digg icon delicious icon

Opinion: Doorkii Faroole iyo Masiibadii ka dhacday Boosaaso {Qalinkii Sainab Mohamud}

December 7, 2011   //   Opinion, Warar Somaali

Soomalidu waxay tiraahda “wixii kugu dhacayaa kun sano waa ka wayn yihiin” waa run waa meeshii ahayd “soomalidu been waa sheegtaa laakiin been ma maah maahmaahdo”. Wixii eebe qadaray lama celin karo, waana waajib in lagu samro, lagu cimri qaato, Eebana la weydiisto wax ka kheyr badan! December 2, 2011 waxay ahayd maalin xanuun badan, waxay ahayd maalin madow ee soo martay shacabka puntland, waxay ku reebtay shacabka nabaro hadii alle idmo lagu soo kaban doono.

December, 2 waxay ahayd qadar eebe ka dib markii uu dab qabsaday suuqii weynaa. Suuqaas waxaa ku xirnaa shacab badan oo Soomaliyeed, sidaas awgeed waxuu dib u dhac wayn oo dhaqaale ku yahay umada soomaliyeed gaar ahaan shacabka ku nool goboladaas. Waxaa marag ma doonta ah in ay ku cayrooben shacab badan oo nolol maalmoodka kala soo bixi jiray suuqaas si ay ugu daboolaan baahida noloshooda iyo caruurtoodaba.! Waxaan eebe u waydiinaynaa dadkaas masiibadu ku dhacday in ilaahay meel ka kheyr badan ka siiyo hantida ay ku waayeen wixii wax ku noqdana ilaahay u booga dhayo! Laakiin su’aasha meesha ku jirtaa waxa weeye hadii dhibka dhacay aaway doorkii maamulka? Masuulka meesha ugu sareeyaa ma booqday dadkii dhibtu ku dhacday? Maxaa qaldan? shacabka maxaa la gudboon?

Jan 2009 markii Mr Farole hogaanka u qabtay dadka yaqaanaa waxay isku raaceen in lagula kufay talada umada taasna waxaad moodaa in ay dhabowday. Tan iyo intii Farole hogaanka qabtay waxaa dhacay dhibaatooyin fara badan oo aan la soo koobi Karin oo  isugu jira dil, bur bur dhaqaale, iyo dagaalo sokeeye oo aan horay looga aqoon gobolka. Waxa sidoo kale xusid mudan in farole u  hanqal tagayo in uu umada hogaanka u sii hayo isago oo isku halaynaya Garowe iyo 66ka shacabka u qoor qabta ee barlamanka sheegta.

Waxay shacabka Puntland mudan yihiin sharaf hadiiba ay u dulqaateen Farole iyo wiilashiisa  mudo 3 sano ah sidaas awgeed inta ka hartana ha loo dulqaato Waayo waa tegi doonan eebana wa hor tegi doonaan…Xasuuso Sadam, qadafi iyo wiilashodii?? Mr. Farol Waxaan dhihi lahaa wixii horeba ka soo tagoo farolow markii alle kuu qoray ayaad dhiman  umadii masiibadu ku dhacday xitaa ma soo booqan wayday?” Bosaso ma canshuura kaliya ayaad ka sugtaa, miyaanay ka  mid ahayn gobolada iyo dadka aad u dhaaratay? Wadanku ma Garowe kaliyaa? Waxaa la yaaba markii Bosaso shacabkeedu baroor diiqayeen in uu gaalka madow ee “Mahiga” uu garowe qado ugu samaynayey…waa yaab iyo yaabka yaabkiis!

Isku soo xoriyoo  waxaa hubaal ah in puntland iyo shacabkeedu soo mareen xiligii ugu adkaa marka laga eego xaga amniga, dhaqale bur burka iyo maamul xumada, sidaas awgeed farole waxaa la dhihi karaa waa shaqsigii ugu nasiib iyo xukun xumaa ee soo mara goboladan! Allow mid kaloo ka roon…aamin.

SAINAB mohamud <sainabn@hotmail.com>

 

RSSComments (28)

Leave a Reply | Trackback URL

  1. deeqo puntlander girl says:

    kkkkkkkkkkkkkk walahi waaxaa iga qosliyey wiilka raaska wuxu waa mukulaalo waa runtii abaayo saynab waxaad tahay wax garad aqoonyahayn,wadaniyad,xigmad iyo murtiba ku dhamaatay ee halkaas kasii wad waa intaasoo ilaahay qoraaladeena wax kutusaa kuwaan haya umada hogaankeeda ee damiirlaawayaasha ah mida kale waxan leeyahay dadka difaacaya faroole faroole isagaa qaaday umad xilkood inin XILQAADAYNA EED QAAD mid qaloocana kaba sii darane halayska daayo qabyaalada iyo anuu ila reer yahayda oo aan iska wada qabano ninka ALLA HANAGA QABTEE AMIN AMIN

  2. sainab mohamud says:

    Puntland waxay Marti u noqotay Madax aan gar qaadan iyo Shacab kaalintiisii gabay!

