Galmudug oo sheegtay is afgaranwaa inuu ku dhamaaday wadahadal ay la yeesheen Raisulwasaaraha [Dhegeyso]

March 13, 2013   //   Warar Somaali

Maamulka Galmudug ayaa sheegay inuu isaf-garanwaa uu kusoo dhamaaday wadahadal ay la yeesheen raysal wasaaraha xukuumadda Soomaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid xill uu booqday koonfurta Gaalkacyo ee Galmudug.

Wasiirka warfaafinta Galmudug Axmed Baasto

Wasiirka warfaafinta Galmudug Axmed Baasto

Wasiirka warfaafinta Galmudug oo saxaafadda u aqriyay warsaxaafadeedka ayaa sheegay Galmudug isafagarnwaa inuu ka dhashay qodobo ka mid ah dastuurka dowladda faderaalka Somaliya iyo Galmudug.

Waxaa uu ku dooday maamulka Galmudug inuu buuxiyay shuruurihii looga baahnaa maamul goboleed islamarkaana uu ka arimiyo gobolada Galgaduud iyo Mudug.

Dhagayso Axmed Baasto Wasiirka Waraafinta ee Galmudug

Play

Hadalka wasiirka warfaafinta Galmudug Axmed Baasto marka laga yimaado warar qaar ayaa sheegaya Galmudug inay ka codsatay Raysal wasaaraha iyo wafdigiisa inay la galaan heshiis la mid ah kii uu Garowe kula saxiiday Puntland.

Raysal wasaaraha ayaa sidoo kale la sheegayaa inuu taasi ka cudurdaartay isagoona Gaalkacyo ku tilmaamay inaysan yeelan karin laba maamul ayna ku biiraan maamulka ay dariska yihiin ee Puntland.

Puntland-News24.

 

COMMENTS

RSSComments (8)

Leave a Reply | Trackback URL

  1. Gacaliye says:

    Bro Pasto,
    2 gobol iyo wixii ka badan baa maamul goboleed noqon kara ee 2da gobol oo aad haysataa waa kuwee? Koofurta Galkacyo (Baraxey) iyo dhawr tuulo oo koofur ka xiga.

    Anigu maba aqoonsani in dadkeena Somaliyeed meelo kala leeyiin, balse ha is indha tirin.

    Adoo Somali ah waxaad xaq u leedahay inay Bosaaso,Berbera, Hargeysa,Lasaanod Xamar, Garowe, B/weyne, Kismaayo, Baydhabo, Xudur ama Dhuusa mareeb etc dalkaaga yihiin!

    Dastuurkani waxaa loo sameyey inla qaboojiyo fool xumadii iyo masiibadii dalkeena ku dhacday ee ogsoonow.

    Waa xalka kaliya oo maanta la helay, berina midka fiican baa imaan doona, ilaah idanki ee is deji.

  2. Habargidirey toobiyaha wirwir beenaad ka inaad ku joogteen waa ay iska muuqatay!!! Dani waa sete hadiyo waxdan kuu ah kusoo biir maamulka dhulka udugga (puntland) shuruud la, aan iyadoo aan oganahay taariikhdii dhoweyd in Magaalada hobyo ay katirsanayd puntland , inaad kusoo biirtaan maamulka punttland waxaanu kawarsugnaaba waa lafta sacad ee taladda habargidir gooya.

  3. geele says:

    indha adaygii reerka lagu yaqaan ba socda
    2 gobol ay xukumaan xagee weeye ?

    war xaafada wa inaad kudartaan dhulkeeda

    midaada kale gobolada dhexe xata hadaad raacdaan ogaada waqooyi galgaduud h/gidir asna raaci maye

  4. wadani says:

    HADII WAX LAGUU SHEEGI JIRAY LAGUUSHEEG IN KUGU FILAN HADII AAD RABTO XABADNA WAAD HELAYSAA EE HADAAD MAAMUL RABTO AAD HOBYO OI MAAMUL KA DHIGO BARACLEEY
    MAAMUL KUU NOQON MAYSO GAALKACYANA
    LABA MAAMUL MAQAADO EE ORODOO
    DANYEELO

  5. Puntlands 1 says:

    TO: Axmed Baasto. Boowe waxaad iska indho tiraysaa Dastuurka dalka u yaalo,Dasuurka Dalkana qofkii yirahda isaga ayaa daalaya. marka waxaa haboon jidka R/Wasaaruhu kuu soo jeediyey waa jidkii lagu heshiiyey,waana sida sharciga ah waayo? Dawlad Goboleed waxaa Noqon kara 2 Gobol iyo wixii ka badan Ee xaafad iyo 2 degmo Dastuurku maqabo. xuquuqna ku helimaysid ee dadkaaga dhinac ka raac ama Galguduud iyo Hiraan raac ama Puntland ku biir, sharciga iyo dastuurku dadka ayuu u dhexeyaa ee maaha mid shaqsi iyo koox gacanta ugu jira sidaad doonaana ka yeelikara,waxayna Bulshada soomaaliyeed ku leedahay Hurdaayoow toos !!!!!!

  6. Najma Naji says:

    firiin Ahmed basto gaalkacayo waa hal gobala mana jiraan waxa layirahado galmudug ee hadad maamul kale rabtit waa in aad hobyo aadaa

  7. wadani says:

    QOFKA WAA INUU GARTAA WAXII MACQUUL AH EE AAN WAX MACQUUL AHAYN LAGU SHEEKAYN
    GAALKACYO LABA MAAMUL AAN U SAMAYNAYNAA AA HADAAD MAAMUL
    RABTO HIBYO LA TAG EE QOF KORKIIS MAAMUL
    LAGAMA DHISANKARO
    XAAFADA BARAXLEY MAAMUL
    IYO WASIIRO AAN U SAMAYNAA
    WAX CAQKI GALI KARO MATAHAY
    HADAAD QOF CAQLI LEH WAYDIISO WAA
    MAYA QABDIID IYO KUWA LA MID AHI
    SAAS BAY QABAAN YAAB
    WAA CAQLIGII AAD XAMAR KHATKA CAGAARAN AAD ULA TIMID
    BAAD GAALKACYANA UU LA TIMID EE ORDAHA DANYEESHA

  8. Kkkkkkkk Caasimada. Galmudug. Ee. Baraxley galkacyo. Kkkk. Axmed digir. Maxishootidoo. Galgaduud iyo mudug. Kama talisidee.

Leave a Reply