Gabay: Dilkii Sheekh Cabdulqaadir Nuur –WT Maxamuud Axmed Cabdalla(shiine)
February 21, 2013 // Announcement, OpinionDhammaan ummadda Soomaaliyeed waa salaamaynaa. Gabaygan waxa Abwaan Maxamuud Axmed Cabdalla (shiine) kaga qisoonayaa dilkii bahalnimada ahaa ee loo geystey Alwaalid-Sheekh Cabdulqaadir Nuur Faarax, oo Garoowe Masjidka Beder lagu dhex dilay. Gabaygan waxa abwaanku ku xusayaa Sheekha dabeecadihiisii, khayrbadnidiisii, isla markaana waa ugu ducaynayaa. Akhris wanaagsan, codkiina naga suga dhowaan.
Wuxu yiri:
Shuyuukhdoo la laayaa dadoow waa shiddiyo hooge
dilkii sheekh cabdulqaadir nuur yaa shalayta lehe
shalay bay ahayd goortiyay sharafkii toogteene
isagu naga shubyoo aakhiruu tegey shihiidkiiye
eebboow cilmiguu noo sharraxay nagu shafeecaadi
waa shay xaqoo geeriduye shebeg ma dhaafaane
shillal bay naftani saaran tahay shaaggu rogayaaye
Sharka iyo khayr aadamaha shuqulkii weeyaane
ninba sharaddii goortay gashay sheega badiyaane
shan haloo u gaaraan anigu shaahid u ahaaye
horta sheekh muftiya buu ahaa diinta shaac ku ahe
shareecada islaamkiyo dacwada aan la shaabihine
Hadalkiisu shaybuu ahaa qawl shucuur badane
Shaxda khayr lagama waayi jirin shaadir loo dhigaye
Eebboow nin sheekuu ahaa aannu sharafnaaye
shibbani iyo akhlaaqdiisibaan weli ka shawraaye
Shucuubtii jeclayd bay ilmadu shalalaxlaysaaye
Shaki fulay qabiyo muu ahayn gole ka sheexaaye
Qiso aanu kaa shaafiyayn sheele ma ahayne
Eebboow shuhaadadi carshiga sheekha ugu gee
shirka odayga nabadduu ahaa shaalka loo xiro’e
shilkii dhaca nin baajuu ahaa kii shiddayn necebe
Ficil kuma shareerayn xaquu shaammil ku ahaaye
Runta kii ka sheeguu ahaa xeer shuhuuba ahe
Eebboow shuhaadadi carshiga sheekha ugu gee
Bakhaylnimo laguma sheegi jirin shilinka raacdayne
Ma ahayn adduunyada shinsade maalku shidayaaye
Shaac iyo iftiinbaa wejiga kaga shaabbad kaga tiile
Sheeddana miskiin buu ahaa shacab ka soocnayne
Eebboow shuhaadadi carshiga sheekha ugu gee
Fudayd sharacallee wuxuu ahaa midaan ku sheegnayne
Shalaqlayn kumuu caan ahayn iyo shuraakowe
Beydkuu shaqeeye u ahaa sharafta hoygeede
Shukurkaaga eebboow hadduu shiicadaa yahaye
Eebboow shuhaadadi carshiga sheekha ugu gee
WT Maxamuud Axmed Cabdalla(shiine)
February 19, 2013
Email: mabdalle@gmail.com




Inaalilaah illaahey asagaa naxariis badanee janadii fardoowso haku geeyo kuwii dilkaaga ka shaqeeyana aduun iyo aaqiro alle haku ciqaabo. Alloow qayr badneydaa oo shar yareydaa wanaag badneydaa oo xumaan necbeydaa
Alle ha u naxariisto
waxad ku jirto hadadan ka bixin wax baad isku arkaysa
ilaahow naxariis sii adigaa awoodle
1hiyigayga kama baxo halacii dheeraye
2hareeraha markii aan deyo waayo hadalkii
3 waxaan aan habara kuwii heeray oo dilaye
4 alshabaab baabow hufdha oo halkaamo haro hanfiga naartiyo dufaano kugu habsade
intaad geesi naga disheen intaad calin naga disheen harti baa laydiin soo diraye ilahay halaag idiin bad waxaan udigaya beesha harti leelkase in la rabo in la laayo waa in aynu iska celina alshaab oo ah beesha isaaq horay hawiye usoo dhameeyeen waxba kama soo reebin war ka kaca oo aynu muujino wada jir puntland iyo konfur ini godane reerkiisu waxay jogaan dubai bishii wxaa ku baxa 50 oo darham waxay haysa w6 caruur ah waxaa u yar 3bilood meeshe ugu tagtay xagee jooga waxaan idiin sheegaya in ay tagto somaliland
waxad shektay waxa run ah.
Maxamuud axmed cabdalle,alle haku barakeeyo,waxaan ka markhanti kacayaa inaad wax runa sheegtay xaqana cadaysay iyo shiikh cabdulqaadir wuxuu ahaa waayo aqoon fiican ayaan u lahaa ilaa 1980,wuxuu ahaa adoon alle una guntanaa sidaad gabayga ku sheegtay mid had iyo goor looga bartay khayr iyo cibaadada Alle inuu ka shaqeeyo,xumaantana dadka ka reebo.waxaa dilkiisa ka shaqeeyey kuwo Alle halaagay aana garan karin qiimona ugu fadhiyin dadka bulshada qiimaha ugu fadhiya,waana in laga aarsado oo ummadda soomaaliyeed u gugtato sidii loo dabar jarilahaa kooxaha soo abaabula iyo kuwa taakuleeyaba dalka iyo dabediisana aan naxariis loo samaayn.