Falanqayn+Coddad-Waan sii jooggayaadda Faroole jiritaanka Puntland Ayay Eersan
December 11, 2012 // Warar SomaaliHadalka Galayr ayaa u dhigmaaya in aysan Puntland dambe ka mid noqon doonin deegaanaddaasu ayna samaysteen Maamul u gaara shacabka Reer Khaatumo , halka ay Xukuumadda Puntland sheeganayso in ay deegaanaddaasu Puntland yihiin iyadda oo aan ka arimin aysanna lahayn Xukuumadda Faroole wax siyaasad ah oo ku aadan soo celinta Deegaanaddaas .
bukaanka dimuqraadiyaynta u dhaawacmay Faarax Axmed .
Muuqasho la,aanta cid caymin doon ah Waxaan jirin haatan Puntland dad iyaggu isu taagay in ay Caymiyaan Puntland marka laga saaro Musharaxiinta iyaggu leh doorasho hala qabto , Cid dhexe oo ay dhibayso dhibaatadda Puntland unna istaagtay isu soo celinta ama yagleelidda Puntland cusub ayaan muuqan waxayna taasu keenaysaa in Madaxwayne Faroole uu sanadkayga ayaan sii joogayaadda ku adkayso halka mucaaradkuna ay sameeyeen waxay ka fursan waayaan .
Dadka iyaggu Siyaasadda Puntland falanqeeya ayaa intoodda badani qabaan haddi ay dhacdo in Doorashadda la qabto 08-01-2013 oo isbadalku noqdo Madaxwayne Faroole oo qof kale baddallo waa haddi uu doorashadda wakhtigeedda ogolaaddo Madaxwayne Faroolee aysan waxba isbadalayn balse haddi la hello cid u istaagta cayminta Puntland ay dhici karto in ay ka soo rayso xaaladda qalalaasha huwan ee haatan Puntland ku soo wajahan haddi aan samata bixiyayaal la hellin Alle ayaa samata bixin lehe.
Waan sii jooggayaadda Faroole jiritaanka Puntland ayay eersan . Madaxwayne Faroole ayaa illaa hadda ku adkaysanaaya in uu muddo sanad ah oo soo socota isaggu mudan yahay in uu sii joogo xilka Madaxwaynenimadda Puntland ,Madaxwyane Faroole oo lagu yaqaano mid ku dhaqma hab hoggaamineed ay siyaasaddayntu ka maramaran tahay sidda aan ka dheehan karo hab hadalkiisa oo aan dhowaan ka qoray Falanqayntaydi ahayd Madaxwayne Faroole hab haddal hoggaamiye ma leh ! Ayaa isaggu ah mid hadaladdiisi u dambeeyey laga dheehan karay in uusan tanaasul samaynayn oo waxa uu ugu yeerayaa wali in ay qaswadayaal yihiin kuwa mucaaradka ahi halka uu dad badan oo muddo dherersigiisa dhibaato ku tilmaamayna uu ku sheegay Qaswadayaal , Alkoliistayaal iyo kuwo dhimirka ka dhiman .
Haddaaba iswaydiintu waxay noqonaysaa Haddii Madaxwayne Faroole uusan la soo muuqan ka tanaasulidda muddo dheeraysashaddiisa, Micaaradka Madaxwayne-nimmo doonka ahina ay maqaamkoodda ka soo dagayn oo ay ku adkaysannayaan in doorashadda xilligeeda la qabto , Aysan wali muuqan cid dhexe oo iyaggu jiritaanka Puntland ka fakarraysa , halkee xaalku ku dambayn Waa su,aal mudan in dadka Reer Puntland iswaydiiyaan .
Kolka la odorasaayo Siyaasadda iyo isbadaladdeeda waxaa inta badan la soo qaataa tagtadda , joogtadda iyo timaaddada oo ah habka loo helli karo ugu dhowaan saadaalin qaybteed ay soo shaac baxdo, Puntland 2001 waxaa ka dhacay dagaal ka dhashay Muddo dheeraysashaddi Madaxwaynihi horre Cabdulaahi Yusuf AUN waxa uunna ku meel marsaday muddo dheeraysashaddiisi si xoog ah oo dagaal dad baddani ku dhinteen ku timi .
Haddaba labbadda xilli waa kuwo kala duwan xilligaas Puntland waxay ahayd mid midaysan oo deegaanaddi Puntland oo dhan ayaa jiritaanka Puntland ku dhamaystiraa, Halka maanta Inta Madaxwayne Faroole ku dooddaayo in uu Dimuqraaddiyaynaayo waa inta uu ka arimiyee ay yihiin qabyo oo Puntland-ti hore aysan dhamaystirayn .
