Gaalkacyo: Maleeshiyaad Ka Tirsan Galmudug Oo Madaafiic Ku Garaacay Dhanka Puntland [Sawiro]

December 7, 2012   //   Warar Somaali

Maleeshiyaad kasoo jeeda deegaanada Galmudug ayaa maanta weerar loo adeegsaday madaafiic ku garaacay xaafadaha waqooyi ee magaalada Gaalkacyo.

Weerarada madaafiic ayaa ku dhacay xaafadaha Israac iyo Garsoor, weerarkaasi oo dhacay duhurnimadii maanta ayaan la ogayn sababta ka dambaysay.

Maamulka gobolka Mudug iyo saraakiisha booliska Puntland oo shir jara’id ku qabtay magaalada Gaalkacyo ayaa cambaareeyay weerarkaasi oo ay ku tilmaameen daandaansi horleh.

Gudoomiyaha gobolka Mudug Maxamed Yuusuf Jaamac Tigey oo ka hadlay shirka jara’id ayaa sheegay madaafiicda oo ahaa kuwa lidka diyaaradaha inay ku dhaceen 4-guri oo ku yaala xaafadda Garsoor iyo sadex guri oo xaafadda Israac ku yaalla.

Waxaa uu ku’eedeeyay masuuliyiinta Galmudug inay raali ka yihiin gabaad inay siiyaan dadka falalka amaan daro ka gaysanaya waqooyiga magaalada Gaalkacyo islamarkaana ay dadka shacabka u afduubanayaan dadka amaan darida ka shaqaynaya ee ciidamada amaanku qabtaan.

Taliye kuxigeenka ciidamada booliska Muxidiin Axmed Muuse ayaa dhankiisa tilmaamay inay ogolaan doonin weeraro loo gaysto gurayaha ay leeyihiin dadka reer Puntland, waxaana uu digniin udiray dadka amaan darida gaysanaya ee kasoo jeeda Galmudug.

Puntland News-24

Gaalkayco, Puntland

COMMENTS

RSSComments (11)

Leave a Reply | Trackback URL

  1. Habee'nayn says:

    Anigu waxan qabaa in ay yihin dadka musuq masuqa wada in ay rali ka yihiin mamulka galmudug sabata oo ah waxas ma dhacayn hadii aysan rali ka ahayn ee hajojiyan falalka foosha xun allene ha ka qabaqan

  2. Jowhar says:

    Waxan halkan uga tacsiyaynaya dadki dhibtada kaso gaatay falka foosha xun
    Waxana oran laha haka fejignaadan 2da maamul ee walalha. Dariska so jireenka ah kuwa doonaya in u markale dhiig somalieeyd daato ayado umada ay lahardameyso cadawga shabaab
    Viva Puntland viva galmudug viva somalinimo viva nabad

  3. Warsame Khalaf says:

    Dawlada Puntland Masuuliyed taariikhi ah ayaa kaa saaran in si runa aad u daafacdaan dad ka iyo dalka Puntland, iyo sidii loosoo celin lahaa Dalka cadawgu haysto.

    W.Kh.

  4. Warsame Khalaf says:

    Yey yihiin oo cadaw Hawiye iyo Dir aan ahayn.

    Boqol jeer waa ka badantahay, intaan idin ku iri Federal waxaad ku sheegaysaan waa cadaw.

    Puntland waxay u baahantahay in si wada jir ah cadawga looga saaro Puntland.

    Cadawga Hawiyaha Gallkacyo ha laga saaro si wada jira.

    Yeysan sina u guulaysan cadawga Puntland.

    Maanta ayaan dib u xusuusanaynaa tii cadawgu Galkacyo ku dhigay.

    Cadaw uu san joogin Galkacyo.

    Waxa aad dawlada ku sheegtaan ee dukaafada Xamar wali haysataa waa cadaw, wax soomalinimo ah aan wadin, waa dad ay hubeeyeen, waxa ka dambeeya arintaas sidee madaa fiic loogu soo ridi karaa Galkacyo.

    Puntland toos haseexane toos, oo cadawga Hawiye iska tiirsada.

    W. Kh.

  5. gaalkacyo waa inay isticmaashaa weeraro iyo iska celin adag taangiyada wax burburiyana isticmaashaa hadii kale doqonta baraxley waa ficiladeeda edebdaro deris iyo nabad midna ma taqaan dharbaaxo way fahmi lahayd.

  6. Ahmed says:

    Waan idin salaamayaa intaa kadib war nimankaan waa la qabsadeen maalin walba odayaal iyo waxgaradka iyo weliba masuuliyiin intay dilaan baa layiraahda alshabaab baa ka danbeysay dad iskukaaya diraayaa ka danbeeyay maxay ciidamadaan gaalkacyo joogo oo canshuurta shacabka la siiyo qabanayaan howshoodu ma inay airporka kaliya ilaaliyaan waxaan odhanlahaa shacabka ha iska difaaceen mooryaanta howsha uu Faroole iyo adeegayaashiisu ka hayaan gaalkacyo waxay noqoto inay garaadada dhulbahante iyo madaxdooda ka wardiyeeyaan airporka

  7. cali says:

    maalin walbo gaalkacyo dhibkeeda waa batey reer baraxleey waa in lakrbaasho dowlada puntland waa inay hurdada kakacdo hadaan hurdada laga kicin reer baraxleey gaalkacyo ayey lawareegayaan marka waxaan leeyahay dowlada puntland waa inay dadaal latimaado

  8. Baashane Vic .Australia says:

    Maamulka faroole Muxuu Gacmaha uga Labanayaa Xasuuq iyo Burcad Nimada Cabdi Qaaydiid Gaalkacayo Uu kawado. Faroole waa nin Daniisa Uun Puntland U jooga.Waxaan Ugu Baaqayaa Shacabka Puntland Inaay Is Difaacaan,Maamulka Faroolana Isku Halaayn.Waxaan aad Ug

  9. Laalood says:

    waxaana qabaa waxa sootuuraya madaafiicda ay yihiin qola dooneyso in ay isu diraan labada maamul oo maamuladu ay fahmaan oo ay iska qabtaan waxa qaska wadaa.

  10. gaalkacayo says:

    horta wixii dhacay waa dhaceen eebe baa qadaray lakiin kan ama naag wuxuu doono ha ahaado gaalkacayo iyo laascaanood waa dad dulqaad badan sidaa daraa deed baa keentay in wax lagu sameeyo lakiin waxaan kuu sheegayaa kan hadalada iyo qosolka qoray qosolku kuuma danbayn doono sabab too ah hadaad wax badan dulqaadatid dhibtu waa ku soo karaysaa ogaw markale baad ogaan waxaan dhacay waxy ku danbayn doonaa insha allaah hadaad ku qoslayso qof islaam ah oo dhibaato fulay nimo lagula kacay ogaw aakhiro iyo aduun kala badan reer laas caano iyo reer gaalkacayo alihii badiyay baa mahad leh saas lasoco maangaab baad tahay

  11. darmar says:

    gaalkacayo dadka kunool laascaanood kuwa jooga wax yar may dhaamaan kkkkkkkkkkkkkkkk

Leave a Reply