Feysal Cali Waraabe “Wiilkeyga Waxaan Filayaa in ay Heleen Kooxaha Xagjirka oo ay Madaxa ka Badaleen”

February 17, 2013   //   Warar Somaali

Ciidamada Somaliland ee magaalada Laascaanood ayaa gacanta ku dhigay wiil uu dhalay Feysal Cali Waraabe iyo gabar heysatay dhalashada Finland. 

Labada qof ee la qabtay ayaa in muddo ah lagu raad joogay, waxayna ku sii jeedeen gobollada Puntland, si ay ugu biiraan Alshabaab ama uga fuliyaan howlo argagaxiso, waxaana wax la la yaabo noqotay sababta ay ula soo aadayaan Puntland howlaha ay ku lugta leeyihiin, iyagoo kala soo baxsanaya Somaliland.

Wiilka Faysal dhaley oo lagu magacaabo Xuseen iyo gabadha ayaa laga dajiyey iyagoo saaran baabuur ku jihaysnaa dhanka Puntland, iyadoo loo gudbiyey magaalada Hargeysa, waxaana jira warar sheegaya in gabadhu ay sidatey baasaboor Finish (dalka Finland), hase yeeshee ay ka soo jeedo deegaanka Wajeer ee dhulka Soomaaliya ee Kenya maamusho.

Faysal Cali Waraabe oo saxaafadu la xiriirtey ayaa la waydiiyey wararka sheegaya in la qabtey wiil uu dhaley iyo gabar la socotey, waxaana uu xaqiijiyey arinkaasi isagoo xusey in isaga iyo madaxda maamulka Somaliland ay la socdeen qabashada wiilka iyo gabadha ayna ka wada shaqeynayeen.

“Waa sax wiilka anigaa dhaley, waxaa la socotey gabar reer Wajer ah wasiirka arimaha gudaha iyo taliyaha ciidamada Booliiska waan la wada soconay qabashadooda waayo maan ogeyn meel ay u socdeen hadana waxaa la wadaa baaritaan” ayuu yiri Faysal Cali Waraabe.

Faysal Cali Waraabe wuxuu kaloo muujiyey in uu jiro tuhun uu qabo oo ku aadan in wiilkiisa iyo gabadha ay dhaleen ay ku biirayaan wax uu ugu yeeray kooxaha xagjirinta sida hadalka uu u yiri.

“Waxaan ogaanay inay qorsheynayaan inay baxsadaan, waxaan ka qaadney maalmo ka hor baasabooradooda, Hotelkii ay deganayeen ayey ka baxeen xili habeen barkii ah, waxaana ka dib naloo sheegay inay Burco gaari ka raaceen oo dhanka Laascaabood u socdeen, sidaasi ayaana lagu qabtey, waxaan filayaa in ay heleen kooxaha xagjirka oo ay madaxa ka badaleen, waayo hada ka hor waxaan ka celinay iyagoo aadi raba dalka Yemen” ayuu hadalkiisa sii raaciyey Faysal Cali Waraabe.

COMMENTS

RSSComments (24)

Leave a Reply | Trackback URL

  1. axlam says:

    asc dhamaan dadka soomaaliyeed intaas ka dib sidaas uma hadlo qof caqli fayoow uu ku jiro mida kale alshabaab qabiil maaha maanta haduu gacanku dhiigluhu yahay reer somaliland shalay kii dila Dr axmed sh wuxuu ahaa reer puntland hadaba alle ka baqda oo sida biniaadamka u xisaabtama sida xoolaha ha u xisaabtamina culimada islaamka waa isku mid ama ha joogo garoowe ama hajoogo muqdisho ama hargaysa ha joogo sha hadii la dilo waa masiibo u soo hoyatay umada soomaaliyeed oo dhan dilalka culimadu way saamaysay qofkasta oo inyar oo iiman ah uu qalbigiigsa ku jiro hadaba waxaan odhan laha waar ninka xumi cidna maaha ee soomaaliyeey alshabaabka meel halooga soo wada jeesto oo qabiilkuu doono ha noqdee qofka xun yaan qabiil lagu sheegin ee qabiil kasta oo uu yahay alshabaab gacan bir ah halagu qabto

  2. Gacaliye says:

    Arrest Feysal Cali Waraabe for hiding and supporting terrorists, his terrorist son of bitch!

