Ganacsatadda Booyadaha Biyaha Qardho oo Shaqo joojin sameeyey
February 22, 2012 // Warar Somaali
Shaqo joojintaan ay sameeyeen ganacsatadda booyadaha biyaha ee Qardho,
ayaa aheyd mid timi ka dib markii ay sida ay ganacsatadda biyaha
sheegeen kor loo qaaday lacagtii biyaha lagu dhaamin jiray.
Qiimaha Mitirkuubaha biyaha ayaa horey waxaa uu ah Qiime dhan 1.3 $ Us
dollar kaas oo haddana laga dhigay 1.75 $ Us dollar, taasina ay
keentay in ay mudaharaad ka sameeyeen.
Waxaa socda shirar ay leeyihiin qaar ka mid ah ganacsatadda booyadaha
biyaha iyo weliba masuulyiinta shirkadda biyaha ee Qardho, taasi oo
lagu doonayo in lagu xaliyo khilaafka soo kala dhex galay.
Dhan kalena Duqa Degmadda Qardho Maxamed Siciid Ciise ayaa ku jira
sidii xal looga gaari lahaa khilaafkaas,iyadda oo booyadaha biyaha ay
intoodii badneyd saakay yaalaan irida hore ee Dowladda Hoose ee
Qardho.
Wararka qaar ayaa sheegaya in leysku afgartay in Saddex cisho ka dib
leysugu yimaado kulan kale oo loogu xalinayo arintaan, iyaddda oo laba
dhinaca ee ganacsatada iyo shirkada aysan ka hadlin arintaan, maadama
ganacsatadda biyaha aysan laheyn hogaan u gaar ah.
Xiriir aan la sameynay Masuulyiinta shirkadda Hodan ayaa noo suurto
gali wayday ka dib markii ay ka jawaabi waayeen telephonka gacanta ay
wataan, hasse yeeshee cabshadana ayaa aheyn midii koowaad iyadda oo
sidaan oo kale sanadkii hore cabsho ceenkaan oo kale ah ay u sameeyee
Puntlandnews24.com
Qardho,Somaliya



waa yab in qimaha shidalka kor uu koco waxaa keenay aduunyada qiimaaha kor ugu kacay mana keyniin qardho iska dulqada waxaa ku nool ilmahiin iyo hooyayinkeena dulqad uu sameeya naxariis biyo laan waa nolol laan
Waxaa laga yaabaa in qiimaha. Shidaalku kor u kacey
markan aragno waxan oo kale runti ad ayey noo murugo galinaysa wayo mahan wax wanagsan in shirkadahan ay shacabka malin kasta ay cirka ugu qadan qiimaha biya iyo sido kal konontada wayo labaduba wa asaasi nolosha shacabkasta oo meel dagan walida adunka wa ka mamcnuc in ay shacab gacanta ugu jiran wayo waxan waxa loo gu tala galay in ay dowladi mamusho oo ay kabto wayo mahan wax laga radiyo faaido ee wa wax dadwaynaha loo gu khidmeeyo lakin waxad moda in aynu anagu kadhignay maherad ganacsi kasii darankuna ay tahay in malin walba qiimihii kor loo wado waxas loo ma dul qadan karo wa in wax laga badala waxayna utala arintani shacabka gobolka….
BIyala aan waa nolola an.
oo ceelashii waaba labadiyey ee maxaa dadka biyaha loogu qalisiinaya? dadka ha u dilinina haraad shirkadiina mahee.