    “NIN XIL QAADAY EED QAAD” waa “oraah” laga heli karo luuqad kasta oo aduunka looga hadlo, marka waa oraah sugaysa masuul kasta oo xil umada u qabta si wixii u qaldo loogu muujiyo ama canbaareeyo, ama lagu amaana wixii uu umada u qabto sidaas awgeed waa “nin kuu digay kuma dilin”marka wixii lagaa sheego xumaan iyo wanaaga ugu dulqaado shacabka talada kuu dhiibtay.Hadaba si kooban waxaan isu dul taagi doonaa dhibaatooyinka ka dhacay Puntland xiliyadii uu dambaysay inkastoo qoraal iyo laba toona aan lagu soo koobi Kaarin. Shacabka reer Puntland waxay isweydiiyaan gudo iyo dibad, Puntland xiligan xagee ku socotaa? Madaxweyne Farole maxaa ku diray waxgaradkii, cuqaashii, isimadii iyo idaacadihii? Dilalakan qorshaysan yaa ka dambeeya? Shacabka doorkisii aaway? Hadaba aniga oo soo koobaya maqaalka xog ogaal u ah waxa wadanka ka jira ayaan bidhamin doonaa wixii eebe inaka garan siiyo…insha-alah

    Puntland xiligan xagee ku socotaa?

    Tan iyo intii Puntland la dhisay maamuladii isaga dambeeyey kama tegin haykal dawladnimo oo fiican waxaana ugu wacnayd 1) puntland ma helin hogaan fiican oo aqoon iyo karti leh waxaana isaga dambeeyey maamulo aan xirfad dowladnimo oo wanaagsan lahayn, sidoo kale waxaan meesha marna ka maqnayn nin tooxsi, cadalaad xumo, iyo danaysi. 2) shacabka oo soomali ah oo aan haba yaraatee u bislayn dowladnimada, dan-guud, iyo kala dambayn. Hadaba iyada oo ay sidaas tahay ayaa hadana marka aad waraysato shacbka Puntland meel kastaba ha jooge waxay isku raaceen in maamulka Mr Farole uu yahay maamulkii ugu tayo xumaa uguna tala nebcaa hadana aan gar qaadan!.Taasna waxay sabab uga dhigayaan Maamulka iminka jiraa wuxuu geed ku xiray intii waxgaradka ama aqoonta lahayd ee wax isku waday waana mida dhabarka ka jebisay maamulka Madaweyne farole ayey leeyihiin.Waxa carabka lagu badinayaa mr Farole sidii puntland loogu dhiibay ee maamuska iyo sharafta lahayd in uu san marna marin doonin. Sidaas awgeed mar hadii sawirka noocas yahay ma la dhihi karaa Puntland farole gacantiisa ka dambayn mayso? Ilaah idinkiis rajeynmayo waxaan filayna in wanaag u damaynayo Puntland iyo dadkeeda iyo soomali oo idil hadii ay eebe talada saartaan iskuna kalsoo-naadaan. Dhibaatooyin xanuun badan ayaa dhacay bishan kaliya, masiibadii dabka boosaso, dilkii allaha u naxariisto sheikh Ahmed Haji Abdraxman..eebahay albaabkii janiyo udugeeda ha u furo..aamiin! Masiibadaas hadii la qiimeeyo, shacabka puntland waxaa la dhihi karaa waa agoon iyo rajo maantay! Sidaas awgeed waa waqtiga hogaamiyaha la qiimeeyo sida uu dhibka dadkiisa ku dhaca ula qaybsado, u dhex tago, u booqdo, ula tiiraanyoodo…taasna wali ma dhicin!!!

    Madaxweye Farole maxaa Ku diray Waxgaadka, Isimada iyo Idaacadaha?

    Puntland waxay ku dhisnayd ilaahay fadligiisa iyo talada waxgaradka oo ahaa marjaca loo noqdo dhibaatooyin badana waa lagaga soo gudbay ilaa hadana dhibtii ma dhamaan, mamuladii isaga ka horeeyana sidaas ayey wax ku wadeen. Sidaas awgeed markale aan amaahdo maahmaahdii ahayd “Nin durbaan tuntay cilaaq dalbay” oo ah shaqsigu haduu umada xil u qato waa lagu amaanayaa ama durayaa wixii wanaag iyo xumaan ah ee uu la yimaado. Taas macnaeedu ma ahan in ninka masuulka ah la caayo, magacyo loo bixiyo sida hadaba ka jirta gobalada puntland ee madaxweynaha magacyo aan munaasib ahayn loogu yeero sida Firdhiye, one way, wadnahay dhag leh, iyo ereyo kale oo aan munaasib ahayn. Hadaba Xaalada Puntlad ku sugan tahay waa mid laga dheregsan yahay amaan darida, dilalka qorshaysan, hoos u dhaca dhaqaale,iyo arimo badan oo aan la soo koobi Karin. Sidaas awgeed midaas waxaa looga bixi lahaa isku xirnaansho ka bilaabata is fahamka maamulka iyo waxgaradka oo si wada jira shacabka ugu adeega. Lama ankiri karo Runtii madaxweyne Farole waxaa saaran culays fara badan, laakiin nasiib daro marjicii uu talada ula noqon lahaa ama garabkii isaga ayaa baneeyey waxuuna gacanta u galay koox yar oo aan bulshada magac ku lahayn, xil u bukayaal ah, danaystayaal boqnaha jaray isaga, shacabkii, iyo wadankiiba! Sidoo kale idaacadaha waxa ku diray lama rabo in runta iyo waxa jira laga hadlo laakiin aduunku maantay waa xaafad oo kale wax ma qarsoomaan, maamulka midaasna wey ka maqan tahay ayaa laa yaabaa!

    Dilalkan qorshaysan yaa ka dambeeya?

