Gablax: Faroole hanjabaada ha joojiyo isaga bir kama sameysnee !!

September 28, 2012   //   Warar Somaali

Musharaxa Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Dr. Cabdiraxman Maxamed Gablax ayaa waxa uu ka jawaabay hadalo hanjabaad ah oo Madaxweynaha Puntland Cabdiraxman Faroole saxaafadda ka jeediyey dhawaan, kuwaas oo uu u jeediyey ragga siyaasadda uga soo horjeeda.

Gablax ayaa xusay in loo baahan yahay in dadku ay fahmaan nidaamka Dimoqraadiyadda, iyo sida dadka ay u fahmi karaan si sax ah iyadoo aan dadka been iyo dayaacado loo jeedin, sida uu sheegay sida ay adeegsan jireen kaligii taliyeyaasha caalmka soo maray.

“ Axsaabi ma iman karto iyadoo dadkii baarlamaanka ahaa qabiil lagu soo xulayo, oo reer hebel ha keen sadeen iyo reer hebel ha keensadeen, ideology  iyo ma’bada ma ahan sidaas” ayuu yiri Musharax Gablax.

Waxa uu sheegay in nidaamka axsaabta uu yahay mid loo baahan yahay, balse uu maraa halkii loogu talo galay oo sax, iyadoo aan waxba lagu dulmin,waxba lagu xadin iyo weliba iyadoo aan loo adeegsan qaab ka baxsan sida sharciga uu qabo.

Xisbiyadda Puntland

Waxaa kale oo uu sheegay Musharax Cabdiraxman Gablax in xisbiyadda hadda looga dhawaaqay Puntland ay yihiin kuwa Madaxweynaha Puntland Faroole uu ula jeedo sida hadalka uu u dhigay Xukun kororsi iyo weliba wakhti dheeraysi

“ Axsaabta hadda uu abuurayo kama duwana midii Maxamed Siyaad, kama duwana midii Maxamed Xusni Mubaarak iyo Egypt kama duwana, inta keligii taliye ah waxa ay wadeen axsaab baa la abuurayaa, xisbi baa la furayaa ayaa dadka lagu mashquulinayey” ayuu mar kale yiri Gablax.

Cabdiraxman Faroole waxaa uu uga digay in uusan isku mashquulin arimo aan muhiim aheyn isla markaana shacabka aysan raali ka aheyn,  isaga oo xusay in Maamulka uu hadda dadka ku wareeriyey Indho Sarcaadis iyo been soo noq noqtay.

Sidoo kale waxa uu ku eedeyay in ay adeegsanayaan Daacayad ( Propaganda ) ay adeegsan jireen maamuladii hanti wadaaga ah,  isla markaana waxa ay keeni kartaa sida uu Musharaxa sheegay in dadka iyo dowladaba ay kala kulanto dhibaato, taasina ay tahay mid tallo xumo ah.

Tallo uu u jeediyey Madaxweyne Faroole

Gablax ayaa sheegay in Faroole wadankiisa laga soo dhaweeyay, wixii uu qaban lahaa uu qabtay,  laakiin uusan xilligan isku dayin in uu Puntand ka abuuro fowdo, isaga oo ku tusaale qaadnaya raggii ka horeyay meeshii ay mareen markii ay isku dayeen in ay Xukunka kororsi sameeyaan.

Gablax ayaa ugu dambeyntii waxa uu sheegay in Faroole loo baahan yahay inuu ku baraarugo halka ay haatan mareyso Puntland, iyo weliba in uusan eed iyo dhibaato uusan uga talin Shacabka reer Puntland iyo qoyskiisa.

