Gaalkacyo iyo Golaha Deegaanka

October 19, 2012   //   Warar Somaali

Laba todobaad ayaa ka soo wareegtay markii laba xubnood oo ka tirsan Guddiga Doorashada ee Puntland ay booqashada ku tageen Gobolka Mudug iyo dhammaan deegaanada hoos yimaada, labadaas xubnood oo kala ahaa:-

1. Cismaan-khadar Maxamuud X. Xasan iyo

2. Cabdirisaaq Axmed Shoole

Xubnahan ayaa masuuliyiintii ay la hadleen u gudbiyey in Puntland ka guurtey Nidaamkii Qabaliga ahaa ee lagu dhisi jirey Golayaasha Dawladda, wixii hadda ka dambeeyana loo gudbi doono haddii Alle idmo nidaamka Xisbiyada badan dadkuna ay furanayaan ururo, kuwaas oo u tartamaya Golayaasha Dawladaha Hoose, dabadeedna saddexda u soo baxda wareegga kama dambaysta ah loo aqoonsanayo saddexda Xisbi Qaran ee u tartamaysa Kuraasta Golaha Wakiilada ee 66 xubnood, arrintaas wax u guuxay oo si tartiib ah usoo dhaweeyey iyo wax ka biyo-diidayba waa la noqday, laakiin waxaa la filayey in ay Dawladdu ku adkaysanayso go’aankeeda kala guurka, faa’iido iyo khasaare midkay doonto ha ka mudatee.

Waxaa wax lala yaabo noqotay in toddobaadkan bilowgiisii ay Gobolka Mudug tageen wafti Wasiiro ah oo ay ka mid yihiin.

1. Wasiirka Shaqada, Shaqaalaha, Dhallinyarada iyo Cayaaraha Cabdiweli Xirsi Cabdulle – Indhoguran -

2. Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Guddaha, D/Hoose iyo H/Reer Miyiga Maxamuud Maxamed Ibraahim.

3. Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Cabdi Jaamac Geesood.

Wasiiradan oo la shiray maamulka Gobolka, kan degmada iyo Waxgaradka ayaa u sheegay in ujeeddada safarkoodu ay ahayd in magaalada Gaalkacyo loo sameeyo Gole Deegaan, odayaashana laga rabo in ay soo xulaan xubnihii beelahooda u matali lahaa golahaas la dhisi doono.

Wax garadkii meesha fadhiyey waxay su’aaleen waftigii ‘Dawladdu ma ka laabatay Xisbiyadii’, haddii odayaashu wax soo xulayaan, taas oo aysan marnaba filayn wasiiradu, waayo dadku waxay haysteen in laga guurey nidaamkii odayaashu wax ku xulayeen, jawaab la’aanta ka timid dhinaca wasiirada awgeed, waxay odayaashu u sheegeen in haddii ay soo xulaan Golaha Deegaanka, dabadeedna ay ku xijin doonaan Golaha Wakiilada wixii ka dambeeya 31/10/2012, taas oo loogu diyaargaroobayo doorashada 08/01/2013 haddii Alle idmo.

Wasiiradaas oo weji gabax ka muuqdo ayaa ku sugan Gaalkacyo, iyadoo ay odayaashu wadaan xulis is barbar socota oo ah.

1. Gole Deegaan oo ka kooban 27 xubnood oo ay yeelanayso Degmada Gaalkacyo.

2 Golaha Wakiilada Gobolka Mudug oo ka kooban 1o xubnood oo ka mid noqonaya 66-ka xubnood ee doorta Madaxweynaha iyo Mdaxweyne ku-xigeenka Puntland.

Odayaasha iyo Waxgaradka Gobolka ayaa aaminsan in aan Dawladda hadda jirta samayn karin nidaamka Xisbiyada badab, balse sida dad badani qabaan ay muddada uun ku kororsanayso, taas oo aysan awood u lahayn Golayaasha Dawladdu in ay muddo kordhin isu samayn karaan sida ku xusan.

QODOBKA 64aad ee Dastuurka, oo ka hadlakay Awoodda Golaha Wakiilada iyo QODOBKA 80aad ee Dastuurka oo ka hadlaya Awoodda Madaxweynaha, waxaa isweydiin leh halka uu ku dambayn doono isku dhex yaaca siyaasadeed ee ka taagan Puntland, iyadoo la filayo in 31/10/2012  ay shir jaraa’id ku qabanayaan Caasimadda Puntland ee Garoowe xubno badan oo ka tirsan Golaha Wakiilada ee hadda waqtigoodu gabagabada marayo, xubnahaas oo caddaynaya in shacabka Puntland uu doortay muddo 4 sano ah, wax muddo kororsiyana aysan awood u lahayn, waxaan sugaynaa waxa ay ku biyo shubato hawshani, haddii Alle idmo.

Cawaale Axmed Oday

Galkacyo, Puntland Somalia

 

COMMENTS

RSSComments (1)

Leave a Reply | Trackback URL

  1. Cheyyene says:

    Oh,.. hadaan garawsadey, odeyaal isku sheeg qabiilADA ayaa ileyn wax kharbudeya, oo raba kuwey xulan jireyn iney soo xulaan..No way, for real democracy u have to strugle for it, en example of it, is the American democracy strugle and even meter by meter strugle against Al-Shebab in southern Somalia.

Leave a Reply