  3. baq baqda iska dhaaf reer budhcad badeed xagjir malaha reer gaara soomali o dhan ayaa leh dad xun iyo dad fiican lakin kaliya waxaa ku ogahay in somaliland la dagaalanto argagaxisada

  4. Asc dhamaan shacab waynaha somaliyeed bacdal salan waxaa xaqiiqo ah oo aan muran kujirin inay jiraan dad farabadan oo lawada garanayo oo reer somaliland ah oo si wayn ugu lug leh dhi baatada kataagan dhanka koon fureed ee dalka somaaliya waxaana jira oo dad badani aamin san tahay inay sidaas usamaynayaan reer somailand si loo aqoonsado inaan dhanka koon fureed dagin oo wax garadka laga dhameeyo si loowaayo dad la xisaabtami kara taasina waa maan gaabnimo hadii ay jirto dad sidaas u fakaraya

  5. ali abdi says:

    Dadka Finland degan ayaa laga rabaa inay Faysal Waraabe ku ifiyaan Tooshka oo Mediyaha siiyaan Information, wa waqtigii la qaban lahaa si looga nasto nacnacdiisa. Taariikh nololeedkiisa iyo waaguu madaxda dumarka u geyn jiray waa la soo uruurinayaa iyo waaguu Canshuurta Soomaaliya waxbarashada loogu diray. Argagixisa in Burco u tahay Magaalo madax waligeed waa la ogaa. Ninka yiri Ingiiska ayaa sheegay wiilka waa nin xog ogaal ah

  6. Harari says:

    war maxaa idiin baxay,ingris ma hubsan,maraykan nagama warhayo,aduunoow xalkaa ba,wixii la qariyo qurunbaa ku jiraa.habar jeclow ciise waa kaas meesha faysal cali waraabe oo saaqida al-shabaab la shaqaynayo maxaad ka malay silaanyo iyo adegayashiisa uu ugu horeeyo wasiis ku sheega arimaha gudaha ,oo ini godane uga yeerayey koonfurta soomaaliya waa wax lagu KKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKkkk

  7. puntland says:

    Daawladda finland waa inaay la socotaa dhaq dhaqaada faysal cali waraabe,waxaana u sheegaynaa inay beesha caalamku cunaqabaynta ku hayso Gobolaada waqooyi galbeed o0o ah meesha laga soo abuubulo Al-shabaab,aana og-nahay qoskiiba hal qof inuu shabaab ka mid yahay loona adeegsaaado gobolada koonfuta si ay u cagadhigan oo aay rayida beenta ah ugu jiraan.

  8. sagal says:

    XAQA HADDII LA DABOOLO FEERAHA BUU KA DILAACA HORAA INGIRIISKA IYO MARAKEYNKA AY CADDEEYEEN KOONFURTA SOOMALIDA IYO PUNTLAND DHIBAATADA KA SOCOTO IN LAGA ABAABULO SOMALILAND TAASI MARAG MA DOONTO WAXAA U AH WELI MALA ARKAY SOMALILAND OO CULIMADOODII IYO CUQAASHOODII DHIIGOODII LA DAADIYEY WAA MAYA.SOMALILAND HADAAD MAANTA KA DEGTID XOOGAA KADDIB WAXAA HOTEELKA AMA GURYAHA KUUGU IMAANAAYA NSSTA OO KU WAREESANAAYAA,WAXAA KALOO JIRTA MASAAJIDYADOODA WAXAA KU RAKIBAN QALAB HADAAD HUB WADATID CIYAAYA MOBILKANA KA XIRMAAYO,HADDABA WALAAL INDHAHA FURA MEESHA LAGA SOO ABAABULO DHIIGGA DADKEENA IN LA QUBO OO SOOMALINA AY DEGGIN WAA SOMALILAND IYAGOO TAASI KA WADA AARGOOSI IYO IN LA AQOONSADO.

  9. fedli cade says:

    ma istaahilo ina waraabe inaad sidaa u shartaan marka aad warkiisa sheegaysaan waayo ma istaahilo waana ninka aan weli hadal asluubleh laga maqal markuu puntland ka hadlayo oo wuu caytamaa taana waxaa ugu wacan cuqdada qabiil ee uu qabo waxaanan ku tuhunsanahay inuu dhibta puntland iyo koonfurba uu ku lug leeyahay waayo wuxuu aaminsan yahay in aqoonsiga gobolada falaagoobay ee Somaliland ay dani u jirto qaska iyo amaan darada puntland iyo koonfur ay ka wadaan. waxay sheekada kuwa cuqdada qaba ku egtahay inta Somalia nabadgelyo helayso ee gacmaha ha la isqabsado oo hala iska celiyo kuwa ina waraabe iyo ina godane soo direen

