Gaalkacyo: Booliska oo fashiliyay dibadbaxyo
January 10, 2013 // Warar SomaaliCiidamada booliska ee magaalada Gaalkacyo ayaa maanta kala eryay dad doonaya inay dhigaan dibax kadhan xukuumadda xiligeedu dhamaaday ee Puntland.
Mid ka mid ah dadka deegaanka oo u waramay Pn24 diidayna magaciisa in la xigto ayaa sheegay ciidamada inay qaateen qalab codbaaihiyeyaal ah oo dadku doonayay inay ku muujiyaan dareenkooda.
Waxaa uu intaasi kudaray ciidamada inay dadkan kala eryeen xilli dadku ay isugu yimaadeen bartmaha magaalada Gaalkacyo.
Dibadbaxayaasha ayaa si nabad ah uga tagay goobta, iyagoo ku balamay waqtiyada soo socda inay dib u bilaabaan banaabaxyo nabadeen.
Dowladda ayaa todobaadkii hore ciidamo badan gaysay magaalada xeebta kutaala ee Bosaso si’ay uga hortagto banaabaxyo lagu diidanyahay oo dadku kala horyimaadaan.
Yaasiin Koronto
Puntlandnews24
Gaalkacyo, Somalia.



kkk bal kan darwiish la baxay muxu rabaa soo taa KHAATUMO la baxdeen maxa faroole iyo puntland ku dhex galiyey war yaab badanaa kuwani war nin kale ha hadlo lkn idinka puntland arrinteeda kama hadli kartaan faroole Garoowe oo tuulo aad ku sheegtay ayuu haystaaye adigu oo dhulbahante ah xagee haystaaa ma LAASCAANO kk naxdin badan kuddaafadda garoowe ayaa ka qurux badan naxdin adeer meesha hadal kaagama furna ee KHAATUMADAADA ku ekow thnks alot
Anigu qormadan cinwaankeeda waxaan kumagacaabi lahaa sidatan: CIIDAMO PUNTALAND AH OO KATIRSAN DOWLADII PUNTALAND EE XILLIGEEDU DHAMAADAY AYAA SHACAB XUQUUQ AYLAHAAYEN KAHOR ISTAAGAY.
midka “naif” labaxay, munaafaq boqol wajiilow boowe aa la tahay waan lasocdaa inaa kamid tahay kooxda uu adeerkaa jirri faroole u xilsaaray dhanka faafinta propagandada, kooxdiina xaaran ku naaxayaasha ah waa ogahay inaa qortaan oo isku bedbedashaan 3da WEBQABYAALAD ee kala ah garoweonline,dunidaonline,puntlandpost.. waxaad kaloo u xilsaarantahay inaa ku wareegto websiteyada aan kuwiina aheyn dabadeed boqol magac intaa soo qaadatid been abuur ku aflagaadeyso oo sharaftooda meel uga dhacdo waxgarad-kasta iyo masuul-kasta tartan madaxweyne iskusoo sharaxa ama kasoo horjeesta jirrinimada uu wado tuuga faroole la leeyahay, war waxaan aad gureyso waxba kama jiraan waa FACE MASK aad maalinba mid iska soo qaadatid, teeda kale waxaa iska deysaa erayada aad dadka ka copy gareneyso faroole ayaa tuug tuug dhalay ah oo 4tii sano lasoo dhaafey markhaati ka ah, ragaan aad ka been sheegeyso tuugnimadooda xagee ku aragtey ma iyagaaba xil madaxweyne soo qabtey? ma lacag bey ka dhaceen shacabka puntland? horaa loo yiri tuuga inta aadan tuug oran buu tuug ku yiraahdaa.
mida kale, waxaan ku weydiinayaa garoowe soo ma’ahan caasimadii puntland ee reer puntland ka dhaxeysey ilaa August 1deedii 1998, hadaba waa maxay waxan aad websitekaaga ku calaacaleysid?
Walaal Puntlnd dhib kama jirro , Dowladana waa taageersanahay , Wax aan ku bedelo meesha kama muuqdaan, kaliya rag tuugo ah ayaa ii muuqda sida samatar, gaagaab , iyo gablax, wixii fowdo iyo qurun wada dowladu sharciga ha u adeegsato, aad baan ugu mahadinayaa dowlada Puntland awooda maanta ay leedahay , waxaas ayaana dowlad lagaa yiraahdaa, bal eega ilaa gaalkacyo ilaa bosaso amaanku waa sugan yahay , cid fowdo la dhex imaan kartana ma jirto viva faroole
Dadkan lama cabudhin Karo , dr tagsiile qaswade Faroole ha loogu tago tuulada garowe , oo banaanka ha looga soo tuuro ,
puntland faroole baa ku xaaray amaankeediina waa Aloowsahal dadkanagii doonayey inay qurbaha ka tagaan oo ciidooda hooyo u laabtaan waxaa dhagahena ku dhacaya burcadbadeed faroole iyo alshayaadiin oo ku hardamaya dhulkii uduga illahay ha badbaadiyo
dhulkii uduga cadoowg kowaad uu leyahay wuxuu noqday kii loo dhaarshay kursiga 4 sano hadana laga kicin layahay
Dhalin yaradii xaggee ka baxday? puntland idinkoo taagan ayaa la kala gadanayaa, waxaan idinkula talinayaa intaad midowdaan oo qabiilka iyo qashinka idinka buuxa ka baxdaan aayihiina ka tashada oo iska soo xula rag aqoon yahanno ah oo gorgortanka idiinka qayb gala puntland na badbaadiya, shir deg deg ah halla qabto oo adduunkoo dhan laga soo wada galo hana lagu doorto “Delegate” u dhoofa Puntland oo badbaadiya. Waxaynu u baahanahay “New generation SYL”