    Puntland waxaa lagu yahay duulan madaxdeeda ayaa laga arkay. Waxa duulan ku ah kuwa magac diimeed wato, kuwa dowlada sheegta, iyo kuwa xuduuda sheegta. Dilalka qorshaysan waxaa ka dambeeya kuwaas aan kor ku soo xusnay laakiin hadii eebe la tala saarto, maamul daacad ah la helo, shacab soo dhiirta la helo, boolis la howl geliyo oo agabkooda loo dhamaystiro la helo, sirdoonka la hawl geliyo, dhalinta la abaabulo oo waliba dawladua guna siiso, xaafadaha la wacyi geliyo, waxaan dhici lahayd in gacan ku dhiigle badan madaxiisa la qalajin lahaaa!!! Laakiin nasiib daro hadii lagu mashquulo hanti urursi, bangiyo buuxin, xukun kororsi, iyo gobolaysi dhibku sidaas ku dhamaan mayo! Ogow aduun magac baa ka hara hanti aduuna mara cad oo aboor cuno baa kaa raacda …masuulka xilka loo igmaday xil baa umadiisa ka saran hadii uusan gudan Karin waa wajib in uu umadaka hor warego.

    Shacabka reer Puntland kaalintoodii aaway maxaase la gudboon?

    “People are the power” dowladu waxay ka bilaabata shacabka waayo dowlada waxa ay u adeegtaa waa shacabka marka hore waa in midaas la isla fahmaa.Maamulku hadii uu dhaliil leeyahay waa in ay u sheegan hadii uu toosin u baahan yahay waa in ay tosiyaan, talo u soo jeeediyaan, qaladka tusaan, nabagelyadana kala shaqeeyaan. “ninki qayrkii loo xiirow soo qoyso” hadii horay loo dilay hal door badan magoolkiina la idinka laynayo, hadii sheikh Axmed la qashay “enough is enough” Eebe nafta marbuu abuuraa marna waa dila (not twice) waa in aad ka danqataan dhibkan idinku dhacaya, silisilada cabsida jebisaan, dadkiina dhiiri gelisaan, maamulkana miiska u garacdaan si midaysana (unity) la isaga qabtaa kuwa dadkiina dooxaya! Shacabku waa in ay ilaaliyaan nabada, booliska la shaqeeyaan, dambiilaha aan hoy la siin, waayo waa damiir laawe aan kuu nixi doonin bari.

    Guntii iyo Gabagabadii

    “There’s nothing else I can mention that hasn’t been mention before” laakiin
    Puntland waxay ku jirtaa marxalad u baahan in lagu baraarugo si wax looga qabto dhibka dhacaya. Hadii isimadii qaar dhaheen “inta maamulkani joogo farahaan ka laabanaynaa” Waxgaradkii dhaheen “maamulka ayaa u xilsaaran taladiina naga xayuubiyey” waa mid aan mar marsiinyo noqon Karin! Sidaas awgeed si dhibkan loo wada qaybsado talo midaysan loo helo waa in maamulku soo nooleeyo doorkii cuqaasha, isimadu dib uga guran kalintooda iyo masiirka umada, ganacsatadu doorkooda ka qaatan waliba dhaqaale ku bixiyaan. ALLA WAYN NINKII AAMINAA AWOOD LEH!

    Sainab Mohamud
    sainabn@hotmail.com

  3. Asc Waxaan dhamaan salaamayaa umada u dhalatay jamhuuriya puntland gaar ahaan gabadhan qaaligaa ee u qalanta xilka ugu sareeeya puntland In Loo dhiibo iyo dhamaan bahda puntlandnews dhamaantiin sand wanaagsan oo wacan sanadka soo socda inagoo sidaan ka fiican oo ah qaran qalabaysan faroole iyo xuluufadiisunA na dhaato illahay hayna gaarsiiyo aamiin amiin aamindhehA baayooyin iyo boowayaal idinkuna”" intaa ka dib Waxaan tacsi murugo leh u dirayaa dhamaan umada reer pl waxana Uga tacsidaynayaa labada arimood ee murugta leh dabka caasimada ganacsiga ka dhacay iyo dilka shiekha sharafta Iyo ixtiraamka nagamudnaa waxan lii yahay dadkii ku cayroobay allay wax khayr qaba hawgu bedelo shiikhana Samir iyo iimaan alle haynaka wada siiyo dadkii qoyskiisa ayaana Waxaan lee yahay walalayaal dr Axmed xaji ininkama dhiman ininka oo kaliya dhibtuna ininma soo gaarin ininka oo kaliya lkn waxaysoo guaranty dhamaan umada reer puntland oo dhan dhibtana waan ininla wadaagnaa.. Intaa ka dib hadaan u soo gumbo qoralka aabayo sainab Runtii waxay ka hadashay Runta “RABI KUMA CIILO CIIRSI la,aan IYO CAAFIMAAD DARONA KUMA HESHO ABIDKAA ADUUNYADA KU WAAR FARXAD iyo WANAAG AAKHIRONA AMBIYADA AGTOODIYO JANO FARDOWSO FADHIGAA HA NOQDO SAINAB AAMIIN AAMIIN” Qoraalka Runtii waa qoraal qalabay lkn faroole damiir mA leeyahay uu waxaas ku dareemo ? Kuwa u shaqeeya ee wasiiro ku sheegaa ee afka un ka nool ee yaqaan Si looga hadlo radioyada iyo Si wax loocuno lakn aan aqoon Si waxloogu qabto Dadka cashuurta ayka qataan Ma dareemayaa Hadalka sainab? anigu Waxaan lee yahay reer plnow hadal badni haan Ma buuxshee hurdada ka kaca Fadlan!!!!