Yuusuf Hajji
Puntlandnews
Editorial

COMMENTS

RSSComments (8)

Leave a Reply | Trackback URL

  1. suheyla says:

    waxaa somalidu tiraahdaa miro geedsaaran miro gunti kujira laguma badasho mid hadda cusub oo aynaanaqoon wuxuu galo waxaa inooka wanaagsan kan aynu garaneeyno wuxuu galo reer puntilandoow durduro geelbaa kujabaa layiri ,maanta xaaladu meel xasaasiya ayay mareysaa ninkaana siyaasadiisa aad ayay uhoreeysaa waana nin inoosoo dhicin karaya cadka aynu somali xaqa ugu leenahay waa nin aan cadkiisa lacunin ooreerahaan somalinimadu inakala dhaxayso lajeexjeexi kara dhinac walba aanna lahogaansankarin oo jara ogolayn halsano oo uu kudarsado waxba inama yeelayso haloo dulqaato iyadoo laga shaqaynayo nabadgalyadadalkeena iyo dadkeena siiba nimankaan labada gobol eemudug iyoqardho xageed dadka ugu soo hormareeysaan war xishooda oo madaxnimo jaceeylkiina kaliya hafiirinina ee hoos ueega dalka nabadgalyadiisaiyo dadkaba,weynu ognahay inuu dalkii baabi,yey oogaraad gaabnimadiisa garoowe wax kasta kukoobey wuxuu ilaawey in garoowe ayna dhisnaankarin dalka intiisa kale haduu baaba,sho.waxa uuaad ugu amaananyahay ayaa ah waxyaalaha aadka uah muhiimkasida siyaasada dibada ooay p/land aad ugaga horeyso somalida kale iyo laxisaabtanka fadaraalka,marka laabi laba ula.a haduu taa ka adkaadey waa nin nin dhaafey aan la dhayalsankarine maan sugnoaduunyo orod laguma gaaree.ugu dambeeyntii samraa sadkii helee inoo kaadiya halsano .p/land cadawgeedu waa badanyahay,haynoo jabinina cadawga meeshaad ogaydeen ayaynu waxkasoo biloownay dib haynoo kucelinina,fiirsasho la,aan madaxnimo jacayl.hunguri,qabyaalad.xafiiltan iyo xin waawaxa somaliyoo dhan halkaa kufuray.nimanka inta qurbaha kasoo madaxnimo doonta aan hooswaxba ufiirineeyn.dalburbura iyo dadna ayagu tiketkooda back ahaa watoow adeerayaal cagaha inoo dhiga.waloow sheekada faroole uu asagu bilaabey oo ahaa ninkii cadena dagaalka isu qaban qaabinayeey isaga iyo reergaroowe oodhami hadaan cade tagi lahayn dagaal baa kago,naa oowaan ogeeyn.cabdulaahi markuu kudarso islahaana waaba la,ogaayoo dagaalkuu qaadaey faroole 6qof ayaa kudhimateey faroolow adeer waxaad adigu shala sameeysay baa maanta ku haysta oo gar ayaa kugu oogane dib isugu noqo oo xataa hanjabaada jooji ee cududaar kale keen,dhaartaadiina veadiyoowgaaga balis daawo ,umadada qanci hadii lauu diidana tartiibudhiib hadii laguugu darana sanadka dewaa wanaagsan.

  2. gahayr says:

    WARBIXIN WAXAAN KU SOO ARKEYN PUNTLAND GAROOWE

    waa ina salaamay dhamaantin salan

    anigu waxaan ahay reer somaliland waxaantegay puntland 20 cisho ka hor hadan waxaan jooga garoowe walaahi waxaan islaah puntland waa meel hora martay run ahaanti waay hormartey xaga shacabka lakin waa shacab jecel horumarka lakin weli kama hormarin dhanka maamuulka waayo waxaan arkay waxaan idiin sheegayo hadan ka war bixiiiyo waxxaaan arkey waa waxaaad ogtihiiin dee maaqani sidaad u aragtaan waxaan soo xasuustay berigi xamar laga qaxay oo aay bilaamen dagaaldi sokeeye waayo waxaaan arkay