Cabdulaahi Yusuf Aun Waxa uu lahaa hab siyaasaddeed isku xir badan oo hal abuurkiisa siyaasaddeed waxa uu ahaa mid sareeya halka Madaxwayne Cabdiraxmaan isaggu si carro iyo islawayni ku dheehan tahay u wajaha in uu doonitaankiisa ku meel mariyo waxaynunna oran karaa waxa uu ka maran yahay hab hoggaamineedka sababta oo ah haddi uu hoggaamiyuhu noqdo mid kasbashadda iyo siyaasaddaynta ka maran inta badan ma meel maraan doonitaanaddiisa Siyaasaddeed dhibaatooyinna waa u sababa dadka uu hoggaanka u yahay .
Habka cakiran ee Puntland oo masuuliyadda dhibaataddeeda uu yeelan doono Madaxwayne Faroole ayaa u eg mid eersanaysa jiritaanka MGPL sababta oo ah kolka garashaddu u garqaybiso Puntland iyo Faroole waxa soo baxaysa in Faroole yahay Cadoowga Puntland siddaan ku xusay maqaalkaygi ahaa Yaa Cadoow-ga Puntland ah ?.
- Saadaalinta waxa dhici kara in Puntland sii Furfuranto oo Maamullo badan oo dagmooyin kala duwan ahi ay soo baxaan , halkaasna ay ka dhalato is haysasho iyo isbaarooyin baddan oo deegaan kasta oo Puntland-ti 1998 la dhigo , Maamuladda ayaa u dhigmaaya kuwo Hab qabiil lagu saleeyo , Kala sii yaaciddaas ayaa waxay dhaxalsiinaysaa shacabka Puntland in aysan ku naaloon jiritaanka Puntland .
- Waxaa dhici kolka arinta kala yaaciddu ay timaaddo haddii aysan soo bixin koox cayminta Puntland u istaagtaa in Nadaamka Federalismka ee Reer Puntland doonnaan hadda aysan kolkaas awoodin maddaama ay ukala jabayaan Dagmo Damgo Haddi aan la samata bixin.
- Waxaa dhici karta kolkaas in Dagmooyinku ay dhexdooda is colaadiyaan oo dagaallo sokeeye ka dhacaan , Waxaa dusha saaranaaaya xumaantaas Maamulka Madaxwayne Cabdiraxmaan Faroole oo isaggu ku sii adkaysanaaya xilligaan in uu muddo dherersigiisa aan laga dhabqin .
- Waxaa imaan karta kolka Musharaxiinta iyo siyaasiyiinta diiddani wakhtigu dhaafo 08-01-2013 ay isku dayaan hab kale oo ah in ay Naddaam Cusub oo Labba Gobol ah sameeyaan Halkaasna uu isku dhac ka yimaaddo oo dagaal uu dhex maro Maamulka Faroole iyo kan cusub ee Maamul Goboleedka Cusub noqday .
Mustaqbalka dhankiisa xumaanta ayaa laga fakaraa samahu waa u door dadka xumuhana waa in laga sii dooddo waxyaabaha sababi karrana la odorroso kolkaasna la istusaaleeyo si aan dhibaataddaasu u gaarin heer waxyeeladdeedda la arko .
Buslahdda Puntland-ta xilliga waxa la gudboon in ay dhan u wadda jeestaan kana hor tagaan waxbaayaha dhibaatadda u samaynaaya codkooddana ku dhawaaqaan intoodda badan oo dhanka doonidda jiritaanka Puntland ah , haddi shacabku danno hoose iyo qabyaallad doortaan waxaa dhacaysa sidda aan kor ku soo xusay .
Haddi maanta meello badan oo Puntland ka mid ah ay shacabku codkoodda muujiyaan Madaxwayne Faroolenna u tilmamaan in wakhtigu ka idlaaday oo uu doorashadda qabto , Waxgaradka Puntland ugu yeerraan in ay kullan wayne dib u hagaajinneed yeeshaan , Haddi shacabku aysan amuurrahoodda ka hadlin waxaa la soo gudboonaanaaya dhibaatooyin , Siyaasigu waa qofka ugu dhibta yar ama maba soo gaarto dhibaato oo goofkiisa iyo ciiddan gaashaan u ah marna ma waaynaayo .