  4. scww
    sainab mohamud

    waxaan aad u salaamayaa dhamaan akhyaarta fikradooda ka dhiibtay maqaalkii aan ugu magac daray “doorkii faroole iyo masiibadii bosaso” waxaan si gaar ah ugu mahad celinayaa akhyaarta fahmaysa wacyiga iyo dhibta aan ka hadlayo waxa ay ku salaysan tahay, kan aan garanayn ee cancarka (qabiilka) uu madax diiray isaga waxba lagama dhaadhicin karo sidaas awgeed waqtigiisa ayaan u dayn doonaa hadii eebe idmo.Waxaan si gaar ah farta ugu fiiqayaa kuwa aamin san in aan ahay shaqsi ka soo horjeeda puntland ama diidan midnimadeeda waxaan kuwaas oranayaa “before you judge,please read between the lines” marka hore akhri oo fahan waxa aan ka hadlayno then dhiibo fikrigaga! ugu dambayntii yaanan iloobin asxaabta sida gaar ka ah e-mailka iigu soo qortay…surely, they will be more to come

    ce you soon insh-allah

    sainab

  5. Wiilkii-Raaska` says:

    Amraney haddii uu wasiir ku qabo ama kula dhashay ogow waxaa fitno ku dhexjira kuwa boolida boobaya. Dadka baahan ee waxa ay rabaan tahay caddaalad oo keliya maahan fitna walayaal. Dhacdadii Tuunis iyo Liibiya iyo Masar waa u markhaati. Dadka dhiban aa markasta ladhahaayay waa fidnowadayaal. Qofka dulman xaq buu leeyahay. Hadii uu ka hadlin waa lagu tutumanaa, sida haddaba dhacday. Haddaba baayo, aniga xataa reer bari aan kula ahay. Xaaladdeena ma matalaan inta yar ee aad kamid tahay ee reer Farroole ku xiran. Waan ognahay safarkiisii ugu danbeeyey qoys isqaba oo reer bari ah aa la socdey oo London la tegey. Kuwaasba reer bari waaye. Laakiin maahan kuwo ka hadli kara dhibka dadka heysta. Maxaa yeeley, muufadooda waa u maraqeysan tahay, sida aan tuhmaayo in taadaba u maraqeysan tahay. Hana iga xumaan baaye, runta weligeed waa la dhibsan jiray.

  6. amran says:

    waxaa lahadlaayaa labadda nin iyo dumarka fidno wadayaalka ah,sida eey walaalaheey sheegeen puntland manta uma baahnin wax na kala qaada, aniga waxaan ahay qof reer boosaaso iyo reer bari dhaladda ah, aniga mudane faroole waa ii madaxweyne, adeer, iyo oday soomaaliyeed, kuwiinan afka furtayoow Rabbi baan sharkiina iyo cadowtinimaddiina idin ah hoos galnay, sheekadiina ma aha adeer, madaxweyne faroolee waa ORGIGA BAROORTA KA WEYNEE sheegta meesha la idinka hayo.

  7. Wiilkii-Raaska` says:

    Qofkii u horeeyey oo Seynab u soo jawaabay aan ahaa. Waxaa jeclahay inaan u jawaabo ninkan caayaya dumarka qurba joogta ah. Waxaan maleynaayaa in aad ka timid meel dumarka lagu caayo. Allaha inoo barakeeyo haweenkeena caruuraha ku korinaya dhibka iyo qaharka qurbaha dhexdiisa. Walaalow maxaa denbi ah oo ay leeyihiin haddey shiddadaas ku samreen. Haddii siyaasigii iyo sarkaalkii soomaali ay noqdeen dhurwaayo caruurihii ka cunaaya. Intii maato ahayd ee ku hoos hartay sow maahin kuwa danyarta ah ee suuqii ay ku ganacsanayeen laga gubay. Maanta waa fara maran yihiin. caruurtiina cunno ma u hayaan. Laakiin kuwa dowladda ah muufadooda waa maraqeysan tahay. Iyada oo aan ogsoonahay in xaasaskoodii ay qurbaha joogaan oo qudhoodu ay qaataan xoolaha aad xaaraanta ku sheegtey. Taas ay dadka ka dhacaan oo xaaraan ah aah u dheer.

    Waxaa iga talo ah nin soomaali ah oo siyaasi noqdey ineenaan ka hadlin xaaladdiisa bal taariikhdiisa fiiriya oo ka runsheega. Siyaasiga qadarinta mudan waa kan baahda marka dadkiisa baahdaan. Waakan amnidarrida la qeybsada dadkiisa. Waa kan dareenka dadka la wadaaga. La xanuunsada, la murugooda, la farxa. Laakiin wasiiro ciidankii shacabka ilaalin lahaa inta qeybsadeen iyaga isku ilaaliyay, madaxwayne caruurtiisii ay dhexcarayaan barlamaankii. Guddoomiyayaal qabiil lagu xuley ee u fadhiya boob. Arimahaas waa kuwo wax laga qaban karo. In wax laga qabtona maslaxad waxay u tahay kuwa wax xukuma iyo kuwa la xukumo. Talada aanu suubsano markaas aduun iyo aakhiro waa noo hagaagee.

  8. Ali Ali says:

    Lama yaabin inaan faroole tagin Bosaso waayo suuqa gubtay wuxuu u baahan yahay lacag iyo in wax laga qabto, sidaan ognahayna faroole waa one way waxbaa gala waxba kama soo noqdaan. Sheekadii Waliinjada ayaa run noqotay, marka innagu wixii caawimaad ah aan ka geysano yaynaan waxba ka sugin odayga

  9. Abdul says:

    Marka hore waan idin salaamayaa bahda puntland 24 marka labaadna waxaan ka tacsiyaynayaa dhibaatadii geerida iyo burburka hantida isugu jirtay ee ku habsatay puntland gaar ahaan boosaaso.

