyne.
hahahaha faroole inuu waalanyahay 2ba dameer xitaa isma waydiinayso.. Ina adeerow somali xoog iskuma xukumi kartee is daji, taariikhdana dib u akhri, c.wali gaas na magaartid kun sana hadii aad sii noolatid, waa nin soo qabtay raiisul wazaaraha dalka si sharaf lahna u tartamay asigoo qoslayana xilka wareejiyay marnaba ma uusan calaacalin, faroole puntland oo qura dhib kuma haaye somali oo dhan ayuu dhib ku haayaa, iyo isku soo dhawaanshaha is dhexgalka somaliwayn, ma uusan tagin xaflidi caleema saarka madaxwaynaha somalia, kulahaa madasha aan kahadlo ina adeerow ma qof waalan baa meeshaas kahadal la oran lahaa.. Ninku psychiatricsit in loogeeyo weeye wuu qafiifaye..
Breaknews.Jeneraal Cabdullaahi Saciid Samatar,oo Saacadaha Fooda Inagu soo Haya ka soo Degaya Boosaaso,Loogu Diyaar Garoobaay Si Aan La arag,soo dhowaaynta Jeneraaalka Waxaa ka Qaayb Qaadanaya Isimo,Nabadoono Aqoon yahan iyo Bulshada Qaaybaheeda Kala Gedisan,wixii soo kordhana waan Idiin soo Gudbin Doonaa Alle Idinkiis.
Fikirka magaloyinka yar yar waxaa ku dhaliyay mid yar oo rer badiye ah oo ader u yahay oo aabihihis habro wadaag yihiin u dhiibay hay ada sirdonka puntland PIA oo hada waxba kala ogeyn ABDIRAHMAN la dhaho lacagta loo siyo sirdonka ina farole Dahabshil Acoun u dhiga ku yiri madaxweynaha masajidyada ciidama lagu tababara madaxweyne oo walay Golis Tellefadana dhagesan jiray loooool
Wax sheeg waa dhaafay hada ka hor madax weyne xukumayay dalki midowga sofiyadka la oran jiray 18 kii waxa la shegay in u waalnaa mudo dhan o marki danbe naagtisi shegtay in u madaxweynuhu walan yahay dalkana laga qabtaa marki dhaqatir u timid ka dibna la ogaday 2years in u waalnaa mantana faroole waa la mide howsha ugu horeysa halaga dhigo baaris caafimad maskaxda ah qof intan hadal yiri hadana wali isla fican xilka sii hayo waa qalad aad u weyn
SUbxana allah
wale waa cajiib war intii xigto u ahey nin kan dhaqtar geeya haduu walan yahay haduu miyir qabona hadalka kiisa wanaagsan oo nin masuul ah kuhadlo soo baara. walle hadaynu rer pl nahay kani ina ceebee.
asc walalayal wa arin la yaab leh nin madaxweyne ah oo ku mashqulsan ya idacada ka hadlay, oo raba qof kasta o hadla ama run sheega inu aflagaado ugu jawabo, tan labad wuxu kala garan la,ayahay qofka tageraya iyo qofka runta shegaya, wuxu maraya xaalad waali waayo qofku marku maskaxda laga galo waxa lagu garta inusan kala garan qofka magaya iyo qofka amaanaya, waxaynu ognahay taliyahi hore e cidan boliska puntland col C.RISAQ AF GUDUD oo mamulka farole amanaya ayu ugu jawabay cay fawaxishnimo ah o qof masul ah usan ku hadli karin. waxan leyahay hadu washo iyo hadu dharka dhigaba wakhtigisi dhama farole iyo wilashisa talada xun aan xataa aabahood hadalka u toosin karin
Wlhi waan yabanahay ee Ma ila yaabteen?! Wali Ma aaan arkin madaxweyne sa u hadlaya waliba kaga daran caalamka dhan lga dhagaysanyo Hadal xumadisa
kow qofka isku magacabay
Boqor bari
walal rabi ka baq naftada xisaabi inta aan lagu xisaabin
qabiil qabta maleh waa adiga dhahaye adeer adigu maad ku dhanta qabil wax qabto
tan labad ilahay darti ayaan u cabsaday walaahi in aan ku xadgudbo
