Garoowe:Booliska oo sheegay inaan weli dad loosoo qaban dilkii taliye kuxigeenkii hore ee ciidanka
July 4, 2012 // Warar SomaaliTaliyaha saldhiga dhexe ee magaalada Garoowe ayaa maanta sheegay inay weli socdaan baaritaano lagu soo qabanayo dadkii ka dambeeyay falkii arxandarada ahayd ee habeen hore lagu dilay taliye kuxigeenkii hore ee ciidamada booliska Puntland C/laahi Saalax Nadalo.
Dhamme Aadan Muuse Jaamac oo isagu ah taliyaha saldhiga dhexe ee Garoowe oo maanta saxaafadda la hadlay ayaa sheegay inay weli laamaha amaanka Garoowe ku raad joogaan soo qabashada dadkii ka dambeeyey dilkii marxuum Cabdilaahi Saalax Nadalo.
Waxaa uu rajo wanaagsan ka muujiyay inay soo qaban doonaan dadkii falka taliyaha lagu dilay ku lugta lahaa,isagoona sheegay baaritaanada socda marka lasoo gabagabeeyo inay shacabka usoo bandhigayaan.
Marxuum Cabdilaahi Saalax Nadalo ayaa shalay lagu aasay duleedka magaalada Garoowe, dilkiisana waxaa uu kusoo beegmay maalmo kadib markii laga qaaday xilkii taliye kuxigeenka booliska Puntland.
Yuusuf Haaji Nuur
Puntland-News24
Garowe.



liii gaaas Siliclander,
waar dee waxaad leedahay soomaalida ka mid ma ahi, marka suaasheydu waa:
Doqon’yahow maxaad noogu soo gur’ya noqonaysaa, KKKKKKKK?
Waar orod oo ku matag websiteyada Silicland, KKKKKK!!
kudayo puntiland maxaan kudaydaa mabudh cadbadeeda ayaan kagaday daa walee waan aragnaa hakaad kudan baysaan kkkkkkkk
marka hore waxaan salaamayaa shaqaalaha warbaahinta pn24 intaas ka dib waxaa cad in dilka taliyaha uu lug ku lee yahay madaxweyneku xigeenka Puntland waa sida ay qabaan 90% shacabka reer puntland marka yaa laraadiyaa oo loosoo qabtaa?
waa qaldanyihiin waayo maahan arrin boolis waa kaculustahay arrin boolis waayo waaqarandumisnimo dhaqaale iyo nabadgalyo intaba waxayna u baahantahay kiiskii gaalkacyo kii alle ha u’wadanaxariistee kii taliye kuxigeenka booliska waa arrimo u baahan inaan laga harin oo ciidanka nanadsugidda aay meel kasta uugu dhacaan gacantana kusoodhigaan dhiigyacabadii haddii kale meel kasiixun bay arimuhu kudambeen doonaan puntland oo dhan..sc