    Waxaana ilaahay uga baryayaa intii ku dhimatay oo uu ku jiro shiikhii qaaliga ahaa inuu ilaahay u naxariisto janadiina ka waraabiyo intii ku hanti beeshayna wax ka khayr badan ilaahay ugu badalo.

    Tacsidaa ka bacdi waxaan aad uga xumahay puntland oo awalba xil ubukayaal boqnaha jarayeen in hadana dumarkii (separate)ka ahaa oo cayrta xaaraanta ah ku noolaa inay iyaguna u soo qalab qaataan bur burinta buntland waana nasiib daro,.

    Anigu waxaan aaminsanahay puntland maanta madax la,aani ma hayso ee waxaa haysa shacab la,aan ee ilaahay shacabkeeda ha u hagaajiyo
    midnimo iyo isku duubnina ilaahay ha siiyo
    cadawgoodana alaha ka qabto haduu yahay mid dhibaatadooda xil ku doonaya iyo haduu yahay mid dibad kaga soo duulayba(Aamiin)

  10. P land law firm says:

    Asc w w,walaalayaalow[pland]tacsi iyo qaaraan ururin baan ogaa oo socotaye,goorma siyaasad,faroole, qabiilo[mudug,bari,nugaal]aad bilowdeen,fadlan xishooda,waxa qoraalada fidnada ugu badana waa qurbajoogta,walaalayalow hadi inagu dhul shisheye joogno aynu dadkena xiliga adag ku jira wax uqabano,hadadan tabar hayna nacnacda kadayno,wabillahi towfiiq

  11. hersi says:

    Markii ugu horeeysey weeye ey dowladu sheegto cidda dadka leeyneysey ..iyo raga waxlaaya waliba si bareer ah rsmina ah waa cajiiiiiib ..mana ahan qofakani midkii ugu horeeyey ee si gardarro ah loo dilo ….cajiiiiib !!!….sidookale ururka al-ictisaam waa. Markii ugu horeeysey eey sitoos usheegaan ineey yaqaanaan waliba bey yiraahdeen Hebel iyo Hebel baanu u naqaanaa …cajiiiiiib !!……mana ahan markii horeeysey eey shabaabku si gardarro udilaan qofaan waxba galabsan …waxaa hadda isweydiin mudan dowladda iyo burcad diimeedka ictisaam ..maad inoo sheegtaan dadkii 79 kii wofood ee lahaa aqoonyahan odey dhaqameed culumo mas,uuliyiin dowlad ..(qareemo)..kuwii laayey koley waa hubaal waad ogtihiine…dhamaan dadkii horey loo laayey waxaa eey ahaaxyeen ahlsunna dad ahaa ..lamana. Sheegin oo lamayaqaan kuwaas wax diley …cajiiiiiib !!….somalidu waxey kumaah-maahdaa god ha qodin kudhicidoontidaana ma. Ogidee ….baladan wax dileysa waa burcad diimeedka (wahaabiya)..magaceey wataanba ..haatan iyagaa isdilahaya. ..Qofwaliba miruhuu beertuu gurtaa ….war ilaah haloo towbadkeeno oo halagasoo haro wahaabiyada fitanta xanbaarsa dadkana halooga digo ……hadii kale wallee carada ilaah udiyaargarooba ..dhamaanna meel xunbaa lagu danbeeyn .

  12. caa'isha says:

    waxaan ahay 23jir shan eey dhashay laga la soo baxsaday Gaalkacyo lana keenay xamar dhamaan caruurteedii haddana ku nool muqdisho iyadoo la dooreeysiiyay puntland ka sabar oo ilmahaada halkan la joog ama ilmahaadda ka sabar oo puntland ku noolow, ee habeen caro puntland ah kama maqnaadeen, waxaase maanta aan aad iyo aad uga xumahay dumar sheeganaya reer puntland oo maanta oo dagaal baaxadda leh lagu soo qaaday oo aan dhahi karo iyagaaba waa kuwa dabka ku dhex wareegaayee in eey ka mid yahiin codowga puntland. waxaan dumarkaan ugu baaqi lahaa bahda reer puntland sharkiina rabbi haka amaano yeelo, Aamiin, Aamiin.Aamiin.

  13. Abdullahi says:

    SCWW;

    Hadalkii Sainab ayaa dhamaysey.. Khayr Illahay ha ku sii.
    Dadka iska hadlaaya oo uun waxba la qora u qoraaya hadallo aan naf iyo nuxurtoona lahayn.. Ha iska aamuseen.
    Ummalyn maayo inuu maanta jiro nin difaacaya amaba difici kara Faroole. Ummaddu waa sharaftay, waana cisaysey oo jagada ugu sareeysa ayaa loo dhiibatey. Muxuuse ka qabtay oo uu bedeley? Waxnabag ha yaraate.

    Maxaa tallo ah illa dad waa inuu tashaadaaye.Illaahay qacli ayuu ina siiyaye. Reer Puntland iyo gaar ahaan reer Bari waa inay tashaadaan. Meesh u yiri “Walle cadkeerow ama aan ku cunney ama ku ciidey” waxaa laga sheega Caydiid.. run iyo been inay tahay ma Ilaah ba og. laakiin waxaan huba reer Puntland inay intaas ka garaad sareeyan, ka bisil yihin oo illa iyo intii la dhisey gobolladaas iyagaa iswaday haddana is burburin maayana oo waa is-daba qaban inta gori gor tahaykaraan oo salka ayan taaban!!

