Garowe: Eedaysane u dhashay dalka Yemen oo xukun dil toogasho lagu riday

October 23, 2012   //   Warar Somaali

Muwaadin u dhashay dalka Yemen ayaa lagu riday xukun dil toogasho ah kadib markii lagu helay inuu hub loo waday Al-Shabaab uu soo galiyay deegaanada Puntland.

Ninka la xukumay oo lagu magacaabo Saalax Cafiifi Camuud ayaa laga soo qabtay deegaan xeebeedka Xaabo ee gobolka Bari bishii July.

Gudoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida Puntland Axmed Xuseen Bootaan ooxukunka riday ayaa sheegay eedaysanaha in loo cuskaday qodobada 233 oo ah kan xeerka ciqaabta iyo qodobka sadexaad ee ka dagsan sharciyadda argagaxisada caalamiga.

Ninka xukunka lagu riday ee u dhashay dalka Yemen ayaa sidoo kalle lala soo bandhigay hubkii lagu soo qabtay oo rasaas iyo waxyaabo qarxa isugu jirta, waxaa gudoomiyaha maxkamadda uu sheegay inuu qirtay inuu hubka u waday Al-qaaciidda oo uuna ka mid ahaa.

Bilihii lasoo dhaafay waxaa sii xoogaysanayay xiriirka Al-Shabaab iyo Al-qaacidada dalka Yemen u dhaxeeya, markii AL-Shabaab ay ku biireen Al-Qaaciidda.

Puntland-News24.

COMMENTS

RSSComments (5)

Leave a Reply | Trackback URL

  1. Gacaliye. says:

    kazi wenge @,
    eygaan waa toogay, wayo isagaa ku tala galay in masaakin Soomaaliyeed la xasuuqo ee sheeko kale ma haysaa, walaal?

  2. kazi wenge says:

    fadlan ha dilinina ninka yemeniga ah sababta oo ah yemen iyo puntland waxaa ka dhaxeeya xiiriir ganacsi oo mudo dheer soo jiray. marka waxaa fiican in la hayo ninka hadii dan naga soo gasho yemen si aan ugu gorgor tano.ama u dhiiba dawlidiisa iskana dhiga dad sharafleh oo aan ku xadgudmin qof ajanabi ah xataa haduu danbi idin ka galo.dilkiisa wax micno ah maleh waana qof muslim ah nolosha ayaa faa iido ku jirtaa.balse hadaad rabtaan in aad gaalada ku qancisaan oo aad dishaan nin miskiin ah oo lacag yar ka sameynayey waxa qarxa ama rasaas ah waa wax qaldan and allah subxaana watacalaa will ask you the day of judgement. how you treat this yemeni brother.puntland news24 if you read this fadlan warqad u qor puntland athority and tell them to keep the man sababta oo ah dilkiisa wax faaiido ah uma laha shacabka puntland. note: pn24 reads if you agree with me guys do something to safe that man:)mr kazi wenge

  3. xiriiro man says:

    waaw viva faroole saas ayaa loo xukumaaa khawariijta viva puntland viva carmo %%% allow nabada noosiyadi amiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiin

  4. dhuxul says:

    bravo dawlada puntland waa in latoogta si ay ugu quus qaataan kuwa kale ee hubka soo gelinaya puntland wanka ilaa lagawraco indhihiisu cirka ma arkaan hadii xukunka laga dhabayyo qof kasta waxay u noqonaysaa in ay ku quus qaataan in mesha naxariisi oolayn gaar ahaan ajnabiga hubka iskaga soo daldalaya somalia wadankasta waxa uu leeyahay reer dadka kalahaga

  5. Gacaliye. says:

    Bravo Puntland, let the word reach the international crime syndicate called Al Qaeda, Al shabaab and al FUCK that PL is not a region to comitte crime and get away with it.
    Ninkaa’nina Cadaabka haku booqdo ina adeerkiis Usama Bin “Garac” KKKKKKK!

Leave a Reply