  10. Mustafa says:

    Asc wr wb Marka hore Alle ayaa mahad leh waxaana jeclahay in waxyar oo my opinion dhiibto. Walaalayaal haddeynu nahay shacabka puntland ee Dibada wax ku bartey inaynu badbaadsano Puntland. Puntland haddeey naga burburto walee eeysan jirin meel aan ucararno haddeeynu ilaalsan Puntland Waad aragtaan Sheikheyni weyna in Masaajid Garoowe ku dhexyaalo qaasatan magaalada Garoowe. Waa inaynu ilaalsanaa Puntland kana difaacnaa cadoow kasta oo raba inu naga burburiyo Puntland.

  11. puntlander says:

    faysal cali carabe waa nin ay ka buuxdo somali naceybku ku weyn tahay wiilkiisuna cugdada uu ugu biirey alshabaab isakaa ku abuurey wana suufi wax walbaa waa ka suuroobaan wa in laftigiisa la baraa

    mida kale wiilkaan somaliland iskama soo qaban waa lagu khasbey engriiska iyoo maraykan ayaa jaajusey oo waxaa ay kala socdeen passborka uu wato oo sheegayay mesha uu maraayo somaliland na waa loo shegay inay soo qabtaan

    marka somaliland iyadaa alshabaab tageerta waxayna ka duuleysaa
    \\\
    cadowgayga cadowgiisu waa saxiibkey

    wana tan calamku ku haysto oo lagu fahanwarkaas

  12. Jigjiga says:

    Jabhada SNM waxay heshiis kala xixiideen alshabaab maal galintana iyagaa bixin jiray waxa culumada laynayana waa iyaga ninkii laqabtay waxuu sheegay inuu ka soo kicitamay burco oo halkaa laga soo diray hada waa in wiila shii zujuu ga ahaa ee alshayaadiin ka soo xoreeyay juland loosoo dito waqooyi si ay ar ga gixisada uga cidhibtiraan dham,aan dalka

  13. Lascaanod says:

    War cusub oo xaqiiqa ayaan hayaa walalayaal maanta waxaa magaalada laascanod lagu qabtey laba nin oo midi garoowe tuulo kudhow oo lagu magacaabo buurowadal laga sooqaday waxana ladonayey in laascanod lagu qariyo waana ninka shiikha diley saxiibkii oo asal ahaan kasoo jeeda garoowe malinti gacankudhiiglaha laqabtey ayuu garowe lug kagasobaxsaday isaga iyo ninkii gadhiga kusoqadayba waa lahayaa dadka deeganka ayaa basaasey xaqii ayaa soobaxey shiikh c/qadir ilahow janadii kawaraabi yuhuuda shabaabna walaciribtirayaa insha alah

  14. muddugawi says:

    Puntland waa in ay xuduudeheeda xirataa xagjirka koofur qwaxaa badaley xagjirta somaliland dawladaha reer galbeedku waxay sheegeen waa run dadkaan markii horaba hargaysaa laga xukumey

  15. caqil says:

    asc faysal cali waraabe waxan umaynaya waa filim uu isaga ka dameeyay uuna rabay wiilkisa inu soo qarxiyo garoowe ama sh kale soo dilo wiilki sh cabdiqadir nuur farax eebe ha u naxariste dilay waxa ader ruma u ah siilanyo al shabaab waxa somaliya ku takuleeya waa somaliland anaga hadi aanu nahay reer puntland naguma cusba somaliweyn hadaynu nahay dadka dhiiga somaliyeed xalalestay waa somaliland oo rabta aqoonsi lkn ilahay bay ka tahay sidaas kuma helayaan somaliland waa argagixiso uma somaliyeed waa inay iska qabtaan dadka isir gumaadka wada godane ninka la dhaho diinta islaamka waxba kama yaqaan lkn u jeedkisu waa somaliland inay helan gooni isu taag waxan halkaan fariin uga diraya dhalinyarada somaliyeed gaar ahaan kuwa konfurta puntland jubaland bay iyo bakool banaadir waxan leeyahay dhalinyadarada waa aragtaan waxa la dilayo waa wax garadkini iyo culimadiini iyo haldoorkini waxan idin leeyahay dowlada fadaraalka tageera si dadkeenu u badbaado

  16. caraseedo says:

    Adduunkaan wax walba la filay,sheekadu maantay ma waxay saaran tahay[Faysal Cali Waraabe],xaqii afka laga daboolay baa feeraha ka dilaacay,marka Faysal iyo kuwa la midka ah wiilashoodii oo ah xagjirka loo soo tababaro in ay laayaan ummadda reer puntland,ayaa soo if baxday,waxaan maqli jiray koonfur iyo waqooyi galbeed,SNM bay ka yimaadaan dadka wax laaya oo waxaa lagu soo tababaraa BURCO,awal waxaan u haystay sheeko xariirtii somalida,haddase waa baa baryay.