Puntland waxay xilligaan dhowraysaa dhacdooyin labba dhinac midkooda noqda in ay hesho cid cawajcelisa iyo in ay madaxwayne Faroole uu dhabaha dhibaatadda qaadsiiyo Puntland kolkaasna ay shacabka Reer Puntland dhibaato la kulmaan .
Madaxwayne Faroole haddii uu dadka ku dilaayo sanadkiisa dartiis , Haddi uu u masaafirrin dalbaayo qofku ka hor yimaadda siyaasaddiisa kolkaas yuu maamulli saw kuma soo ma ahan Jiritaanka Puntland ayaan eersanayaan haddii aan sii joogistaydda la ii ogollaan taas oo aan waafaqsaanyn xeerki u yaalay Puntland .
W/Q Idiris Suldaan Axmed Dooxa-Joog
E-Mail: Dooxajoog5@gmail.com
Facebook: Halkaan Riix



Faroole Adeer malin kuma darsan karo, laakin u dulqaadan mayno in websiteyada lagu qoro Puntland baa Buburaysa,,,,Taasi Waa Habaar iyo Nin soo bandhigay wax uu jecelyahay
Adeer qoraalka Faroole wax kaga sheegi mayside Puntland baad wax kaga sheegaysaa,,, Waxaadna tahay wax ma yaqaan adiga iyo adeerka dooxajoogi yiri Caluula baan Maamul Gobaleed u samaysanaayaba si yar abad u fakarteen Waxaaanse laabanahay kuwa webkan iska leh sida ay ugu ogolaadeen inuu ninkan wax ku qoro webka
waa saxan yahay Madaxweyne faroole xishooda yaan in kaarta madaxdu idinku dhicine
dadka puntland waxan leeyahay war cadow badan baa ina ku dhex jira anigu hadda cisman maxamud ma caayi karo ama beel kale oo tolkay ah dadka beelaha caayaya maahan rer puntland waa hawiye iyo argagixiso iyo dadka puntland neceb haa taas wa hubaal faroole, samatar iyo gabalax iyo inta kale ee xilka doonaysaa waa isku mid san qabo ninkii loo dhiibo dalka xaq ayuu u leeyahay wa muwaadinin dalka maamuli kara lkn haddii qabyaalad la isku caayo waa xumaanaysaa waayo nin aan sumcad lahayn ayaa qabyaalad dadka kula dhex dhuunta marka iska jira yaan la ina ku dhex dhuuman sxbyal
thnks all
kkk dhalinta puntland waxan u sheegayaa war kala saara puntland iyo faroole horta midda kale wiilka waxan soo qoray waa cadowga puntland, cali khaliif buu soo qaatay kkk waa cadawga puntland ay leedahay
dadka jecel inay puntland burburto insha allah ma burburi doonto dadka qabyaaladdu dishay ee leh ciise riyoole war dadka ha caayina anigu ma qabo in lagu hanjabo puntland baa burburaysa war yey ka bur buraysaa ma ciise maxamud mise dadka dhan waa yaab dad cadow ah ayaa meesha waxa ku qora waxan leeyahay dadka webkan qora maalin baa ka qowmamayn doontaan haddaan waxan la joojin ogaaga haddi dagaal foodda la is daro wixi la kala helo ayaan leenahay lkn waxan idinka codsanayaa puntland iyo faroole kala saara puntland waligeed wa jiraysaa lkn faroole sanad ha ku darsado wax weyn uma arko waayo waa 12 bilood barri buu iska tegeyaa lkn puntland ayaan sharaf ku leenahay halla daayo faroole halla mucaarado halla caayo waa sax lkn puntland yaaan wax laga sheegin sxbyaal halla sharfo puntlanimada lkn faroole anuu adeer ii yahay fasax baa loo yahay wixi la doono halaga sheego lkn baasha cisie maxamud yaan wax laga sheegin ciddi ay dhib u gaysatay way hadli karaan waa caadi anaga dhib naguma hayso
Shacab aan doonayn sannad kororsigaada haddii aad tiraahdo khasab baan kuxukumayaa waa aan idin gumeysto kacdoon shacab hadduu dhacana waa hubaal inaad mari dariiqii ay mareen raggii adoo kale ahaa ee xukun jeclaysiga, iyo caburinta shacabkooda kucaanbaxay sida QADAAFI , XUSNI MUBAARAK iyo kuwo kale dariiqoodii baad kutaagantahaye hadba waa go,aanka aad qaadatid inaad dariiqaas kanoqotid iyo inad kusii socotid illaa lakunto wixii aylakulmeen.
