Gen. Cabdilaahi Saciid Samatar wasiirkii hore ee amniga Puntland oo ka hadlay xaaladda Puntland[Dhagayso]

January 31, 2013   //   Warar Somaali

Gen. Cabdilahaai Saciid Samatar wasiirkii hore ee amniga Puntland marna noqday taliyihii ugu horeeyey ee ciidamada booliska Puntland ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee Puntland oo wali xukuumadda iyo siyaasiyiinta mucaardku aysan wax isafagarad ah ka gaarin xaaladda siyaasadeed ee Puntland.Gensamatar

Gen. Samatar ayaa sheegay in wixii kadameeya iminka aysan ahayn mucaarad balse ay yihiin gole dhisan oo badbaadinaya Puntland, isagoona raaciyay in xiligani mucaarad lagu sheegi karo cida sida sharcidarada ah uhaysa xukunka Puntland.
Samatar ayaa mar lawaydiiyay sida ay ulamuuqato ururada siyaasadeed ee kahanaqaday Puntland waxa uu kujawaabay in xiligani ay umuuqan dariiq Puntland loogu hagi karo nidaam dimuqraadiyadeed isagoona usababeeyay inay kahorayso samaynta axsaabta in latirakoobo dadweynaha, lasugo xuudadaha, la ilaaliyo xuquuqda hadalka waxana uu sheegay  intaasoo dhan inaysan kajirin Puntland .

Dhinaca Gen. Samatar ayaa soo hadal qaday shir ay yeesheen isaga iyo madaxweynihii hore ee Puntland Gen. Mxamuud Muuse Xirsi, waxana uu sheegay inay kawada hadleen arimo khuseeya siyasada Puntland, waxana uu sheegay inuu faray inay layimaadan deganan si aan loo waxyeelayn ammaanka Puntland ayna kasugayan jawaab ku aadan dowrka uu kuleeyahay nabadynta Puntland.
Hadalkaan kasoo baxay Gen C/laahi Siciid samatar oo kamida siyasiyiinta ugu cad cad ee dhaliilsan xukuumda talada Puntalnd haysa ayaa noqonaya kii ugu horeeyay oo uu saxaafada kasheego tan iyo wixii kadameeyay 8-January oo u sheegay inuu ku egyahay wakhtiga xukuumada talada haysa

Waraysiga oo dhamaystiran halkaan hoose kadhagayso.

Play

Puntland-News24.

 

COMMENTS

RSSComments (8)

Leave a Reply | Trackback URL

  1. Degmada Carmo Gobolka bari says:

    Jeneraale waan Cabur sanahay,waxaa nalagu khasbaa banaan baxyo iyo Taageero khasaba,Jeneraale dalkeenu wuxuu u baahan yahay Bad baado qaran,Jeneraal dadka Reer Puntland waxaa larabaa in qabiil qabiil laysaga horkeeno,waxaana kagaga bad baadikarnaa inagoo gacmaha is qabsana kana hortagna faroole iyo haraadigiisa.

  2. Farah Farah Boosaaso says:

    jeneraalku wuxuu ka hadlay wax aad iyo aad u wanaagsan waana ku taageer sanahay,meel aan joognaba,waana arin geesinimo leh qodobada uu ka hadlay,loona baahan yahay kuwa daahyaada ku lamaan inaay ku daaydaan,jeneraal samatar waa nin kii dhisay Booliska Puntland,waa ninkii baabi’iyey ninmarkii ciidanka ka soo toogan jiray deishadaha maantana puntland madaxda ka ah oo magarafoonada jereralka ka caynaya,loose joojin maayo Hayaanka dib u soo noolaynta puntland,wax walbo lagaga hortagikaro ayaana lagaga hortegayaa,faroole iyo kuwa daahyada ku gabanaaya kana shaqeeya bur burka iyo dhaca canshurta laga soo urursho dadka danyarta ah,debedahana la gaysto,aana ognahay in lagu dhacay dalka jabuuti oo maanta faroole nin fiyoowna ahayn nin waalana ahayn,nin walba taariikhda ayaa xusi doonta??????????????????????????????

  3. Kulmis 1 says:

    KU: Geele Geedi Maandhoow Khamriga iska yaraay,Kolay haddaa Alle ka cabsan wayday????

  4. Kulis 1 says:

    Waa haawl aad iyo aad u wanaagsan,shaqada aay wadaan gudiga dubudhiska puntland,waxaana mahadeeda leh alle iyo ragga isu xilsaray,waxaan ka sugnaa waayagoo tukhun tukheeya haraadiga aaran jaan ee nafla caariga ah,Gabaadkana ka dhiganayaa Bur cad badeed uu sharciyeeyay una bixiyey ciidakna badda? jeneraale waan kula jirnaa kaamana fogin hiil iyo hoona waan kula garab taaganahay,puntland markaa dhisaysay faroole wuxuu ka qaaylin jiray dariiqyada,nin walba wuxuu yahay waa la yaqaan,doqona ma qarinkaro.waxaana leehanay puntland nin maleh eed dad baa leh waana laga xoraayn aaran jaan iyo bur cad badeeda daayhada ku lamaan.

  5. Ahmed farah says:

    Waxaan ku rajo waaynahay,in jenraal samatar iyo maamulkiisu aay puntland u horseekaraan,horumar iyo barwaaqo aayna ku soo celiyaan puntland sidii lagu yiqiin beri samaad,waxaana jeneraalka kula talinaaynaa inuusan ka daalin horumarka iyo waxq

  6. baaf says:

    Adeerkeey waan ku salaamay jenaraale salaan baan kuu taagay adeer xisbi noo fur aan kugu raacno mucarad ah, dadka hanaga reebin. Markaa baan codkeena dhiiban karnaa haa ama maya heleenaa, waana sidee reer Qardhood ayagaa xadaarada lagu sheegay iyo qadiyadda Puntland asaaskeeda sal u ahaa, marka magac meesha aan ku lahaano aan ka muuqano ama aan iskaga maqnaano adeer. Hadii kale waxaan jirin baanu noqoneenaa.

  7. Geele Geedi says:

    We don’t need fake generals like Samatar or corrupted idiots like Faroole on his way back to Australia.

  8. cali says:

    wadankan puntland aqoonyahankisaa ladooranayaa sida raga hogaamiya midnimo oo wadankan wax ubartay askari danbe majiro drsaadiq iyo ragaas baanu dooranaynaa shacabkan waxa xukumaya ciday doortaan puntlandna cid wax kaqaadikartaa majirto viva puntland

Leave a Reply