    Marka hadda iyo dan.. anigu waxaan qaba:
    1)Waa in 60 xeraadda ugu jira ee barlamaan ku sheega ah oo jaahiliinta ah nina dooran ooda laga qaada
    2)Waa in lalaa xisaabtumo kuwa isku sheegaya madaxda oo shacab usan soo dooran- waxaa ay qabteen ilaa iyo intii ay meesha joogan oo u ku jiro madaxwaynuhu
    3)Waa in shacabkuu hurdaada ka kaco ileen waxaa adduunka ka socdaa waad ogtihiin carabi how badnaate. Inagu ma ka liidana?
    4) inay doortaan barlaaman xaq ah iyo madax u qalantah. Wabillaah towfiiq

  14. ahmedpunt----- says:

    CODSI- CODSI- WAXAAN CODSANAYAA DADKA MASIIBADU KU DHACDAY IN LACAAWIYO QOF KASTA OO QURBA JOOGTAA YURUB AMEERIKA IYO USTARAALIYA IN QOFKASTA OO SOOMAAALIYA GAAR AHAAN DADKA REER PUNTLAD INUU LACAAWIYO DADKII KU CEERTOOBAY BOOSAASO IYO SHIIKHII LADILAY ALLE HA UNAXARIISTEE FAMIILKIISII .WAXAAN LEEYAHAY HALAJOOJIYO XIISADDA KALE OO LAGU ILLOOBAAYO DHACDADII XANUUNKA BADNAYD EE BOOSAASO MA LOOBAAHNA WAX KALE MALOOBAAHNA TAFARAARUQ .WAXKALOO LAGA NAXAYANA WAAN SHEEGAYAA LIISBADAN OO DADA OO DIL LOOQORSHEEYAY BAA SOCDA SHIIKHU WAA TAGAY LAAKIN DADKA INTA HARTAY HALA BADBAADSHO OO DAWLADDA IYO SHACABKUBA HA ISGARABSADEEN WAXAAN LEEYAHAY TUUGA AFKA SOODUUBTAY HABEEN IYO MAALIN YAAN LASEEXAN GEED KASTA IYO GURI KASTA GABAADKIISA HALOOGU GABADO OO HALASOOQABTO WAAYO ARINTAAS AAN SOO SHEEGAY OO GABADKAA WAXAA KU GUULAYSATAY DAWLADDII ITOOBIYA EE TIGRAAGA MA. MILLA ZANAAWI WAQTIGAAS AAY WADDANKA ITOOBIYA GACANTA KUDHITAY WAXAAN LEEYAHAY QOFKII MAWAADIN PUNLANDS AH OO SOOMAALI MUSLIM AH DADKAA DHIBAATADU KU DHACDAY HALLA CAAWIYO QOFKASTANA HA KU SOODIRO KOONTOOYINKA LOOGU TALAGALAY DADKAAS SI WAX LOOTARO –WABILLAAHI TOOWFIIQ

  15. ahmedpunt----- says:

    ASC WW – WAXAAN DADKA USHEEGAYAA WAXA PUNTLAND HEERKAA FOOWDADAA OO MAALINBA NIN DOORKA LOOQALANAYAA GAARSIIYAY TAFARAARUQA IYO KALADAMBEENLA AANTA DADKAYAGA. WAXAANA AAMINSANAHAY ANIGU MADAXWEEYNE FAROOLE INUUSAN EED LAHAYN OO UU DADAALAY IN ISBAARO LOODHOGTAY MAALINTII LADOORTAY WAXYAR KADIB INMUCAARAD LAGU NOQDAY WAXKASTA LAHORISTAAGAY HADDABA WAXAA FIICAN ABDIRIXMAAN FAROOLE MARKII LADOORTAY WAXAY AHAYD IN LASUGO OO JAANIS LASIIYO AFARTII SANOO LASIIYAY NASIIB DARO MASUUROOBIN WAXAA DHACAY ISHORISTAAGBADAN OO DAWLADDIISII LAKULANTAY HADDABA WAXAAN LEEYAHAY DADKA REER BUNTLAND HAKA WAANTOOBEEN EEDA CIDLADAA OO LAGU EEDAYNAYO DAWLADDA HADDA JIRTA EE ABDIRIXMAAN FAROOLE ANOO AAN LAQABIIL AHAYN BAAN WAXAAN KAHADLAYAA RUNTA

  16. luqmaan says:

    Dumarow ragga wadda dhashay ha isku dhilina, aniga waxaan ahay mowaadhin reer mudug ah haddana ku nool, anigoo raacaaya murtiddii walaalaha iga horeeyay puntland ma kala laha qabiil iyo qaran midna waa dad wadda dhashay oday qura ku abtirsadda hore baa nala ku laayay qeybi oo xukune wallee dhacadaddii Boosaaso weyna mideeyn, madax, culumo, cuqaal iyo aqoonyahan, wax ma garad marka uu afka kala qaadaba waxuu raadsadaa cid uu eedeeyo, waxii nagu dhacay wax xag ALLE ka xukmanaa buu ahaa, Rabbi cawil kheyr ah ah noogu badalo, laakiin arrintan weeyna mideeyn. Dabka nagala dhex baxo, WE ARE ALL UNITE, WE ARE PEOPLE OF PUNTLAND, ONE PEOPLE AND ONE NATION.