Waxan uga mahad celinayaa qoraaga maqaalkan waxay tusale u tahay halka rer puntland u socoto ee ah dimuqradiyad qofkasta aragtidisa ku mujiyo waxa u ka hadlayna waa wax jira oo ay habontahay xalkeda in la helo iyo hadan la xalin oo mel dhaxe la isugu imaan ay dhici karan wax walba xalkuna waxaa keeni kara oo kaliya madaxweyne faroole waayo masuliyada dalka asagey saran tahay iyo in uu qaato go aan geesinimo leh oo u hada ka hor qaatay madaxweyne Cade muuse Md madaxweyne faroole anagoo og wax qabadkaga fiicnaa mudadi 4 sano ahayd iyo xiligii adka aad so shaqeysay waxan ka codsan lahayn in nex term u tartanto xilka madaxweynaha oo mudo fican aad wax ku qabato oo 5 sana aad heshid dadka rer puntland barwaqo iyo horumar aad doneysid gaarsisid xildhibanada cusub ee iman doona cidna gaar uma leh waa xildhibano matalaya dhaman puntland gaarna uma lahan dhankaga xod xodashada kaga raadso ina siciid samatar iyo Gaagaab tona maleh kalsoni is gali oo doorashada qabo please
M/weyne Faroole, hadaad wax isku faleysid, hadaad wanaaga PL danka leeday, isa soo sharax si 08.01.2013 adiga mar 2aad ama Puntlander kale loogu dhaariyo M/toyada PL.
Dadkeena ha inaka kala dilin, damaaci’nimada Africanku yayku duliyeyn.
Show a reasonable leadership in this regard by facing the facts on the ground. You have a 4-year mandate to rule our state of Somalia 08.01.2013, win extention by election, not by manulation and I can support you, if re-candidate! Do NOT bed for a situation for PL shooting PL!
This is not threat, but is rather a brotherly advice.
Engineer Geele.
war calacal badnaa guulwadayashan ilma faroole? ninkasta oo wax macquul ah ku hadla ama qora sidii dhoocilihii ayey ugu boodayaan oo u xagxaganayaan,yaab… duligan faroole difaacaya sida muuqata waa hal ciise riyoole qabyaaladi dilootey oo boqol magac isku bedbedlaya wuxuu u baqaya musuqmaasuqii adeerkii faroole ufasaxay iney mar dhow meesha ka baxeyso, hala yaabina cabaadle waa layaqaan marka xisaabtanku bilaamo waa kuwa ugu orod dheeran doona.
Adiga iyo kuwa kula caqliga ah ayaa puntland eersan adeer madaxwaynuhu waa joogin wuuna ku adkaysan ninkii diidana tabar hala yimaado ciyaal page wax ku soo qora waa la yaqaan website kaana magaca puntland waa inuu ka fiirsadaa maqaalada u soo bandhigaayo sheeko murqaan ma rabno iyo hadal dheer oo aan macno lahayn
waxan umalaynayaa mulkiilaha websitekaan wuu nacay websitekiisa marka wuu waxan so galinayo wiilkaan in dooxa joog waa cadowga puntland iyo dadkeeda websiteyada reer somaliland ayuu cayda puntland ku qoraa.
kan yaa u ogolaaday in uuu soo galiyo maqaal websitekaan ma alshabab baa leh kan waa dadka aadka utaageeri kooxda alshabab .waa nacas dooxajoog baa adeer u ah baan maqlay sweden wuu jooga isagoo qaxooti ah .asal ahaan tuulo buu kayimi
war ninkaan khawaarijka ah ee alshababka ah ee nacaska ah ee aad ka ugu ololeeya burburka puntland xayawaan khawaarij ah muu afka ururaya dadka kala tago uuuuuuuuf afkiisa urura macadaydo nacas
War waxaan qoraal maahan ee web-ka yuusan kaa ceebayn ee ka saar sida ugu dhaqsiiyo badan!!!
Cali khaliif miyaa nala maqashiiyaa, waa nacab aan biyo isku mayrin ee ay Puntland ay leedahay!!!
cali khaliif aaaa nin cali khaliif yaqaan haddaad tahay hadalkiisa reer puntland uma keenteen ee adaaa is qariniya oo raba inay puntland bur burto..
lllllllllm…………………