Fanaan caan ah oo ka mid ahaa kooxdii Durdur ee Muqdisho oo xalay ku geeriyooday Garoowe

August 26, 2012   //   Warar Somaali

Alaha ha u naxariistee, waxaa xalay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland ku geeriyooday Abwaan Maxamed Maxamuud Arbow oo ka mid ahaa fanaaniintii kooxda Durdur ee Muqdisho.

Marxuum Arbow ayaa sidoo kalle ahaa fanaan,musigiiste iyo mulaxan wayn ,waxaa uu geeriyooday isagoo tababare u ahaa kooxda fanka ee Waaberi Puntland oo ka dhisan magaalada Garoowe.

Waxaa uu joogay deegaanada Puntland muddo sagaal bilood ah, waxaana uu ku noolaa wixii ka dambeeyay burburkii dowladii dhexe ee Jaalle Maxamed Siyaad Barre magaalada jabuuti ee xarunta dalka Jabuuti, isagoo mararka qaar safaro ku tegi jiray Hargaysa iyo Muqdisho.

Yurub Yuusuf Ciise oo ka mid ah kooxda waaberi Puntland ayaa sheegtay inay ku xasuustaan hees lagu magacaabo Probogando oo uu iyada u sameeyay, sidoo kallena uu dhanka muusika uu ka caawin jiray xiliyada ay xafladaha jiraaan sida shirarka Garoowe oo uu heeso badan ka garaacay.

Maxamuud Maxamed Arboow ayaa u dhintay xanuunka sonkorta oo hayay todobaadkii ugu dambeeyay, wasiirkuxgeenka warfaafinta Puntland C/laahi Maxamed Faarax Aswad ayaa isaga oo Garoowe jooga sheegay xukuumad ahaan inay ka tacsiyaynayaan geerida fanaanka, islamarkaana uu ahaa nin qaali kuu dowladda Puntland.

Puntland-News24
Garoowe

COMMENTS

RSSComments (5)

Leave a Reply | Trackback URL

  1. Pland law firm says:

    Allaha u naxariisto marxuumka,teeda kale maadaama aan umad muslima nahay maaha inaan horumar kusamayno qof meelkawaaaq waaq leh sida qaldaamiinta iyo yu yuda@ Ahmed punt wax aynaan dhaqan iyo fir ulahayn maamulka ha ku eedayn, ee maxaa diinta kor loogu qaadi waayey ku eedee,kkkkkkkkkk wabillaahi towfiiq

  2. MR-Romantic says:

    LOOL Somaliland Girl waa runtaa Mj-gu heesa kuma fiicna meela kale ayaan ku wanaagsana.
    Aadna waa kuu soo dhawaynaynaa

  3. horta marxuumka ala ha u naxariisto laakiin majeerteenku fanka iyo suugaanta baal madoow baykaga jiraan marka loo eego daaroodka kele sida ogadeenka inkastoo aanaan weligayba arag faan daarood ah oo heeso ama maansooyin waxku ool ah soo ban dhiga

  4. ahmedpunt-------------- says:

    innaa lillaahi wainaa ilaahi raajucuun ,allaa yarxam ,ehelkiisiina iyo qaraabadiisiina samir iyo iimaan aamiin aamiin ….
    intaa kadib puntland xagga fanka waa ka’liidataa marka loofiirsho hargaysa iyo muqdisho ,dawladda puntland ha ogaato fanku inuu yahay halbawlaha bulshada oo kaqayb qaata nabadgalyada iyo horumarka ,fanku waa muraayadda qof walba ka’arki karo in wadankaasu dhisanyahay haddii kooxaha fanaaniinta aay dhisanyihiin. haddii kale waa tuulo ama meel cidlaa oo dhallintuna kaguuraan ,fanku waxuu kaloo kamidyahay wax soosaar kale oo dawladdu kahelayso dhaqaale ,haddaba waa in dawladda puntland aay abuurtaa kooxo faneed oo qalabkoodana qurba joogta aay kaqaybqaataan ..scww

  5. Cabdiraxmaan Garoowe says:

    Allr ha u naxariiso marxuum Arbow. Wuxuu ahaa fanaan Soomaaliyeed, oo aad u jeclaa inuu arko Soomaaliya oo mar lugaheeda isk taagta.

Leave a Reply