Furashada ururarada Siyaasadeed ee Puntland oo maanta lagu dhawaaqay [AUDIO]
September 11, 2012 // Warar SomaaliGuddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland ayaa maanata ku dhawaaqay furashada ururada siyaasadeed ee Puntland in la bilaabay.
Gudoomiyaha Gudiga KMG ee doorashooyinka Prof. Maxamed Xasan Barre ayaa shir jara’id uu maanta ku qabtay caasumadda Garoowe waxaa uu ku shaaciyay maanta wixii ka bilowda dadka danaynaya inay furtaan ururrada siyaasadeed ee Puntland in la fasaxay.
Waxaa uu sheegay furashada ururrada siyaasadeed ee dalka diiwaan galintooda inay qaadan doonto muddo sadex bilood ah, taasi oo uu sheegay inay qayb ka tahay geeddi socodka dimiqraadiyaynta Puntlandl,waxaana sharuudaha diiwaangalinta ururada siyaasadda ka mid bixinta 15-kun oo doolarka Mareykanka oo aan celis lahayn.
Ururrada siyaasadeed ee Puntland ayaa ku tartami codadka 21- degmo oo ka mid ah degmooyinkii jiray wixii ka horeeyay 1991-kii , waxaana laga tagay 16- degmo, taasoo oo beelaha qaarkood ay walaac ka muujiyeen.
Urur siyaasadeedkii gobol kasta oo Puntland ka mid ah 300- oo cod ka hela ayaa u tartami doona sideedda xisbi ee ugu cod bata Puntland, waxaana laga sii dhex qaadan doonaa tartan kadib sadexda xisbi ee ugu cod batta oo noqnaya xibiyada rasmiga ah ee Puntland.
Shirkii Jara’id ee Guddiga doorashada qaybta hoose ka dhagayso



Kkkk maxa ka khaldan duqa?
marka ugu horeyso waa fiican tahay in puntland ay furto xisbiyo jagad puntland waa inay isku soo sharaxaan dhalin yaro wax bartey sida cabdi wali ama cumar cabdirashiid dhalinyaradaas puntland ayaa ubaahn iyagoo ku guuleystey in soomaliya ay noqoto federal like usa maanta puntland hormar ayey gaartey marka dadka waxbartey aad ayaa loogu baahan yahay si wadanka horumar ku gaaro
YAABKA YAABKIS
WAXAN MAQLI JIRAY SHIMBIROW HEESA OO HEES WANAAGSAN QAADA BAL CIDA KACAQLIXUN FAROOLE IYO WILASHIISA YEYYIHIIN IYO INTA CALOOSHODA USHAQAYSTAYAAL KA AH EE FAROOLE UDABA NACAMLAYSA HAHEEN IYO MAALIN
RUNTA MARKA LAGAHADLO WAXAY TAHAY FAROOLE WAA IN UU MARA WADADII SHARIIFAYN MAREEN SOMALIA UMABAAHNA NIN DANBE UU DANBIILE DAGAAL AH AYNA UDHEERTAHAY MUSUQMASUQ BAAXAD WEYNLEH.
WALE MIDA SOOSOCOTA ILAAH BAA OG LAAKIN WAXAA IIMUQATA FOOL XUMADA UDAMAYN DOONTA FAROOLE IYO INTA XARAAN KUNAXA AH.
BAL ILAAH BAN IDINKU DHAARSHEE PUNTLAND TA AY LEEYIHIIN DOORASHO BAA LADHACAYSA XAGEE WEEYE. GAROOWE MIYAA PUNLAND MASE WAA SHANTA GOBOL EE KALA AH BARI NUGAAL MUDUG SOOL IYO SANAAG IYO CAYN.
FAROOLE WAXAN LEEYAHAY KANAX OO NAFTA WAA CABDI WALICAL GAAS BAA PUNTLAND MADAX KANOQONAAYA OO SHACABKA PUNTLAND RABAAN ADIGA IYO WIILSHAADA WAA LAYNA NACAY CIMRI TAGAY CEEB LAGUMA SAGOOTIYO AMA SIDAADII WIILAL REER MIYI AH OO REER JALAFLE AH KUSOO DAGAAL GAL HALALAAYE AMA ORADOO MEESHAD KATIMI KULAABO WAANU KUNACNAYE WALAAHI
SOMALIYA NIN DANBE OO MUSUQMASUQ KUNOOL MAJOGAAYO
hamaqlin doqo warkiisa
Xareedda inya cabteey afka taagyaa. Marka horena kabashkabashta lagama badiyo. Marka danbena wax ka daciifsan. Habeen hore waan u jeedney shiikeynii shriif axmad siduu indhaha uga mirigmirig siihaayey. Wallee rag badan xaaladdaas waa sugeysaa ee yaanan waqalka leysku halleen.
cudur la iska daweeyo weeye osm sxb ee iska dawee waxaa laga helaa dawadaas halalaw iyo haybooqan.
Kkkkkkkkkkkk CISMAAN MAXAMUUD. Labaatan xisbi furta ileen idinkaa xukun u bukee, kkkkkkkkkkk
Juun 2010 ay ahayd markii reer Puntland ay dowadgoboleedkooda ka sugaayeen in ay xisbiyo u furaan. Haddii muddadaas aan wax lagu qaban, hadda waanu soo dhoweeneynaa, laakiin dhameystirkeeda waxaa leh dowladda imaaneysa. Janaweri 2013 yaan leyugu ima howl dimoqraadiyiin baan wadnaa oo dhaartii lamarey meesha lagu burin.
Waa arrin Fiican Ee waa in la aqbalo laguna dhaqaaqo degmo walba waa in ay iska soo sharraxaan dad dhalinyaro ah oo mutacalimiin ah si loo helo xisbiyo siyaasadda isku afgarta asxaab tayo lehna soo doorta.
Waa in lakeenaa hab la Isuzu warfarin karaa yo dastuurka p/land Iyo kan federaalka soomaaliyeed si sharci wax walba u noqdaan marxaladda reer hebelbaa caroodeyna eey Meehan Uga baxdo .