madaxdi ka horeyse aniga oo awooda cebohoda in aan mesha ka sheego balse rabi ayaa i jeedo inta aan qoray ayaan dib u tir tiray
aniga oo alle tarti u cabsaday walahi
waxan adiga iyo dadka webst kan qora intaba u sheegin ama
idinku wanin in aad alle ka baqdan inta aad rux bini adam ah oo masuul ka saran yahay dadka iyo dalka u mamulo intad ku xad gudbaysan
iyo qabilkisa intaba
dadyow tiina ka fakara maxa adinka dambeya oo aad qabrigina usi diyar saten
ogaada faroole manta in aad asaga u shaqaynaysan oo aad dambi badan ka qadi dontan hadaynan alle iga so noqon ogada malin ayaa xasanadkina la sindona dambigisana laydin sari dona
rabi aan ka baqno asaga ayaa qof walbo xisabin done
as/w walaale ninkan waa isku darmay, anigu waxaan oran lahaa marka u horreeyssa dhaqtar maskaxdaa haloo geeyo maalin kasta cayda iyo gefka tooska ah ee uu dadka u geeysanayo ayaa Somali oo dhan inaku dirtay horaa loo yiri boowe Bari belo kama timaado Maxamud saleebaan shaqada haka fariisteen
Fikirka hantiwadaaga ka soo jeedaa waxaan filayaa in uu ku biiriyay ninkii haadaanta hadda uu dhex fadhiyo uu ka dabaalan waayay ku riday oo ku yiri hal sano ku darso kula taliyay masaajidyadiina uga digay waa been ma sheege mohamed xasan barre shimbiralaaye. Dhibta ka aloosan wadanka waxaa aabe iyo hooyo u ah waa odaygaas gandigala dirirlka la soo baray.,waxaan ku qoslay mar hadda ka hor shir ugu qabtay garoowe buu waxuu ku taliyay gaas cabdiwali loo Oglaan in uu boosaaso waxuuna yiri ninku waa jago doon mana dhamma. Oo hadda ka hor baan ka warqabnay inuu maraykanka ku waashay waxuu kale oo ugu abaal sheegtay shaqadii ugu horaysay oo c/wali Garoowe ka qabto Inuu asaga sabab u ahaa waxuu hadalkiisii ku soo gabagabeeyay c/wali hadduu puntland rabo Inuu madax noqdo shaqo badan baa ka xigta hadduu heli lahaa tiradii daarood ka mp waxbuu noqon karaa baan oran lahaa LAN ninikii 275ta sodonka vodka helay waxba ma tarayo ee hallaga saaro wadanka ayaadtaladaadii ku soo gabagabaysay.
Waa xaqiiq waxaa uu sheegay oo dhami, waana ka xumahay inaad cebta madaxweeynaha raadisaan hadana aad ku guulaaysan weeydaan , hadal xumo haddii aay ceeb tahy waxaa had jeer laga arkaa puntlandnews24.com runtiina magaca aad wada taan iyo qoraaladiina saxaafadeed isma laha cid ayaad hadal xumo ku duraaysaan bal isqiimeeya idina waxaasi saxaafada maaha haddii hadda maxkamad la idin geeyo isma difaaaci kaertaan hadhoowna waa saxaafadu xor maaha. Waxaad u baanahan tihiin alkoliisteyaal idiin taliya sida kuwaad amaanaaysaan oo kale waa nasiib daro in reerkii boqortooyada ahaa maallin walba wax laga naxo aad soo qortaan war xishooda oo hoos isu eega faroole waa caddahay xumaan iyo wanaag wixii uu leeyahay halka sanona reer puntland ayaa raali ka ah wixii aad awoodi kartaan sameeya ,
war dhamaantiin waa jirantahiin ee ha wareerina
cajiib wan ka yaabay runtii website kan reer qardhoodku leeyihiin adeeryaalow maad daysaan waxaad wadaan idinkama aha wadaniyad waxad ka hadlaysaan ee waxaad ka xuntihiin xisbiyada loo samaynayo puntland marka adeer warkiinu ha idinku jiro ….!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!