  17. hogaamo says:

    asc
    waxan saslamayaa dhamaan ummaada somaliyed garaa ahaan reer puntland,
    runtii anoo ka dhibanayaa afkartayda halkan waxan oron karaa wax nagu dhacay guul faro hadii aanu nahay reer puntland bal u fiirso wax puntland kala dumaley waa 1 c,llhi yusuf, cadde, faroole, waxan oron karaa guul daro dhinac hogaankaa baa horey iyo gadaalba na heeshay, waxanu kaaga bixi karno waa inaanu kacdoon samayno wax ku olol ah dalka iyo dabada hadii alle idmo,waa inaanu ka xoroownaa 66 labad qof oo garoowe afduubka dadka ugu haystaa masiirkuna u gacanteen ku so labtaa hadii alle idmo,waxana intaas ku darsanayaa wakhtigaan wax la rabaa qof qiimo leh ma hariin sarkaal shiikh dimeed aqoon yahan isiin, illahay masuubada ha ina ka koro qado illahay waa inaanu u noqo ayaan qabaa insh allaha, bye somalia former Diplomat.
    mahad said Isse?
    Download: eType1.com/f.php?FSmOAf

  18. Cheyyene says:

    Ma aha aayad Qur’aan ee waa XadiiS.

  19. WIIL BARI. says:

    ANIGA WAXAAN LA YAABAA REER PUNTLAND HAL REER BAA ISASIIYAY HALKAA REERNA WUXUU ISU HEESTAA IN UU ISAGU MOOYEE CIDKALE XUKUNKA QABANKARIN ISAGA MOOYEE CIDKALE IN AYSAN NABAD KEENI KARIN ISAGA MOOYEE CIDKALE IN AYSAN AFTANAHAN IYO SIYAASI IYO WAX KASTAA UU YAHAY ISAGA CIDAASINA YAAN DHIHIN DHAMANTOODA LAAKIIN SIDEY UBADAN YIHIIN WAA REER CUMAR MAXAMUUD LAYIRAAHDO …

    GAALKACYO WAXA KASOCDANA WAALAWADA OGSOON YAHAY OO WAXAY MOODAAN IN DADKU AYSAN OGEYN OO FAROOLE KUXUMEEYA AYEY UQASAYAAN MUDUG OO WALIBA KU RIYOONAYA IN FAROOLE HADUU DAGO AY IYAGU QABAN DOONAAN …

    SHEEKADII CUSMAN CUMAR CIISE DHAMAATAY MARAKAN WAXAA LOOGUURAYAA XISBIYADA BADAN EE DIMUQURAADIYADA KU DHISAN OO CIDKASTOO REER PUNTLAND AH AY XAQ ULEEDAHAY IN AY ISU SOO SHARAXDO MADAXWEYNE MARKA MARKAA AYAA LAGU KALA BIXI DOONAA WAXA AAD SHEEGANEYSAAN IYO WAXA AAD KUFAANEYSAAN OO AFKA BAARKIISA AH.

  20. Cheyyene says:

    “Kulukum mas’uul wa mas’uulun can raciyatihi”

    “Midkiinba waa mas’uul wuxuuna mas’uul ka yahey shaqadiisa, gurigiisa iyo dadkuu maamulo” aayadan ayey ka qaateyn reer Galbeydku qur’aanka kariimka ugana dhigeyn sharciga uhu horeeya ee maamulida (ardeyda jaamacadaha & machadyada maamulka sida ayaa si fiican garanaya).

    Madaxweynu mas’uuliyad wey ka saaran tahey inuu horey uga fekeri lahaa, amaanka iyo sidii loo dabdamin lahaa haddii dabi ka dhasho suuqa ugu weyn maamulkiisa, sidoo kale duqa magaalada iyo gudoomiyaha gobolka ayaa mas’uuliyada ugu weyn leh.

    Wixii dhacey dhace ee iminka ha yeesho suuqu saldhig dabdamis joogta ah, tuubooyinka biyaha dabdamiska oo joogta ah iyo qalabka dabdamiska ee gacanta lagu qaado oo loo qeybsho wadooyinka suuqa.

  21. degan says:

    waxan la yaabanahay dadka marka faroole waxlaga sheego dhaha umada ayaa laysku dirayaa zainab waa muwaadin reer puntland ah xaq ayayna u leedahay inay fikirkeeda dhiibato, dowladana waa loo soo jeedin wixii dhaliil ay leedahay, dadka indhuhu ma xirna waa loo jeeda waxa puntland ka socda iyo khasatan mudug, iyo bari dowladuna gacmaha ayay ka laabatay, xataa Faroole iyo Firdhiye wuxuu doono ha ahaadee wuu awoodi wayay inuu masiibadu Boosaso ka dhacday uu soo firiyo, waxan kula talinaya dadka isku dayaya inay Firdhiye qabiil ku difaacan aanay isdaalin waayo waa nin umadi xil u dhiibatay hadii uusan sidii la rabay uga soo bixina wax ayaa laga sheegayaa.

  22. dumarka reer puntland waxaa ugu yaqiin guri nabad iyo gogol nabadeed , waxaan hubaa tan maqaalkaan qoray in eey colaad iyo fidno ku dhex wado bulshadda reer puntland, hadlakii ugu dambeeyay oo aan ka dhegeystay muxaadaraddii uu ka jeediyay masjidul rowadda allaha u naxariistee Dr SH Ahmed Xaji Abdirahman waxa uu ahaa fidnaa socotaa rabbiyoow fidnadda na dhaafi AAmIIN yaa Rabbi oo kuwan fidnadda eey afuufayaan na dhaafi ee reer puntland qalbi iyo caqliba midee.