    1 gaarigi ku dhaafa waxaa saran dabley hubaysan waxaa arkeysa gaari walba waxaa ka soo jeeda qori 2 baabuurta biila taariko ah hadan weydiyey dadka waxaay ii sheegen in aay leedahay dowlda waliba in masuliyinta sare ee sida wasiirada taliyah cidamad madaxweynah iyo ku xigeenkisa iyo wiilsha madaxweynah
    3 baaburta beersoolka leh oo aan loo ogalayn shabaka lakin maamulka oo ah intii ansoo sheegay in loo ogol yahay in aay baabuurtoda ku dhegsadaan
    marka walaal xage ku aragten maamul isgu bilaabay fowdo oo rabah in aan baaburtisu lahay taariko anigu waxaan moodey markan arkay baaburtan bilaa tarikada ah waxaan moodey gari rabah in uu sameeyo mishin ee uma arag gaaricadi ah oo uu wato nin masuul ah hadan waydiiyey maxaay ugu xirten beersoolka isgan furen tarikada dowladu weliba haay adah amniga ugu sareyah waxa laygu saalayey waxaay ugu xirten issagana daayey tarikada waxaay ka baxaaqay alshabaab oo aay ka dhuumanayn oo meeshi aay ahayd in aay dhuumato alshababku miya dowladii dhumaneysa sidii tuugadi walaahi waayab dowlada bilaabaysa foowdada iyo wixii khalda ah oo aan loo ogalyn shacabka marka meeshas waxaa jooga shacab sharciyaqaan ah ee majirto dowlada waa niman qaatada canshuurtooda ee hada dhista dowlad sharci yaqaan ah fadlan maahi nin iska maagaya dowlad puntland ee waxaan ahay ninka hadlaay wuxuu soo arkay sheegay manrabo muran iyo in aan innal caytamo raalin ahaad waanku mahad santihin waqtiga aqristen qorkeygan wabilaahi towfiq

  3. runsheeg says:

    kan labaxay Riyo-Riyo DHalay iyo afnugaal, waa isku qof waana fuleyga qora oo isku bedbedala sedexda website ee kala ah garoweonline,puntlandpost iyo dunidariyooleonline, hala yaabina sadbursigii uu ubartey ayuu ubaqayaa waa kuwii faroole shalay indhaha ukala qaaday maamulna waxba kama yaqaaniinoo 2009 ayaaba waxakan ugu horeyey, waxey moodaan waxkastoo lagu koobo garowe in maamulyahay, waxey moodaan dhaqaalahii canshuuraha dekada iyo garoonka Bosaaso oo garowe laguwada shubo in maamulyahay, waxey moodaan qandaraaskii laga hormarsadey shirkadaha shidaalka oo gacanta loowada galiyo ilamaha faroole oo meel walba ku galgalata iyo beeshiisa hoose in maamulyahay, waxyaabaha lalayaabanyahay waxaa kamida garowe waxaa ku arkeysa mid jaahila oo shalayto baadiyaha dangoroyo laga keeney kaasoo agaasime maaliyadeed inta laga dhigey lacagbadan lagu aaminey kiina intuu dhar magaalo ka xirtey ayuu dabaq ka dhistey 4gaarina isku bedbadalaa waxaas ma maamul iyo cadaaladbaa? runtu waxa weeye musuqmaasuqa ugu weyn gayiga Somaaliyeed wuxuu ka jiraa maamulka faroole oo dhowr tuug beeshiisa hoose ah xaaraan ku naaxiyey kuwaas weeye kuwa maanta faroole taagersan 95% shacabka Puntland waa kasoo horjeedaan maamulka faroole ee fadhiidka noqdey, sidaasi darteed 1 maalin inuu kudarsado lagama yeelayo.

  4. Cali says:

    maadaama mudane cabdiraxmaan foroole,madaxweynah,oo keligiis ka joogo mudanayaashi road map ka kasoo shaqeeyey ta labaadnaa uu dadaal xoogle u galay in soomaaliya habka federaalka ku dhaqanto,waxaan oranlahaa isaga(c.faroole)haloodaayo marxaladdan inuu joogo oo sannad keliya maahine shanta sano oo soo socota loo doorto inuu faroole madaxweyne puntland ka noqdo.ninwalba oo jego qabta khalad iyo saxba wuu yeelankaraa laakin haddii maslaxadda la rabo waa in arigti dheer layeeshaa.saddexda walaalow idinku wareernaye is jiid jiidka iska daaya muufadu idinkay idiin karsantahaye.