Eeg suurada m/weyneena Faroole. Ma waxay ugetay m/weyne mise uno mafioso oo ka yimid Catiania ama palermo?
In my view, the guy lukes more of a “hitman”
than a president,regardless of what
Puntlad’s Saif al Islam (Mohamed Faroole aka his son)thinks. 08.01.2013 waa in m/weyne loo dhariyaa, re-elected Faroole ama qof kale!
kkkkk walahi maqaan waxaan dhaho just nin waalan oo tol qabta wayay weeye,miyuusan lataliyaal lahayn! waxaan ina ceebay alah ha ceebeeye ee halaga eryo xafiiska jahilka reer baadiyaha ah oo meel walba dhataqda la aadaya xitaa diin buu ka hadlayaa uusan waxba ka aqoon waa yaab.
alla ku ceebaay faroole umaddii uu magaceeda ku hadlayey waa ceebaayyey waxaa la moodaa reer puntland isma dhaanto iyo dhasheed !!!!
guulwadayaashiisu ha iska cabaadeene mid lama inkiri karo faroole waa sal fudud yahay hadalada siyaasadana ma yaqaano hada wuuba roonyahay oo shaqada ayuu ku yara bartaye markuu cusbaa hadaladiisa sidii loogu qosli jirey maxusuusataan hadalo madaxweyne ma kuula ekaayeen kkkk layaab malahan odeygaan isaga iyo qoyskiisuba Taariikh siyasadeed malahan xukuna masoo qaban waagii burburka ka hor siyaasad kuma jirin shaqaale xoogesato ayuu iska ahaa oo bangigii xisaabiye hoose ka ahaan jirey.
horta waan yabay goortaan hadalka madaxwaynaha maqlay waa ayan daro aad u wayn taasuna waxay natusinaysaa barlamaanka dadka isku sheegaya inaysan awood ay wax ku diidan ay san lahayn ee maalintii ay wax doortaan ay ugu danbayso ka hadalka siyaasada faroole waa fara bax waxaana masuuliyadaa gabay dadka leh waxaan matalnaa shacabka puntland ee barlamaanka isku sheegay mid kale waan ka xumahay hadalkaan maanta qiimo samaynmaayo lkn maalintii uu falkaasu dhacay in ay waxgaradku indhah ka qarsadaan ma ahysan ahayn waxaan halkaan cambaarayn uga soo jeedinayaa baarlamanka puntland gaar ahaan hogaanka barlamaanka iyo guud ahaan waxgaradkii maqlay hadlkaan gefka ah ee ka dhiidhiyi waayay gaar ahaan isimadii soo qoray barlamaanka ee yiri waxaad ma tashaan shacabka puntland waxaa meesha ka puntland ka maqan isu dheeli tirkii siyaasadeed awoodii wadanka oo dhan waxa gacanta laga geliyay taasna waxaa sababteeda iska leh barlamaanka puntland goormee buu faroole wadanka qoriga caradiis ku qabsaday maalintii xildhibaanka laacayay waxay ahayd in xil ka xayuubin lagu sameeyo madax wayanaha hadaysan awoodi karina iyagu meesha iskaga dareeran say sharaf iyo maamuus kuma haystaane maxaaa shacabka masaakiinta beenta loogu sheeegayaa wlhi waxaan ka naxay sida aadka u foosha xun ee xildhibaanka loo aflagaadeeyay iyo kuwa sacabka tumaaya ayaa isku kay qaban waayay waa in kaydkaan la xifdiyaa faroolena mastaqbalka dhaw iyo kan fog labada lagula xisaabtamaa
mahadsanidiin
War heedhe odag waa isku darmay, anigu waxaan oran lahaa marka u horreeyssa dhaqtar maskaxdaa haloo geeyo maalin kasta cayda iyo gefka tooska ah ee uu dadka u geeysanayo ayaa Somali oo dhan inaku dirtay horaa loo yiri boowe Bari belo kama timaado Maxamud saleebaan shaqada haka fariisteen