Dr. Gablax iyo Gen. Samatar oo beeniyay eedeymo uga yimid madaxweynaha Puntland
January 10, 2013 // Warar SomaalidGen. Cabdilaahi Saciid Samatar iyo C/raxmaan Sh. Maxamed Xasan (Gablax) ayaa iska fogeeyey eedo uu u jeediyay madaxwayanaha Puntland, taasi oo ku saabsan xiriir inuu ka dhaxeeyo siyaasiyiinta Puntland iyo kooxda Al-Shabaab.
(Halkan Riix si aad u dhegaysato Gen.Cabdulaahi)
Wasiirkii hore ee amniga Puntland ayaa sheegay inuu horay uga soo qaybqaatay dhismaha iyo difaacida Puntland aanay suurta gal ahayn inuu lasafto kooxo cadaw ku ah Puntland.
Idaacadaha ayuu sheegay inay si isku mid ah u siidaayeen hadaladiisa ku’aadanayd siyaasadda Puntland , balse aanay jirin idaacad Shabaab leeyihiin oo uu la hadlay.
Musharax C/raxmaan Sheekh Maxamed Gablax ayaa sheegay hadalka madaxwayna islamarkaana aanay mudnayn in loo jawaabo.
C/raxmaan Gablax ayaa tilmaamay madaxwayne Faroole inuu ku guul daraystay arimaha gudaha ee Puntland ayna jirto caburin uu ku hayo shacabka , kadib markii xilkiisu dhamaaday
Al-Shabaab ayuu tilmaamay inay ku jiraan hay’adaha amaanka ee madaxwayne Faroole.
Puntlandnews24 ayaa dhamaadkii bishii hore daabacday Laaluushka saxaafada inuu meel sare kaga jira Musuq-maasuqa Puntland , si shacabka dibadda ku dhaqan looga weeciyo xaaladda dhabta ah ee ka jirta Puntland
Hoos ka daawo cadaynta
PuntlandNews24





Shacabkamedia xitaa lacag buu Faroola siiyaa
Kulmis
Dumar Ayaad tahay Horta ??????
Hadad Dumar tahay soo dhawoow inadeer laakiin hadad nin tahay waan ku karbaashi ragiina naagahiina ayaa dhaama oo ka xiniiyo badan ,
Dhalin yaradii xaggee ka baxday? puntland idinkoo taagan ayaa la kala gadanayaa, waxaan idinkula talinayaa intaad midowdaan oo qabiilka iyo qashinka idinka buuxa ka baxdaan aayihiina ka tashada oo iska soo xula rag aqoon yahanno ah oo gorgortanka idiinka qayb gala puntland na badbaadiya, shir deg deg ah halla qabto oo adduunkoo dhan laga soo wada galo hana lagu doorto “Delegate” u dhoofa Puntland oo badbaadiya.
Waxaynu u baahanahay “New generation SYL”
Ku:Darwiishoow jooji Aflagaadada kana hadal Rayigaaga ku wajahan Isbedelka,Balse waa khalad Inaad u gafto,shaqsi ama webside ka shaqeeya danaha dadwaaynaha,marka adigu haku mashquulin qof wuxuu qoraay ee rayigaaga soo bandhin kuna cabir waayaha iyo jawiga Puntland ama laga Hadlaayo Sorry Baby?
Kkkkkkkkkkkkkkkk
Puntlandnews24 inikubma waxaad rabtaan mushahar mise mabda Ayaad ku taagan tihiin ??? Somalidii waxaa laga raacay wax la dhaho jealous ( maseer)
Waa inaad ku taagnaataan in Puntland la badbaadiyo lkn Ma aha inaad ku mashquushan lacagta hoos leykaga dhiibo , you should focused on change and save ,