  5. faarax says:

    puntland dhibka ilaahey ha ka qaado xukunka waa la is ku dhagan yahay madaxweyne faroole waxaan xasuustaa marka general cade xukunka hayey maalin walbo bbc ayuu ka qaylin jirey wuxuu dhihi jirey cade ma ku darsan karo hal maalin laakiin maanta tii asaga ayey heysataa walaahi cade muuse gob ayuu ahaa waqtigii loogu tala galay ayuu xukunka ku dhiibay aniga waxaan dhihi lahaa faroole haloogu daro hal sano marabno puntland in dhib ka dhaco faroole ha joogo inta siyaasada koonfur dhinac udhaceyso kuwaan hada qeylinayo faroole ayaa dhaamo boqolkiiba boqol faroole waa nin hawiyaha iska celin karo kuwaan meesha waxbo kuma hayaan

  6. afnugaal says:

    Ninkaan gablax ah iga dheh CARAYSANE waxaa u wannaagsan in horta mudug laga barto, wadanka ayuu ka maqnaa dhowr sano hadda aayuu rabaa inuu noqdo #1, puntland waxeey noqotay meel qurba joogto ay usoo madax doonntaan. waa in lagu bartaa horta, mudug baa waxey u baahan tahay nabad gelyo ee bal isku fiiri iyada. midda kale raga aad la sintay madaxweyne faroole ma ahan sidaas, isagu sadex sano ku dhowaad ayuu hada madaxweyne yahay, waa maxay dictator aad ku sheegaysid. hana marin habaabin adeer.

  7. biss milaah waan idin salamayaa dhaman shacab ka iyo madax da puntland ba waxan kuhad layaa afka dhalinta bellaha puntlan waxan soo dhoway naya murashaxiin ta utagan xilka jagada buntlan waxan waano iyo wac yigelin udiraya mamulka talada haya iyo shaqalihiisa kala duwan oo uu madax wayne c/rixman shikh maxamad ugu wan yahay shaqala ha dhaman tiin anagad wakiil naga tihin waxana horay wakilo noga somaray puntlan 2 madax wayne oo tarikh da puntlan kuxusan waxan kacod sanaya madax waynaha puntlad iyo latali yaya sha inay gartan danta dad ka iyo tan puntland ba waxan dhisanahay wakh ti 14 sano ah manta yan dib laynoo celin war kaygoo cad waxan lahad laya madaxa puntlan ader mudane madax wayne waxad naga mudan tahay cisayn wakhti adag na waad nala soo madhay inta kadib ma surtobi kadho xil kudar siga aad donay so in aad samay so khasaraha uukenayona waad qiyasi karta hadaba adoon wax qabad kagii iyo sharaf tadii aan bur burin si kal soni leh dorashada cusub uqabo ugana qayb gal si ad na aad uqanac do shacab kuna uqan co puntland wadegan beled wad na lasocotaa belaha inta badana way kaa dhagar tir sanayan mudane maxwayne si aan dib udhacii waynaa ee somaliya hara keyey ino wax yelayn dorashada wakh tigaan waa laga mamar man waxaana saxan saxadedu naso garay saa colad hada iska dhega tirto mahad sanidin reer puntlan oo mida insha allah baan eebe karajay naya iyo dawladoo dariiqa saxan shacab ka sadh oo musuq masuqa fogay sa is bedel ku walaga ma mar maan

  8. Libaax-libaax DHalay says:

    Gablax, raggii ka horeeyay ninna looma tilmaamo,khaasatan adigu qofna wax uma tilmaami karaysid,anigu marar badan baan ku arkay adigoo meelo ka hadlaya, talada aad Faroole u jeedinayso adigaa ka mudan.

    Faroole adeer wax kasta ha la sheego waxaan hubaa maalinka uu office-ka ka tago Puntland inay tabayso, tan kale hadalkaaga waxaad moodaa inaad adiga hanjabayso, xoogaa waxaa kaa muuqda inaad u quuri la’dahay inuu yahay madax-weynihii Puntland oo afkaad ka dhowr-dhowraysaa, waxaadna rabtaa inaad wax waaniso, u malayn maayo caqligaaga in maalin keliya laguugu aamni karo noocuu doonaba ha ahaadee xafiis dad u adeegaya.

Leave a Reply