    Marka bakh bakhdii Faysal Cali waraabe halkaas bay ku dambaysay,bi’iwaa caloow maxaa kuu baxay????.
    xaqdaradu ma baaqato eeeee,god walaal ninkii qoda isagaa ku dhica.

  17. caqil says:

    asc faysal cali waraabe waxan umaynaya waa filim uu isaga ka dameeyay uuna rabay wiilkisa inu soo qarxiyo garoowe ama sh kale soo dili wiilki sh cabdiqadir nuur farax eebe ha u naxariste waxa ader ruma u ah siilanyo al shabaab hadad somaliya ku takuleeya waa somaliland anaga hadi aanu nahay reer puntland naguma cusba somaliweyn hadaynu nahay dadka dhiiga somaliyeed xalalestay waa somaliland oo rabta aqoonsi lkn ilahay bay ka tahay sidaas kuma helayaan somaliland waa argagixiso uma somaliyeed waa inay iska qabtaan dadka isir gumaadka wada godane ninka la dhaho diinta islaamka waxba kama yaqaan lkn u jeedkisu waa somaliland inay helan gooni isu taag waxan halkaan fariin uga diraya dhalinyarada somaliyeed gaar ahaan kuwa konfurta puntland jubaland bay iyo bakool banaadir waxan leeyahay dhalinyadarada waa aragtaan waxa la dilayo waa wax garadkini iyo culimadiini iyo haldoorkini waxan idin leeyahay dowlada fadaraalka tageera si dadkeenu u badbaado

  18. Cheyyene says:

    Soo joog ninkii laga waayo, soo jiifsa laga helaa…

    Feysal wuxuu ankiro dhibaatada soomaalida oo dhinacmaroba ma maanteey qabsatey isagii !!

    Allow u sahal umaddaada, Aamiin.

  19. Warsame says:

    KKKKKKKKKKKKKKKKKKK ma Bulxan wiilkiisiibaa Alshabaab noqdqy.Shalayna wuxuu ku doodayay anagu shuqul kuma lihin KKKKKKKKKKKKK Iska warlaay iska waran baan maqli jiray oo reerkiisiiba war kama hayee yuu u hadli karaa horta.Faa,isa buuqa ceeb baa halkaa ka raacday KKKKKKKKKKKKKKK Tiisaba daryeelaa tukale ku dara isaga laftiisa aya fartu ku godantahay.

  20. Caadil says:

    MAAMULKA Puntland waxaan ku baraarujinayaa tan iyo intii somaliya budh budhay ilaa iyo maanta maamulka somaliland wuxuu ka shaqeeyaa in ay fitno iyo amni daro ka shaqeeyaan maamulada kale ee ka jira dalka somaliya qaasatan kadib markii lagu sheegay in ay hooy u yihiin argagixisada ayey laba jibaareen in ay qaraxyo iyo fowdada kusii laba jibaaraan maamulada koonfurta ka dhisan sida puntland marka maamulku waa in uu xuduudaha adkeeyaa oo uu xoojiyaa ilaalinta xuduudaha udhexeeya qoomkaa badankood aah qoom jiran oo dagtay qalbadooda xaasidad iyo cuqdad aan daawo lahayn ….

  21. Gacaliye says:

    Cali Waraabe is organizing clan terrorists with help of Finland’s welfare money, waa yaab!

  22. faysal waa nin aan waxba qarin oo runta sheega sidaas ku rumeeya

  23. Baashane says:

    Faysal cali waraabe “Maxaa ka runa”wiilkayga hadda ka hor ayaan yaman ka soo celiyey,war maxaa idiin baxay ninkii qayladiisa laga joogi waayey ayaa maanta saas u hadlaaya,maana in cunuga la xiro balse faysal cali waa nin u baahan in lala xisaabtamo??

  24. Ahmed casayr says:

    Haa wa malaynayey arintasu inay dhacayso

Leave a Reply