“Gacan ka xaqdaran ayaa dishay marxuum Cabdilahi Saalax baaritaan ayaana lagu hayaa”Gen.Cabdi Samad Cali Shire
July 3, 2012 // Warar SomaaliDowladda Puntland ayaa sheegtay inay socdaan baaritaano lagu soo qabanayo dadkii ka dambeeyay falkii lagu dilay allaha ha u naxariistee taliye kuxigeenkii ciidamada booliska Puntland Gaashaanle Sare Cabdilaahi Saalax Maxamed oo xalay kooxo hubaysani ku dileen magaalada Garoowe.
Madaxwayne kuxigeenka ahna kusimaha madaxwaynaha Puntland Gen.Cabdi Samad Cali Shire oo shir jara’id ku qabtay magaalada Garoowe ayaa dilka taliye kuxigeenka loogu gaystay Garoowe ku sifeeyey arin ugub ku ah magaalada Garoowe, waxaase uu sheegay madaxwayne kuxigeenku inay socdaan baaritaano ay hay’daha amaanku ku ogaanayaan dadkii dilka fuliyay.
Dhagayso Codka M/wayne kuxigeenka Gen Cabdisamad Cali Shire
AHUN taliye Cabdilaahi Saalax Nadaaro ayaa maanta aas ay ka qaybgaleen masuuliyiinta Puntland waxaa loogu sameeyay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.
Puntland-news24
Garowe.




dawladu hadii ay keeni waydo dadka waxdila waa inay dadka usheegtaa inay fashilantay si dadku isugu tashado oo aan laysu gaadin
puntland miyeesan lahayn ciidamada nabad sugidda waan yaabanahaye .hadday leedahay ciidamada nabadsugidda kuwaasu waa in qashinka lagu daraa hawshii looyagleelayna waa khasaaro waa in labadalaa oo lakeenaa rag aqoon iyo khibrad intaba leh , haddaba puntland waxay leedahay cadaw khatara oo aad iyo aad khatar ku ha dhaqaalaha iyo nabad galyada intaba ,puntland ma u’baahna ciidamo millatariya oo furin kadagaalama difaac mooyee laakin waxay u baahantahay ciidamada nabad sugida oo cadawga khatartaa oo hareeraha puntland kasoofaafaya oo gudaha kujira ,maahan shabaab kaliya , rabana in nabadgalyada dadka puntland iyo dhaqaalahoodaba inay irridda isugu dhuftaan oo dadka aqoonta leh iyo ganacsatadaba kaqaxaan puntland,gabagabadii waa arrin khataru kasoosocoto inta goorgoorutahayna haddaan wax laga qaban gudcur kudambeendoonta ..yaa allaah yaa salaam
waxaan tacsi udirayaa eheladii taliyuha u ka geeriyooday iyo dhamaan shacabka puntland waxay mudo ku doodaysay dawlada puntland marki qof bulshada ka mid ah ladilo baaritaan baan wadnaa meel uu ku dhamaado baaritaankaa aakhirka cid og ma jirto ilaa hada dad badan oo loosoo qabtay dadki puntland lagu laayey ma jirto oo maxkamad la horkeenay weli dawlada faroole waxay aad ugu fashilantay dhinaca amaanka
War Puntland ma waxay noqotay kawaanka ee xamar oo kale???????
dadka intay laayaan beey leeyihiin waa tacsiyeeen wale far baa ku godan faroole iyo maamulkiisa qof xilka laga qaadayo maalin kadibna ladilayo cajiib