Garowe: Sadex ka mid ah ciidamada Puntland oo xukun xabsiyo lagu riday
April 28, 2012 // Warar SomaaliMaxkmadda ciidamada qalabka sida ee Puntland ayaa maanta xukuna xasbiyo ah ku riday askar katirsan ciidamada Puntland oo lagu soo eedeeyey inay gaysteen fal-dambiyeedyo kale duwan.
Xeerilaaliyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Puntland C/kariin Xasan Firdhiye ayaa u sheegay saxaafadda sadexda askari oo ee la xukumay inay kala ahaayeen Axmed Daahir Buraale oo ka tirsanaa ciidamada bilayska Garowe, waxayna maxakamadu ku riday xukun hal sano ah kadib markii lagu eedeeyay xil gudasho la’aan dhinaca waajibaadka shaqada.
Sidoo kale maxkamada ayaa xukun 7 sano ah ku riday Maxamuud C/raxmaan Cismaan oo lagu eedeeyay in uu ku kacay falkufis ah oo ka dhacay saldhiga dhexe Garowe, halka xukun 2 sano ah lagu riday Aadan C/laahi Guuleed oo lagu eedeeyay in uu lunsaday hubkiisii shaqo.
Xukunka kadhacay maxkamadda ciidamada qalabka sida Puntland faraceeda magaalada Garoowe ayaa looga danleeyahay in la dhowro habka dhaqanka ciidamada ee shacabka.
Puntland-News24
Garoowe.