  23. Ebyan says:

    waxaan nasiib daro ah in dadka leh waxaan ka naxnuunsaneeynaa dhibka puntland oo haddana wali ku howlan in eey si ka hor keenaan shacab reer puntland, sida eey sheegeen walaalaheey iga horeeyay sid shabcaan iyo sucaad musiibaddii ka dhacday Boosaaso iyadoo puntland dagaal ballaaran oo mid maskax iyo maalba leh, ha ugu darnaato dilkii DR sh Ahmed Haji, waxaad ku waalateen faroole iyo Groowe, maanta lama joogo in la kalqaad qaado ummadda reer puntland oo maanta u taalo tacsidaas u taala,leave the nation out, we are all puntlander.dadka reer puntland qabiil ma kala laha waa hal qabiiliyo hal qalbi, rabbi hadin hafiddo dadka reer puntland iyo dhamaan soomaali.

  24. Juujle@hotmail.com says:

    Faroole hogaamiye ma aha waayo dadka madaxweyne yaasha amase hogaamiyeyaasha ah waa ey ka faaideystaan fursadaan, ninkan xataa masoo booqon Bossaso waxa ey ku tuseysaa inuu yahay hogaamiye Garowe, waa nin aan laheyn aragti ka baxsan Garowe. Waa ka naxayaa dadka Reer Bossaso ee uu madaxweyne u yahay Faroole, kuwa Faroole ku taageeraya qabyaalada waa nasiib daro, Faroole Puntland waa ku ciyaarey waa burburiyay Allow na dhaafi.

  25. sucaad says:

    haddi uu qof kastaoo kitaab gaag ah uu yiraahdo wax baan qorayaa waa musiibo, waxaan halkan u ayidadaa walaalkeey shacbaan, qof yahay dabka naga daa’a oo maanta reer PUNTLAND waxeey kawadda siman yahiin musiibaddii dabka iyo DIlkii DR SH AHMEd mana kalanahin madax iyo shacab, ha ka daba hadlin culumadda iyo madaxda noogu baaqday MIDNIMADDA REER PUNTLAND Rabbe qalbigeenna ha isu soo dumo kii cadawogoodda meel ugu soo wadda jeedda Rabbi hana dhigo, maanta PUNTLAND duulaan baa lagu yahaye, qof yahay adiga iyo kuwa kula fikradda ah eebe xaqa ha idin solinsiiyo.

  26. Shabcaan says:

    waxaan la hadlayaa qoftaan qoraalkaan qortay, walaal ka daad dabka aad la dhex wareegeeyso reer puntland, maanta arrintaan ka dhacday boosaaso ma aha kaliya dabkiiwaxaan halkaas ka arkaa in aad tahay qof adduun, iyaadan arkeen tacsidda noo taala iyo dilkii Dr sheekh Ahmed allaha u naxariistee. midda kale Dr FAROOLe miyuusan aheyd markii eey musiibaddii badka dhacay ninkii ugu horeeyay oo shacabka wax ku yeeloobay u naf iyo maalba u tacsiyeeyay kuna yaboohay in eey waxii dowladdiisa ka qaban karto eey la garabtaagan yahiin walaalahood reer Boosaaso, haddana caalamka ugu dhawaaqay kaalmeeynata dadkii ku ceyrtoobay badkii na aafeeyay, mar labaad iyo mar sedexaad adiga iyo kuwa kula mid ah ee badka kula wareegaaya REER PUNTLAND joogiyay enough is enough, waxaan shacabka REER PUNTLAND kula dardaarmayaa walaalayaal muujiya midnimo iyo isku xirnaan aan codowgeena meel oga soo wada jeesano maanta ma kalanahin madax, culu’mo, shacab waxaan wadanahay REER PUNTLAND, aan dhagaha u furano dardaarankii eey na siiyeen culmaa’udiinkeena iyo in Ilaah loo noqdo cadowgana meel looga soo wadda JEESTO.

  27. Saylaan says:

    Walaal Saynab.

    Waad ku mahadsantahay dareenka aad qoraalkaaga ku muujisay. Waa wax laga xeshoodo waxa nimanka Garoowe fadhiya ku socdaan, waana mid dhib u keentay wadankii Puntland. Waxaadse walaal ogaataa in aan daarka quruxda badan ee laga jeexay Garoowe la isu deynayn haddii wadanka intiisa kale gubato.

    Waxaa moral xumo ah, ka naxid iyo danqasho la’aan ah in wixii dhib dhacay madax weyne Firdhiye (My dear sister the name has now changed from Faroole to Firdhiye) uu tegin, soo arag dhibaatadii xajmigaa lahayd ee ka dhacday magaaladii laf dhabarka u ahayd jiritaanka Puntland, Bosaaso. Walaalo ma baqayaa? ninku illaah sow ma aaminsana, ninna in uu dhaafayn maalintii alle u xukmay si kasta oo waxyeello loogu maleego.

    Allow Alle.

  28. Wiilkii-Raaska` says:

    Seynab adiga oo haween ah inaad saas u gubato oo aflabadiis ka yeerto, nimankiina xataa hadalkii gabeen, waa ceeb saaran kuwa waxgaradaka ah haddana magaratada ah ee dhex qoomaara Puntland. waxaan u ashtakooneynaa ilaaha waxwalba arka in uu kuwo ka kheyr badan oo inoo beddela kuwaan inoo keeno. Waana ay imaanayaan, kol ay ku yihiin kuwa hadda jaamacadaha inoo dhigta. Meel aa i xanuunta markaan arko dumar iyo caruur dhiban. Dhiigmiiradna ay hodheellada dhabacnyihiin sidii mukulaalihii. Mukulaasho ma shaqeysato, subaxkasta dad wixiis ay u soo kallahdaa, cuntada hilib ay u jeceshahay. Samir walaal, ilaah baa daawanayeeeeee.

Leave a Reply